Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Aqoon Korodhsi | 

Tusmada Aqoonta Guud

Hordhac

Ina Sanweyne


Soo Socda

Soo Socda

Soo Socda

  Aqoon Korodhsi

    Halkan waxaynu ku soo bandhigaynaa aqoon guud oo sida aynu jecelnahay u badnaan doonta mahadhooyinkii dadka ugu caansanaa ama leh mahadho la taaban karo oo saamayn ku leh nolosha Soomaliyeed ,kuwaasoo aynu had iyo jeer u soo qaadan karno inay tusaale u noqon karaan ummada,
Ina Sanweyne

Kumuu Ahaa: Ina Sanweyne

Ummad waliba waxay leedahay dad ay ku faanto oo taariikhdeeda meel wanaagsan ka galay wax weynna ku soo kordhiyey dhaqankeeda iyo hiddaheeda. Hab nololeedka dadka Somalida ee ku salaysan reer guuraanimada ayaa ah mid aad u adag oo u baahan adadayg dheraada. Dhaqanka reer guuraaga oo keena in beelaha kala duwani ay marar badan isku dhacaan marar kalena ay si nabadi ku jirto u dersaan una wada dhaqmaan, ayaa ah mid hodon ku ah suugaanta noocyadeeda kala duwan. Taariikhda raggii iyo dumarkii hore ee Somalida waxa samayn weyn ku yeeshay dhaqankaa ay ku noolaayeen, waxayna noqdeen kuwo lagu xasuusto sugaantooda ama dagaalyahanimadooda.

Waxase la yaab leh inuu jiray nin isagu ka duwanaa dadkaa hore oo dhan oo in kastuu ku dhashay kuna barbaaray dhaqankii reer guuraga la soo baxay sumacad garyaqaanimo iyo caadilnimo oo raad weyn ku reebay hadal haynta cadaalada iyo eex la'aanta. Ninkaas oo ah mid ay Somalida inteeda badani maalin walba maqasho hadal uu reebay waxuu ahaa "Ina Sanweyne". Waa ninka marka laga hadalayo garta adag ee la saari waayo Somalidu ku tiraabto" Ina Sanweyne U gee", waa ninka abwaankii Soomaaliyeed ee ka hadlaayey gar adkaatay uu lahaa " Garta Ina Sanweynaa Loo Geysan Jiray".

Inkastoo ninkaa magaciisu yahay mid laga yaqaan meel kasta oo qof Somaliyeed joogo haddana dad badan ayaa isweydiiya kumuu ahaa ninkan Ina Sanweyne la yidhaaho ee mar walba lagu halqabsanayaa.


Bilowgii Noloshiisa:

Ina Sanweyne oo magaciisa buuxaa uu ahaa Faarax Maxamed Yusuf waxa uu ku dhashay Murriya oo ku taalla degaanka loo yaqaano Guban oo ah dhulka ballaadhan ee uu dhexeeya xeebta Badda Cas iyo buuraleyda Golis. Waxa lagu wadaa inuu dhashay wakhti ku beegan sanadihii u dhexeeyey 1790-1805'kii. Faarax waxa uu ka dhashay qoys xoolo dhaqato ah oo reer miyi ah.

Xilliga uu Faarax hanaqaaday oo ahaa xilli ay beeshiisu ku jirtay socdaal (migration) ay ugu soo gudbayaan dhulka loo yaqaano Oogada ee koonfur uga soo rogan buuraha Golis, socdaalkaas oo sababay dagaalo aad u ba'an oo dhex mari jiray beeshiisa iyo beelaha kale ee ku hareeraysan ayaa saamayn weyn ku yeeshay noloshiisa iyo dhaqankiisaba.

Xilligaa uu kacay iyo deegaanka uu ku dhashy Faarax wuxuu ahaa mid wax kastaa ku xidhnayeen waxa ninku la soo baxo iyo sida uu u waajaho waayaha adag ee hor yaallay.
Iyada oo ay arrintu sidaa ahayd ayaa waxaa beesha Faarax ka tirsanaa ka kacay rag isku da' ahaa oo u hawl galay sidii ay ku hanan lahaayeen hanti ka fiican tii ay markaa haysteen siiba geela iyo fardaha oo qaali ku ahaa dhaqanka reer guuraaga. Waxay kaloo raggaasi u hawl galayn sidii ay uga midho dhallin lahaayeen in dhulkii lagu noolaa laga diga rogto oo oogada loo baxo.

Ragga Faarax ay isku mar kaceen waxa ka mid ahaa:

1. Cabdi Fadal
2. Seed Cawad
3. Jaamac Xaashi
4. Cigale Dameer
5. Axmed Koore Jaan
6. Maxamud Farax Burale

Raggass oo marka taariikhdooda laga sheekeeyo ahaa niman ku caan baxay geesinimo, dagaal jacayl iyo aftahnimo ayaa horseed iyo abaanduulayaal u ahaa beesha. Waxay ahaayeen niman had iyo goor ku foogan dagaal ay kula jiraan beelaha degaankooda ku haraysan iyaga oo is kaashanaya, marmarka qaarkood ay iyaga laftoodu isku dhici jireen.

Waxa dad badan oo faca hadda jira ka mid aha oo aad u yaaqaaana taariikhda nimankaas aan kor ku soo sheegnay is weydiiyaan cidda nimanka iyo dadka kale kala badbaadin jirtay iyo cidda iyagu marka ay isku soo jeestaan kala guri jirtay. Ilaahay isagu waa xaqsooree, wuxuu dadkaa ku dhex abuuray Ina Sanweyne oo ahaa maxkamdda mar kasta oo dhibaato timaado loo eersan jiray ee ku kala dhexjirtay raggaas.

Faarax Sanweyne isaga oo weli nin yar ah ayaa la dareemay inuu leeyahay haybad ilaahi ah. Waxa uu markiiba noqday nin loogu yeedho dhexdhexaadinta iyo u gar qaadista cidii is qabata. Waxa la dareemay inuu yahay nin murti badan oo gar yaqaana oo aan caddaalad indhaha ka qarsan, eexashadana aqoon.

Faarax iyo Qaar ka mid ah dhacdooyinkii uu sameeyey.

Ina Sanweyne wuxuu ahaa nin aan eraygiisa laga daba hadal oo garta uu naqo lagu wada kalsoonaado. Iyada oo aanay jirin ciidan xoog ku fuliya garta uu naqo ayey haddan bulshadii uu ku dhexnoolaa oo dhami isla ogolayd in ay tahay ta kama dambaysta ah ee aanay jirin cid kale oo racfaan looga qaataa.

Gari Ilaahaybay Taqaanaa

Waxaa jirtey in ay hal geel ah isku qabteen nin baadidoon ah oo reer Danood ahaa iyo Cashuur oo ahaa Ina Sanweyne soddogii oo reer Buuhoodle ahaa. Ninka hasha qabsaday carro fog buu ka yimid hal geela Cashuur ku jirtana wuu sheegtay, Cashuurna garowshiinyo wuu keeni waayey oo hasha anigaa leh buu yidhi. Arrintu si kastaba ha ahaatee beeshii degaankaas waxgaradkeedii oo dhammi way goyn kari waayeen gartii ama dhinaca Cashuur bay u badiyeen. Taasaa keentay in ninkii la yidhaahdo waadigan samri waayey ee wixii aannu goynay ku qanci waayeye yay gartaadu kuugu go'daa?

Isna wuxuu yidhi ninka Ina Sanweyne la yidhaaho ee beeshaa idin xigta lagu sheegay bay iigu go'daa isaga oo aan ogeyn inuu ninka Cashuur soddog u yahay. Cashuur isagu midhkaa aad buu ugu farxay oo waxay la ahayd in Faarax gar iyo gardarroba ugu hiilinayo illayn intiisuu qabaaye, markaasuu inta inamadiisiina soo kaxaystay soo gole fadhiistay.

Faarax baa laysula tegey garna jilibkaa laysu dhigay, mudduci iyo maddaacale waa laysu dhegeystay, nin kastana wixii uu xusuusan karayey iyo wuxuu caddayn u hayey goluhuu keenay laakiin taasi mar kasta waxay sii kashifaysey Cashuur oo ay marba marka ka dambaysa soo baxaysey inaanu hasha lahayn.

Waxa soo gashay maalintii ugu dambeysey ee garta la goyn lahaa iyo in go'aankii la sheego. Faarax Sanweyne isagoo aad isugu kalsoon oo ilaahay mooyee cid uu ka baqayaana aanay jirin buu ku tiraabay CASHUUROOW GARI ILAAHAY BAY TAQAAN, EE SODDOG IYO SEEDDI TOONA MA TAQAAN, hashana ninkaa reer Danood baa iska leh.


Axmed Koore Jaan Iyo Aw Maxamud

Waxaa la wariyey in dagaal dhacay oo ninka la odhan jiray Axmed Koorjaan uu faras ku soo furtay dagaalkaa ka dibna faraskii geed ku xidhay si uu hadhoow marka dagaalku dhammaado u kaxaysto. Aw Maxammud Muse Yusuf oo u haystay inuu isagu faraska furtay ayaa faraskii geedkii ka furtay oo kaxaystay. Koorjaan markuu ogaaday in faraskii Aw Maxamud kaxaystay ayuu iska tegey isagoon cidna wax weydiin. Markii dhowr maalmood Koorejaan oo ahaa nin aan geedka iyo goobta midna looga maarmin laga waayey geedkii shirka ayaa la isweydiiyey meesha uu ku maqan yahay. Markii raggii arrinka ogaa ka warrameen raggii kalena faalleeyeen ayaa la gartay in Axmed Koorjaan xumaan soo wado. Waxay talo noqotay in Seed Cawed loo diro oo uu soo ladqabeeyo Koorjaan oo geedka keeno. Markii uu Seed uu yimi ee ka dalbaday inuu faraskiisii u yimaado geedkana ku soo noqdo ayuu Koorjaanna ugu jawaabay in marka saddex nin la helo uu gar u soo fadhiisanayo. Waa saddexdee? buu Seed yidhi; Koorjaanna wuxuu ugu jawaabay: Marka la helo
1) Ninkii Aw Maxamud soo gole fadhiisin lahaa,
2) Ninkii garta niqi lahaa ee odhan lahaa waa lagaa gar helay
3) Aw Maxamud marka garta laga helo wuu kacayaaye ninkii odhan lahaa ha kicine fadhiiso oo gartaada qaado.

Seed wuxuu ugu jawaabay saddexdaba waa la hayaa, ballanna waa la qaatay.
Markii Seed soo nqoday oo raggii diray uga warramay waxay isaga iyo Koorajaan kusoo wad hadleen iyo shuruudaha uu Koorajaan ku xidhay soo geed fadhiisigiisa, ayaa la isla gartay in ninka Aw Maxamud soo fadhiisinayaa noqdo Seed Cawed, ka garta naqayaana noqdo Ina Sanweyne, ka marka Aw Maxamud kaco odhanaya waar fadhiisona noqdo Suleymaan Dheere.

Sidaasaa arrinkii lagu galay Seedna wuxuu soo gole fadhiisiyey Aw Maxamuud. Maalintii garta loo ballan sanaa ayuu Koorajaan yimi geedkii oo ilyartu is qabatay oo raggii beesha aan mid ka maqnayn waxase intii aanu fadhiisan uu dareemay inay geedka fadhiyaan rag badan oo aanu sina ugu kaloosnaanayn ama aanu aqoon u lahayn. Si uu ragaa geedka uga kaxeeyo ayuu yidhi aniga gartayda saddex nin ma galaan:

1. Alle ma yaqaan,
2. Aniga ima yaqaan iyo
3. Aw Maxamud yaqaan,

Waxaa la yidhi markuu intaa yidhi ayaa raggii rabac kacay oo dareeray. Intaanu fadhiisan ayuu raggii soo hadhay isha wada mariyey, markaasuu ku dhex arkay rag ay qaarna Aw Muxamuud xidid ahaayeen qarna uu aabti u ahaa oo weli geedka sii fadhiya, markaasuu haddana isaga oo weli taagan yidhi, saddex kalena gartayda ma galaan:

1. Naas-jiid, (oo uu ula jeeday ka la dhalay ee abtiga loo yahay )
2. Lug-jiid, (oo uu la jeeday kan reerka ka qaba ee xididka la ah)
3. Nacfi-jiid, (oo uu ula jeeday ka la deggan ee reerka si uun ugu soo gala)

Dhaqankaa ahaaye, raggii loo jeeday intay is garteen ayay iyana geedkii ka dareereen.
Markii gar laysu hankaabsaday ayaa Ina Sanweyne si caddaaladi ku jirto intuu gartii u qaaday buu Aw Maxamud runta u sheegay oo yidhi waa lagaa helay gartii faraskana Koorjaan baa furtay oo leh. Haddii halkaa arrin maraayo ayaa Aw Maxamud sidii uu Koorjaan sii sheegay iska kacay isaga oo gardiidnimo muujiyey, Suleymaan Dheere oo ahaa ninkii laga filayey inuu fadhiisiyo Aw Mamaxud ayaa woxoogaa hammiyey oo hore u hadli waayey. Markay xaajadii halkaa marayso oo lays eegay cidina aanay weli hadlin baa Ina Sanweyne hadlay oo yidhi:'Aw Maxamudoow kac ama fadhiiso aniga arrinkan ka garnaq baa lay yidhi ee ku dagaallan layma odhan,.xaajadiina sidaasay ku idishahay oo loo noqon maayo ee dhiib faraska waa lagaa heleye.' Aw Maxmauud oo markii hore isu taagay gar diidnimo ayaa waayey meel uu ka dhaafo hadladaa ka soo yeedhay Ina Sanweyne markaasuu intuu mar qudha is bedelay Axmed Koorjaan gacan qaaday faraskiina farta ka saaray.

Faarax iyo Rag Ardaa dhig ah:

Faarax Sanweyne wuxuu ahaa nin gar yaqaanimada ku darsaday aragti dheeraan oo meel fog wax ka eegi jiray. Waxa la wariyey in ay Faarax u soo ardaa dhig tageen oo gabadh uu dhalay isku mar soo doontay nin reer Nuugaaleed ah iyo nin beesha Faarax ahaa oo la odhan jiray Nuur Cabdi Shacabi. Sida caadadu ahayd waxaa markaasoo kale si laysu muujiyo nin kastaa soo kaxaysan jirey ilmaadeertiisa ugu fiican isagoo xidhanaya madhaafaankiisa soona qaadanaya ama kaxaysanaya hadiyad wanaagsan oo uu gabaati ugu talo gelayo.

Waxaa la sheegay in ninkii reer Nuugaaleed keenay faras, Nuur Cabdina wanan tiradooda lagu sheegay afar ilaa lix. Markaasaa Faarax inamadiisii oo galabnimadiiba bilaabay inay faraskii ninka reer Nuugaaleedka ahi keenay fuulfuulaan oo ku ciyaaraan isugu yeedhay oo yidhi; waxaa labadaa qolo ee martida ahiba u fadhiyaan inanteena inaynu siinno, nin kastaana wuxuu wato waad aragtaane maxay idinla tahay?
Isla markiiba waxay inamadii ku jawaabee aabbo way iska muuqataa oo nimankaa fardaha keenay baa la siinayaaye Ma su'aal baa ka taagan.
Markaasaa Faarax yidhi la siin maayee ninkaa wananka wataynu sinaynaa sababtuna waxa weeye, nimankaa aad tidhaahdeen inanta hala siiyo guriga col bay keeneen, halka nimankaa kale barwaaqada keeneen.
.

Faarax Iyo Canshuur

Faarax Maxamed oo da'diisu aad weyntahay baa niman caligeri ahi afduubeen, markay la guryo tageena wuxuu weydiiyey maxa lay haystaa?
Warsame Muse Yusuf ma u aanoowdaa? Baa loogu war celiyey.
Aano daayoo asal baan ahaye maxaa jira? Ayay ahayd jawaabtii Faarax.
Markaasaa loo sheegay in ninkaasi geel ka dhacay Reer Caligeri, illaa geelaa la soo celiyona aan la sii deynayn.
War ha loo diro Warsame, ayaa arrin lagu gunaanaday.Isla markiibana cidbaa loo diray Warsame Muse.
Qaylo doonbaa ku dhex dhacay beeshii Faarax ka tirsanaa iyo Warsame Muse. In Faarax maqanyahay oo geelaa loo haystona markiiba waa lays gaadhsiiyey, xaalna wuxuu noqday in geelii oo beri hore la qaybsaday dib loo soo ururiyo.
Warsame iyo ehelkii kale ee meesha joogey si fiican bay markiiba arrinkii ugu guuleysteen oo geelii oo hal la qashay maalintii geela la keenay bay isu keeneen, hashiina waa la soo magdhabay markiiba.
Sidii baa Warsame geelii ku soo kexeeyey. Markuu nimankii u keenayna wuxuu u sheegay in geeloodii oo hashaa la soo magdhabay mooyee aanay xabbadi ka maqnayni kan yahay, iyana ay qabteen oo caddibeen nin weyn oo reeraha uguna mudnaa magacna ku lahaa, markaa loo baahanyahay inay arrinkaa si wanaagsan uga xaalmariyaan.
Odeyadii Reerku way garowsadeen arrinkii waxaanay u soo jeediyeen inay gabadh siiyeen Faaraxna looga baahanyahay inuu raggaa goobta fadhiya nin ka doorto oo gabadh ka guursado.
Faarax arrinkii aad buu ugu adkaaday waayo afar dumara oo kale ayuu qabey oo mid kastaa reer buuxa haysato. Sidaasoo ay tahay gabdhaha layskuma diidi jirine wuu aqbalay oo nin Cashuur layidhaahdo oo ka mid ahaa madaxda reeraha malaha muddadii la hayeyna si wanaagsan ula dhaqmayey buu doortay, Cashuurna wuxuu yidhi inantayda Aamina Cashuur baan ku siiyey. Faarax wuxuu intaa ku daray inuu reerihii la soo tashanayo dhakhsona u soo gaddoomi doono.
Faarax reerihii buu ku noqday waxgaradkii beeshana degdeg buu u soo shiriyey, hadalna waxaa ugu horreeyey nin afar naagood qaboo mid shanaadna la siiyey ka taliya!!!
Faarax waxaa lagu yidhi dumarkaad qabtaa waa dumar sideeya? Isna wuxuu ku jawaabay:
Midi anigay ii wacantahay
Midi xoolahay u wacantahay
Midi tolkay u wacantahay
Midina carruurrtay u wacantahay
Waxaa lagu wada tashaday in naagta xoolaha u wacan iyadaa isku filan oo dhaqasho lehe inta xoolo loo gooyo gooni loo dejiyo. Sidii baana arrinkii lagu dhammeeyey.
Faarax 100 halaad oo geel ah, Baarqabkoodii iyo fardo intuu kexeeyey buu Caligerigii ku noqday oo Cashuur farta ka saaray halkiina Aamina Cashuur baa loogu dhisay.
Faaraxna muddo yar ka dibba wuxuu u soo wareegey xaggan iyo beeshii uu ka tirsanaa.

Gunaanad

Ina Sanweyne oo gaboobay oo da' jooga ayaa la weydiiyey oo la yidhi "Faaraxow weligaa gar eexo ma naqday, gar aand hubinse ma gowsay"

Faarax wuxuu ku jawaabay "Weligay gar eexo ma niqin, waxaanse ku sigtay inaan gar hubsiimo la'aan naqo markii uu ii yimi nin aad u cabanaya oo ka cabanaya nin kale oo aan goobta joogine, markii ninkii hadalkii dhameeyey ayaan ku idhi waa lagaa gar daran yahay, laakiin intaan markiiba is qabtay ayaan u raaciyey aan arko ninkii kalena oo sheekada dhinaciisa soo dhegysto".

Maxamed Ibrahim Ismaaciil
ilbulsho@aol.com

Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Xigasho: Mareegta Kaydka Suugaanta

Copyright 2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.
  Tusmada Maahmaahaha

Soo Socda

Xarafka A

Soo Socda

Soo Socda

Soo Socda

 |