|
Hordhac
Qalinkii - Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan
Waa mareeg farshaxanoo
Waa madal iftiinoo
Maamuus u gaaroo
Taariikhda mudan iyo
Mahadhada abwaankiyo
Murtida iyo gabayada
Maansadiyo heesaha
Macnahoodu culusyahay
Midhahooda lagu qoro.
Abwaan Ismaaciil Maxamed-Cali
Barro Abwaanadda
Canab Guuleed Maxamed
Hooyooyinkiin baanu nahay
Haybadda lahaayee
Habka nolosha waxaa soo dhisa
Habarta weeyaane
Ubadkaanu haynaa
Ragga waanu hananaa
Hurdadaan ka toosnaa
Dhulkoo himsohiimso ah
Hugufkiyo xashiishkaan
Gurnaa Nagu halysaanee
Hantidaan dhaqnaa
Reer dhan baan hab u samaynaayee
Raggaa na hakradayee
Dumarku waa heerkii Nololeed
Hooyo Caasha Dacar,Sirta Guurka
Sebtember,2011
Mareegta Farshaxan
Xilli ku beegnayd 1922kii ayuu Yuusuf Maxamed Xirsi oo ku magac dheeraa Aw Yuusuf Barre
tiriyey maanso uu ku magacaabey “Guur aan ka la’aado”.Wuxuu Aw Yuusuf Barre dardaarayey
laba wiil oo isla reerka ahaa,xilligaana guurdoon ahaa.Sidaa darteed ayuu Aw Yuusuf Barre
tilmaamay in ka badan tobaneeyo tilmaamood oo uu la beegsadey haweenka aan guur loola
haweysaneyn.Waxaase sheegid mudan inuu maansada si qurux badan u dhigay oo uu
dhalinyaradaa u sheegay tilmaamaha haweenka aanu guur la wadaageen isagu Aw Yuusuf Barre
ahaan.Waxaanu hordhac uga dhigay dhaliilahaa tixahan:
• Gaashgaashka waa lagu lumaa, gole ka fuulka ahe
• Ha gudoonsan waa kii caqligu, gaan kugu ahaaye
• Gurri-billa ninkii doonayee, nacaya goonbaarta
• Ee guur ujeedoow i maqal, waan ku garansiine
Gabagabada ayuu Aw Yuusuf Barre si farshaxanimo ugu soo afmeeray dhawr tuduc haweenayda uu
aqal la yagleeli lahaa,dhalinyaradana u cuntameysay inay gayaan u noqoto.
Waxaanu Aw Yuusuf Barre yidhi:
• Allow gaaridii loo xishiyo, gabadha loo aayo
• Raaliyo garaad badan midaan, iga guhaadaynin
• Adaan gacanta kuu hoorsadaye, ha i gafsiin caawa.
Sida ku cad maansadaa iyo kuwo kale oo la halmaalaba may sheegin dhaliilaha ragga aan u
qalmin inay haweenay dumar guur la wadaagto.Dhaqanka bulshada ku nool aduunka ayaa
kaalmeynaya arintaa.Hab-dhaqanka reer Galbeedka oo guulo lagu hafiyo ayaa tiraba laba jeer
qira jiritaanka haweenka: marka alaab la iibinayo lagu xayeysiinayo iyo markay jidhkooga
loogayaan.Dhaqanka bulshada ku hadasha af-soomaliga ayaa weedh kaliya ku soo koobtay
hagardaamada loola badheedhay haweenka “Wixii xunba Xaawaa leh”.
Reer kala tagey ayaa eedda dusha laga saaraa gabadha,loona raaciyaa “wixii lagu furay
ayey qabtaa”.Laba gogol dhaafkoodii ilmo ka abuurmay ayaa ninkana guul iyo geesinimo
lagu galadaa,gabadhana magacyo afku ka dhawrsanayo loogu wanqalaa.Halkay aheyd in
labaduba danbiilayaal inay yihin loo aqoonsado.Waa nin rag ahi guusha uu isa siiyey,
ceebna haween uu ku boqray.
Sidaa darteed ayuu Aw Yuusuf Barrena tilmaamay galdaloolooyinka haweenka,ishana ka jeediyey
dhaliilaha ragga.Waxaanu isdaba taxey tilmaamo tobaneeyo kor u dhaafey oo bilis xaawaley
yeelatey kuna kaliftay inuu guur kaga la’aado.Hase yeeshee gu’gii 1988kii ayey Abwaanad
Canab Guuleed Maxamed soo bandhigtay maanso lagu doogsaday, xagaldaacii dhaliilaha
lamaanahana dheelitiraysa.Isla gu’gaas ayaa ururkii xornimada Somaliland u sabab noqdey
ee SNM ay gacanta sare ku yeesheen maamuladii Hargeysa iyo Burco.Maydka Ciidamada maamulkii
Afweynena rucub rucub iyagoo ah dhulka qarqiyeen.
Waxaa xilligaa haasaawe dhex maray Canab Guuleed iyo wiil gayaankeeda ahaa.Dusha kamuu muujin
inta u qarsoon,iyaduna “waan kaa helay” kumay qancin.Sidaa darteed ayey Canab intaanay guri
la yagleelin gayaankeedaa barasho la beegsatey.Barasho horteed ha i nicin ayey Canab golaha
haasaawaha seeska ugu jeexday.Muddo gaaban ka dib ayaa Canab tilmaamo badan oo aanay guri
kula dhisin wiilkaa u muuqdeen. Waxaanay Canab go’aan ku gaadhey in tobaneeyo tilmaamood
raggu yeesheen, sagaal ka mid ah ay diiday inay guri-billa u noqoto, midkii toosnaana uu
noqon waayey guurdoonkani.
Maansada hiilka u noqotay haweenka,raggana caqli celin ugu filan ayey markaa Canab Guuleed
curisay uguna wanqashey magaca “Qaybta Nolosha”.Maansadani waa garnaqsi ay haweenku u soo
jeedinayaan inan raggeedka qumanuhu qoorta ugu jiro.Sidoo kale waa maanso culayska bulshada
ee dhan ka raran dhameystiraysa si galdaloolada ummada loo awdo.
Silsiladii Siiinley dhamaan maansooyinka ku jiray waxay ahaayeen jiifto,waxaase ladhayey laba
Gabay oo ay laheyd haweenayda kaliya ee ka qayb qaadatey maansooyinkaa. Waa abwaanadii
Caasha Jaamac Diiriye (IHUN). Haddaba bahda Mareegta Farshaxan ayaa barnaamijkeedii
“Barro Abwaanka/adda” ku soo qaadaneysa bishan sooyaalkii nololeed iyo maanseed ee abwaanada
Caasha Guuleed Maxamed “Ina Guuleed Wan-Weyn”.
Agagaarka Oodweyne ee dalka Somaliland, waxaa aad loogu yaqaanaa dhaqashada xoolaha nool.
Qiimeynta la siiyo qof waxaa qayb weyn ka qaata kaalinta uu ruuxaasi kaga jiro dhaqashada
Xoolaha. Inkastoo xoolaha lagu dhaqdo degaankaa ay ugu mug weyn yihiin geellu,haddana
waxaa soo raaca dhaqashada adhiga oo milgaheeda bulsheed leh.Guuleed Maxamed ayaa ka mid
ahaa xool dhaqatada degaankaa. Guuleed wuxuu aad ugu baadisoocnaa dhaqaaleynta xoolihiisa
oo had iyo jeer ka dhexmuuqan jiray xoolaha kale.
Guuleed Maxamed xeeldheeraanta uu u u lahaa dhaqashada xoolaha ayaa naaneys ahaan loogu
bixiyey Guuleed Wan-Weyn. Waxa dhacday berri in wan weyn oo uu aad u dhaqaaleeyey laga
siistay amma lagaga beddeshay shan sabeenood,waa sidaa waxa uu kula baxay (Guuleed Wan-weyn).
Dhacdadaasi tilmaamnteeda gaarka ah ayey bulshada ku laheyd in Wan kuu gooyo tirada intaa
leeg ee sabeenaha ah.
Sidoo kale ayaa Guuleed Maxamed wuxuu aad ugu xeeldheera,aqoon dheerna u lahaa aqoonta
xidigiska.Aqoontani aad bay waxtar ugu laheyd reer miyiga.Aqoontani waxay kaalin fiican
ka qaadan jirtay saadaalinta xilliyada barwaaqada iyo jiilaalka.Waxay fure u aheyd sahaminta
dhulka daaqsinka ah ee xoolaha loo socdaalin karo.Waa aqoon mudan in la siiyo qoraaladeeda
u gaarka ah.
Guuleed Maxamed tirinta maansada awood wuu u lahaa inkastoo aanu jeclayn.hase yeeshee
hooyo Cibaado Faarax Qabille oo u dhaxdey Maxamed Guuleed waxay si laxaadleh uga qayb
qaadatey curinta buraanburka.Xilli ku beegnayd 1968kii ayaa Guuleed Maxamed iyo
Cibaado Faarax Qabille ay gabadhi ugu dhalatey Laan Mullaaxo oo ka tirsan Gobolka
Oodweyne ee dalka Somaliland.Waxay labadaa waalid ugu wanqaleen gabadhaa inay ku
caano maasho magaca Canab. Degaankaa Laan Mullaaxo ayey Canab Maxamed Guuleed ku barbaartey.
Gu’gii 1981kii ,bishii April 6dii ayaa magaalada London lagaga dhawaaqey ururka xaq u
dirirka ee SNM.Guushaa ka curatey cariga Ingiriisku waxay ibofur u noqotay inay maanta
Somaliland ku naalooto nabbad iyo caano,beegsadaana horumar dhinac kasta ah.
Isla gu’gaa ayey Canab Maxamed Guuleed u baqooshay magaalada Hargeysa ee dalka Somaliland.
waxay Canab halkaa ka bilawday dugsigii Quraanka ,ka dibna u wareegtay ka mid noqoshada
ardeyda dugsiga hoose/dhexe .
Xilligaa aanay Canab Guuleed galin malcaamad Quraanka ayaa loo tiriyaa inay curisay
tixihii maanso ee ugu horeeyey.Qoyska ay ka soo jeedo Abwaanad Canab Guuleed ayaa
garaadkeena u fuduaynaya inaynu si fudud u soo dhaweyno maansadeeda.Waa hibo
Ilaahay ku maneystay qoyskaa oo tirinta maansada lagu yaqaaney,inkastoo ay hooyo
Cibaado Faarax Qabille mudnaanta koowaad yeelaneyso.
Canab Guuleed ilaa yaraanteedii hibada maansadu way ka guuxaysay, hablaha qoyskoodu
habeenkii marka ay ciyaarta u gudayaan way raaci jirta si ay u daawato ama ay u
dhageysato heellada la is waydaarsanayo.Tixihii Maanso ee ugu horeeyey ayey Canab
Guuleed ku sugaysay inay curin karto maanso iyadoon soo amaahaneyn erayada ay
ka maqashey kooxda heellada tumanaysay. Sababtii ay u tirisayna waxay ahayd,
iyadoo la joogo goob aroos ayaa dhallinyaradii goobta joogtay mid iyo maanso soo
daayeen, dabadeed Canab oo goobta joogtay baa tidhi anaa hadhay, markaasaa Canab
sacab lagu soo dhaweeyey,iyadoo la dhawrayo inanta yari waxay la shir iman doonto.
Waxay maansadaa ka mid ahaa tixahan :
Ereyadii horuu baxay
Kuma ag wareegee
Amba wayska alliftaa
Canab Guuleed muddo dabadeed ayey go’aansatey inay safar dheer gasho,kuna gaalaa bixisay
ilaa Caasimada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti.Mudadani Canab Guuleed waxaa aad
uga guuxayey maankeeda heesihii ay maqli jirtay gaar ahaan hees hawleeddadii, dhaqankii
iyo noloshii miyigeenna.Waxaa aad loo jeclaa dhageysiga markay Canab ka sheekaynayso
dhaqankaa iyo maansooyinkii ku xeernaa.
Maansadi ugu horeysay ee ay Canab Guuleed Maxamed tirisay hanaqaadan waxaa lagu tiryaa
maansada “Kala irdhow”.Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Canab Guuleed heshay dhambaal
fariimeed canaan iyo eed dusha ka saaraya.Dhambaalkaasi wuxuu ka yimid gabadh ay Canab
Guuleed ay aad u saaxiib ahaayeen una digo rogatey magaalada Riyaad ee cariga Sucuudi
Carabiya.Canab Guuleed ayaa dhambaalkaa kaga warcelisay maanso ay tixaheega ku
muujinaysay in qof walba hawli la soo gudboonaatey mashquulisay, aanayse jirin
is-ilawsho ama xidhiidh go’ sida ay sheegtay saaxiibadeed.Waxaa maansadaa
ka mid ahaa tixdan:
Wakhtigii adkaadaa dad buu, kala irdheeyaaye
Gu’gii 1988kii ayaa Canab Guuleed gayaankeed soo calmadey,doonayna inuu u soo geed
fadhiisto.Waxaa xilligan suurtogashey inay Canab haasaawe la qaadey wiil guurdoon ah,
hase yeeshee waxay aad uga feejignayd haye fudud.Waxay Canab Guuleed aad u dareensaneyd
in guri si fudud ku dhismaa burburkiisuna qaadaneyn muddo dheer. Sidaa darteed
ayey muddo gaaban ku ogaatey tilmaamo dhawr ah oo ninkani lahaa aan kaalmeynayna
in ay oorri u noqoto,guriguna sidaa ku dhismi karo.Canab Guuleed xillgaas ayey
curisay maanso ay ugu wanqashey magaca “Qaybta nolosha”. Maansadani waxay tusaale
u tahay dumar farabadan oo si fudud ugu dhaca dabinada shabeel-naagoodka,sidoo
kalena waxay caqli celin u tahay rag badan oo godob ula badheedha haweenka.
Waxaana ka mid ahaa maansadaa :
Adduun waa qisiyo yaab, quusayoon gudhine
Marna waa qaflado iyo naxdino, qaawan abidkoode
Qorraxdii dhacdiyo waagu, way kala qalloocdaane
Qosolka iyo farxadeheedu wa, qaaban soconayne
Marna waa qabow iyo nimcado, laysku qoofalaye
Qof waliba wixii loo qoruu, qayb u helayaaye
Gabaygan ay ku ladhan tahay xigmadda badani ee ay Canab tirisay waa mid ka hadlaya
aaya-ka-talinta nolosheeda.Si gaar ah gabaygu wuxuu u tilmaamayaa ruuxa ay
haboon tahay Canab ama haweenkuba inay la wadaagaan nolosha. Muddo yar gudahood
ayaa Canab waxay ogaatay wiilkan ay guurka isla ogolaayeen inuu leeyahay tilmaamo
aan haboonayn oo ay aad iyo aad uga biyo-diidday.Sidaa darteed ayey si cad oon
gabasho laheyn aayaheeda ugu talisay.Canab waxay gayaankeediina farta ka saartey
diidmo qayaxan oo u farshaxaneysan qaab maanseed.Waxaa maansadaa
“Qaybta Nolosha” ka mid ahaa tixahan si qayaxan u sugayey diidmadeeda:
Qiimo ma laha barashadu haddaan, lays qaddarinayne
Qalbigaan la dhawreyni dhaqsuu, qanac u gaadhaaye
Qayrkaa haddaan kuu jeclaa, waan ku qoonsadaye
Ka qawedeyna qoyskaan lahaa, aysla qabataane
Qormadaan yagleelaayey oo, qiimo gelinaayey
Qaban qaabadii aan watiyo, qaradkii beenoowye
Waxay markaa Canab gudagaleysaa inay tilmaanto sagaal tilmaamood oo ay iyadu ama
haweenku gabi ahaanba u cuntameyn inay guri kula yagleelaan ragga gayaankooda ah.
Waxaanay Canab Guuleed maansadaa ku sheegtay inay haboon tahay in aan nafna loo
qatalin qoys dhisitaankii,kol haddii ifafaalaha dumista gurigu muuqato.Iyadoo
Canab arintaa cabiraysana waxay tidhi:
Qosolkiyo sasabadaad waddaa, ka qoto dheer xaale
Qof liita illayn lagu hodaa, qaladkan ii dhaafe
Haddaad qaafil ii haystana, dhowr qarnaan jiraye
Sharaftaydii anigoo qabaan, qooni igu oollin
Oo aan qal qaalina u socon, qubinna diintayda
Naftoon qisaasaa waa midaan, meesha qabanayne
Maansadaasi may qancin wiilkii,inkastoo aanay Canab ka soo noqon go’aankaa diidmada
ah ee ay aad uga fiirsatey.Hase yeeshee Canab oo og inay guur diyaar u tahay ayey
maansadaa ku soo gabagabeysay tilmaanta ay Illaahay ka bariday inuu u yeelo
Ninka ay guur la wadaageyso,iyadoo waliba tilmaantay sagaal tilmaamood oo ragga
ku sifooba aanay marnaba guri la yagleelayn.Waxaanay Canab Guuleed ku afmeertay
maansadeeda tilmaanta wanaagsan ee ay la rabto gayaankeedu inuu yeesho,
waxaanay tidhi:
Allahayow adaa qaaddiroo, qaybshay dunidaase
Adigaa quruumaha ku nool, quudshey keligaaye
Qalbiyada adaa daalacdoon, qodob ku seegayne
Geesi qiimo weyn lagu ogyoo, qayrkiba u haysta
Soddonkii quraankiina ay, qabatay laabtiisu
Oon qallayn salaadana siduu, Caadil ugu qeexay
Qaxar iyo dhibaatiyo midaan, qaladba ii geysan
Qarki aad ka eegtaba midaan, meela laga qoonsan
Kaasuu qalbigu doortay oon, qaadan kari laaye
Qaaddirow Allaahow isii ways, qaddarin layne
Xilli ku beegnayd 1993kii ayaa waxaa magaalada Jabuuti ku soo noqtay gabadh ay
aad Canab u saaxiib ahaayeen ,sidoo kalena qaraabo guud ahaayeen.Canab waxaa markaa
la gudboonaadey inay gacan qabato gabadhan.Canab Guuleed waxay gabadhaasi dajisay
gurigii ay deganaayeen iyada iyo hablo kaleba.Muddo markii ay gabadhii joogtay
ayaa dhibaato hor lihi kala dhex mareen gabadhii iyo hablihi kale.Canab Guuleed
dardaaran iyo wax sheeg ayey gabadhii ula jeedsatey,hase yeeshee gabadhii oo
darisku raacisay dirir iyo aflagaado lama filaan ah.Canab waxay arintaasi ku
noqotay ku soo booddo.
Canab markaa ayey curisay maansada la yidhaa “MUUQAALKA BARASHADA”. Maanasadani
waxay Canab kaga warameysaa in barashadu qaadato muddo ,una baahan tahay in
jiddiin la wada cunno ama jid la wada maro.Waxaanay maansadu si qoto-dheer uga
warameysaa inaan muuqa guud iyo maryaha laysku qiimeyn kareyn.Waxaany tidhi :
Muuqaalka barashada haddaan, maanka ka asteeyo
Maryuhuu dadkani wada sitaa, midabka guudkaase
Muuq lagu gartiyo show malaha, muunad gooni ahe
Mid waliba wuxuu yahay runtii, mawlahaa garane
Jeerood minan ku kulantaan dadow, barasho waa mooge
Markay maansadaa Canab Guulled ku sheegtay in barashadu waqtigeeda u baahan tahay,
ayey farta qaniinyada kula boobeysaa iyadoo xasuusaneysa maalintii ay magan
galisay gabadhaa oo hali-seegtay,waxaaney tidhi:
Mabda’yga gaarka ah haddaan, miimka ka caddeeyo
Hubsiimadu mudday leedahoo, loo miyiriyaaye
Madh-fudayd malkuu kaa ridaa, aan macna lahayne
Maalintaan ku soo doontay baan, magane hiifaaye
Dusha sare mullaax baad ahayd, mudan haweenaade
Imikaanse maad iyo u dhacay, mahadha joogta ahe
Jeerood minan ku kulantaan dadaw, barasho waa mooge
Muddo dheer ayaan waxan ahayn, laba mataanoode
Inkastoon milgaha toosan iyo, marinka kuu sheego
Amma aan mastuur iyo asluub, hadal macaaneeyo
Maahmaah dhaxal gala ah haddaan, maandhey kuu tebiyey
Adiguna waxaad maaggantaa, kuu muraayad ahe
Illayn macangag ruuxii ah baan, maara loo heline
Miyuu hadal ku marayaa cidlaad, muran la joogtaaye
Jeerood minan ku kulantaan dadaw, barasho waa mooge
Markay u caqlicelintii dhameysay Canab Guuleed ayey soo bandhigaysaa inaan
dagaal iyo aflagaado la iswaydaarsado guul lagu gaadheyn.Waxaanay ku soo
afmeeraysaa Canab Guuleed in had iyo jeer ay haboon tahay in la kala roonaado
oo hadalka wanaagsan la gargaarsado.Sidoo kale waxay Canab soo bandhigaysaa
in haddii la kala ficil qaato dhibtoo sii badata mooyee ,ay guuli durugsan
tahay,waxaanay tidhi:
Haddii aan masawnoo xumaan, laysu miisaamo
Maqal iyo hadduu arag lumoo,laysu muruq sheegto
Midkeen bay maddiiluhu ku dhici, miiska saaraniye
Masiibadu intay kaa fogtaa, la iska moosaaye
Aniguna haddaan miinsadoo, aan masalo raaco
Mu’min iyo ninkii samir lahaa, baa macaash badane
Samaan baan miciinsaday Allaha, Maaligaa jira e
Jeerood minan ku kulantaan dadaw, barasho waa mooge
Gu’gii 2002kii ayaa Canab Guuleed barasho gundhigeedu ahaa guur ay la wadaagtey
saygeeda Ilaahay iminka isku calfey. Canab Guuleed waxay ka dareentay
gayaankeegaasi inaanu hawshan dhiniciisa ka taageerayn,siday ugu hawlan
tahayna aanu ugu madax banaaneyn.Markaa ayey ayey curisay maanso hoge-tusaaleyn
ah oo dhawr qaybood u qaybsan.Waxaanay maansadaa Canab Guuleed ugu wanqashey
“Wax Garad”. Waxay Canab ku bilawday maansadaa duco,waxaanay tidhi :
Mid wanaagsanoo Waalid iyo walaal
Abti waa wadnee Wacanow adeer
Wehel toosanoo Wahsan ii noqdoo
Weedhaan idhaa Waydayninoo
Alla waaniyaan Weynaha Ilaah
Waydiistayoo Weli waan sugaa
Dabadeedna waxay Canab Guuleed maansadaa “Wax Garad” ku sheegaysaa halkey ka
taagan tahay arinta guurka,iyadoo xusaysa siday u argato hakadka ka muuqda
gayaankeeda ay haasaawaha la wado oo u sheegay in culays badani ka saaran
yahay dhinacan Jabuuti,ayna haboon tahay inay magaalada Hargeysa ee dalka
Somaliland ku aqal-galaan.Waxaanay Canab tidhi:
Waxaan talo ku dayn
Waagaan hubsado
Kaan weedhayee
Wakhti iiga lumay
Wiilyahow inuu
Warsan adiga yahay
Adigana war maqan
Walaac kaaga jirin
Waxaan anigu ahay
Waxay Canab Guuleed ku soo afmeeraysaa maansadaa heerka ay nolosha saygeeda
ka gali laheyd iyo kaalinta ay buuxin laheyd haddii Ilaahay hawshooda siday
doonayaan u dhameeyo,waxaanay tidhi:
Isma-weydo aan Weligood isnicin
Waaxidkana cuskada Maba wiiqantee
Intoon wada jirroon Wadnayaal isjecel
Isku waafaqnaan Weel qudha kalgacal
Ku wadaagi layn Wakhtigii kastaba
Weedho faraxleh baan Kugu waanin laa
Waagii baryana Werdi iyo ducaan
Ku waraabin laa Wakhtigaad baxdana
Weedh faraxleh baan Kugu sii waddici
Gu’gii 2003kii bishii Julaay ayaa arooska Qoraaga caanka ah ee Xaaji Cabdalla Xaaji
Cusmaan Ceeleeye iyo abwaanadda Canab Guuleed Maxamed ka dhacey magaalada Hargeysa
ee cariga Somaliland.Waxay aheyd madal la isku arkay oo ay ilyartu isqabsatey.
Arooskaasi si qurux badan oo mudnaantiisa laheyd ayuu uga dhacey magaalada Hargeysa,
waanay raaligalisay arooska iyo aroosadaba.Siduu u dhacey iyo siday ilaa iminka u
wada nool yihiin waxay muujinaysaa in Ilaahay ducadaa ka aqbalay.Ilaahayna si iyo
si ka fiican ha ugu wado –Aamiin –Aamiin-Aamiin.
Nolosha baadiyaha ayaa tilmaanteeda gaarka ah ku leh xusuusta Canab Guuleed Maxamed.
Waa dareen hagaya qaab nololeedka bulshada,waana sugida dhaqanka soo jireenka ee
ay ummada reer Somaliland ku faanto.Dhaqankaas ayaa saameyn ku leh degaanka,
duunyada iyo dadkaba.
Gu’gii 2008kii ayey Canab Guuleed Maxamed u socdaashey degaanka Ismaaciil Diiriye
oo ka tirsan gobolka Oodweyne.Dhulkaasi waa deegaankii ay Canab ku dhalatay kuna
barbaartay.Canab intii ay socdaalka ku jirtay waxay indhaheeda ku aragtay dhaqan
guur ku dhacay dadka, duunyada,deegaanka iyo qalabkii reer guuraga Soomaalidu
adeegsan jireen.Waxaa markaa Canab Guuleed isku qaban waayey muuqaalkii maankeega
dhex mushaaxayey iyo muuqaalkan indhuhu ku dhaceen.Waxay isla xilligaa Canab
Guuleed tirisay maansada “Dhaqan-Goob”.
Waa maanso ay Canab Guuleed kaga hadlayso arrimahaa murugada leh ee ay aragtay
intay socdaalka ku jirtay.Inkastoo dadkii degaankaa joogay aanay la qabin
badankoodu fikirkan,Canab Guuleed waxaa u muuqday in dhalan-rogad saameeyey dad
iyo duunyaba. Sidaa darteed ayey maansadan “Dhaqan-Goob” maskaxdeeda ka soo
maaxatay maalmahaa ay Canab Guuleed socdaalkaa ku jirtay.
Magaalada Hargeysa ayaa xaggaa kasta waxaa ka dhaca barnaamij si qurux badan loo
soo agaasimay oo iskugu jira bandhiga suugaanta iyo Buugaagta.Waxaa loo igmadey
hawshan si akhriskana loo xoojiyo,taageero laxaad lehna loogu fidiyo suugaanta
bulshada.Waxaa amaanteeda leh kolay labada hormood ee ururada Redsea-Online
iyo Kayd ee Jaamac Muuse Jaamac iyo Ayaan Maxamuud Cashuur siday u kala
horeeyaan.Canab Guuleed Maxamed ayaa ka mid ah dadka sida joogtada ah ugu
xidhan barnaamijkaas.Sidaa darteed ayey Canab Guuleed Maxamed maansadeedii
“Dhaqan-Goob” ku soo bandhigtay gu’gii 2010kii goobtaas. Maalintan ayaa ku
beegnayd maalintii loo qorsheeyey suugaanta haweenka.Runtii dadkii halkaa joogay
waxay maansadaasi u noqotay baraarujin iyo wacyigalin loo baahnaa aadna loo tabayey.
Canab Guuleed waxay maansada u soo bandhigtay qaabka loo yaqaan “qofeynta”.
Waa humaag ka mid ah humaagyada maansada lehna quruxdiisa gaarka ah.Waa
dadkii, duunyadii, iyo degaankii oo si toos ah fariin ugu dhiibaya Canab si ay
qaylodhaanta ugu gudbiso bulshada inteeda kale.
Waxaanay maansadu ku bilaabmeysaa:
Ga’da gabay haddaan gacalkayow, guudka ka higgaadsho
Gilgishaye haddaan soo gambiyo, waxaan la guuxaayo
Gobo’ runa haddaan sheego oon, gole ka faalleeyo
Garawshiiyo maan heli tolow, garasho waa yaabe
Anoo galab carraabaaya oo, beesha yara gaadhay
Gadaashaa dambaa layga yidhi, gacalo soo jooge
Goortii aan dayey dhaqankii baa, gacanta ii haadshay
Iguhaadiyoo wuxuu i yidhi, ereyo gaagaaban
Goobteed ku hoyataan ku idhi, waan guntanayaaye
Wuxu yidhi go’doon baan ku jirey, goor iyo ayaane
Wuxu yidhi warmaa laygu ganay, aanan geyahayne
Wuxu yidhi anoo geydh qabaan, meel galluubnahaye
Wuxu yidhi dadaw ii gurmada, goosan baan ahaye
Maansadu waxay waqti ku filan siinaysaa dhamaan inta dhaqanguurtay si ay
cabashadooda u sheegtaan,waxaanay maansadu si qurux badan oo farshaxanimo
dheeraad ahi ku dheehan tahay inoola wadaageysaa dhibta jirta iyo sida aynu
Ilma Aadan hagardaamo wadayaal u nahay.Waxaa maansadu ku soo afjarmaysaa
duco dhibanayaashu Illahay baryayaaan in dhibta iyo hantaaqadan lala dul
joogo uu Illaahay ka badbaadiyo.Waxaanay tidhi maansadu:
Allahayow gacmaha hoorsannee,barako aan guurin
Noo geli daruuraha giblanee, guudka naga maydha
Gu’ onkoday xareed galacle iyo, rays gabbala yeesha
Oon gufaaco xoogliyo lahayn, gaydh wax naga laysa
Guullow Allahayow na sii, gacani waa taaye
Guntimaha isdhaafiyo Allow, garawgu noo beermo
Gasiinkana Allow nooga yeel, midhaha gaaxdooda
Oo maalka naga gudhan Allow, godol ku soo jooji,
Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin
Canab Guuleed Maxamed ayaa ka mid ah goobjoogayasha Bandhiga Suugaanta iyo
Buugaagta ee xaggaa kasta lagu qabto magaalo madaxda Hargeysa ee cariga
Somaliland. Canab Guuleed ayaa hadyad ahaan gu’gan 2011dii u geysay maanso
ay ku boqrayso adeegsiga qalinka iyo qoraaleyda. Waxay Canab Guuleed
maansadaa u bixisay “Baal Dahab”. Waxay maansadu ku bilaabmeysaa Magaca
Illaahay iyo xuska madasha loo boholyoobey,waxaanay tidhi:
Bilawgiiba furaheenna waa, lagu badbaadshaaye
Baal kama maraynoo belaa, lagu xijaabaaye
Bismillaahi barakada Allaa, barada noo taalle
Isusoo boqoollaye dadow, barashadii waarta
Baxnaanada waxaan dhawri jirey, haatan beegsadaye
Barbaartii dalkeennoo sidaa, gole u soo buuxshay
Baahidana waxay tabanayeen, beledka loo keenay
Bandhig, buuggan loo baratan yahay, baaq isugu yeedhay
Waa wax lagu badhaadhoo qalbigu, nagu bogsoodaaye
Abwaanad Canab Guuleed waxay degan tahay magaalada Hargeysa ee dalka
Soomaliland, waxaanay u dhaxdey qoraaga Xaaji Cabdalla Xaaji Cusmaan
Ceelleeye. Xaaji Cabdalla waa qoraga buuga “xeer Ciise.Waxaa kaloo Xaaji
Cabdalla uu qoray qoraalo badan oo dhinaca suugaanta,dhaqanka,taariikh
nololeedyadii abwaano dhawr ah,iwm. Waxaan ku soo afjareynaa qoraalkan
aanu ku soo bandhignay maansooyinkii iyo sooyaalkii abwaanad Canab
Guuleed Maxamed waanadii ay reerkeeda iyo reer kastoo
dhisan ay ku waanisay:
Isma-weydo aan
Weligood isnicin
Waaxidkana cuskada
Maba wiiqantee
Tixraac:
-Qolka Kaydka ee Mareegta Farshaxan
-Mareegta Doollo.
-Buugga Sirta Guurka (Xasan Cabdi Madar)
-Wareysi Canab Guuleed Maxamed
Wareysi qaade: Xaaji Cabdalla Xaaji Cusmaan
Qalinkii iyo Tifatirkii :
Fu’aad Sheekh Abuubaker
Bahda Mareegaha Farshaxan
www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org
Qaybta Nolosha
Dib U laabo
GABAYADII CANAB GUULEED MAXAMAD1
Gabaygan magaciisa la yidhaa Qaybta nolosha waxa tirisay
Canab Guuleed Maxamad sannadkii 1988kii.
Adduun waa qisiyo yaab, quusayoon gudhine
Marna waa qaflado iyo naxdino, qaawan abidkoode
Qorraxdii dhacdiyo waagu, way kala qalloocdaane
Qosolka iyo farxadeheedu wa, qaaban soconayne
Marna waa qabow iyo nimcado, laysku qoofalaye
Qof waliba wixii loo qoruu, qayb u helayaaye
Qasdikiyo ujeeddada haddaan, qodobka sii taabto
Arrintii la qaataba haddii, leysla qaban waayo
Qardoofiyo haddaan laga tireyn, camal qayaanoo dhan
Oon qodaxda laga goyn illay, way qallibantaaye
Qiyaastii qorshaha aadmiga, taas la qaabab ahe
Qiimo ma laha barashadu haddaan, lays qaddarinayne
Qalbigaan la dhawreyni dhaqsuu, qanac u gaadhaaye
Qayrkaa haddaan kuu jeclaa, waan ku qoonsadaye
Ka qawedeyna qoyskaan lahaa, aysla qabataane
Qormadaan yagleelaayey oo, qiimo gelinaayey
Qaban qaabadii aan watiyo, qaradkii beenoowye
Inkastoo sed aan qaayibiyo, qarash la ii sheego
Ama quruxda aad leedihiyo, qalin la faalleeyo
Qalbigaygu wuu jabay sidii, shay quraarada e
Qosolkiyo sasabadaad waddaa, ka qoto dheer xaale
Qof liita illayn lagu hodaa, qaladkan ii dhaafe
Haddaad qaafil ii haystana, dhowr qarnaan jiraye
Sharaftaydii anigoo qabaan, qooni igu oollin
Oo aan qal qaalina u socon, qubinna diintayda
Naftoon qisaasaa waa midaan, meesha qabanayne
Quudhsigu ma fiicnee runtaan, kuu qayayxayaaye
Qawlkaan ku leeyahay ma aha, been an kuu qoriye
Qiyaas iiga maqal oo dhegaha, qun ugu sii deyso
Sheekada markaan qaadanniyo, quruxdi haasaawe
In qallooca laga dhawro buu, qodobku taagnaaye
Cilladdii la qariyaa dib bay, kuugu qaraxdaaye
Qunyar socodka waa taan ahaa, een ku qaabbilaye
Qiyaaniyo adaa been watoo, qubay wanaaggiiye
Ma qayiro Ilaahay illayn, qoonkii daacadeh
Qofkii qool sameeyaa mar buu, qalam yidhaahdaaye
Dabinkii aad igu qaban lahayd, qoolki kugu roorye
Adaa qoday dalluuntee ayey, kula qadhaadhaane
Waxa qalanjo Soomaaliyeed, inayow qayrkaaya
Adigaan ku qoondaystay, waa qisiyo yaabe
Qufulkaan naftaydii ku xidhay, waa qaraar go’ane
Iga quuso adiguna ninyohow, qiil kalaad sugiye
Qayliyo sawaxan iyo ma karo, ciil qarracankiiye
Qoomamadaan hadhow qiran laa, qaladka aan geystey
Ka qad baa runtii igala roon, ina rag qaarkiise
Qiyaas kooban tira go’an haddaan, toban ka soo qaato
Sagaalbuu qalbigu diidey oon qaaddacoo jaraye
An qiyaaso kuwaan quudhsadee, qaadan kari waayey
1. Qaaddirkeen wixii uu xarrimay kuwaa, quud la geya moodey
Qamradiyo alkoolada kuwaa, sii qudh-qudhinaaya
Qaad iyo hadduu buuri cuno, amase qiiq nuugo
Qalbigii inuu qoomanyahay waa, mid loo qiraye
Qudhun iyo illayn lagama karo, qoon xun daba roore
Gabdho aan qaaddi loo geynin buu, qolal la seexdaaye
Quwaalow Ilaahow midkaas, nolol ha noo qaybin
2. Garmaqaate keligii qummanoon, garanin qaynuunka
Qallafsane midaan nolosha qirin, qiimo waxay leeday
Oo qallooca oon lala heshiin, damacu waa qaybe
Oo aan qaddarintana aqoon, qawlna kugu deeqin
Oo haddana qabweyn iyo kas xumo, kibir is qaad qaada
Qoys ina gumeed buu ka yimi oon, qorsho lahayne
Quwaalow Allahayow midkaa, nolol ha noo qaybin
3. Qalbigii aan daacadi ku jirin, qoon jinnaa gala e
Qiyaaniyo midkii been yaqaan ama, qudh soo gooyey
Qabri inuu gelaayiyo marnaba, dhimasho qoondaysan
Qaaddirkii abuuriyo midkaan, qirin rasuulkeenna
Oon qawl Ilaahna baran diinta waa, lagu qaboobaaye
Oo quruxdii dhaqankeena iyo, qodobadii tuuray
Quwaalow Ilahow midkaa, nolol ha noo qaybin
4. Qaab miskiin midkii lagu xantee, qabowe sii liita
Qorigiisa uun baa rag kale, dhayal u qaataaye
Qarandida sideeduu ka yahay, dood rag qaybsado e
In kastood qotomisoo rabtana, qayrkii inuu gaadho
Ama aad xil qarisood ammaan, qiimo ku hagoogto
Meel uun baa qalloocdoo illayn, waad ka qanacdaaye
Quwaalow Alahayow midkaa, nolol ha noo qaybin
5. Qardoofiyo midkii kugu qabsada, qofof ku soo booqday
Quudkii aad siisiyo hadduu, qadada faalleeyo
Qudaad iyo hadduu kugula koco, qaabka saqajaanka
Adoo qiimaluu kugu yidhaa, qoyska yaa yimide
Adoo dakharro sii qabey hadduu, qolofta kaa qaado
Qol-qollada markuu raad ka dayo, waad qumbacataaye
Quwaalow Allahayow midkaas, nolol ha noo qaybin
6. Qiyaas buu dadkuba leeyihiyo, qaab u gooniyahe
Qof waliba siduu kugu yahaa, loo qaddariyaaye
Mid qafiifa oo lagu metelo, qodobka ruux waalan
Qasnad iyo midaan lagu ogeyn, qoob wax lagu kaydsho
Oo hadallo aan kala qorayn, qubaya oo daadsha
Qarda jeexa sheekada mar, buu qalad rumeeyaaye
Quwaalow Allahayow midkaas, nolol ha noo qaybin
7. Qalbigaa tijaar laga noqdaa, qarashka maahaane
Quudkiyo midkaan hoo aqoon, ee lagu qadoodaayo
Midda uu qabiyo uma damqado, qoonka uu dhalaye
Ehelkiyo qaraabadu hadday maruun, qof soo mooddo
Qarshi maba hayuu dhaar qayaxan, qac uga siiyaaye
Iqarshuu dabeed kugu yidhaa, qoon siduu dhacaye
Quwaalow Allahayow midkaas, nolol ha noo qaybin
8. Ishu waxay u qabataba midkii, keligii qoondaysta
Een quud xalaaliyo kala jeclayn, qurubka xaaraana
Ma qasoobo oo kama cabsado, qool inuu galo e
Qadaa-dhigyaa iyo badheedh, qayd ku shubayaaba
Qani kuma noqdoo maalin dhow, way ka qubataaye
Qaan iyo intaan cuni lahaa, waxaan ku qaaxoobo
Quwaalow Allahayow midkaas, nolol ha noo qaybin
9. Qacda hore arooskii lagalo, quruxi weeyaane
Qaar dambeed hadduu kaaga, dhoco qiimo laga waaye
Qalbigaad ka raaxaysataa, nolosha qaarkeede
Qarjajaas sedkiisii qaboo qoysas, badan yeeshay
Qufac buu illayn kugu dilaa, quuro iyo taahe
Qotodiisa lama gaadhi karo, oo qorshow go’ane
Quwaalow Allahayow midkaas, nolol ha noo qaybin
10. Allahayow adaa qaaddiroo, qaybshay dunidaase
Adigaa quruumaha ku nool, quudshey keligaaye
Qalbiyada adaa daalacdoon, qodob ku seegayne
Geesi qiimo weyn lagu ogyoo, qayrkiba u haysta
Soddonkii quraankiina ay, qabatay laabtiisu
Oon qallayn salaadana siduu, Caadil ugu qeexay
Qaxar iyo dhibaatiyo midaan, qaladba ii geysan
Qarki aad ka eegtaba midaan, meela laga qoonsan
Kaasuu qalbigu doortay oon, qaadan kari laaye
Qaaddirow Allaahow isii ways, qaddarin layne
Muuqaalka Barashada
Dib U laabo
Maansadan waxay Canab tirisay 1993. Maansadan soo socota waxay
tilmaaman buuxda ka bixinaysaa isbarashada dhabta ahi inay
tahay marka hoy amma guri loo wada hoydo ee la wada deggan yahay.
Maansada rag baa tirin jiroo, magacu saarraaye
Dumarkuna manuuc kama ahayn, midhihi toosnaaye
Sayidkii mataantiisi baan, cidina moogayne
Bal aan mariyo midhahaygu waa, lagama maarmaane
Maggawdaye hashaan maalayaa, waa mid ii dihine
Maantaan bilaaboo markuhu waa, mudh xoor badane
Manfac waxay ka dheeftaba bulshada, waa mulki u yaalle
Muuqaalka barashada haddaan, maanka ka asteeyo
Maryuhuu dadkani wada sitaa, midabka guudkaase
Muuq lagu gartiyo show malaha, muunad gooni ahe
Mid waliba wuxuu yahay runtii, mawlahaa garane
Jeerood minan ku kulantaan dadow, barasho waa mooge
Mufti Sheekha waayeel macaan, maati la xaq dhawro
Iyagu waa mageydada birtee, meel an ku ogaado
Geesi magac leh doqon soo mir kacay, meela dhexe qaar ah
Barbaar muuq leh muhashada qalbiga, midhaha guud saaran
Haasaawe macaaniyo waxa, xadhig la miiqaayo
Marwo qiimaliyo gabadh-la-mood, meel isugu dhuuntay
Maaley qadhaadh iyo suniyo, malabka ceegaaga
Midhahaad cuntaa baa dhadhamo, lagu maleeyaaye
Maryuhuu dadkani wada sitaa, midabka guudkaase
Muuq lagu gartiyo show malaha, muunad gooni ahe
Mid waliba wuxuu yahay runtii, Mawlahaa garane
Jeerrood minan ku kulantaan dadaw, barasho waa mooge
Mabda’yga gaarka ah haddaan, miimka ka caddeeyo
Hubsiimadu mudday leedahoo, loo miyiriyaaye
Madh-fudayd malkuu kaa ridaa, aan macna lahayne
Maalintaan ku soo doontay baan, magane hiifaaye
Dusha sare mullaax baad ahayd, mudan haweenaade
Imikaanse maad iyo u dhacay, mahadha joogta ahe
Jeerood minan ku kulantaan dadaw, barasho waa mooge
Muddo dheer ayaan waxan ahayn, laba mataanoode
Inkastoon milgaha toosan iyo, marinka kuu sheego
Amma aan mastuur iyo asluub, hadal macaaneeyo
Maahmaah dhaxal gala ah haddaan, maandhey kuu tebiyey
Adiguna waxaad maaggantaa, kuu muraayad ahe
Illayn macangag ruuxii ah baan, maara loo heline
Miyuu hadal ku marayaa cidlaad, muran la joogtaaye
Jeerood minan ku kulantaan dadaw, barasho waa mooge
Martiqaadka gobannimo markaan, maandhey kuu fidiyey
Een meeshii aan seexan jiray, kugu muquuneeyey
Sidaad hooyaday Maydhan tahay, marada kuu iibshay
Manfac waxaad cunaysiyo daryeel, kugu masruufaayey
Macnihiyo ujeeddadu maaha, magac ku raadceeye
Allayleha waxaan moodi jirey, maandhey soo gudhe e
Maskaxdii aqoon laa illayn, aragta meeldheere
Maan-gaab qalloocani waa midaan, maara loo heline
Jeerood minan ku kulantaan dadaw, barasho waa moog
Maar baa lagaa taagan yahay, maalin iyo layle
Muslinkiyo hablii wada martoo, waana loo marage
Meesheed ka keentay dacwada, igula meeraane
Anna mudacyo aad igu dishaad, maandhey tumataaye
Maahmaah gabawdaa ahayd, marin xaqiiqeede
Maaskiisa ruuxaad toshaa, mara cad kuu gooye
Magac xumada ii muuqataan, murug la jiifaaye
Haddii aan masawnoo xumaan, laysu miisaamo
Maqal iyo hadduu arag lumoo,laysu muruq sheegto
Midkeen bay maddiiluhu ku dhici, miiska saaraniye
Masiibadu intay kaa fogtaa, la iska moosaaye
Aniguna haddaan miinsadoo, aan masalo raaco
Mu’min iyo ninkii samir lahaa, baa macaash badane
Samaan baan miciinsaday Allaha, Maaligaa jira e
Jeerood minan ku kulantaan dadaw, barasho waa mooge
Mid kalaa jirtoo aanan weli, mindhaa illaaweyne
Isla weyn ayaad erey mutuxan, igula meertaaye
Mushaax iyo haddaan dano la’aan, meel iskaga tuuray
Maxay tidhi haddaan la odhan, maado laga reebye
Mudanow afkaygii haddaan, maanta ka adkaaday
Miyaa la i mudmudi waanigii, meeriskaa xidhaye
Maal baa la kala qaadi jirey, maadh ad leedahaye
Mabda’adag haddaan leeyihiyo, marinno ii gaara
Waa deeq Macbuudkuun baxshoo, lagu masuugeyne
Maxaa adi muddici kaaga dhigay, madaxa ii buuxa
Jeerood minan ku kulantaan dadaw, barasho waa mooge
Wax Garad
Dib U laabo
Maansadan soo socota ee magaceedu yahay Wax Garad waxa
tirisay Canab Guuleed Maxamad sannadkii 2002dii
Mid wanaagsanoo
Waalid iyo walaal
Abti waa wadnee
Wacanow adeer
Wehel toosanoo
Wahsan ii noqdoo
Weedhaan idhaa
Waydayninoo
Alla waaniyaan
Weynaha Ilaah
Waydiistayoo
Weli waan sugaa
Haddaad noqon waxgarad
Waayaha adduun
Aan ka weheshadoo
Weligey dhibiyo
Wiirsiga dadkiyo
Wadeeco iga jira
Anna waajibka
Sidaan kuula wadi
Waakanee bal hoo
Inaad waayirkii
Nalka ii wadiyo
Waaxyaha jidhkiyo
Wiilkii ishiyo
Wadnahayga tahaan
Ku war qaadan laa
Haddaad wiiqantoo
Welwel iyo dhibiyo
Waabey kalgacal
Kugu weecatoo
Waantoobi karin
Inaan wada jirnoo
Waqal hooray iyo
Webiyada cishqiga
Ka waraabsannaa
Waxse aanan hubin
Waddadaan hayaa
Wahdi inay tihiyo
Inay weecsan tahay
Wax kaloonan hubin
Inay waadax tahay
Arrintaad waddiyo
Waxa kuu qarsoon
Wax kaloonan hubin
Wayd inaad tihiyo
Inaad waafi noqon
Wax kaloonan hubin
Wacadkaan gallaa
Waa culusyahee
Sidaad iila wadi
Waxaan talo ku dayn
Waagaan hubsado
Kaan weedhayee
Wakhti iiga lumay
Wiilyahow inuu
Warsan adiga yahay
Adigana war maqan
Walaac kaaga jirin
Waxaan anigu ahay
Haddii Waaxidkiyo
Weynuhu yidhaa
Nasiibkiyo wakhtiga
Waa loo wan qali
Isma-weydo aan
Weligood isnicin
Waaxidkana cuskada
Maba wiiqantee
Intoon wada jirroon
Wadnayaal isjecel
Isku waafaqnaan
Weel qudha kalgacal
Ku wadaagi layn
Wakhtigii kastaba
Weedho faraxleh baan
Kugu waanin laa
Waagii baryana
Werdi iyo ducaan
Ku waraabin laa
Wakhtigaad baxdana
Weedh faraxleh baan
Kugu sii waddici
Wakhtigaad timaad
Weji farax leh baan
Kugu weheshan laa
Wed haddii lahuro
Wax kastood rabtiyo
Waayaha iyo dantana
Wahsi hayga sugin
Risiq waasiciyo
Warasa khayr lahoo
Wiilal iyo gabdhaba
Wada saalixana
Weynaha Allaan
Weydiisan layn
Waxsaan diiddanoo
Warmo igaga daran
Inta uu wadaad
War I raaciyoo
Wiil la igu daro
Wadeeciyo cidlada
Wehel li’fadhiyo
Dhaqan Goob
Dib U laabo
Gabaygan Dhaqan-goob waxa tirisay Canab Guuleed Maxamad
oo loo yaqaan Ina Guuleed-Wanweyn. Bishii May ee sannadkii
2008dii ayey Canab Guuleed u socdaashay tuulada la yidhaa
Ismaaciil Diiriye oo ka tirsan gobolka Oodweyne,dhulkaas oo
ah deegaankii ay Canab ku dhalatay kuna barbaartay.Canab
intii ay socdaalka ku jirtay waxay indhaheeda ku aragtay
dhaqan guur ku dhacay dadka, duunyada,deegaanka iyo qalabkii
reer guuraga Soomaalidu adeegsan jireen.
Ga’da gabay haddaan gacalkayow, guudka ka higgaadsho
Gilgishaye haddaan soo gambiyo, waxaan la guuxaayo
Gobo’ runa haddaan sheego oon, gole ka faalleeyo
Garawshiiyo maan heli tolow, garasho waa yaabe
Anoo galab carraabaaya oo, beesha yara gaadhay
Gadaashaa dambaa layga yidhi, gacalo soo jooge
Goortii aan dayey dhaqankii baa, gacanta ii haadshay
Iguhaadiyoo wuxuu i yidhi, ereyo gaagaaban
Goobteed ku hoyataan ku idhi, waan guntanayaaye
Wuxu yidhi go’doon baan ku jirey, goor iyo ayaane
Wuxu yidhi warmaa laygu ganay, aanan geyahayne
Wuxu yidhi anoo geydh qabaan, meel galluubnahaye
Wuxu yidhi dadaw ii gurmada, goosan baan ahaye
Geesiga u sheeg buu i yidhi, garasha dheeraaye
Gaadhsii haweenkuu i yidhi, gaari dumaroo dhan
Waana gocasho aan sii qaboo, igu gedaannayde
Gabbalkii markuu dhacay miyaa, gama’la ii diiday
Marku waagu galac yidhi miyaan, sahanka googooyey
Geestaan jalleecaba miyaan, xaalki garanwaayey
Hadba midab guhaadlayn miyaan, wada galiilyooday
Gacantayda dhabankii miyaan, guudka ku illoobay
Hayin gibisha loo jiidayoo, gaban yar loo dhiibay
Gucle orod waxaan daba socdaa, geeddi sii rarane
Dhaqan laga gudbaan goobayaa, meesha uu galaye
Godka loo qodaan waayo dheer, laga gayoonayne
I gargaar Allahayow adaa, gacan leh oo weyne
Gudbay oo dabeed baylahdii, galay dedaalkeeda
Fardaa gaasabixin loo cuskaday, layligana geele
Guluf iyo colaad baa fardaha ugu, gadhqaad dheere
Gabbaan looma dhiibee nin raga, gacanta loo saarye
Geyi dheer ayaa lagu tagaa, orod ku gaadhaaye
Gurmadkiyo garmaamada markuu, fadalka goynaayo
Ee uu geesi guudkiisa koray, ganafka soo haabto
Ee qurux u gaariyo xariir, guudka laga saaro
Galbiskiyo damaashadka iyo, gabadh la soo doonay
Iyana waa gob iyo caadadeed,gola ka heenseeye
Arrintaa ninkii garanayaan, gacal wadaagnaaye
Gaadiidku wuxuu nagu ahaa, guunyo qaali ahe
Gammaankii fardood uu ka tegey,gobolladeenniiye
Gudbay oo haddana baylah kale, layga gacan haadi
Raggii doob-garfaankiyo lahaa, geeljiraha naaxay
Raggii geeshageeshayn jiree, timaha gaydhaystay
Guurdoonka nimankii ahaa, gacalku xiiseeyo
Geesiga raggii loo yiqiin, gacanta loo taago
Hubka geela loo qaato iyo, gumuca maadhiinka
Markay garabka saaraan raggii, gelayey taariikhda
Waran-gacan raggii qaadan jirey, ammase gaashaanka
Raggii laba go’iyo garan lahaa, guudka ka iftiima
Waa dhaqan gaddoomo ka tage, gobolladeenniye
Gadaal dhalad dambaa soo bixiyo, guuto weerarehe
Gulufkay ku qaadeen dhirtii, gawda laga saaray
Waa gelengel kaymii ahaa, gees walba u raace
Galoolkiyo maraageenni baa, sii gabaabsi ahe
Ragga geela seeteeyey iyo, ramadka goohaaya
Iyaguna garaabada qallalan, gega ku ruugaaya
Habeenkiina guuraha ku taga, guriga reerkooda
Waa gurintir nagu soo baxoo, godobi noo taalle
Gudbay oo haddana baylah kale, layga gacan haadi
Guudiyo hablii loo yiqiin, Gaasiriyo Dhuuxo
Hablihii garaskiyo lahaa, summad kaloo gaara
Hablii timaha gadafeyn jiree, joogey gurigooda
Hablii geela laga bixin jiriyo, gaadow faraskeenna
Hablii garangar beeshoo u taal, wada gargaaraayey
Ee qabyada ku geeraari jirey, gebagabaynteeda
Iyaguna gaddoomoo ka tage,gobolladeenniiye
Gurboodkii ka soo hadhayna nece, guri-dhiggoodiiye
Magaalada markay soo galeen, xaalkii garanwaaye
Bac guduudan bay guri hortii, gega ka waabteene
Garaabiyo waxay iibiyaan, geed-xun iyo shaahe
Geyaankoodi baa gabay hadday, gebi dhacleeyeene
Haddaydaan ka gadanaynin may, gegeda joogeene
Goobtaana idinkaa na dhigay, garanna maysaane
Gudbay oo haddan baylah kale,layga gacan haadi
Ubbadii Gedaan-dheer, qumbiyo, goobti subaggeenna
Guda weyne kolaygii dhacdada,guri dhan qaadaayey
Xeedho gobi ku kulantoo gardhiyo, giringir loo yeelay
Iyo gocayo haanoo gadhoodh, subag ka soo goysa
Gurgur saabsanoy gaari dumar, gacanta soo saartay
Oo wada gingimanooy dhammaan, gadaw sibbaaqaysay
Marke gaar leh gorfkoo la culay, geela lagu maalo
Masaf garawga lagu haadiyoo, wada garaaraysan
Garka iyo dhegaatiga dhanrare, surradda loo giijo
Iyo waxaan garaad koobinoo, guriga hoos yaalla
Gawdiidka dhigaha iyo lool, quruxda loo gaafay
Iyo udub gengaanka u hayoo, guriga xooggiis ah
Gudbanow aloolkiyo kebdaha, baraley goobaysan
Harrar gobolba cayn yahay xariir, magaca googoosa
Gabdhihii samayn jirey ka tage, gobolladeenniiye
Gob waxaan ku nahay dawlad, aan gaar u leenahaye
Gob waxaan ku nahay geedka iyo, gacal ku-soryeyne
Gob waxaan ku nahay gaadhka iyo, gogosha hoos taalle
Gob waxaan ku nahay gooddigiyo, talo la guulaaye
Gob waxaan ku nahay gacanta oon, tacab ku gaadhnaaye
Gob waxaan ku nahay guunyadiyo, badaha guuxaaya
Gudbay oo haddana baylah kale, layga gacan haadi
Garka iyo wadnaha ruux la jaray, waa galbanayaaye
Galawga iyo fiintaa ka ciya, roobka soo guda e
Xidhadhkii gasiinkiyo ahaa, gaadhka iyo hooska
Quruxdeenna gaarka ah haddii, ganacsi loo qaado
Nin garaabo siistiyo haddaan, gudinta loo diidin
Innagoo gumawna iyo caydh, gororku weeyaane
Nimanyahaw ammuuraha gedmada, ee la garan waayo
Naf go’daanu celinine nin ragihi, waa gorfayn jiraye
Guntadoo ka kaca yeynu noqon, gegi habaas weyne
Gudbay oo haddana baylah kale, layga gacan haadi
Cirka gudhay gu’gaa baaqday waa, galabsigeenniiye
Gellin socod dadyaw looma jiro, guusha Eebbahaye
Innagoo gardiid noqonno oon, garannin mooyaane
Galladaha Ilaahay ka dhaw, gibidh isheena ahe
Haddii aad gacmaha hoos dhigtaan, waa godlanayaaye
Geyigeennu wuxu noqon lahaa, godan barwaaqaade
Guntada oo ka kaca yeynu noqon, gegi habaas weyne
Goobtuu ku hoorana ma qoyo, geedku Genayow e
Daadkaa galgalad nooga tagoon, xididka gaadhayne
Gebiyada biyaha goostay ee, naga gaddoomaaya
Gacammada haddii loo xidhoo, gudubka loo leexsho
Gubasho iyo oonka ina helay, waan ka gami’layne
Geyigeennu wuxu noqon lahaa, godan barwaaqaade
Guntada oo ka kaca yeynu noqon, gegi habaas weyne
Gudbay oo haddana baylah kale, layga gacan haadi
Ahminkaa gurguuranaya iyo, gorodda noo joogta
Gammaanka iyo geesley dhammaan, guunyada aan hayno
Goodirkiyo ugaadheena iyo, gorayadii heeryo
Guyaal joogi maayaan haddaan, geedka loo tudhine
Guntada oo ka kaca yeynu noqon, gegi habaas weyne
Allahayow gacmaha hoorsannee, barako aan guurin
Noo geli raggeenniyo kuwaan, haatan garan weynay
Allahayow gacmaha hoorsannee, barako aan guurin
Noo geli haweenkiyo gabdhaha, guudka fidhanaaya
Allahayow gacmaha hoorsannee, barako aan guurin
Noo geli gurboodkiyo dhallaan, guriga noo jooga
Allahayow gacmaha hoorsannee,barako aan guurin
Noo geli daruuraha giblanee, guudka naga maydha
Gu’ onkoday xareed galacle iyo, rays gabbala yeesha
Oon gufaaco xoogliyo lahayn, gaydh wax naga laysa
Guullow Allahayow na sii, gacani waa taaye
Guntimaha isdhaafiyo Allow, garawgu noo beermo
Gasiinkana Allow nooga yeel, midhaha gaaxdooda
Oo maalka naga gudhan Allow, godol ku soo jooji,
Aamiin
Baal Dahab
Dib U laabo
Gabaygan la yidhaa Baal dahab waxa tirisay Canab Guuleed
sannadkan 2011ka waxayna kaga qayb gashay oo ay ku soo
bandhigtay carwadii buugaagta ee sannadkan Hargeysa lagu
qabtay.Canab waa badhiggii saddexaad ee ay Hargeysa kaga qayb gasho.
Bilawgiiba furaheenna waa, lagu badbaadshaaye
Baal kama maraynoo belaa, lagu xijaabaaye
Bismillaahi barakada Allaa, barada noo taalle
Isusoo boqoollaye dadow, barashadii waarta
Baxnaanada waxaan dhawri jirey, haatan beegsadaye
Barbaartii dalkeennoo sidaa, gole u soo buuxshay
Baahidana waxay tabanayeen, beledka loo keenay
Bandhig, buuggan loo baratan yahay, baaq isugu yeedhay
Waa wax lagu badhaadhoo qalbigu, nagu bogsoodaaye
Bogga kale haddaan dayo sidii, aan u kala baahnay
Bayhoofkii nagu dhacay markaan, bara kacnee guurnay
Kolkuu bahal u soo dhacay dadkii, badaha sii jiidhay
Bari iyo galbeediyo intii, baallaha u yaacday
Beertay dhashee beelo kale, baylah kala raacday
Berritaa waxay nagu af garan, baaqa geeddiga e
Baal dahaba buu noogu yaal, buug ninkii qoraye
Beertaan dhallaa baa u hadhi, bohoradeenniiye
Waa baratan duniduye dadow, baadida asteeya
Nin birmada nin baaqiyo midkii, soo bidhaan urursha
Nin u booya kii beerraqiyo, nin u buseelaaya
Nin baxsada nin boobiyo ninkii, baylahda ilaasha
Nin waliba wuxuu beri qabtay, beeshu werisaaye
Buug wixii ku yaal bay bulshadu, beri u aydaaye
Beertaan dhallaa baa u hadhi, bohoradeenniiye
Waa beratan duniduye dadow, baadida asteeya
Bishaaree waxaan bixinayaa, hadiyad buura ahe
Berrigeenna nabaddiyo ilaa, baradan aan joogno
Beledkii Jabuutiyo ilaa, Kilalkan baasheenna
Bari iyo galbeediyo ilaa, badhaha Soomaali
Badanaa dadkaygow kuwaan, beerka ka ogsoonay
Ragga diinta noo baahiyee, baawarkaba haysta
Barbaar hawlkariyo baarri dumar, odayo noo baaqa
Bahda dhaqanka buug ruux qoriyo, baaxadda abwaanka
Badanaa dadkaygow kuwaan, beerka ka ogsoonay
Baallahayga kuwa jooga waan, booqan karayaaye
Dadka beled shisheeyaa ku maqan, een is baran doonno
Birta hadalka qaaddaay dhammaan, baahin ugu faafi
Billadaha dadkaan siinayaan, soo bandhigayaaye
Sed billaydh yar lagu soo ridoo, beelo lagu sooray
Kollay baahi-beel ma leh dhadhamo,barako mooyaane
Dadka qaar na wow burinayaa, waanse baqayaaye
Ba’da kuma astayn karo dadkaan, beegso leeyahaye
Bahdaydaay dulqaad ila ogow, weydin badateene
Baal dahaba buu noogu yaal, buug ninkii qoraye
Bi’i waaye Aw Jamac baa, buunka noo tumaye
Beegsiga Rashiid baa ka dhigan, biixiyaha dheere
Boorama ninjoogoo Camuud, baarka sare haysta
Been haddaan la sheegayn Sulee, waa bardaan culuse
Bar tilmaan waxaa iigu jira, Boobe ina Yuusuf
Belo-ma-arke Aw Geeddi baa, baahshay dhaqankiiye
Birlab Jaama Muusaa ka badan, boqol halyey yaahe
Baarrida Ayaan baan u bogay, baaxadday tahaye
Bilistii haween waxay ku tidhi, boqorad noo dhalatay
Baga iyo bagee ay rag badan, baro ka dheeraatay
Inay baarka sare tahay ayaa, kaga bakhaylaaya
Cabdi Guri barwaaqaa ka culus, buurti Jabal qaafe
Barbaartii Jabuutaan rag badan, beerka ku hayaaye
Beleloo iyo ina-Xaaji baan, baaq u dirayaaye
Riiraash na uu naga bukaa, Eebbe loo bariye
Rabiyow ninkaa noo bogsii, waa bud-dhige weyne
Barbaarsame ninkii qoraan wax badan, baafis u ahaaye
Billad dheemanaan siinayaa, Baashe ina-Xaaji
Dadka badan waxaan Baasha-yare, baro u dheereeyey
Hooyadii wixii ay bartiyo, beesha dhaqankeenna
Barkhad-qabe xilkii bogay intuu, baadidoon tagaye
Dhaqankeenni baaduu ka qoday, godiyo booraane
Badhaadhaha adduunyada haween, waa barta u mudane
Hableheenni bilicdiyo lahaa, arag bidhaan nuurta
Basarkiyo hablii lagu yiqiin, baarri dhaqankeeda
Baqashada hablii aan aqoon, beratan mooyaane
Bariidiyo bidhaan halacsigay, barasho joogtaaye
Hablihii ninkii beri arkaa, baafin jirey waayo
Baydida hablii nooga tegey, badaha suugaanta
Bayluuli quruxliyo baftiyo, beeg subeeciyada
Boqorkiyo dhaclaa iyo hablii, balagga loo raacshay
Sindiyaha gacmaha lagu biliyo, bidix cunnaabaysan
Jeeniqaarka beerkiyo dhexdiyo, adhaxda beegaaya
Timaha baal haldhaaga ah habli, tidic ku baandheeyey
Barkimada hablii looga dhigay, baydhsanka asluubta
Hablii haybaddoodaa baxsanee, laysku bara dhaafshay
Berrigeenna nabaddiyo ilaa, baradan aan joogno
Beledkii Jabuutiyo ilaa Kililkan baasheenna
Bari iyo galbeediyo ilaa badhaha Soomaali
Baydida hablii nooga tegey, badaha suugaanta
Barni iyo Busaad iyo Basriyo, Baarcad ina-Xaaji
Wixii ay buraanburiyo gabay, amma ba’lay heesa
Geeraarro bilan iyo sitaad, ubad-ku-baashaalka
Botorkiyo ciyaaraha dar-bila, hawl in lagu beego
Iyo baaqi sii raacayoo, aan ka bogan waayey
Oo baylahoo kala lumuu, buug ku soo qoraye
Boholyowgi aan qabay wuxuu, baahi iga gooyey
Boogaan dareemaayey buu, baan u soo helaye
Basaasta iyo diiftii ku tiil,baarka timahayga
Burcad lagu subkuu noo heloo, waannagaa bilane
Baashow balaayada adduun,baal lagaa mariye
Beerkiyo wadnaha iyo indhuhu, kuma bukoodaane
Biixiyaha Ilaah kaaga yeel, baaxad iyo xooge
Badhbadhaadh ku noolow intaad, baaqi sii tahaye
Aakhirana bushaarada jannada, lagugu soo beegye
Aamiin
Soo SOcda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
soo socda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
Wuxuu yidhi:
soo socda
Dib U laabo
Wuxuu yidhi:
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.
|
|