Ku soo Dhowoow Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Qays Farshaxan

Taariikh Nololeedkii
Ambassador Dr.Axmed Maxamed Xasan "Dr.Axmed Gigi"

si xeel dheer u dhuux

Faaraxow galgaladkaan dhigiyo, gama' la'aantayda Gogoshaan ku jiifsaday hurdada, goodkii igu yaacay Gasiinkii la ii dhigay waxaan, gawska uga daayey Geeridii Xirsey sheegayeen, gacal ha waayeene Gablamooyin waxay ii wadeen, guuldarriyo hooge Gabbal baa u dumey reerihii, geliga Booc yiille Abidkii rag waa go'i jiree, tanise waa gaw e Lixhal oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi: Cali Jaamac Haabiil,

Mareegta Farshaxan August 2009 Inay dunidu safar tahay ,aadmiguna mar uun uu ka caraabi doono ooy geeridu xamuul qaade ka tahay waa hubaal , hase yeeshee dhimashada dadka qaarkood ayaa ah tiir dumay oo bulshada ka dhex baxey si weyna loo dareemaa . Maalintii Salaasada eey bisha July aheyd 28ka gu’gan 2009 waxaa la soo sheegay geeridii halgame Dr.Axmed Maxamed Xasan oo ku geeriyooday cariga Shiinaha . Ummad sideeda u duntaa ma jirtee waxaa socda haldoorka oo sabab u noqda baaba’a bulsho .Wuxuu ahaa udub dhexaad dhinacyo badan ka tiiriyey bulshada ku hadasha afka Soomaaliga guud ahaan ,gaar ahaana shacbi weynaha reer Jabuuti oo noloshiisii u huray . Hadab waxaa inala gudboon inaynu is tusno sooyaal halgameedkii marxuum Dr.Axmed Maxamed Xasan oo ilaa yaraantiisii baal dahab ah kaga jiray meertada nolosha degaanka geeska Afrika ,si gaarana saameyn toosa ugu lahaa horumarka wadanka Jabuuti oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay . Marxuum Dr.Axmed Maxamed Xasan Wuxuu dhashay dabayaaqadii 1945kii,isaga oo ka dhashay qoys aad u ballaadhan oo ay ka mid yihiin Muxumad,Mukhtaar, iyo Isaxaaq Xirsi Xassan. Waxa kale oo ay walaalo ahaayeen rag badan oo kale uu ka mid ahaa Mujaahid Gaashanle-dhexe Maxamuud oo ku shahiiday dagaaladii SNM-tu ku xoraynaysay dalka , kana mid aha daljiryada dahsoon ee aan weli si hufan taariikhdooda looga sheekayn.Alla maxaa qabyo inoo taal!. Marxuum Dr. Ahmad wuxuu yaraantii ku barbaaray magaalada Jabuuti oo uu ku dhammaystay dugsiyadii hore ilaa dugsiga sare. Markii uu dugsiga sare ku jiray waxaa aad u socday halgankii gobanimodoonka ee loogu jiray wadanka Jabuuti . Waxaana jiray dhawr urur oo xiligaa aad u firfircoonaa oo halgan ugu jiray xoraynta Jabuuti. Wuxuu ahaa dhalinyaradii ku kacsanayd gumaysigii Faransiiska ee loo soo mustaafuriyey dhinacaa Soomaaliya . Wuxuu marxuum Dr.Axmed ku biiray xiligaa 1964 kii isagoo da’ahaan markaa jiray 19 gu’ Jabhaddii Xoreynta Xeebta Soomaalida (Front Liberation de la Cote Française de Somalie) (F.L.C.S.) ee saldhiga ku lahaa magaalada Muqdisho,tani oo u suurtogalisay inuu halkii ka sii wado halgankii la dagaalanka mustacmarka. 1970kii Wuxuu waxbarasho sare oo dhakhtarnimo iyo tababar sarkaalnimo ah u tagay dalka Ruushka. Wuxu ku takhasusay qalniinka (surgeon) oo uu dhakhtar muddo gaaban u ahaa ciidamada Soomaaliya isaga oo ka gaadhay derajada gaashaanle dhexe. Mudda yar ka bacdi waxa xoogaystay dhaqdhaqaaqii jabhadda xoraynta Jabuuti oo uu ka mid ahaa hogaamiyayaasha sare.Waxaa marxuumka mar walba lagu xasuustaa siduu ugu heelanaa dagaalkaa xornimo doonka ah ,mar walbana danta guud ee ummada ka horaysiin jiray danta gaar ahaaneed .Waxaa dadkii la hawlgalay aanay marna isku diidin sida xilkasnimada ah ee uu mar walba uga soo bixi jiray hawsha ku soo beeganta isagoo marmarka qaarkoodna la arki jiray inuu hawl kasta xubin ka ahaa firfircooni dheeraad oo uu Ilaahay ugu deeqay marxuum Dr.Axmed darteed . Ku dhawaad Xornimadii Jabuuti ee Juun 1977 kii ayey jabhaddii F.L.C.S ee uu ka tirsanaa soo fadhiisatay duleedka xeebta Jabuuti halkaas oo uu ka bilaabmay wadahadal ku saabsanaa qaybtii jabhadda laga siin lahaa xukunka Jabuuti.Wadahadalkaasi sidii ay doonayeen umuu dhicin .Waxaanu is-maandhaafkaasi keenay dagaal hor leh ooy jabhaddii F.L.C.S iyo ciidamadii gumaysiga Faransiiska hubka isku qaateen .Dagaalkaa waxaa marxuum Dr. Ahmad ka soo gaadhey dhaawac halis oo dhimasho qarka u saaray. Illaahay tiisa kamuu dhigin ee nolol ayaa lagu keenay Jabuuti, loona qaaday Faransiiska. Bishii Juun 27kii ,1977kii waxaa dawlada jabuuti u suurtogashay inay hanato xornimadii ay u soo halgameen taageero fiicana ka heleen dhamaan ummada Soomaaliyeed meel kastooy joogeenba . Waxaa loo doortay madaxweyne marxuum Xasan Guuleed Abtidoon(IHUN) ,oo isna u doortay ra’iisul wasaare marxuum Axmed Diini Axmed(IHUN) , iyadoo xiligan la xulay tiro ku sinayd 61 (kow iyo lixdan) mudane oo noqday xildhibaanadii ugu horeeyey ee dawlada Jabuuti .Marxuum Dr.Axmed ayaa ka soo laabtay dalka Faransiiska ka dib markuu ka caafimaaday dhaawicii ka soo gaadhey halgankii gobanimodoonka. Marxuum Dr.Axmed wuxuu ka mid noqday xildhibaanadaa u horeeyey ee dalka xil u qaaday ,isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay baarlamaanka Jabuuti.Waxaanu xildhibaan ahaa ilaa gu’gii 1982kii. Muddo ka dib wuxuu marxuum Dr.Axmed ku noqday shaqadiisa dhakhatrnimada iyo caafimaadka dadweynaha waxaanu madax ka noqday laanta caafimaadka dadweynaha (Public Health service) ee Jabuuti. Wuxuu waxbarasho sare markana u tagay dalka Kanada oo uu ka qaatay MS Public Health jaamicadda weyn ee Montreal University xili ku suntaneyd 1992kii. Taas oo waxbarashadiisa ka dhigtay mid balaadhan oo salka ku haysa dhaqano kala duwan oo ah Djibouti, Somaliland, Faransiis, Ruush iyo North Amerika iyada oo uu marxuumku ku hadli jiray afaf badan: Soomaali, Faransiis,Ruush, Ingiriisi iyo Carabi. Markuu marxuum Dr.Axmed soo dhameystay waxbarashadii wuxuu noqday la taliyaha dhinaca caafimaadka ee wasiirka wasaarada caafimaadka ee dalka Jabuuti ,iyadoo uu xafiis ku yeeshay daarta golaha wasiirada (cite ministérielle de Djibouti)- Technical Adviser to the Ministry of Health-.Wuxuu xilkan hayey mudadii u dhaxeysay bishii May 1994 kii ilaa bishii April 1996kii. Marxuum Dr.Axmed wuxuu u digo rogtay inuu noqdo agaasimaha guud ee dhakhtarka weyn ee Peltier ahna ka ugu dhakhtarka ugu weyn ee dalka ku yaala .Intii uu marxuum Dr.Axmed joogay dhakhtarkaa waxaa la dareemay isbadal weyn oo uu ku sameeyey dhakhtarka maadaama uu aqoon xeeldheer u lahaa arimaha caafimaadka iyo bulshada .Wuxuu dibuhabeyn ku sameeyey xidhiidhkii u dhexeeyey shaqaalaha caafimaadka iyo bulshada hamuunta u qabta daryeelka caafimaad.Waxaanu xilkan u hayey bulshada uu had iyo jeer u adeegideeda hayinka u ahaa intii u dhaxeysay gu’gii 1996 kii ilaa gu’gii 1997kii. Gu’gii 1997kii waxaa dalka Jabuuti ka dhacday doorasho guud oo ta xisbiyada badan inkastooy qaadaceen labada xisbi ee MPL(Mouvement populaire de libération ) iyo UNI (Union nationale pour l'indépendance ).Waqtigan oo ku beegnayd 1997kii marxuum Dr.Axmed wuxuu mar labaad xubin ka noqday baarlamaanka Jabuuti oo uu ka ahaa xubin aad ugu firfircoon siyaasadda Jabuuti iyo ta mandaqadaba. Wuxu islamarkaana xubin ka ahaa baarlamaanka cusub ee Africa (Pan-African Parliament )ee xaruntiisu tahay magaalada MIdrand eek u taala dalka Koonfurta Afrika oo uu wakiil uga ahaa dawladda Jabuuti. Wuxuu ka mid noqday shan qof oo dawlada Jabuuti laga soo doortay si ay u matalaan mudada u dhaxeysa 2004 ilaa 2009. Waxaanay ahaayeen mudanayaasha la wadaaga xilkani qarameed : -Mudane Aadan Rooble Cawaale -Mudane Maxamed Cabdulqaadir Mahamed -Mudane Suleymaan Miyir Cali -iyo Marwo Xasna Mahamed Dato Xili ku beegnayd dabayaaqadii 2003dii ayaa mar saddexaad marxuum Dr.Axmed ka mid noqday xildhibaanada dawlada Jabuuti doorashadii baarlamaanka ka dib . Intii jeer ee uu marxuum Dr.Axmed ahaa xildhibaanka xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay xarunta baarlamaanka dawlada Jabuuti aanay ka mid ahaayeen inuu noqday gudoomiyaha gudida horumarinta bulshada iyo horumarinta degaanka, gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha baarlamaanka ,iwm. Waxaa marxuum Dr.Axmed aqoontiisa ,dad la socodkiisa ,iyo kartidiisuba hanasiiyeen inuu noqdo jabhad xornimo doon ah, dhakhtar ku takhasusay qalniinka, Xildhibaan , agaasime , daljire(ambasaador ),iwm. Dadaalka uu sameeyey waxaad ka garan kartaa xilalka uu bulshada u soo qabtay . Bishii Abril ee 2008 kii wuxu noqday daljiraha dawlada jabuuti u fadhiya dalka Shiinaha. Waxaanu xilkaa kala wareegay daljirihii Ambassador Muuse Buux Odowaa oo xilkaa hayey muddo ku dhaw todoba gu’. Marxuum Dr.Axmed oo ka hadlayey kulan uu la yeeshay kaaliyaha wasiirka arimaha dibada ee Shiinaha Mr. Zhai Jun wuxuu sheegay inuu xidhiidhka lamaanaha ee ka dhexeeya dawlada Jabuuti iyo Shiinaha kor u sii qaadi doono ,kana ciyaari doono door togan oo laxaad leh si uu u horumar iyo xidhiidhka saaxiibtinimo inta uu hayo xilkaa . Bishii todobaad ee 2009((28/7/09) ayuu marxuum Dr.Axmed ku geeriyooday magaalada Bekin ee cariga Shiinaha isagoo haya xilkaa daljire . Geerida tiiraanyada leh ee ku timid marxuum Dr.Axmed Maxamed Xasan (Axmed GiGi) waxay si weyn u taabatey Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele oo ku talo jiray markii uu maqlay xanuunka Marxuum Axmed Maxamed Xasan (Axmed GiGi) inuu diyaarad gaar ah u diro , una dhoofiyo dhaakhtar ku yaala magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ,hase yeeshee tii Allaa ka soo hormartay .. Galabnimadii maalintii Jimcaha eey bisha Ogosto aheyd saddexda ayaa la keenay maydkii marxuum Ambassador Dr.Axmed (Axmed GiGi) magaalada Jabuuti lagana soo qaadey magaalada Bekin ee dalka Shiinaha oo uu mudadii u danbaysay ka ahaa safiir u fadhiya dawlada Jabuuti ,laguna aasay xabaalaha PK12 (PK douze )..Abwaan M.M.Eleye{Suweys}ayaa tilmaan sugan ka bixiyey marxuum Axmed kuna sugay maanso uu dhawaan tiriyey ,waxaanu yidhi: Geeridaan indhiyo lagu ogeyn Aragti dheeriya,e Haddii ay ogtahay Wuxu ahaa Maba ay eegteene Amma ay abkiis garanlahayd Meeshu ku arooro Ifka kama kaxayseen Siduu aabeheed dilaye waa waxan arxamin oo Nafluhu idilsugaayaaye Ajashaa sidaa ehe Majir ruux ogaan kara,e Haddaan meel ujoogiyo Ogahay mawdka aqalkiisa Amma ay ishay qabanlahayd Eheladiisiiba Kunbaa loo axmilahaa Sidaan eebaw filayaaye Amarkaaga weeyee Maxay oohin iiqabani Aqooniyo waxaa laguyiqiin Ruux akhlaaq badane Ruux aaminiyo wuxu ahaa Oday la,eegyaae Agoontiyo wuxuu ururinjiray Qaar abaydina,e Afrikoo dhanbaa lagataboo wada ilmaynaysa Hayeeshee alihi oofsadaan U,irkanaayaaye Aamiinta iidhaha dadyohow Waa adduun kaniye Adigaa awodlehe Rabaw aakhiro uhiili Ehelkii rasuulkiyo kayeel Kuwa agtaa jooga Iilkana unuur waa axmado waa adoomkaaye Kuwa loo arxamo een arkayn Naarta ololkeeda Janada laga arsaaqiyo Kayeel ruux an eedaadin Aamiin Aamiin Aamiin Allahayow M M Eleye{Suweys} Tilmaamaha Ilaahay ugu deeqay een la ilaawi karin waxaa ka mid ahaa inuu marxuum Dr.Axmed ahaa shakhsi haybad leh , dulqaad badan,weriye Maxamed Daahir oo ka waramayey wuxuu yidhi : “Axmed Maxamed Xasan waxaa uu ahaa nin magac iyo maamuusba ku leh dalka ,waxaanu ka mid ahaa dadkii dhibta iyo holacaba u soo maray maray sidii loo hanitiyi lahaa xornimada iyo gobanimada dalka Jabuuti ”.Aqoonyahan Cabdikariin Xasan Caalin oo ka waramyeyna wuxuu sheegay “Marxuumku wuxu lahaa sifooyin aan inta badan ragga isku raacin.Wuxu ka mid ahaa nin-doorka qodaalka, wuxuu ahaa halgame xornimo-doon, mujaahid, dhakhtar, hoggaamiye, waxgarad, aqoonyahan,aftahan,diblomaasi, siyaasi leh taariikh ay ku dheehan tahay waayo-aragnimo cajab badan.”. Waxaan ku soo gabagabeynayaa anigoo la hadlaya geerida ,soona ergisanaya erayadii maansaysnaa ee abwaan Maxamed xaashi gaarriye lehna : Geeriyeey xishoodlaay Xejiyaay fogeeyay ………. ....... ..... Hadaad jebisay xeerkii Anna damac xasuuseed Adna dan iyo xeeshaa Waa xabag cadaadeed.

Farshaxan QaysFarshaxan

Ilaahey samir iyo iimaan haka siiyo eheladiisii iyo qaraabadiisii,iyo asxaabtii. Waxaanan Ilaahey uga baryaynaa in uu Janatu Fardawza ka waraabiyo. Aamiin. Aamiin.Aamiin Illaahay isagana naxariistii janno ha ka waraabiyo innagana dhamaanteen Illaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo.
Tixraac:
                 -Qoraal  si mug dheer   loo xadhay oo uu nala wadaagay aqoonyahan
       Cabdikariin Xasan Caalin..

- Taariikh nololeedkii Marxuum Dr.Axmed
           Weriye Maxamed Daahir  RTD.

                  -http://en.wikipedia.org/wiki/List_of_members_of_the_Pan-African_Parliament#Djibouti

-Mareegta Cumar Ku Joog 
-Mareegta Somalilandcenter 
-Mareegta Farshaxan

                             Isku dubaridkii : Fu,aad Sh.
                                              Bahda Mareegta Farshaxan