Post-Nov-17-03.
Maamulka Gebilay oo 300 hadhuudh
ah ugu Deeqa
Gebilay(Jam)-Maamulka Golaha
deegaanka Gebilay ayaa shaaca ka qaaday in deeq hadhuudh ah oo dhan 300 oo
jawaab oo ay midkiiba ku jirto 50 Kgm ay ugu deeqeen dadka Abaaruhu
waxyeeleeyeen ee gobolada Bari ee Somaliland.
Shir jaraa’id oo shalay
Maayarka degmada Gebilay Cabdiqaadir Axmed Cumar ku qabtay xafiiskiisa
waxa uu ku sheegay in deeqda hadhuudhka ah ee maamulka Gebilay ugu deeqay
dadkaa Abaaruhu naafeeyeen inuu yahay dalagyadii wax soo saarka ee ay
dadweynaha degmada Gebilay sannadkan beerteen.
Mr. Cabdiqaadir Axmed Cumar, oo ay shirkaa
jaraa’id ku weheliyeen xubno ka mid ah golaha deegaanka Gebilay ay tahay
dhiirigelin ay ku doonayaan in maamulada kale ee degmooyinka iyo gobolada
aanay Abaartu saamayn ay ugu gurmadaan dadka daranyaysan ee ku dhaqan
deegaanada Abaartu saamaysay. “Abaarta ka dhacday gobolada dalka
Somaliland waa Abaar culus oo saamaysay dad iyo duunyaba waxaanay u
baahantahay gurmad qaran oo ay ka qayb galaan ummadda Somaliland oo dhammi
oo aan loo kala hadhin-dawladda dhexe, dawladaha hoose ee degmooyinka
dalka, gobolada iyo dadweynaha sababtaa awgeed ayaa haddii aanu annagu
nahay maamulka Degmada Gebilay ku go’aansanay inaanu ugu horeyno kaalmadan
oo ah mid hor dhac ah si degmooyinka iyo gobolada kale ay ugu baraarugaan
inay kaalintooda ka qaataan gurmadka walaalahooda Abaaruhu wax yeeleeyeen”
ayuu yidhi Maayarka Gebilay.
Maayarku waxa uu u soo jeediyay “hay’adaha gargaarka
caalamiga ah iyo xukuumadda Somaliland in kaalmada Raashin ee la
qorshaynayo in loogu gurmado dadka ay Abaaruhu waxyeeleeyeen in aanay
noqonin mid meel dheer looga doono balse deeqdaasi looga iibin karo dalka
gudihiisa sida degmooyinka Gebilay, degmooyinka gobolka Awdal, degmada
Oodweyne iyo Allaybaday oo dalagyadii xilli beereed ee sannadkan ay uga
soo go’een wax soo saar badan oo dalagyo kala duwan ah, hadhuudh, galay
iyo Qamadi tiro badan oo wax ka tari kara baahida u horaysa ee gurmadka
Abaaraha ayaa deegaanadaa laga heli karaa. Sidaa daraadeed waxa haboon in
raashinkaa cusub loo iibiyo kaas oo degdegna loo gaadhsiin karo dadkaa
macaluusha qarka u saaran ee Abaaruhuna naafeeyeen intii Qamadi gabawday
meel dheer looga dooni lahaa taas oo inta laga sugayo imaatinkeeda ay nafo
badani macaluul u dhiman karaan, marka la eego xaaladda ba’an ee ka jirta
deegaanada Abaartu ku habsatay” ayuu yidhi Maayarku.
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved. |