Abwaan Xasan Sh.Muumin
“
Maxuu yahay Xassan Sheikh Muumin?
Xassan Sheikh Muumin waa abwaan caan ah, waa qoraa qoray buugag caan baxay sida
” shabeelnaagoog” Waa aqoonyahay ku xeeldheer baarista luuqadaha, waxuu ku
jiray khuburo lixsano baaraysay luuqadaha ay luuqada af soomaaligu isirka
lawadaagto waxuuna ka mid ahaa ragii dajiyey ama ka danbeeyey khibradii lagu
qoray farta af soomaaliga.
Taariikh nololeedkiisii oo kooban.
Xassan Sheikh Muumin waxuu taariikhdu markay ahayd 25.12.1931 ku dhashay
magaalada Saylac. Wuxuu dugsiga hoose dhexe ku qaatay magaalada Boorama waxaase
bilowday asagoo bartanka kaga jira iskuulka waxa uu Abwaanku ugu yeeray ”
duufaantii gobonimo doonka” Oo abwaanka siduu noosheegay sixun madaxa ugu
dhufatay kana reebtay iskuulkii.
Intuu ku jiray halganka gobonimo doonka iyo intii xoriyada la haystayba, waxuu
ka badbaaday Abwaanku shirqoolo badan waxuuna ka tilaabsaday booraamo badan oo
loo qoday oo siduu Abwaanku noo sheegay ay mid ahaayeen, sun loo qasay asagoo
kusugan dalka Jabuuti, shirqoolo badan oo gumaystihii rabay inuu kaga
takhaluso iyo dhaawacyo halis ah oo kasoo gaaray dagaaladii sokeeye.
Waa nin see ah?
Xassan Sheikh Muumin waa nin dagan oo markaad aragtaba aad ka garan karto
inuusan ahayn dadka kulaylka u dhashay. Wuxuu kaaga
Sheekaynayaa taariikho kaawayn hadaad shan daqiiqo la joogtana waxaad ka
tagaysaa adoo wax wayn kuu siyaadeen. Wuu kaa qoslinayaa intaad la joogto
waxuuna wax kuugu sheegayaa hadal xigmadaysan. Waa nin soomaalinimadu ku
fogaatay wuuna ilmaynayaa hadaad wax ka waydiiso dalkiisii hooyo.
Xagee ku noolyahay hada?
Xassan Sheikh Muumin waxuu qaxooti kuyahay dalka Norway waxuuna ku noolyahay
magaala madaxdiida Oslo. Waxuu daganyahay guri villo ah markii loo fiirsho
guryaha qaxootiga la dajiyo , buulse ah markii loo eego kay daganyihiin raga
dhigiisa ah ee u dhashay dalka uu qaxootiga ku yahay. Caafimaadkiisu waa
fiicanyahay marka laga reebo tabaryari ugu soo gabatay da’da iyo dhaawacyo
kasoo gaaray dagaaladii sokeeye.
Muxuu ku suganyahay hada?
Abwaanku kaligiis ayaa ku nool gurigiisa siduu noosheegayna wuu cidloodaa inta
badan. Abwaanka oo aanu ku booqanay gurigiisa waxaanu la yeelanay waraysi.
Inkastoo intaanu waraysiga ku jirnay Abwaanku dhowr jeer ilmeeyey hadana waxaa
sixun u taabatay su’aal ahayd ” Soomaaliya waxay ka midtahay dalalka ugu
suugaanta badan uguna suugaanta fiican qaarada Afrika, waxaana kamida
abwaanaday soomaalidu ku faanto , adigoo Xassan Sheikh Muumina, Singub,
Hadraawi, Abdi Muxumud Amiin iyo qaarkaloo badan, hadana waxaad moodaa inaad
da’tihiin markaa hadaad mala awaasho jiilka danbe, maxaad ka oranlahayd? Ma
waxaa soo bixi doona rag idinkoo kalaa mise dhowr sano kadib waxaa la
orandoonaa soomaalidu baribay Abwaano lahaan jireen?” Abwaanka markaanu
su’aashaas waydiinay wuu ilmeeyey waxuuna yiri ” Ragbaa dalka u dhalan doona
siduu yahana u dhaami doona”
Waxuu Abwaanku rajo fiican ka muujiyey inuusan madoobaym mustaqbalka Soomaaliya
waxuuna yiri ” Budhbaa inaku dhacay deedna waynu gagabnay waynuse soo miyirsan
doonaa”
Rajada fiican ee Abwaanku waxay isoo xasuusisey hees uu qaado fanaanka Ahmed
Cali Cigaal oo uu yiri ” Uur waxa ku jira iyo waxa imanayeen dhicin, aadmigu ma
garankaro waa eebe oo qura, waxse jira indheergarad aayaha danbee jiriyo
waayaha odorosoo iska mala awaaloo sidaytahay abaara”
Maxaa ka mida Heesahuu alifay?
Waxaa ka mida Abwaanka heesihiisa caankaa, heesta lahu furo masraxyada ”
halkaan waxaad u timaadeen oon hagar lahayba caawaad naga helaysaan” heesta ”
laayey dusheediyo laan gabi kutaaloy lulayaan dabayluhu” ee ay qaado fanaada
Hibo Maxamed ” Caqligii wanaadsan itaal inuu ka roonyahay bal eegoo u fiirsada”
oo ay isla fanaandu qaado. Waxuu kaloo Abwaanku leeyahay inta badan heesaha
nabi amaanka, kuwa wadaniga ah, kuwo jacayl ah iyo kuwa programada lagu furo
sida ” Dadwaynahaan hagnaa hasaawinaa danta u hagnaa” Riwaayado badan ayuu wax
ka alifay, waxuuse gaar u alifay oo aan cidna la lahayn afar riwaayadood sida
shabeelnaagood, gaaraabidhaan, ehlu naarka aduunka iyo dunidu maskaxday magan u
tahay oo la dhigay intii u dhaxay 1967 ilaa 1974 markaa kadib waxuu Abwaanku u
wareegay dhanka Jabuuti waxuuse kusoo laabtay dalka 1980.
Fiiro gaar ah.
Mar uu abwaanku nooga waramayey, cida kala leh heesaha wadinagaa kuwa ugu
caansan ayuu noo sheegay ninkii alifay heesta soomaaliyeey toosooy oo uu yiri ”
Ragbadanbaa sheegta heestaan, waxaase sameeyey nin lagu magacaaboYuusuf Xaaji
Aaden Cilmi Qabbile oo ahaa aabihii tacliinta, markii iigu war danbaysana ku
jiray isbitaal ku yaal London inuu dhintay iyo inuu noolyahana aana war u hayn”
Mar aanu Abwaanka wax ka waydiiney dhibaatada gaar ahaan u gaartay abwaanada
waxuu yiri ” Xussein aw Faarax oo ahaa aabahii suugaanta soomliyeed waxay
Baxsan noosoo sheegtay in gaajo uu u dhintay Alle ha u naxariistee. Intii kale
qaar maskaxdoodaa la xaday oo waxay raaceen qabiiladoodii, qaar waa aamuseen oo
waxba kuma darsan waxii dhacay. Singubaa noogu roon oo halkaa iyo maraykanka
waxii tabartiisa isku dayey”
Hadaba akhristow ragii naf iyo maalba u huray xoriyada maanta lagu kibray, qaar
ayagoo da’a ayey ka dhex ilmaynayaan barafka dalalka shisheeye, qaar waxay
gaajo ugu dhinteen suudigii Soomaaliya, qaar waxay ku dhex dhinteen xabsiyadii
dowladii milatariga ahayd qaarna meel ay ku suganyihiin lama oga. Waxaan
aaminsanahay inaan ragaas abaalkoodii la marin, waxa soomaalida isku dirayna
aytahay inkaar ka nisbowday ayaga. Inteebay le’egtahay baad u malayn waxa uu la
ilmeeyey Abwaan Xassan Sheikh Muumin Gaafane. Waxuu yiri ”Cimrigayagii waxaanu
ku dhamaysanay dhisida iyo harumarinta dalka ilaa ay nagu dulduntay waxaanu ku
dhimanaynay”
Ugu danbayntii
Abwaan Xassan Sheikh Muunin iyo raga la halmaalaba waa khayraadkii dalka waase
gabbal sii dhacaya. Waxay hayaan taariikh loo baahan doono bari hadaan laga
reebina aan laba cali iswaydiin doonin. Soomaali dhaanteed waxaan u rajaynayaa
in ay gartaan dullinimada haysata oo ay sida isu dhaamaan..
Sucaad Said yamen
sucaad03@hotmail.com
|