Ku soo Dhowoow Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Qays Farshaxan

Cabdi Qays iyo Gibilooy "Qays"

Halkan Ka Dhagayso

si xeel dheer u dhuux


Gibilooy giblo weehadkaaga
Galgalin waa galankaaga
Geedigu waa weehadkaaga
Guulguulkuna waa sirtaada
Asqaduna waa guurahaaga
Hayaankuna waa gadaada
Dagaalkuna waa goshaada
Dhacuna waa goonyahaaga
Geeridu waa raaxadaada
Guushuna waa balankaaga
ruxankuna waa gawracaaga
Gaajadu waa dhaxalkaaga
Saboolkuna waa guntaada
Runtuna waa galabsigaaga
Haddaad gobanimo u baaqday
Haddaad lixdankii gorfaysay
Haddaad calan guudka saartay
Maxaad ugu guuri wayday
Libina ugu gaadhi wayday
Malaha waa guri dhigeeda
Siduu u guracay dhiskeeda
Gaalkiyo waa xaajadiisa
Gafkuna waa daagalkiina
----------------------------
Haddaan gocashada tilmaamo
Gibilka sare iyo dushaada
Iyagoo gacal kula wadaago


Rag baa kuu garabgoleeyey
Gumaysiga kuu shirqoolay
Waxaa jira guuto beena
Gudboon kula sheeganaysa
Ilka kuu guduudanaysa
Gudcurka kula eeganaysa
Gadaal kaa tooganaysa
Godkana kugu sii ridaysa
-------------------------
Waxa jira gibil sawaaban
Gumaysigu kugu dhex beeray
Guyaal hore kugu samaystay
Sidii loo guri lahaa
Guf iyo tahay shay gadaaman
Afarta isku guurta maaha
Afarta lagu guuro maaha
Afarta laga guuro weeye
Xumaanta gorfaysa weeye
Gujada ku salaaxda weeye
Ninkii arin gudan lahaana
Waxaa laga dhigay gargaare
Ninkii loo gali lahaana
Waxaa laga dhigay garqaade
Gudoonkuna waa sidaasee
Horaad gob u noqon lahaydee
Adaa gabay xaajadaada…
-----------------------------
Abwaanada guudiskooda
Murtida gaabgaabsigeega
.


Markii hore gudashadeeda
Guubaabiiyo murugadeeda
Markay gudbinayso ciilka
Godolka way seexataaye
Hadday garta qaadi waydo
Gafkii dhacay sheegi waydo
Godobta noo tilmaami waydo
Godolku been buu ahaayee
Runtna waa gaagaxeeda
Gabnadu waa weheshigeeda
Maahmaahda garsooraheeda
Waxay tidhi guurtigeedu
Saadaasha ninkii gafaaya
Wax joogana gogol dhigiisa
Wallee kaagam garaabo
Garaadku wuxuu ka taliyaa
God kuu dhiman barashadiisa
Hayaankiyo waa garqaadka
Halkuu geedigu maraayo
Isagaa kuu sii gorfeeya
Haddii garashada la waayo
Shacbigu guulaysan maayo
Aqoontuna waa gargaarkiisa
Xil joogiyo gudashadiisa
Halkuu geedka ka jaraayo
Isagoo gudintii yaqaana
Waa kii geel jiruhu su’aala
.