Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Miisaanka Maansada

In badan waxaa dhawaanahan mareegaha Soomaalida ee xiiseeya suugaanta iyo dhismaha afka soomaaliyeed ka socday aqoon iswaydaarsi xeeldheer oo lagu lafo gurayey qofkii ugu horeeyey ee unkay ama sameeyey miisaanka Soomalida .Tan waxaa loo tirinayaa uun in midkood ama ay wada sameeyeen Abwaan Cabdullahi Diiriye Guuleed iyo Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye".Hadaba Su'aasha meesha taala waa: Miyey wada sameeyeen mise Gaarriyaa kaligii sameeyey?.Runtii dhawr qof ayaa arintaa soo bandhigay iyagoo adeegsanaya mid waliba wixii uu cadeyn u arkay. Hadaba marka waxaa lagama maarmaan ah in lasugo xiliyada ama waqtiga uu mid waliba soo saaray miisaanka maansada ee la hayo.

Tani waxay si fudud u kala saari kartaa labada abwaan iyadoon midna la ilduufayn xaquu u lahaa sheegid iyo magacaabid inta ay siiso cadeynta la soo bandhigo.In laga wada hadlaa ma xuma ee waxaa dooda jileec ku ridaysa in shakhsi jacayl loo arko cadeyn xaq u siinaysa midkood soo saarista miisaanka maansada.Shaksi jaceylku wuu ka reeban yahay marka dood cilmiyeed lagu falanqaynayo arimaha sidan oo kale. Bal hadaba bahda mareegta farshaxan waxay fursad u siineysaa akhristayaasheeda qaaliga ah inay arkaan qoraalada ilaa iminka laga qoray arintan kana soo dhiibtaan fikradahooga aanay ku soo kordhiyaan saaxada wixii arintan ay ka hayaan ama ka og yihiin si ay doodu si fiican ugu sii socoto uguna biyo shubato meel sal godan leh:

             
      

1-Hordhac:Gaarriye waa Ninkii Qoray/Jamhuuriya

2-Maqaal :Why is Gaarriye Silent..?Keyse

3-Maqaal :Re-Why is Gaarriye Silent..?Egal

4-Maqaal :Kumee ahaa Aabaha...?Barwaaqo

5-Maqaal :Re-Kumuu ahaa Aabaha..?Keyse

6-Garnaqsi : Bahda Mareegta Farshaxan

6- Go'aan V: War saxaafadeed :RamaasNews

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.