Qalinkii - Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan
Taariikh Suugaaneedkii Abwaanka da'da yar ee Bashiir Xasan Jaamac
April 02,2009
Bashiir Xasan Jaamac oo lagu naanayso (Faras) waa aqoon-raadis da,yar oo ku nool
caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lumpur.Bashiir Wuxu ku dhashay ,Deegaanka
Baalidhaye sannadkii 1988 dabayaaqadiisii.
Aabihii Xasan Jaamac Abokor Wuxu ka mid ahaa hormuudkii odayaashii dhaqanka
ee dawrka weyn ka qaatay halgankii dib u xoraynta dalka(Somaliland) ee SNM hogaaminaysay.
Hooyadiina waa Shamis Cabdillahi Maxamuud oo degen magaalada Burco.
Faras Wuxu Ku barbaaray waxbarashadiisii hoose dhexe iyo sarena ku dhamaystay magaalo
madaxda gobolka togdheer ee Burco,Waxanu ka qalin jabiyey Dugsiga sare ee Alfaaruuq
Secondary School Burco sannadkii 2008 , isagoo ka mid ahaa saddexdii arday ee ugu
derejada sareeyey sannadkaa gobolka togdheer .
Isla sannadkii 2008 ayuu waxbarasho dibadeed u baxay waxaanu tegay Wadanka Uganda,
muddo yar ka dibna wuxu u dhaafay dalka Kenya oo uu ilaa Sannadkii 2009 ku sugnaa .
Sannadkii 2009 ayuu tegay Wadanka Malaysia si uu waxbarashadiisa jaamacadeed halkaas
uga sii wato , Halkaasi oo uu ilaa iminka degenyahay,kuna diyaariyo Maaddada Chemical
Engineering , Department of Water and Waste Water .
Marka laga yimaaddo mihnada waxbarasho ee uu ku fooganyahay Bashiir dhinaca kale waa
halabuur curiyey suugaan badan oo gabayo iyo maansooyinba isugu jira .
Inkastoo aanu haleelin jaanis badan oo uu bulshada kula wadaago Suugaantiisa oo uu ku soo
bandhigo marka laga yimaaddo munaasabadaha Jaalliyada Malaysia ku kulmaan, balse isaga iyo
asxaabtiisu waxay ku guulaysteen inay uruuriyaan oo qoraal ku sameeyaan Suugaantiisa.
Halabuur kasta maansooyinkiisu waxay xidhiidh la leedahay waaqica iyo duruufaha uu la
noolyahay sidaasi darted inta badan suugaanta Bashiir waxa laga dhex arki karaa duruufaha
ardaynimo dhallinyaronimo ee uu deriska la yahay waxaa kale oo si muuq weyn looga dhex arki
karaa qaybaha kala geddisan ee nolosha geeska afrika oo uu wax badan ka yidhi.
Dalxiis
Dib U laabo
Dalxiis.Jan-2012.
Gabaygani oo uu tiriyey Bashir Xasan waa farriin ku socota Madaxweynaha
Somaliland waa tilmaan iyo hoga tusaalayn aanay waano iyo toosini ka madhnayn,
tixdu waxay madaxweynaha u farmuuqaysaa dhaliilo dhawr ah oo intii xukuumaddiisu
jirtay soo if baxay ,dhinaca kalena waxay qiraysaa waxqabadka mudan in la xuso
ee ay xukuumaddu fulisay , aakhirka waxay ku gebogeboobaysaa fariin sheegaysa
hiigsiga iyo himilada shacabka ee ay tahay in Madaxweynuhu xasuusnaado oo
maanka ku hayo , waxay si dadban u leedahay Madaxweyne Ummad iyo qaran cusub
oo inuu adduunyada la jaanqaado doonaya ayaa hogaanka kuu xushaye ku xisaabtan
oo xasuusnoow markasta .
Waxay tixdani ka dhalatay mar madaxweynuhu fasax nasasho ah ugu baxay dalka UK
isweydiintii ka dhalatay ee ahayd malaa Madaxweyne adigoo wadanka ku nastaa ka
qurux badnayn dibadda shishe.
1) Nimanyahaw daliil gabay ka tegay dihashadiisiiye
2) Durbaankii tixdaydana mar hore waanigii dedaye
3) Ma deyaamin maansooyinkii dulucda weynaaye
4) Rag uun bay dirqiyayee qalbigu diidyey ereygiiye
5) Dedaal iyo aqoon baan muddaba daalib ku ahaa .
6) Halse caawa aan doonayaan deel ku falanqayne
7) Dabuubtana Nin baan ula socdaa aan u digayaaye
8) Bal aan diro nimaan shiish ku deyey daaqad baa furane.
9) Nin ku dilay nin kuu dudahayiyo dirir nin kuu sheegtay
10) Ninkii dabinno kuu qoola, ee tooray kugu daaba
11) Ama darayo kugu ciijiyee diida samahaaga
12) Intaba waxa kaaga daran ama ka doorweynba
13) Ninka dumarka caayaa ka culus dil iyo qoor goyne
14) Dimuqraaddinimadii hadday dihatay ceeb oo dhan
15) Haddii gaal intuu daarta galay dilay asluubteenna
16) Sharaftii dadkeeniyo hadduu dooxay magaceenna
17) Gabdhihii dalkeenniyo hadduu dahabo aafeeyey
18) Dusdus waa sahaalo,e hadduu duubay xumahooda
19) Oo uu damaaci iyo is lihi derejadaa gaadhay
20) Axmedow deldelis buu ahaa daacufkaa xumiye
21) Gobannimada kii dalaw ku riday waadigii diraye
22) Isagoo raguu daba mariyo shacabku doonaayo
23) Denbi weeye inaad saamaxdoo duulisaa galabe
24) Doc wareen bay dhaartii ku tahay aad dudubiseen.
25) Afartaasi waa dood hore oo wayga degi weyday
26) Oo dareenka iyo maankaa I yidhi raaci dulucdaada
27) Oo duqu inuu xusuustaan rabaa way ku soo duxiye
28) Oo waa iga digniin oo gadaal waw dardhanayaa
29) Oo waan dardaarmaye xirsoow geliya diiwaanka .
30) Ammin kalena waa dibad la tago doorkan manta ahe
31) Damaashaadkan loo baxay haddan dood ka yara keeno
32) Axmedoow dalweynoo dhismaa laga dalxiisaaye
33) Keennii duruufo iyo dhibbaa loogu dawgalaye
34) Hadduu dunida koobaad ku yaal kuguma diideene
35) Agoon aan daryeel iyo lahayn dawlad hananaysa
36) Iyo waxa duleeddada fadhiya qaar itaal darane
37) Waxay adiga kuu doorteenna waa daacad waw taline
38) U dan maaha dhoofkiyo inaad dibadda joogtaaye
39) Xilku derejo maahee ka culus dabaqyo waaweyne
40) Haddad nasasho doonayso oo daal ku yara taabtay
41) Miyigaa dalxiis lehe abtoow maad u yara duushid
42) Maad daalo iyo sheikh iyo abtoow dayaxa soo joogtid.
43) Damaca iyo markii aad lahayd derejo liishaanka
44) Ee aad dadweyana lahayd manta ila doona
45) Degmadaad maraysaba markaad hadalka deeqsiisay
46) Ee aad Ducaaliyo Xuseen duraysay ee maagtay
47) Xoorxoorna waad nagu dirtoo daalin baw dhigane
48) Ninkii daahir meersada u raray dookhu soo celiye
49) Bal dadkana maxaad odhan abtoow durug warkiisiiye .
50) Afartaasi waa dood kale oo wayga degi weyday
51) Oo dareenka iyo maankaa I yidhi raaci dulucdaada
52) Oo duqu inuu xusuustaan rabaa way ku soo duxiye
53) Oo waa iga digniin oo gadaal waw dardhanayaa
54) Oo waan dardaarmaye xirsoow geliya diiwaanka .
55) Inkastoo lib lama duudsiyee aad wax derejaysay
56) Inkastoo caruurtii dugsiga lacagti loo daayey
57) Inkastoo afmiinshaar dadqala xaashi dedefeeyey
58) Inkastoo gunnadu darartay oo deeqda helay jeyshku
59) Dadku waxay tebaayaan inay dunida haabtaane
60) Daryeel loo dhammeeyey shacbigu kaa dalbanayaane
61) In sharciyada dib loo fiiriyey kaa dalbanayaane
62) Diintiyo kitaab loo noqday kaa dalbanayaane
63) Cadli lagu dabaaliyo wanaag waa dan joogto ah .
64) Adduunkuna beruu dumi karaa aakhiraa darane
65) Cadaab duugan jaxiimoo dadcuna iyo naartibaa dedane
66) Waxaa loo dedaalaa wixii eebe kuu diraye
67) Adigana da,daadiyo cimraa kuu dardaarwerine
68) Dib u eeg salaaddiyo digrigu waa mid noo danahe
69) Oo dawlad saxan nebigaa dhisaye csw daliiladii eego
70) Oo daacad abu bakarbaa noqdaye dhugo dariiqiisa
71) Oo samaha lama daadiyee khyrka daba joogso
Loollan ; Gabay febraury 2012.
Gabaygani wuxu tilmaamayaa dhibaatada qurbaha iyo sida aanu qofka laajiga
ahi xaq badan ugu lahayn dalkiisa hooyo dibaddiisa ,dhinaca kale waxay
muujinaysaa dhibaatada iyo waayaha ku xeeran ardaynimada loogu baqoolo dibadda,
waa fariin Faras hawada u marinayo eheladiisa uu ku cabirayo waaqica uu ku
sugnaa wakhtigaas.
Gabay laam ah oo igu lammaan oo laabta miranaayey
Iyo leeb igu maqnaa ama fallaadh igu likaysnaatay
Oo damaqna igu laasimtaan caafi leeyahaye
Lucbi iyo ciyaar iyo midkani laadarnimo diidye
Waayahays legdaayiyo noloshanaan laaxin soo sudhaye
Bala aan laxanka saaree ragyahaw igula luuqeeya .
Kala lumista leel leel adduun lur iyo hawshiisa
Laydhiyo dabaylaha side luxaya maankayga
Lahashada wadnaha iyo qalbiga luudis socodkayga
Laylkiyo saqdii dhexe indhaha wan libqinayaaye
Fikirbaan intaa laasimaa iyo lafagur hawleede
Ledi waayey jiifkii beryahan oo waayey luladiiye
Cishiriin laxaad qaba oo qurbaha lagu masaariifsho
Oo ninkale ku laasimay inuu lacag u soo dhiibo
Oo ardaynimadu laashoo dishoo leexisaan ahaye .
Lodkaygaa markii cali ahaa laadad badan tuurye
Wakhtina kagama lumin xaashi iyo layslis joogto ahe
Imtixaanna naasir uma lugayn land surveying ahe
Labaduba hadday reero badan Ubad lucuubshaane
Buugyahaw intaan kugu ladhnaa ee kugu laciifaayey
Haddaan xoogsi loolami lahaa lahan ma jiifeene
Lacag iyo maruunbaan hantiba lab ku ridan laaye
Lammaanaan ahaan laa oo marbaa lay mashrixi laaye
Intii looxa rabbi iigu qoray kama liqaarmeene
Ragba yaga oon kugu lugo,in haddana libin la soo toosye
Deyn layma haysteen iyo hantidaad lumisay maalmaaye
Ninkaygii lillaahiyo jannada gaaladaw lurayey
Ee naftiisa dhawr jeer lalmiyey iyo laxaadkiisu
Cibaadada ma liigeen sidii gaadhi leelmadaye
Nacab iima liideen sidii laaji oromeede
Oo sida tuuga laylama dhaqmeen luuqa joogsada,e
Oo laygama dammiinteen sharciga mana baryeen loowe
Oo looyar ima soo furteen laalush qaata ahiye
Oo layliyo ima ay dhibeen labadi naagoode
Oo tolkay igama laabteen indhaha maalin laac kulule
Oo sidii loofar saaqiday canaan layma laliyeene
Oo laygula ma yaabeen maxaa lagugu haystaaye
Laammigii burciyo maalintaan leedo ka hulleelay
Laxdadaan dalkaygii ka imi waa markaan lumaye
Ninkii luqunta ii kaa gashee yidhi anaa loogi
Ee igu kaa lammaaneeyeybaa laydha raac yidhiye
Anigoon ku loofarin midhii oo kula lacaabaayaa
Anigoo ka laalaada oo qalinka leefsiiyey
Oo laba iyo badhwada haddii muran ku soo liiqmay
Anna inaan ku laalaabo oo liif ku yara saaro
Oon tacab ulaba xoog sadaa waa lab dhaqankiise
Dedaal li,i libaaxuba ma helo deero soo lulane
Leexyo maruu boodh kacshuu lakabsadaa neefe
Geeloo laxaadkawga weyn laac ku soo legedye
Waa luqinjibaadh xeeladduu aar ku liqayaaye
Leedarnimo hanbaa kaa xigiyo dhib iyo luuf luufe
Markaad loollan adag soo gashaad guusha lulataaye
Laacibkuba illeen gool la,aan libin ma soo hoyne
Geesina markuu liifka rido ee laba labow toogto
Ee cadawga liishaamiyaa loolulaa ubax
Liidkiyo ninkii nacas ahbaa rag kale haysta lugahoode
Inta aanan liic liicn ee madaxa laalaadin
Xammaalnimo inaan la hadhsadoo leefo dhididkayga
Oon laba mid weeyee juhdiga leexiyey tahay.....
Mushaax
Dib U laabo
Maanso (Mushaax).May2010.
Maansadani waa sarbeeb iyo maldanahe ka dhursugaysa in wakhtigu furo ama
indheer garadku cabiraan dulucda ay koobsanayso.
Murtibay xodxodaysoo
Waxan muhanayaa gabay
Carabkaygu maantaba
Milliqsiga dareenka leh
Suugaan mugweyn iyo
Midhuu tirinayaa culus
Anigaa is maamula
Waa maanso igu tidhi
Muuqiyo habkay tahay
Midabkeeda heesteer
Waan kuu maldahayaa
Shaal baan ku marayaa
Ninkastaa muraadkiyo
Meeshuu la jecelyahay
Haku male awaalee
Adaa garan midhkaygoo
Miimkayga helayee
Ninkan magac dhebaayoow
Adaa maali jiray oo
Magmagaabin karayee
Waad mudantehee hoo
Masanuuni saaxiib
Muftaaxiyo furaa qabo
Maqalkaan dabooliyo
Maqsinada albaabka leh
Giddi miim ku falanqee
Mari oo ka faallood .
Qiso weeye igu maran
Riyo weeye igu mudan
Marbay geeri culus iyo
Murugiyo dhib wadataa
Rajadaase muushoo
Yididiilo kama madhan
Waa geed magooloo
Ubax iyo mankiisii
Mayey iyo fileen roob
Aan maalintaa helin
Afartaasi waa meel
Mahiigaan sanqadhay iyo
Warkii xalayto aan maray
Waa midhkii fufuri laa
Midhna waa xogtane hoo
Dhulku way maslaxayaa
Ciiddaa muraadka leh
Iilkay macsuumoo
Maxabiyo kalgacal iyo
Sharaf iga mutaystoo
Wuxu iga martiyayaa
Inan hore u soo maro
Hadba madal qurxooniyo
Maqaam aan la yaaboo
Boqollaal kun oo mayl
Meegaarku joogoo
Inta geed mankiisiyo
Midhihiisu yaallaan
Aan maanku tiring Karin
Ayaan maalmahoo idil
Markan gama,a maagaba
Ka arkaa muraayado
Madaxayga yaalloo
Madjiciyo sariirtaa
Hadba ila mushaaxoo
Makka iyo maddiiniyo
Intan xaramka sii maro
Ayan madashi khyrkiyo
Muquurtaa fardawsoo
Muscab iyo bilaal iyo
Cumar iyo rag mudanbaan
Muddo soo arkaayoo
Waxa aan misaal iyo
Macluumaad ka siiyaa
Sharka dunida maantiyo
Ka dhacaaya meeshay
Muddo mooganaayeen.
Afartaasi waa meel
Mahiigaan sanqadhay iyo
Warkii xalayto aan maray
Misaal oo xus weeyaan
Midhna waa xogtane hoo
Xayawaanka muuqdiyo
Duurjoogta maqanbaa
Intay murugo ooyaan
Muusannoow ku waashoo
Markastaba agtayday
Ku dul meerayaanoo
Masaskiyo abguriyuhu
Madaxa iyo qadaadkey
Intaa ii masaxayaan.
Shimbiraha macruufkee
Hawadaa marmari jiray
Maaweelintayday
Ku mashquulsanyiinoo
Muuqiyo codkoodiyo
Macaansiga tixdoodaa
Madadaalo igu filan.
Maalmahan dhex joogiyo
madawgiyo habeenadu
waa ila madluum oo
ilmaday midhtirayaan.
Inta samaha mudatiyo
Kuwa khayrka miirtiyo
Ninkastoo masuul iyo
Muslimiinta suganbaa
Mu,aamarada diidoo
Macaygaan ku tiriyaaa.
Afartaasi waa meel
Mahiigaan sanqadhay iyo
Warkii xalayto aan maray
Misaal oo xus weeyaan
Midhna waa xogtane hoo.
Mu,minbaa hadloo yidhi
Wakhti badan maddaashooy
Anoo kuu muraadoo
Maankuna kalgacal iyo
Samo kuu maleeyaad
Adiguna maddiidiyo
Shirqool ii maleegtoo
Miinadaad xidhaysaa
Kaa goysay madaxoo
Waad marin habaabtaye
Waxay magac xumaantiyo
Murugadu dultaallaa
Marwo geesigeedii
Isagaan marnaba gabin
Inuu mawd haleeliyo
Inuu malag ku soo dego
U musuusuqaysoo
Dhexda xadhiga ugu maran.
Inkastood I maagtoo
Waxan kaa mutaystiyo
Abaalkaygii moostoo
Marmarsiinyahaaguna
Wax la male awaaliyo
Uu masabid uun yahay
Waa mahadho weeyoo
Midhahaan higsanayiyo
Meeshaan filaayiyo
Ma arkaayo guushii
Malabkiyo xabuubkii
Aad shalay milaysoo
Malaa dacar qadhaadh iyo
Mur baad ii walaaqdoo
Makri iyo dhibtaadii
Adaa muudsan doonoo
Markastay ahaataba
Maxaadhkaad qarsanaysiyo
Mindidiyo sakiintani
Aday dhuunta kaa mudi .
Adaa macangegoo xalay
Nacabnimada muujoo
Adigay mushkiladdani
Farxad kuu metelaysaye
Haddii dabinkii miiqnaa
Ninkii aad u moostiyo
Mutay kuu u aasnaa
Inaad dee mushxaraddoo
Mabsuuddaa la filayaye
Sawtaa madawgiyo
Miridh kugu daboolmee
Aan laguu miciinayn.
Sawnigaa masiibooy
Kaa raystay maahee
Degey meel barwaaqo ah
Adna mooradaadii
Sawtaa ku melegtaye
Qabqabluhu ku malafsaday.
Afartaasi waa meel
Mahiigaan sanqadhay iyo
Warkii xalayto aan maray
Misaal oo xus weeyaan.
Maansadu fogaatoo
Murgatoo carceertoo
Riyadii maqluubnayd
Maddaashiyo warkeedii
Miim ku ashkataysoo
Dhawr surin mushaaxdoo
Meermeertay luuqyoo
Ka fogaatay maad oo
Ku ekaatay murugoo
Marxuum loo baroortiyo
Nin la maagay sheegtoo
Murjisoo dadweynii
Tacsi buu muquurtaye
Waan soo maguujaye
Aday maxammed kuu timi (Maxamed Cabdillahi Guled MaxamedBurco)
Waa kuu martiye soor .
Nimaan maamulkeediyo
Maamuskeeda loo dhigin
Malafkeeda yuu qaban
Shebokedaha yay marin
Maqaal yay u eekaan
Meel aanan doonayn
Yaan lagu maxbuusayn
Gacan mushaki yay gelin
Maangaabka liitiyo
Yaan jaahil moogani
Marinkeeda joogsane
Ma hurtiyo rag waaweyn
La wadaag macnaha oo
Nin macsuumi kara iyo
La mishaawir cige oo (Cabdillaahi C. Cige)
Indheer garadka maantiyo
Murtiyahanki hawd sii (Ibrahim Yusuf Axmed)
Muusiyo tallaabana (Muuse Dhoolla yare iyo Cabdiraxmaan tallaabo)
Gaadhsii markoodoo
Waa macallin faysale (Faysal Awcabdi Cambalaash)
La wadaag micnaha oo
Siciid waa magayno,e(Siciid Maxamed Cali)
Yuu mooganaan hooy.
18ka May
Dib U laabo
Gabay(18-May).2012.
Gabaygani wuxu si mug leh u tilmaamayaa halgankii loo soo maray xoraynta Somaliland,
waxa ka dhex muuqda qaar ka mid ah halgamayaashii SNM ,waxaanu gabaygu durayaa
qaabka maalinta qaranka ee 18-May looga xuso qurbaha ,wuxu durayaa illawga la illaaway
maatadii iyo naafadii halganka ee waxtarkooda loogu bedelay hudheello la kiraysto oo
lacag adag lagu bixiyo.
Gebogebada gabaygu wuxu tilmaamayaa in nabadda iyo wanaaga aynu gaadhnay halkiisa laga
sii wado oo allena loogu mahadnaqo.
Haddaan caawa gabay muunadliyo mariyo suugaanta
Mahad kuma mudniye waa xil aan saaray madaxaase
Waa muwaaddinimo iyo qiraal dhuuxa sii mudane
Oo waa waajib aan magic lahayn maxammed quulloow
Mahiigaanka roobkiyo sidii mayay aroor tiixay
Midho dhibic la moodaan lahaa manta soo curo,e
Mahuraan dalkiibaan lahaa socod ku soo meere
Miyi iyo dhul daaqlaan lahaa halo ku soo maale
Maytidii shahiiddaan lahaa duco ku meegaare
Hormuudkayga maqan iyo ragii talada miisaamay
Fariiddadii muddeeyaan lahaa meel isugu keene
Ase waxan ka maansoonayaa meel shishoo daran.
Madashaynu joognay tixdani meel ku qoraysaaye
Waxay magic dhebaysaa wixii laysla soo maraye
Milicsada sidii ay ahayd looma meel marine
Madaw dugul ah maariin qurxoon iyo midab caddaa gaala
Muslimiinta sugan iyo intii mawle garanaysa
Waxa muunad eebahay khalqaye muusha dunideenna
Qaran waliba maalmuu xusaa , muujiyaa higile
Annagauna midbaan leenahoo noo maxaarimaha,e
Marxab baan nidhaahnaa markaad bilato meeyeeye
Farxda baan mabsuudaa bilyahay oo mustarixaaye
Adaa miirtay maalmaha gobaad muhimmaddoodiiye
Madaxdiyo dadweynuhu aday kuu mishxaradaane
Aan mariyo maantana anaad ii macsuumtahaye
Waxad tahay mid igu qaaliyiyo hiigsi meelmaraye
Miilaadka calankaa tihiyo , maalin qarameede
Mulkigayga maantaan dhacsaday ee maalay baad tahaye
Muruqayga iyo maantaan xornimo muujay baad tahaye
Cadawgaygu maantuu dhintee maatiyaa tahaye
Makansiinta eebaa leh oo muuja keligiise
Mahadhooyin badan baad bilyahay mudatay gaarkaaye
Malaf baad ku leedahay qalbiga amase miisaane
Magacaaga goortaan maqlaa meeli shidantaa.
Memorygu wuxuu kugu tebaa waa milyaar gabane
Awgaa ragii ugu mudnaa aduu ciidda hoos maraye
Ma gubtiyo aday kuu dhinteen maahirkii caliye
Maalloosh xertiisiyo adaa mooge kuu go,aye
Murna wuu ku dhalay iyo qadhaadh iyo milil rag waaweyne
Madaafiic la beegiyo rasaas madaxa loo dhiibay
Geesiyaal naftoodii melgaa guusha loo miraye
Aboolkoodi waa marag inaan meella loo dhigine
Oo waxa mankoodii ka hadhay waa maqaar qudhahe
Muusig iyo inaan jaasno oo maararaw dhiganno
Oo aan muraaqoonaynaa waa mid kuu dhibahe
Ma mudnide dadkaa kaa hagraday shay munaasiba
Oo dhalintani waxay moogantahay maalintaad tahay.
Allihii ku soo muujiyaa mudan abaalkeed e
Inkastoo mankii iyo midhii aan manta guranayno
Oo mahadda eebaa mutaye hadhac ku maansheeyey
Maatadii lixliyo aadan baan cidina meelayne
Oo kunkii lixaadkuba maqnaa murugay jiifaane
Oo waxa naftoodii ku maran yaa idiin maqane
Halkii aad dedaal miigan iyo maxabo eegaysay
Annaguna waxaan miisannaa waa macsi ilaah.
Ammintaa xaqii May lahayd iyo muhimmaddeedii dheh
Mayey iyo xareeddoo macaan malabsigoodii dheh
Male iyo hankaygoo hirgalay iyo madax bannaanaan dheh
Ammin kalena waa miim kalooy muhatay laabtaydu
Waa madasha aan joogno iyo hoygan manta ahe
Bal magaabi waa midho caqligu maaxday oo xulaye
Inta nabaddu maashaa allee joogto minankayga
Milgo waxa ah sharaftiyo amniga aan majiirsadaye
Midnimada intaa xeeriseen maaran nacabkiiye
Ma muquunin karo cududa guud cadaw ku maagaaye
Moos iyo waxaw dhigan dhufays mawle saacidaye
Gobannimana waa malab ninkii muudsadaa garane
Ma misaalla duulkaa murmiyo kii is-maamulay.
Iga mudhuxsay miimkaan lahaa midhadh ku soo koobe
Waxes aan ku soo meerayaa meeriskaa dhimane
Dal macruufa muuqiyo dhulkoo muunad loo quruxsan
Xukun mudan cadliga maamul jecel madax cibaadaysta
Shacab diinta maamuusayoon muran ka keenayn
Tawxiidka maradaa leh oo meel kasta taagan
Iyo waxan muhanayaa ardooy dawlad magic weyne
Ummad muuqleh oo muuqatay oo milgana haysa
Iyo wuxuu muraadkaygu yahay meel shishoo sara,e
Mrtidii hadraawiyo halkii maxammed liishaamay
Malihii gadhlaan doonayaa inaynu maalnaa.
Godob Jaceyl Weeye
Dib U laabo
Godob Jacayl weeye(10-10-2011).
Gabaygan halabuurku wuxu ku halqabsanayaa nin ay sxb yihiin oo qiso jacayl
ku dhacday ,waa baroordiiq jacayl iyo niyad dhis ..
Ilaaq gabay maxammedow waanigaan geline
Waan gabay oo beryahan waan ka gaabsadaye
Markii lagu gefay ee rag xumi adhaxda googooyey
Ee godob iyo ceeb iyo xumoba loo geystay
Ee galabba deelqaafta gudhan magacyo loo gaadhay
Ee webabka lagu soo guraan gaasiroo nacaye
Waxse manta aan gocanayoo gaar ahbaa jira,e
Aduunbaa halkaan goobayiyo garan ujeedkaye
Bal guddoonso caawaba midbaan kula gorfayn sheekhe.
Dadka jooga guudkee arlada gebi ahaan buuxa
Wax gashaanti qaaliyiyo dunida gaari wacan joogta
Geyaankiyo hablaha manta kacay ama geddaadaasa
Haddad gabadh jeclaatoy wadnaha goobo kaga taallo
Cishqi gaadhay sanawaat hadday kula gargaaraysay
Kalgacayl gunweynliyo haddaad samo la goobaysay
Gelbi oo aroosaba haddad gelisay maankaaga
Ubad soo gurguurtiyo haddad guri la doonaysay
Oon garan xageedana siday kuula garab haysay
Balse galabba nooc ahe wakhtigu gaabshay hadafkiinna
Gobannimadu sabir bay ahayd gaws adayg dhabehe
Guddoon lagu adkaystiyo tashigu waa xal gudoweyne
Haddiise gabadhii tagtoo dhinac kalaw guurtay
Waa gabood fal caashaqa ku dhacay iyo hodan geddeediiye
Waa go,aan haween iyo ninyahaw garashadoodiiye
Inyar oo ilaahay gartoo gabal ah mooyaane
Axdi uma go,aane waa ninkay gelin la joogaane
Garaadkoodaa intaasoo aan lahayn gun iyo sii hayn.
Ammintaa wanaagii la gabay gubashadiisii dheh
Wehel laga gudbiyo caashaq gebagebayntiisi dheh
Godob iyo naxdino loo guntaday lafa gurkoodii dheh
Wacadkii la gaasiray iyo nafsiga gogol dhigoodii dheh
Guubaabo sabir iyo dulqaad gudagalkoodii dheh .
Jacayl guun ah oo laysla garan oo caynka lagu gooyey
Gantaal iyo fallaadhiyo wuxuu gumuca tuuraayey
Qalbiga iyo gaaddada wuxuu kaaga ganay liifka
Waxad gama,a diidiyo intaad gelin dhaxaw toostay
Axdigii godweyn lagu ridee dhaabka lagu giijey
Go,aankii hankii iyo halkaad talada gaadhsiisay
Arrin kugu gedaannaa waxad nooga gobo,siisay
Anigiyo rag gacalkaa ahaa waxan arinta googoynay
Wixii inan rag hawshiina galay waadigii garane
Haddayse guud haldhaaleey midhkii gudubtayoo jiidhay
Oo ay khiyaanada guracan garatay yeelkeede
Gabal weeye caashaqa u dumay guud ahaan jira,e
Duni weeye samihii gubtoo ceebtu tahay guule
Waa seben gunnimo buuxsatoo gaadhay heegada,e
Waa goor xumaantiyo dulligu geedo buuxsadaye
Guud ahaanba sharaftuu beryahan galay wedkeediiye
Gobannimadu maalmahan cidlay goonni daaqtahay.
Abaalo Dahsoon
Dib U laabo
Maanso(Abaallo Dahsoon)febraayo2012.
Maansadan halabuurku wuxuu ku xusayaa sida ay u mudantahay in aan la
hilmaamin abaalka cidi kugu leedahay,waa mahad celin iyo xus uu abwaanku
u samaynayo qof kasta abaal ku leh garabna siiyay .
Halabuurku wuxu ku halqabsanayaa Kayse Jaamac Daa,uud oo ah nin ay saaxiib iyo ehelba yihiin.
Anoo daayoo ka tegay
Intaan deday maansadii
Anoo dersayoo cilmiga
Dubaha ula kacay xagaa
Ayuun buu dookhu yidhi
Abaalkiyo deeqo jiray
Maxaad ugu diiday hees
Markaasaan dabagaloo
Dareenkiyo raacay talo
Naftaydani doonaysoo
Wuxuu deelkani sidaa
War dooriyo sheeko dedan
Dalliilana waan u dhigay
Adaa daah furan markaa.
Adoo dibad galab fadhiya
Dangiigsaday meel barxada
Dariiqa hortaada mara
Haddii degen inann ahoo
Ilaah derejiyo hannaan
Dulqaad uga dhigay asluub
Duhseediyo socodka guud
Dubkeediyo muuqa sare
Dhammaan qurux door u yiin
Danteed u mushaax is tidhi
Haddii damac waa belee
Qalbigu duubtoo ku dhego
Dabeeto intaad u timi
Hawraar duur xula ku tidhi
Yadoon dumarnimo ka tegin
Hadday dood waafiyoo
Si dedan haaheey u noqon
Warkeedu ku soo dulgo,o
Misana dookhiyo cishqigu
Sidii roob kugu da,aan
Jacayl keligaa ku degay
Hadday daadihi ku tidhi
Docdeedana awdo, oo
Kalgacal iyo daacadnimo
Haddaa wada duulisaan.
Ilaahbaa dunida loo
Siduu doonaba falee
Denbiba idinkoon ka gelin
Wanaagaa doorateen
Weliba aad doorbiddeen
Inaad guri wada degtaan
Duruufiyo hawlo jiray
Hadday idin kala diraan
Dabeeto iswaaba yimi
Markii laga doogay taa
Qisadu way darantahoo
Dahniga kama guuraysee
Waxay kuxdaa naftoo
Xusuustaaday degtaaaa.
Ilayskoo kaa damyidhi
Wakhtigoo laydhkii dansaday
Dadkuna kaa wada fogyahay
Deegaankuna yahay meel cidla,a
Dugaaga ciyaaya iyo
Waxaad ag degtaa cabsida
Dantuna kaa adag markaa
Dubaaxda jidhkaaga iyo
Inaad dardhataana furan
Haddii daabkii mindida
qorigu kaa durugsanyahay
dantaadiyo xaaladdaa
adkaysigu waa dab oo
waxaad dugsataa xiniin
xubnuhu waa wada diyaar
waxad ka diddaa hadhkoo
jabaqda dhidibaa dulyaal
dareenkaa adoo ku jira
hadduu geekjire dulmari
marqudha dogob kuu hulqiyo
ku deeqo hadhuub calcala
markii laga doogay taa
qasadu way darantahoo
waxay ku duxdaa naftoo
xusuustaaday degtaa.
Haddii cadaw kaa gardaran
Dilkaa ku soo tashado
Adoo dermdaaada jiifa
Digtoonina aan ka qabin
Rasaastuu kugu dab xidhay
Dalooliso shaadhka oo
Dadkii kula joogay iyo
Hadday deris badan dhintaan
Adoo dirqi badan ku jira
Haddii saaxiib dab lihi
Intuu darandoori rido
Dagaalka hareer ka galo
Hadduu nimankii darnaa
Daqiiqado qaar ku dilo
Intuu kala dego hubkii
Dareersho hadhaaga kale
Misana rabi kula damcoo
Dabeeto badbaado timi
Qisadu way darantahoo
Dahniga kama guuraysee
Waxay ku duxdaa naftoo
Xusuustaaday degtaaaa
Adoo doon fuulay subax
Badweyn dulmushaaxaysoo
Dabbaashana aan aqoon
Mishiinkii daarayey iyo
Kaxeeyii hadduu duqeeyo
Markad dilka filanaysaa
Dardaaran hagaagsanyee
Adoo labadii mar degey
Haddii wiil daacadoo
Deegaankana xeeb ka yimi
Dushaa sare loox ka helay
Hadduu dacal kaaga dhiibo
Misana rabi kula damcoo
Dabeeto badbaado timi
Qisadu way darantahoo
Dahniga kama guuraysee
Waxay ku duxdaa naftoo
Xusuustaaday degtaa
Haddii dabain meel qarsoon
Shirqool niman kuu degeen
Adoo degdegsan oo xanfaray
Daf aad tidhi seere xidhan
Adoo welwel daran ku jira
Intaan dibindaabyo dhicin
Adoo welwel deran ku jira
Adoon lumin derojadii
Haddii lacag lagu duldhigo
Nin deeqsiyi kula baxsado
Damiin kugu soo furfuro
Misana rabi kula damcoo
Dabeeto badbaado timi
Qisadu way darantahoo
Dahniga kama guuraysee
Waxay ku duxdaa naftoo
Xusuustaaday degtaa
Adoo cadho badan dugsaday
Shaydaankuna duufsi wado
Degtana qorigii ka lulay
Denbina kuu yahay qorshaha
Waxaad damacdiyo dhibkii
Ninkii kugu diiday taa
Dagaalkana kaa badbaadshay
Markuu kaa duway falkii
Qisadu way darantahoo
Dahniga kama guuraysee
Waxay ku duxdaa naftoo
Xusuustaaday degtaa
Intaas oo maalin daran
Ragaa lagu kala duwaa
Duntaa lagu kala gartaa
Dadkaa lagukala xushaa
Dadkuna waa kala abuur
Aadmigu waa kala dadnimo
Gobkuna waa damal hadhwacan
Dhirtana ugu derejo weyn
Dadkana qaar baa la mida
Duruufiyo xaalad adag
Ninbaan lagu dacal bakhtiyin
Ninbaan dadqalkiyo hanfigu
Agtiisa ku doonanayn
Ninbaa deeq badan lehoo
Dhibaatada kula debera
Ninbaa talo iyo dadnimo
Dulqaad iyo garasho badan
samuhu daahiisa yahay
Waxan deelkow xardhoo
Midha keysoo u diray
Dantaan ka lahaana tahay
Waxaan dunideer dhex maray
Habeenno intaan dib jiray
Doolaalo dhul dheer ku tegay
Dadkaan la kulmee arkiyo
Waxan ummad badan dugsaday
Dushaan ka ilaynayoo
Daryeel iyo soo dhaweyn
Intaan dugsaday nin wacan
Wixii deeq lay fidshee
Darxumo laygala baxsaday
Dhammaan way duuban yiin
Samihii dusha laygu xidhay
Ninkii khyr ila damciyo
Intii hiil ila dultimi
Dantayda ku fooganayd
Ninkii derejiyo wanaag
Dallaalimo iiga dhigay
Abaallo inteer ku dema
Dushayda iyo oogta sare
Duciyo gudis baw dhigmee
Inaan tixo ugu daraa
Xaq iyo waa daw sharciya.
Xikmad Illah
Dib U laabo
Xikmadda-ilaah(Gabay;31-dec-2011).
Gabaygani waa hawaale warran guud iyo faallo uu Abwaanku ka bixinayo marxaladda
cusub ee dunidu gashay , waxa gabayga ka muuqda rajada iyo yididiilada caalamka
islaamku filayaan ,gabaygani wuxu ka dhashay xadhigii loo geystay ninkii
hogaaminayey ururkii Xisbullah ee mar wadanka laga ga dhawaaqay.
Murti xanaf leh xaashee ka tegay xulashadeediiye
Maansadu xog bay leedihiyo xaraf iyo raad raace
Xikmad iyo duruuf iyo haddaan xiise lagu dheehin
Ama aan xaq dayacan iyo wanaag lagu xadaynaynin
Xurguf baad ka dheeftaa midkaan loo xakamo hayn.
Nin xanfaray xanbaaruu fishaa xiiqna waw halise
Nin wax xaday xaf waa ula ordaa xadhigna waw jooge
Nin xiskiisu dhimanyahay iyo caruur waw colaad xidhane
Xaawaladayda maantiyo ragana laysku xabakeeye
Xubigiyo kalgacalkii beryahan xaasaskii nace,e
Oo meherku waa xadhig iyo sidii xero diktaateere
Xaflad baabay naaguhu dhigtaan markay xarafka qaataan.
Afartaa xaq lama baajiyee waa xus gooniyaha,e
Waa xiwaarka dunideenna yaal iyo xigasho waayeele
Xirfad dhabadka noloshaa gashiyo waa xantoo sugane.
Qurbahana lagu wada xeroo laguna xaasowye
Xigtadiisa gee ruux kastaa beenna soo xaradhye
Sidii xawdkii nebigeen inbadan nolosha loo xoorye
Markii gaalku xoogaa hantiya oo xumbo ah siiyey
Dadka qaar xadkii dhaafe oo xagal ka jiireeye
Oo xayawaan sidiisii kufriga daba xumbaaleeye
Dhallinyaro xufaadina ku kore waa xikmad ilaahe.
Xukaamtii carbeed iyo dadkana laysku xarakeeye
Oo laysku xiiqyoo hub culus laysu soo xulaye
Is xammuuristoodiyo hankii lagu xurmayn waaye
Qasriyadii xidhnaan jiray shacbigu xoog ku soo gudubye
Oo xabadiyo rasaastuba beryahan xule dhankoodaase
Xusni iyo qadaafiba lawaa xigashadoodiiye
Calina muu xishoonine inuu baqay xisaabsheen.
Afartaa xaq lama baajiyee waa xus gooniyaha,e
Waa xiwaarka dunideenna yaal iyo xigasho waayeele
Xirfad dhabadka noloshaa gashiyo waa xantoo sugane.
Galbeedkana dhaqaalihii xumaa oo xaalufbaa jira,e
Xuuraamiskii yurub iyo baryadii xaasid jaynuhuye
Wuxuu xilo furay UBAMII haddana xidhanyey suuqiiyee
Xanfarbuu ciraaq kaga baxay oo raray xamaamtiiye
Daalibaanna guul bay xigtaa oo xaadhis baw dhimane
Xakab markuu shahiidaba illeen libintu waa xaame
Xakiimkii usamaba dilaa noo xigsiin sharaf.
Turkigaa xayyiray ferenjigii xaajo dabadeede
In xaddaaraddii guuraysay xoguhu sheegeen
Dimuqraadigii inay xaadhsantahay waa war xiisalehe
Inay diintu xoog yeelan iyo ciidan xaamiyah
Oo xeer baaniyaaladu dumaan waa xog saafiyaha,e
In dastuurada xunxumi xaaqmi idilkoodba
Oo xulafada cilmaanigu inay xoog u kala daadan
Oo shareecadu xakameheenna noqon waa xaqiiq dhabehe
Hablihii xijaabada sitoow sabirka xoogeeya
Xisbullaahi nimankii furoow xaqa ku geeraara
Tawxiidka kaa lagu xidhoow xooji hadafkaaga
Inta samaha xiisaynaysaay dumiya xayndaabka
Afartaa xaq lama baajiyee waa xus gooniyaha,e
Waa xiwaarka dunideenna yaal iyo xigasho waayeele
Xirfad dhabadka noloshaa gashiyo waa xantoo sugane.
Dulmigiyo xadgudubkaa ka dhacay xarunti weeyaane
Xadadkii siyaad hoojiyiyo xukunkiisii weeyaane
Cadligaa la xooriyo kufriga waa xeer u gooniyah.
Xariif baabu maadiga ahaa oo xajkana gaadhye
Balse shay xiqdigan keenay baan kuu xan falanqayne
Ninku diintaanu xeerkeeda dhigan oo xoog umuu barane
Xadiiskiyo quraankaba hadduu raaco xarafkooda
Gaalada xigaal kama dhigteen mana xurmeeyeene
Oo uma xubeereen markay xeel u digayaane
Oo uma xadreeyeen sidii xer iyo sheekheede
Xiisaha habeenkii kursiga loogu xidhay liidka
Khudbaddiisa kuma uu xuseen hadaladii xanafta weynaaye
Madooboow xilkaagana malaa waad u xilataaye
Xumaan ruuxan geysane sharciga kugu xujaynaaya
Ee xadhiga eebiyo ku faray xakamihii nuurka
Xayiraadda ninkaa aad dhurdoow xarakadaw diiday
Adigoo xilkaa waayey oo weliba xaajaysan
Oo xubnahaaga dhidid qooyeyoo weliba xayraansan
Ayuun buu ilaah kaa xukumi xoog isbidistaase
Xusuustaada geli maalintaa waa xisaab darane
Baandhool
Dib U laabo
BAANADHOOL(Gabay 9jan 2011).
Abwaan Jaamac Muuse Abyan ayaa tiriyey gabay la yidhaahdo Baahday
Taladii jaamac gabaygiisu wuxuu ahaa jacayl ,wuxu ku tilmaamay
gabaygiisa gabadh uu calmaday oo haweenba kala dhex baxay oo ku ballan
furtay , sidaasi darted buu halabuuro badan talo weydiin dhex dhigay,
gabaygii jaamac muuse waxa gundhigiisu ku soo aruurayey .
bilantaan hablaha kala baxeen, guurka ugu baaqey
bilantaan bahdeydiyo ku wadey, barada aan joogo
barbarkeyga bilantaan ku wadey, baasha dhinaceyga
bilantaan in badan dhawrayeen, sugey bashiiroow
balankayagu bilantuu ahaa, baro san aan gaadhno
bulshadaba yartaan kala dhex baxay, beydhay taladiiye
axdigiina wey baal martoo, burisey qawlkiiye.
Gabaygaa jaamac ee qaylo dhaanta ah oo aad u dheeraa ayuu gabaygani
daba socday , waxaana ka danbeeyey jawaabo dhowr ah oo abwaanno kale
bixiyeen oo aynu ka xusi karno gabay qiimo badan oo ay tirisay Saado
Ciise Cisman oo UK degen , una bixisay Baahi dedan oo jawaab u
ahaa labada gabay ee hore dumarkana difaacayey .
Baabkii jacaylkiyo hadduu jaamacoow caashaq kugu beermay
Beerkiyo wadnaha iyo hadduu buuxshay ubucdaada
Baaxaa degbuu leeyahee haddaad jiifka bogan weyday
Boodhari sidiisii hadduu buulal kugu yeeshay
Oo uu qalbiga beegsadoo budhadh ku aafeeyey
Inuu boroblem kugu taaganyahay waa war ii baxaye
Gabaygii billaa iyo murtidu baane hadalkaas
Inkastoo xanuun baaxad weyn lagugu soo beegay
Barbarada tolbaa kaa fadhiya iyo labada baalloode
Niman talada buureeya oo baaciyaa tubane
Hablo beelo lagu aaminoo baarriyaa jira,e
Waxna ii bishaaro ah inaad tahay birgeydh weyne
Haw biqin wallee amar ilaah waad bogsanaysaaye
Basra iyo haddii ay yartii weli bidhaamayso
Ama aan ninkale beegsanoo geysan beledkiisa
Yar baxnaaninnaa iyo caashaqii boodhka jafannaaba
Bustaaliyo digaaliyo rag culus beesha gelinnaaba
Birmad diranayaa iyo hujuum kula boqoollaaba
Ballan weeye inan jaamacoow baadi doon nahaye
haddiise wiil kale boqraday oo meher ku baandhaystay
Inan dumarka baalshaa galloo baadhno idilkoodba
Bidixdooda iyo midigtaba inaan beegsannaa furan .
Afartaa bukaan loo gurmaday iyo booqashada jaaldheh
Irbad kaarka lagu baajiyo iyo baanadhool xidhandheh
Afarkalena waa baab kaloo aan u bogi waayey
Ee aan bineeyee i maqal waad bogsanaysaaye
Billaawaha jacaylkuba raguu beegsadaa abide
iyaguu bukaanshaa dilaa ama bireeyaaye
Inta gabayo buurbuuran iyo midho la soo boodday
Ee erayo beerqaada iyo tixaha boobsiisay
Eee inan rag taahiisu baxay waa bilyaar gabane
Boholyoow daraaddii raguu daadejaa badan .
Ballan fur axdi laga bixiyo wacad la beeneeyo
Nin dhibaato lagu beero,oo boogta lagu foofsho
Oo dawadiisa bohol lagu ridoo bagana loo raacsho
Baandheeya taladeedii iyo baaqi arraweelo
Fikir dumarka badankoodu qabo saw u badin maayo
Heshiis beri la gaadhoo la qoray saw u badin maayo .
Dhitinmayso Maansadu
Dib U laabo
Dhitinmayso maansadu(25-dec-2011).
Qoraaga caanka ah ee Ibrahim Yusuf Hawd ayaa qoray maqaal dheer oo uu ku
tilmaamayo sida gabaygii loo bahdilay ee shabakadaha wararku yagoo aan
miisaamin ninkasta oo yidhaahda waxbaan tirinayaa u qaato titleka Abwaan,
maansadani markaa waa jawaab arintaa ka dhalatay inkastoo aanay naqdinayn
qoraalkii dhaxalgalka ahaa ee Hawd , haddana waxay xasuusinaysaa in
gabaygu aanu dhiman ,dhaawacna ahayn ragiisiina weli noolyahay inbadan
oo cusub oo sii noolaysayna ay buuxdo ,shabakado Farshaxan ka mid tahay
oo kaydiya oo daryeela iyo rag u heellanina jiraan.
Maansada waxa ku xusan rag/dumar badan oo maansoyahanno ah oo raacii hore
iyo kuwa danbeba isugu jira iyo weliba Shabakado iyo Suugaan Dhaadhiyo ku
caan baxay horumarinta Suugaanteenna hodanka ah.
Murti dhaxalgalkeediyo
Maansooyin dhumuc leh
Suugaanta dhuuxa leh
Muu dhiman rageedii
Dhaydii hadraawiba
Waa taa la dhamayoo
Ina dhamac iyo ganaybaa
Iyana laga dhursugayaa
Dheeraad midhkiisiyo
Shaacirbaa dhitteeyoo
Dhoodaan halkiisii
Weli dhamacdi baw shidan
Tallaabaan halkuu dhigo
Ninna aanu dhaafayn
Faysal dhabada uu maro
Cidi kuma dhacaysoo
Midda uu dhakeeyaa
Dhamays iyo badh weeyaanoo
Dhegtu way u nugushahay
Siciid lagama dheegtoo
Dharaartuu la soo kaco
Dhadhan buu u yeelaa
Jaamac gabayga dhaaxuu
Dheeh iyo ku ladhay nuxur
Qaasimbaa dhaqaalayn
Sidii geel u dhowroo
Dhudhub kuu dejinayiyo
Sahankiisu dheeryoo
Dhiga meeshay mudantahay
Saaduu dhib yari iyo
Sahal ugu dhashaayoo
Kii laga dhegaystaba
Xikmad laga dhergaayoo
Badeed dhaadashada guud
Markaad dhuuxdo tuu qoro
Dheemman weeye qiimaha
Intaas iyo intii dhiman
Iyo dhidib u maqan weyn
Iyo udub dhaxaad badan
Iyagoo dhammaan jira
Ninka gabayga dhimashiyo
Dhawaaca ku sheegoow
Dhitin mayso maansadu
Dhaxan looma sii deyn
Dhanjaf weli ma soo ridin
Dhibna maalin may arag
Dhegna kama bukoon abid.
Ragbaa dhawrta oo jecel
Dumarbaan ka dheeraan
Dhallinyaro u rooniyo
Jeyshashbaa u dhaartoo
Dhexda xadhiga ugu maran
Waxa ay dhex daaqdaa
Dhudhub roob ku da,ay iyo
Dhulka meesha dooga leh
Bahal uma dhawaan karo
Dhurwaa ma hungurayn karo
Shabeel baan u dhici Karin
Dhidarkaan ilaaqayn
Ragii dhawri jiraybaa
Beero dhawra oodoo
Dhaadhigii ma hawl gabin
Murtimaal u dhigan yada
Dhallinyarada joogtaa
Dhile oo lafama gure
Oo sharafteeda meel dhige
Dhaaxay farshaxantuna
Suugaan la dhaafiyo
Gabay dhaabmay waa hore
Dhoobada ka qaadeen.
Inkastooy dhaliil iyo
Niman dhacay sheegeen
Oo ay dhawaanahan
Dhiilladu ku badantahay
Suugaantu dhaqankiyo
Hiddahay dhitaysaa
Hanti dhawris mudan iyo
Waa dhaxal galkeenoo
Dhallaan soo kacaayiyo
Kuwa dhalanayaa loo
Dhaydaa lismaysiyo
Jinawgiyo dhanaankaa
Abidkeed la dhamayaa.
Dibindaabyo
Dib U laabo
Maanso (Dibindaabyo 12-2011).
Indhaweyd dalkaygiyo
Dadweynaha dhibkoodiyo
Xuquuqaha la duudsiyey
Ayaan dabagalkoodiyo
Dedaalkooda raacoo
Ku maqnaa diraacahan
Maantana dareenkiyo
Naftaan doorka siiyoo
Dooddana yagaa lehe
Bal aan dayo warkoodoo
Dulucdooda dhuuxee
Yeelkeed bal soo durug
Haddaan beri digtoonaa
Dedaal iyo kartiba laa
Maantana ma doorsamin
Weli darajaday sudhan
Inkastoon dednaayoo
Ayaamahan go, duugiyo
Buste igu daboollaa
Dardar iyo awoodiyo
Durduraan la soo kacay
Waxse degemsanaan iyo
Dammiinimaba keenoo
I dishoodaybaa jira
Nin jileeca cudur dila
Daacadi u nugushahay
Da'yartana ku sii badan
Duulkaa haweenkiyo
Dumarkuna ka adagyiin
Ninkastoo da'weyniyo
Duqaydiyo islaamuhu
Aanay durayga ka aqoon
Oo dadku wada ogsoonyahay
Oo aan diktooriyo
Dhakhtar lagula daalayn
Oo debecsanaan iyo
Diiftiisu tahay tiic
Oo aan dushaadiyo
Laga garan dubkaagoo
Dareenkuun culaysbada
Ayaa ila degaanoo
Degel baanu wada naal .
Ruux degay halbawlaha
Nafta dabar ku xidhay adag
Qalbigana dushiisiyo
Dacallada agtiisaba
Deyr adag ku meersaday
Oo Ila degaa jira .
Ruux duubtay xididdada
Wadnahana dafsoo yidhi
Sanbabada dushoodiyo
Beerkana duqeeyoo
Misna igu dul meeroo
I dishoodaybaa jira .
Ruux damacu jecelyahay
Dahnigana ku xeel dheer
Muuqaalka daymada
Ruux igu daweeyoo
Isagoon dibnaha furin
Dareen weyn I geliyoo
Aan daba socdaa jira.
Ruux aanu derisnahay
Misna durugsan yaalloo
Sida dayax gamceeddada
Dusha igala joogoo
Intuu fiidka soo dego
Daadihiya maankoo
Marna ilaba duuloo
Meel doogu buuxsamay
Dayaxuna dhammaysyahay
Dhirtu daaqsin wacantahay
Degmo xoolaheeduna
Daymada ku wacanyiiin
Oo dararta caanaha
Barqadii dib loo liso
Oo durdur iyo barwaaqo ah
Ruux ila dawaafoo
Marba ila dalxiisoo
I daadihinayaa jira
Waxa igaga daran kaa
Ama deelkan keensaday
Waayahay dubbeeyoo
Jeebkay dabraayoo
Dantaa ila hadhaysoo
Xagal daaca noloshaa
Dibindaabyadaa lehe
Meeshu damaci uu rabay
Halkuu dookhu sahansaday
Wakhtiga iyo duruufuhu
Saw dabar kumay xidhin
Garabkaan dugsanayiyo
Dadkii iga furfuri laa
Saw ima dafirayaan .
Ilhaamo
Dib U laabo
Maansada (Ilhaamo)2010
Ilhaamo waxay daba socotaa silsilad uu furay Abwaan maxammuud wadani oo
magaceeda la yidhaahdo Abwaanow kumaad tahay, waxaany maansadani tilmaamaysaa
abwaannimada sifooyinkeeda iyo inay hibo ilaahay tahay , dad gaarana alle
siiyey ee aanay xoog iyo lacag toona ahayn.
• Ninka ila hadlaayee
• Hawraarta alifka leh
• Igu soo ileeyee
• Abtirsiimadaydiyo
• Asalkayga jeceloow
• Awoow waan arkaayoo
• Sida lay ilduufaad
• Midhe soo ogaatoo
• Eedaanka haybsiga
• Is agtaag iyo hiilbaa
• Uurkeeda jiifee
• Ruuxaan ahaan jiray
• Aan kuu iftiinshee
• Maqal erayadaydoo
• Ambaqaad xogtaydaaa
• Murtidoo dhan idilkeed
• Inta eray culays badan
• Maah-maah astaanliyo
• Af-gobaadsi maanseed
• Halka lagu aruurshiyo
• Xikmadaha asturan gebi
• Idankiisa eebahay
• Ruuxii unkaayiyo
• Ka abuuray baan ahay
• Midhahaan abqaaliyo
• Odhaadaan tilmaamaa
• Qarniyaal iftiintoo
• Ilayskeedu muuqdaa
• Marka beladu ulantahay
• Dagaalyahan adkaystoo
• Runta uun abaariyo
• Waxan ahay nin aaroo
• Nin ilaah yaqaannoo
• Iimaanku buuxoo
• Xaqa lagu ogsoonyoo
• Ducadiyo islaamnimo
• Ehelkiisa tahayoo
• Rabbi aaminaan ahay
• Waxan ahay nin edeb badan
• Asaraar iyo muran iyo
• Akhlaaq silan dhammaanteed
• Dadku iima tebayaan
• Xishood baan astaystaaa
• Asturkaan hagoogniyo
• Oogadaydu waa sharaf
• Gobannimadu way ood
• Geesinimadu way agab
• Naxariis abweyniyo
• Kalgacaylku way udub
• Danyartiyo agoontiyo
• Ninkastoo ildaran iyo
• Maatadaan aruurshaa
• Arimaha dhibkoodiyo
• Waxa aan abaaraa
• Axwaasha ay ku noolyihiin
• Nin awood isbidayiyo
• Ninka samaha eedee
• Kibir lagu ogsoonyiyo
• Axmaqana col baan nahay
• Anaaniga danaystee
• Dadka kale illaawiyo
• Aniyaale khayr daran
• Isna waan afuufaa
• Dadka waw abweynahay
• Tiir-dhexaadka ummadiyo
• Adhaxdoodi baan ahay
• Islaax iyo wanaag iyo
• Dadka waysu ulayaa
• Tolka kala irdhoobiyo
• Ehellada colloobaan
• Isu soo unkaayoo
• Nabaddaw iftiinshaa
• Aragtidana meel dheer
• Shay uurka jiifaan
• Oogada ka sheegaa
• Oday samaha taliyiyo
• Waxan ahay nin aamina
• Waxan ahay af-miinshaar
• Carrabkiisa eexdiyo
• Ololaha qabiileed
• Aan lagu ogsoonayn
• Indhaweyse shay jiray
• Arrin dilay kaaraamada
• Nimaan aano ii gelin
• Inuu been abuurtoo
• Amuuraha ilaahay
• Agab aan rabiba siin
• Ulo ulo iyo xoog iyo
• Ku unkaayo muruqoo
• Arbushoo kufsaday oo
• Eedaadshay maansada
• Ila arag dadweynuhu .
• Waxse mahad ilaahiya
• Abwaannimadu sheegiyo
• Awood laguma keenoo
• Layskama ishaartoo
• Lacag laguma iibsado
• Waa shay ilhaamo ah
• Hidde weeye odayeed
• Waa ildheeri iyo xeel
• Waa aqoon garaadka ah .
Ilwaad
Dib U laabo
Maanso (Ilwaad)
Maansadana waxay soo baxday 12-janaury-2011. Laba dhallinyaro oo isjeclaa
muddo badan aakhirkiina calafku isa seejiyey ayey khusaysaa , waxay ku
hadlaysaa afkii wiilka , waxaanay la hadlaysaa inantii uu jeclaa ee calafku
kala kexeeyey , dhinac waa xog warran guud iyo isa sabir siin , dhinacna waa
ammaan iyo tilmaantii inanta , gebagebaduna waa dardaarn ku socda marwada
oo lagu boorinayo inay reerkeeda cusub iyo qoyska ay ku biirtay si wanaagsan
ula jaanqaaddo qadarkana ogsoonaato.
Gammaankaan rakuubsadiyo
Anay geenyadi wakhtigu
Midhaa ila gaabisoo
Waayuhu aniguu I gabay
Inaan aqal kula galiyo
Inaan guri kula dhistiyo
Mudnaantu guur bay ahayd
Aroosbaa iga galbaday .
Hayeeshee waa guddoon
Go,aanka ilaah ridiyo
Wixii eebahay gartaa .
Garwaaqso xaqiiqda oo
Wixii laga tegay ka gudub
Ninbaa hore ugu gabyoo
Murtida gaar ugu xardhaday .
Ilwaad qurux lagu gartiyo
Gashaanti edaab lahiyo
Inaad gabadh khayr leh tahay
Inaad huwantahay garaad
Inaad goglantahay asluub
Inuu guudkaaga sare
Xishoodku ku gaadhanyahay
Anaa gabadhyahay huboo
Wallee gobannimo dhammaan
Ilaahbaa kugu galladay .
Marnaba kuma goynayoo
Agtayda gobbaad ka tahay
Gabdhahan waan kaa bilaa
Hablaha gaar baad ka tahay
Khadraay goonnaad ka tahay .
Jacaylkuna muu goblamin
Sidaa kuma gaagaxoo
Weli gacalnimadu waa taam
Qalbigu godob kuuma qabo
Ducaan garabkaaga dhigay
Wanaag baan kugu galbiyey
Gadaalna waxaan ku faray
Inaad gudataa xilkaa
Inaad garataa dantaa
Had iyo jeer wixii kula gudboon
Gufeeyoo hooy adkeee
Gefkuna wuu dhici karaa
Haddii aad khalad gashana
Marwooy gaadhoo daweee
Wixii gurintira ka joog
Ha gelin taladii gurracan
Ha gabin hawshii ku sugi
Guddoonka isagaa mutaye
Addeeca ninkaaga garo
Qaraabada gaar u hano
Samaha geydhkaaga yeel .
Soo Socda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
soo socda
Dib U laabo
Wuxuu yidhi:
soo socda
Dib U laabo
Wuxuu yidhi:
soo socda
Dib U laabo
Wuxuu yidhi:
soo socda
Dib U laabo
Wuxuu yidhi:
soo socda
Dib U laabo
Wuxuu yidhi:
soo socda
Dib U laabo
Wuxuu yidhi:
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.