Hordhac

Waxaynu halkan ku soo bandhigi doona ,Haddii Ilaahay yidhaa, waanooyin dhawr ah oo ka waramaya heerka uu xadiiska iyo Sunaha Nabigu S.C.W. kaga jiro diinta Islaamka iyo sida uu inooga mudan yahay barasho, xaq dhawrid, raacitaan , ilaalin,ku dhaqan iyo nolosheena oo uu kamuuqdo ,iyadoo xiligan ay ku soo biireen ummada Soomaaliyeed dad iska indho tiraya xadiiska oo ummada ugu baaqaya in xadiiska laga tago oo lagu eekaado Qur'aanka. Waxaase layaab leh ayaa jawaabaha su'aalahan ood moodo inay caqligooda ka maqan tahay:
  • Yaa Qur'aanka lagu soo dajiyey?
  • Sideed u rumaysay cida Quraankalagu soo dajiyey?
  • Waa maxay faraqa u dhexeeya Xadiiska iyo Quraanka?
  • Yaa yidhi cidan Quraanka lagu soo dajiyey ku dayashaa idiinku sugan?
  • Halkee la inoogu sheegay faahfaahinta diinta Islaamka-ma quraanka mise Xadiiska?

  • Kuwan iyo kuwo kale oo badani waxay qancin karaan qof soo jeeda oo raadinaya xaqa , una dadaalaya had iyo jeer inuu garab istaago runta kana fogaado wax kastoo caqliga iyo garashaduba diidan yihiin. Waxaa haboon in aynu mar walba ogaano in aynaan doorasho lahayn markay timaaado aqbalida, raacitaanka iwm dhinaca ammarada ka dhalanaya Qur'aanka Ilaahay S.W iyo Xadiiska Rasuulka S.C.W ee ina faraya la imaatinka shay ama inoo diidaya la imaatinka shay,liibaanteena if iyo aakhirana sidaasay ku jirtaa Wuxuu Fariin Qaadihii Eebbe -Nabi Muxammed(scw) yidhi:
    waxaan idiinka tagay laba shay oo hadaad qabsataan aydaan lumayn : Kitaabka Quraanka iyo Sunaha -oo kala ah
  • Odhaahihii Rasuulka(SCW)
  • Falalkii Rasuulka(SCW)
  • wuxuu sugay-Qiraar-Rasuulka(SCW)
  • Sunaha iyo Xadiiska:

    Diinta Islaamka marka laga hadlayo labadan magac ee kor ku xusan waxa la odhan karaa mar way kala duwan oo macno kala duwan ba xambaarsan yihiin , marna waxa la odhan way is buuxshaan , marna waaba laba kalmadood oo tilmaamaya Rasuulka (SCW) hab nololeedkiisii iyo odhaahihiisii ,hadaynu se is nidhaah macneeya waxaynu odhan sidaan luqad ahaan:
  • Sunnah: waxaa loo hibeeyey kalmada habkii Nabi Muxammed (SCW) uu u noolaa,waana tixraaca labaad ee mudda Islaamku ka dhinbiil qaadato marka laga reebo Quraanka oo ka kowaad ah.Labadana waa lagama doodaan siday yihiin loo cuskanayo in la raacaana ay khasab inagu tahay oo aynaan doorasho lahayn.Suurtogal maaha in qof muslinimo sheeganaya uu iska indho saabo .


  • Xadiis: waa hadaladii, falalkii iyo wixii uu sugay muu samayn ee agtiisii lagu sameeyey waanu ka raali noqday- Nabi Muxammed(SCW).Waxaa suurtogal ah in kalmadan mararka qaarkood loo isticmaalo si ka balaadhan sidaa oo lagu daro tii asxaabaha(RLC) -Kuwii arkay ,rumeeyey,ee raacay Nabiga scw- iyo tii taabiciyiinta-kuwii arkay asxaabta ee ku sugnaaday dariiqii Nabiga scw.


  • Badbaadinta Axaadiista Rasuulkana-SCW- waa ta dhalisay cilmiga dhan ee loo yaqaan Musdalaxul Xadiis-The science of the xadiis -Waa aqoon dhan oo sugaysa in xadiiska laga dhawro wax ku darid iyo ka dhimid ,takooraysana axaadiis aan sugnayn oo cidi u tiiriso Nabiga-SCW-