Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Gobolka Gabiley Iyo Ololaha Doorashada Golaha Wakiilada

    
    Tan iyo sannadkii 1960kii, waxa ay dadweynaha ku nool degaanka Gabiley raadinayeen in degmada Gabiley
    laga dhigo gobol buuxa oo leh xuquuda ay gobolada kale ee Somaliland leeyihiin. Waxa xaqiiq ah in ay
    Gabiley leedahay oo ay buuxisay waa hore shuruudaha lagu noqdo gobol. Shuruudahaa waxa ka mid ah
    dhaqaale iyo tiro dad iyo baaxad dhuleed. Marka hadaba gobolka Gabiley la bar-bar dhigo gobolada kale ee
    Somaaliland, waxa kuu muuqanaya in uu qaar badan ka horeeyo. Nasiib daro weli Gabiley looma aqoonsan in
    ay Gobol tahay, taan waxa ka hor-jooga weli lama garan.
    
    Hal-ku-dhegga ah “Lixda Gobol iyo Gabiley” oo la bixiyay markii lagu jiray doorashadii Golayaasha
    Deegaamada, ayaa kuu xaqiijinaya in ay Gabiley gaadhay heer Gobol. Tirada Goloha deegaanka Gabiley ayaa
    la mid ah ta caasimadaha gobolada Somaliland sida Berbera, Laascaanood, Ceerigaabo, Boorama. Hadaba mar
    haddii ay cadaatay in ay Gabiley la mid tahay magaalooyinka caasimadda u ah Gobolada Somaliland, waxa la
    yaab leh waxa ilaa iyo hadda Gabiley loogu aqoonsan la’yahay Gobol buuxa.
    
    Shaki kuma jiro in uu deegaanka Gabliey meel weyn kaga jiro dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka Somaliland.
    Waxa uu deegaanku leeyahay beero iyo xoolo, waxa kale oo deegaanka ka socda baayacmustar xoog leh.
    Gobolku waxa uu xidhiidh baayacmushtar oo balaadhan la leeyahay Kilinka Shannaad ee Somaalida Itoobiya.
    Baayacmushtarka ay is-weydaarsadaan labada gobol ayaa dhaqaale wanaagsan soo geliya gobolka Gabiley iyo
    Somalilandba.
    
    Waxa hadaba dhowaan booqasho ku tegay magaalada Gabiley Gudoomiyah Xisbiga Kulmiye Mudne Axmed Maxamad
    Siilaanyo iyo wafdi uu hogaaminayo. Mudana Siilaanyo waxa uu hadal ka jeediyey fagaarihii lagu soo
    dhoweeyay, hadlakaas oo uu ku ammaanay dadweynaha reer Gabiley oo uu ku qiray in ay Gabilay tahay Gobol.
    Gudoomiyuhu waxa uu dadkii dhegeysanayay u sheegay in haddii ay dadweynaha reer Gabiley codkooga siiyaan
    Xusbiga Kulmiye uu Kulmiye u aqoonsandoono Gabiley Gobol.
    
    Inkasta oo uu hadalkani yahay mid loo bogo, hadana dadweynaha reer Gabiley ma gayaan ballan-qaad
    siyaasadaysan oo cod lagu doonayo. Waxa aan Gudoomiyaha leeyahay, haddii aad codka iyo taageerada reer
    Gabiley doonayso, waxa haboonayd in aad hore u aqoonsato gobolnimada Gabiley oo aad mudanayaasha
    xusbigaaga taageersan ee ku jira Goloha Wakiilada ku dhiirigalisid in ay xukuumadda ku cadaadiyaan in ay
    Gabiley Gobol ka dhigto inta aanay doorashada Wakiiladu dhicin.Dadka reer Gabiley waxa ay rumeysanyihiin
    in aanay Gobolnimadoodu ku xidhnayn doorashada Wakiilada ama ta madaxweynaha. Waxa ay u arkaan arinta
    Gobolnimada mid ay xag dabiici ah u leeyihiin.Waxa Xukuumadda Somaliland ku waajib ah in ay si deg deg
    ah ugu dhawaaqdo in ay Gabiley tahay Gobol, waayo waxa ay dadweynaha reer Gabiley u haystaan in waxa
    hortaagan gobolnimada Gabiley ay tahay wasaaradda Arimaha Gudha oo iyadu xaq u leh in ay Madaxweynaha u
    gudbiso arinta.
    
    Hadaba inta goori goor tahay waxa la gudboon maamulka Daahir Riyaale in uu wax ka qabto cabashada dadka
    reer Gabiley ee soo jiitamaysay mudada faraha badan. Waxa la soo gaaday xiligii ay Gabiley noqon lahayd
    Gobol buuxa.Gabiley waxa ay seddexda Xusbi Qaran ka mudan tahay qadarin iyo in ay xaqa ka maqan si
    daacad ah ugu raadiyaan. Waxa ay dadka reer Gabiley codkooda siin doonaan Xusbiga ummadda u soo bandiga
    mudanayaal u qalma in ay dalka iyo dadka hogaamiyaan. Reer Gabiley waxa ay soo dhowaynayaan deegaan
    kasta oo u arka in uu buuxinkaro in uu noqdo Gobol. Dadka reer Gabiley waxa goor-walba hor-mariyaan
    danta guud ee dalka Somaliland iyaga oo tooda gaarka ah dib u dhiga. Maanta waxa la soo gaadhay xiligii
    ay dadweynaha deegaanka Gabiley xoogga saarilahaayeen sidii ay u helilahaayeen Gobol.
    
    Abshir Cabdilaahi Xasan
    Riyadh.
    
    
    Xigasho: Haatuf (ISSUE 869  Jun. 14,2005 )
    
Soo Bandhige :Fu,aad
              Bahda Mareegta Farshaxan

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.