Ardayda Degmada Gabiilay Oo si weyn Ugu Dadaalaya Waxbarashadda Computer-ka iyo mac-hadka computer-

Sanadkan Horantiisii ayaa wargeyska Caanka ah ee Madaxbanaan HaatufNews uu Soo wariyay warbixin Uu Kaga Waramayo Horumarka Xagga Computer-ka ah ee ay ku Talaabsatay Deeganka Gobolka Gabiilay

waa tan warbixintii

Gebilay Guddoomiyaha degmada Gebilay ayaa shahaadooyin maalintii shalay guddoonsiiyay 25 arday oo ka qalin-jebiyay mac-hadka computer-ka Universal Institute ee magaalada Gebilay. Xafladda shahaadooyinka oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Dawladda Hoose ee Gebilay waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan degmada Gebilay maamulka waxbarashada xubno ka socday ururada bulshada iyo waalidiinta wax ka barata mac-hadka waxaana laga soo jeediyay khudbado kala duwan.

Maamulaha mac-hadka Mr. Siciid ayaa ka warramay marxaladihii uu soo maray mac-hadkaasi iyo halka uu maanta marayo isaga oo intaa ku daray in mac-hadka oo la aas-aasay sannadkii 2002 ay ardayda haatan shahaadooyinka la guddoonsiinayaa dhammaysteen kooras 6 bilood ah oo ay ku qaateen mac-hadka isaga oo intaa ku daray inay dhawaan sii kordhin doonaan qaybaha waxbarashada ee mac-hadkaas. Ugu dambayn waxa halkaa ka hadlay maayorka magaalada Gebilay Abiib Xasan Fil-fil oo u mahad-naqay maamulka mac-hadkaasi oo soo qaban-qaabiyay xafladda iyo sida ay ugu hawlan yihiin dhiiri-gelinta waxbarashada si ay ardaydaasi mustaqbal fiican u yeeshaan.

Gebogebadiina waxaa halkaa lagu guddoonsiiyay shahaadooyin ardaydii mac-hadka ka qalin-jebisay.

Xigasho:SomaliLandSoftware.Com - Complete IT Solutions

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.