Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan M.Mooge Farshaxan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Maxamed Mooge Liibaan

Allah ha u naxariistee

Taarikhdii  Maxamad Mooge

Heesaagii ma dhaafanka ahaa ee Somaliland. Maxamad mooge, wuxuu ahaa macaliin ka tirsanaa Wasaarada Waxbarashada , ka hor intaanu hantiyiin dhegaha dadwaynaha somaliyeed,maxamad, wuxuu hoobal  soo shaac baxay sannadihii toddobaatanadii. Maxamad waxaa taliska Somaliya ka dhisnaan jiray shaqadii ka fadhiisiyey sannadkii 1971 kii, ka dib marku talisku ku eedeyey inaanu uu jajabnayn hawlaha kacaan ku sheega ah boobay taladii dalka. Maxamad, intuu dalka gudihiisa joogey wuxuu ku heesi jirey heeso si dad-ban uga soo hor-jeeday taliska Maxamad siyaad barre.
 
Toddobatanadii ayuu maxamad si qarsoodi ah dalka kaga baxay waxaanu in muudo ah ku noola dalka Kiiniya iyo dalka Ingiriiska, kadib markuu naftiisa uga maaro waayey inay ka indho qarsato durbaanadii beenta ahaa ee loo tumayey Siyaad barre iyo hurintiisa sacabka iyo mashxarada jeclaa. 
 
Dhaqdhaqaaqi ugu horeeyey ee Siyaad diidka ahaa ( SSDF ) ayuu M.mooge ku biiray, waxanuu ahaa hoobalkii ugu horeeyey ee qaaday hees cod lee oo si badheedh  ah uga soo hor-jeedda taliska Somaaliya, sida heestii ahayd ee
" Soomalidu ma hurudaa" iyo " Lix iyo labaatankii Juun ku lednay, kowdii luulyo liibaaney kow iyo labaatankii octoobar leeleelay".
 
Maxamad mooge, waxaa aad ugu beerayd nacaybka taliska nacabka ah mana jirinheeso kacaan amaan ah oo uu ku heesay muddadii ka badnay kow iyo labaatanka sannadood ee mugdiga ahaa, xiitamay jirin heeso Maxamad kuu duubay idaacada soomaliyeed, sababtuna waxay ahayd isaga oo uu arkayay  idaacado aan ka wakiil ahayn ama ku hadlayn afka shacbiga somaliyeed, sidaa darteed ayaa loo dareemi karaa in heesaha Maxamad ku duuban yihiin cajaladahaa madaxa banaan.
 
Maxamad mooge fankiisu wuxuu ka mid yahay kuwa ugu mudan fanka loo yaqan "Fadhiga". Maxamad wuxuu lahaa cod lab oo legddan oo hannaan farshaxanimo ku dheehan tahay iyo luuq aan carjabin oo dhegtu heellanaan, hanqal-taag iyo halhaleel ku dhegeysato. Maxamad wuxuu ahaa bulshawi, qalbaawi ah , aad iyo aad ayuu naftiisa ugu han-waynaa. Wuxuu lahaa hilaad fog iyo hiyi durugsan. Fanka Maxamad ma duqoobi doono inta dad nool yahay.
 
Maxamad Mooge wuxuu la dhashay hoobalkii kale ee caanka ahaa (ilaahay ha uu naxariistee) Axmad Mooge Liiban.
 
Maxamad Mooge Libaan Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee wuxu shahiidey  5/6/1984 kii isago hawlihii xoraynta ku fogaan.
 
 

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.