Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Farshaxan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

  

MAAHMAAHYO SADDAXLEEY AH OO CUSUB,

    Maahmaahyadan cusub ee saddaxleyda ah waxaa curiyay
    Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud [Stanza] wuxuuna soo saaray 4/7/2004.
    Haddey jiraan wax dhalliil ah ama talo iyo tusaale ah kala xiriir Abwaanka E-mail
     
     sidaas iyo guddoon wacan oo wanaagsan.
    
    
    * Saddax haka deyrin:
    1- Dadaal rageed haka deyrin.
    2- Dalkaaga hooyo haka deyrin.
    3- Deeq Eebbana haka deyrin.
     
    * Saddax ha u dulqaadan:
    1- Dabbaal cadaw ah ha u dulqaadan.
    2- Oori aan ku daryeelin ha u dulqaadan.
    3- Nacas dammac waalanna ha u dulqaadan.
     
    * Saddax ha dugaashan:
    1- Deyn laguu dabajooga ha dugaashan.
    2- Fuley duulduul badan ha dugaashan.
    3- Nimmey qabyaalad dilootayna ha dugaashan.
     
    * Saddax daacad ha moodin:
    1- Dagaal-ooge qabiil daacad ha moodin.
    2- Deeq shisheeye daacad ha moodin.
    3- Dummar dhoollacaddeyntoodna daacad ha moodin.
     
    * Saddax waa inaad ka gadoodda:
    1- Garaan daacad aheyn waa inaad ka gadoodda.
    2- Gummeysi shisheeye waa inaad ka gadoodda.
    3- Guur sokeeyana waa inaad ka gadoodda.
     
    * Saddax rag waa ku heshiiyaa,saddaxse waa ku halaagmaa:
    1- Kaaga haray rag waa ku heshiiyaa.
    2- Kuu hambeeyay rag waa ku heshiiyaa.
    3- Kuu hurayna rag waa ku heshiiyaa.
     
    1- Hammi been ah rag waa ku halaagmaa.
    2- Hanti booli ah rag waa ku halaagmaa.
    3- Hoota dagaalna rag waa ku halaagmaa.
     
    * Saddax dummar waa u halis, saddaxse waa u hammuungorayo:
    1- Hadal aan loo fiirsan dummar waa u halis.
    2- Haye dhaw dummar waa u halis.
    3- Hoy tabalcaara ahna dummar waa u halis.
     
    1- Haasawa galbeed dummar waa u hammuungorayo.
    2- Hantiilaan ahay dummar waa u hammuungorayo.
    3- Kaa helayna dummar waa u hammuungorayo.
     
    * Saddax tolkaa ayaa kugu jeclaada, saddaxse adaa isku jeclaada:
    1- Hadal macaan tolkaa ayaa kugu jeclaada.
    2- Hanti badan tolkaa ayaa kugu jeclaada.
    3- Huri ogina tolkaa ayaa kugu jeclaada.
     
    1- Hadaf murtiyeysan adaa isku jeclaada.
    2- Halkaraannimo adaa isku jeclaada.
    3- Hoogatusaaleyna adaa isku jeclaada.
     
    La soco kaldambe hadduu Alle idmo.
     
    By: Stanza Somali poet and playwright.  

    Maxamed C/qaadir Daa’uud (Stanza)
    xigasho: Mareegta Somalitalk iyo Aftahan

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.