F

Ibraahim Xuseen Weyd "Cirrosuge"

HEESTA CALANKA DALKA SOMALILAND.

Dhaaxaad casuusiyo
Cawlaanka boodhkiyo
Ciiradu ku saarneyd
Midabkaagu caawana
Cuseyb duugi ku xigay
Casaan iyo caddaaniyo
Waa cagaarka dooggoo
Caadil magaci lagu dhigay.


Heegan ciidankaagaa
Kaa ilaasha cadawgoo
Culumadaadi diintiyo
Carruurtiyo haweenkaa
Ku salaamay calanyahow.


Cirkii baa da’aayoo
Balliyada camirayoo
Cuudkii baa dhalaayoo
Qawl caaro bixiyiyo
Cosob iyo tigaadiyo
Kob caleen leh joogoo
Caanihii la lulaybaa
Codcodka iyo faarkii
Weelka laga cidaadaa.

Heegan ciidankaagaa
Kaa ilaasha cadawgoo
Culumadaadi diintiyo
Carruurtiyo haweenkaa
Ku salaamay calanyahow

Cilladii sal guurtoo
Cilmi iyo aqoonbaa
Caqligii yaboohshoo
Collob gaaxsanaydiyo
Cimilada haboonbaa
Carradii ku baahdoo
Dhalinyaro cuddoon baa
Ku caleemo saaree
Cawri iyo ilba la’aw.


Heegan ciidankaagaa
Kaa ilaasha cadawgoo
Culumadaadi diintiyo
Carruurtiyo haweenkaa
Ku salaamay calanyahow.


Waxaa heestan calanka tiriyay abwaanka weyn “alla weyne” ee magaciisa la yidhaa

Ibraahim Xuseen Weyd “Cirro Suge” Taariikhdu markii ay aheyd October-20-2003.


Abwaankaa oo ka tirsan bahda Somalilandcenter.
Waxaad ka heli kartaa admin@Somalilandcenter.com