FAR-SHAXAN

||Home| Dhalaan| Gabayo| Heeso| Sheekooyin| Maahmaahyo| Googaa| News| Rayiga| Gabayaa

Ururka Aabbayaasha Soomaaliyeed ee Ottawa Iyo Booqashadii Dr. Georgi Kapchits
Ururka Aabbayaasha Soomaaliyeed ee Ottawa (Kanada), wuxuu in dhoweydba ku foognaa baadhitaanno dhawr ah oo uu ka mid ahaa sidii loo ogaan lahaa loona maarayn lahaa waxa keenay (ama abuuray) kala qaaraanka ku dhacay qoysas badan oo Soomaaliyeed, qaar kalana ay halis ugu jiraan. Badhitaankaasi waxa lagu ogaaday jiritaanka xidhiidh la’aanta ka dhex aloosan walcanka iyo ubadkooda, taasi oo keentay iney dhalliyaro badani ka tasoobaan qoysaskoodii.Si tabaalooyinkaa loo maareeyo, kuwa soo foollena looga feejignaado oo looga hortago wuxu ururku qabanqaabiyey aqoon-isweydaarsiyo dhawr ah oo loogu talagalay sidii dhalinta loogu soo dabbaali lahaa barashada Af-soomaaliga. Waxa kale oo aqoon-isweydaarsigaasi ka dhalatay oo laysla af-gartay in la soo martiqaado Dr. Georgi Kapchits oo u dhashay dalka Ruushka ahna aqoonyahan ku xeel dheer afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, kana dhiga af-soomaaliga Jaamacadda Moosko ee dalka Ruushka iyo Jaamacadda Berlin ee dalka Jarmalka, si uu u xaradhaamiyo dhalinyaro badan oo hadda ka maagaysa ama aan iskuba lurin, barashada afka hooyo. Dr. Georgi Kapchits waa tusaale nool oo ka marag kacaya inuu qof kastaa baran karo waxa uu doono iyo afka uu rababa isaga oon marna tegin dalka afkaa uu baranayo lagaga hadlo. Kolkii uu yimid magaaladan Ottawa waxa uu ka hadlay dhawr meelood. Madashii u horreysey oo ku tiil xarunta Pinecrest and Queensway Health Community Centre, wuxuu Dr. Georgi uu kula hadlay xubno ka tirsan ururrada u adeega beesha Soomaaliyeed ee deggan Ottawa iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed wuxuuna u sheegey iney dadka Soomaaliyeed boqolkiiba konton (50%) gabyaa yihiin, kontonka soo hadhayna isu haystaan iney gabyaan! Waxa kale oo Dr. Georgi tibaaxay xushmadda uu gabyaagu ka mudan yahay bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda. Waxa isna halkaasi hadal ku saabsan sooyaalka iyo mahadhada Af-soomaaliga ka soo jeediyey Prof. Maxamed Nuux Cali oo wax ka dhiga Jaamacadda Carleton. Wuxuu Prof. Nuux u abtiriyey Af-soomaaliga, isaga oo tilmaamay afafka kale ee uu Af-soomaaligu la bahda yahay. Wuxuu si habsami iyo aqoon-dheeriyi ku dhisaalantahay u qeexay siyaabaha ay afafku u faafaan iyo sida ay u kala tasoobaan intaba. Mar uu Dr. Georgi Kapchits kula hadlayey dadka Soomaaliyeed meesha la yidhaa Foster Farm wuxuu u sheegey inuu barashada Af-soomaaliga bilaabay 1964kii, kolkaasi oo uu arday ka ahaa Jaamacadda Moosko. Xilligaasi buu yidhi, Af-soomaaligu ma qornayn; buugaag farabadan oo laga bartaana may jirin! Hayeeshee buu yidhi, Xiisihii iyo jacaylkii aan afka u qabay awgood ayaan ardaydii Soomaaliyeed ee waagaa waxbarashada u joogtay dalkii Midowga Soofiyeeti uga baran jirey. Inj. Maxamed Xaashi Xandulle, oo hadal kooban ka soo jeediyey madasha ayaa isna tilmaamay kaalinta loo baahan yahay inuu walcanku ka qaato isku xilqaamidda sidii ubadka yaryar loo bari lahaa af-soomaaliga kuwa roonroonna loogu soo dabbaali lahaa. Inj. Xaashi wuxuu sheegey inaan ubadka iyo walcanku waxba isu ahayn haddii aan xidhiidh afeed jirin. Isaga oo midhkaa ku tiikhtiikhsanayana wuxuu yidhi, Afku waa agabka loo adeegsado isu gudbinta dhaqanka iyo hiddaha. Haddii aanu jirinna dhaqan, diin iyo wax kale toona looma gudbin karo ubadka!Isaga oo hadalkii sii watana wuxuu yidhi, Inta ubadka wax laysu yahay waa inta lays af-garanayo ee haddii aan lays af-garanayn waxba laysuma ah! Waxa uu Injiinneerku si weyn ugu boorriyey xubnaha beesha Soomaaliyeed, gaar ahaanna walcanka madasha fadhiyay, xilka ka saaran sidii afka barashadiisa loo xoojin lahaa. Bishan Ogost sagaalkeedii ayaa shirkii ugu dambeeyey lagu qabtay Jaamacadda Ottawa. Halkaasi oo ay ka soo qayb galeen ardayda dhigata labada Jaamacadood ee Ottawa iyo Carleton iyo ciddii xiiseyneysey, rabtayna, iney aragto sida uu ugu hadlo Dr. Georgi Af-soomaaliga. Maalintaasi wuxuu Dr. Georgi si weyn ugu nuuxnuuxsaday murtida maahmaahaha Soomaaliyeed iyo baahida weyn ee loo qabo aqoonyahanno Soomaaliyeed oo u guntada ururinta iyo baadhitaanka maahmaahaha iyo murtida Soomaaliyeed. Wuxuu Dr. Georgi carrabka ku dhuftay sida ay isaga uga ayaanka badan yihiin oo haddii ay doonayaan in ay bartaan ama xoojiyaan barashada afkooda ay helayaan buugaag fara badan oo ay wax ka bartaan iyo dad badan oo ku xeeran diyaarna ula ah in ay kaaliyaan. Ugu dambayntii, waxa xusid gaar ah mudan in la tilmaamo buugaagta uu Dr.Georgi Kapchits qoray oo ay tiradoodu gaadhayso shan buug. Waxaanay kala yihiin:
  • 1. Maamaahyada Soomaaliyeed. Buuggani wuxuu soo baxay 1983kii, qoraaguna wuxuu ku soo bandhigay kun maahmaahood oo soomaaliyeed iyo kuwa Ruushka ah ee u dhigma.

  • 2. Waxaa la yidhi sheekooyin hidde ah. Buuggan oo ka soo baxay Cologne,1996kii wuxuu qoraagu ku soo ururiyey 217 sheeko oo Soomaaliyeed. Waxa si habsamiya loogu gorfeeyey buuggan Warsidaha Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee Hal-aqoon kana soo baxa magaaladan Ottawa tirsigiisii 1aad ee xidhmada 2aad.

  • 3. Sheekooyin soomaaliyeed (oo ku qoran af-ruush). Wuxuu buuggan qorohu ku soo ururiyey Sheeko-xariirooyin Soomaaliyeed oo uu u hal-tebiyey Af-ruush. Wuxuu aad ugu muujiyey qoto-dheerida murtida dadka Soomaaliyeed. Wuxuu buuggu soo baxay 1997kii.

  • 4. Qaamuuska maamaahyada Soomaaliyeed – The Dictionary of Somali Proverbs. Wuxuu soo baxay 1998kii. Waxaad ka helaysaa lix kun oo maahmaahood. Waa ururinta ugu badan ee ilaa hadda la sameeyey. Dr. Georgi wuxuu sheegey intii ka danbeysey soo bixiddii buuggaasi in uu soo ururiyey 9,000 oo maahmaahood oo kale, kuna talo jiro inuu buug cusub iskaga soo wada dhigo dhigo.

  • 5. Hubsiimo hal baa la siistaa/To know something for sure, one would even part with a she-camel: Buuggan oo soo baxay 2002da wuxuu ku saabsanyahay cilmi-baadhis uu qoruhu ku ogaaday maahmaahaha ugu caansan ee ay tahay inuu barto qof kasta oo soomaaliyeed iyo qof kasta oo shisheeye ah oo ku dhaca barasha af-soomaaliga. Wixii faahfaahin ah ee ku saabsan buugaagta uu qoray Dr. Georgi waxaad ka helaysaa ardaaga uu ku leeyahay internetka ee ay sumaddiisu tahay Kapchits

    .
  • Kama dambayntii, waxaan u sheegeynaa dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba iney soo bixi doonto dhowaan cajalad maqal iyo muuqaal ah oo laga duubay dhacdooyinkaas kor ku xusan. Waxa isku soo dubbariday Cabdulfataax Maxamed Cabdulle. Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh Ururka Aabbayaasha Soomaaliyeed ee Ottawa. Tel: (613) 820-4922.

    Waxaa soo diyaariyay: Cabdiraxmaan Faarax Barwaaqo | hal_aqoon@yahoo.com