Mareegta Far-Shaxan |
ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha |
Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan |
Ismaciil Mire | |
Hordhac
Halkan waxaynu ku soo bandhigaynaa mahadhooyin, oo sida aanu jecelnahay u badnaan doonta mahadhooyinkii dadka ugu caansanaa ama leh mahadho la taaban karo oo saamayn ku leh nolosha Soomaliyeed ,kuwaasoo aynu had iyo jeer u soo qaadan karno inay tusaale u noqon karaan ummada, 1974 Cabdullaahi Dhoodaan markii uu eegay xaalka Soomaalidu sida uu yahay: dhulkii Soomaaliyeed oo qaar gumayste gacantii wali ku dambeeya, dadkii la rabay inay raacdeeyaan oon usoo jeedin, dhalinyaradii oo si xun u wada ilbaxday oo sigaar, turub, iyo qaad la ruugo door biday, dumarkii oo asturaadii iyo xishoodkii ka xuubsiibtay, sakadii oo la bixin diiday, culumadii oo la istikhfaafsaday, ayuu wuxuu dacwadiisa u bandhigay Ilaahay oos waydiistay inuu ummadda soo hadeeyo, kheyrka iyo wanaagana kusoo dabaalo. Wuxuu yidhi: Boqoroow Allahayoow adaa, baaqiyoo jira e Bari iyo adigaanay Galbeed, kula balaadhnayne Sawaariikhda adigaan ka baqin, oo iska soo baxa e Adaanay bir orod dheer ku helin, amase baabuure Baylood cirkaa mari adaan, buur ka hoos galine Adigaa wixii aad burburin, berina joogayne Baryadayda ii yeel adaan, kuu bandhigayaaye Barashada cilmiga diinta yaan, baafiyaa waliye Masaladii la baadhoo dhan baan, baal ka taagnahaye In aad diinta ii badisid baan, kaa baryahayaaye Nin waliba bilaadiisa wuu, barako maalaaye Baradaydii gaal baa fadhiya, buuran tabartaye Mana badheedhi karoo ninkaa, baaqsadaan ahaye Inaad iga bixisaan rabaa, oon kaa baryahayaaye Boqollaal rag oo wada fadhiya, badhaha suugyaasha Oo turubka baandhayn hayoo, adigu ii baaq leh Oon baabka waysiyo salaad, boqonta maydhaynin Bogga naar inay dhigahayaan, baabka lagu sheegye Umad baylahda u diid yaan, kaa baryahayaaye?? Bangi lacag ah geel badan rag loo, adhigu uu buuxo Oo aanay baahiyi haynoo lo'dii, bowdka miranayso Oon bakhaylnimo sakada, barina dhiibaynin Bogga naar inay dhigahayaan, baabka lagu sheegye Ummad bixisa oon diidin baan, kaa baryahayaaye Xeroow aan bilowgii cilmiga, baran kitaabkiisa Oo imaamyadii wada billaa, balah u sheegeeya Isaguna inuu baastar yahay, baabka lagu sheegye Barqankaa inaad bi'isid baan, kaa baryahayaaye Barbaar aan cibaada Alliyo, Boqor adeecaynin Oo baarka siinaay kalkii, bal u budlinaaya?? Oo buuri nuugoo ilkaha, dabarku uu buuxshay Inay bohosha naar galahayaan, baabka lagu sheegye Dhallin aan ibliis bi'inin baan, kaa baryahayaaye Bogga kale haweenkiyo haddaan, baal kale u leexdo Iyadoon Billaaahi iyo Islaanimo, ku buuraanin Asturkii kolkii laga baxay bay, sii burburiyeene Waxay baratamaayaan kob aad, uga ba'aysaaye Boggaa qaawan bowdada cad iyo, naaska badhidiisa Barta xaluska kaga taala iyo, bari dabkii gaadhay Adoon baadhin baad heli kartaa, booska uu yahaye Hablo badanka soo wada qarshaan, kaa baryahayaaye Beeshii haddii aan wada marayoon, baal walba u eegay Biyo lagu rogyaa iyo Jibriil, baalka mariyaaba In halaag kusoo beegan yahay, baabka lagu sheegye Bulsho kheyrka wada raadisaan, kaa baryahayaaye Amiin
1976 ayuu Cabdullaahi rakibay gabaygan isagoo ugu jawaabayey niman dawladii Af-weyne ergo u ahaa oo gabayo usoo diray, nimankaa ood badankooda magacyadooda ka heli doonto gabayga dhexdiisa. Wuxuu yidhi Macallinku: Asalkiina hadal aan dadnoo daahle, inaan sheegno Iyo ku aan daboolayn inaan, dibadaha u saarro Labadaa dariiq baa miduun, dawga ku haboone Markii docadocays loo waday, daala dhaaf imane Sidaa iyo darted maansadii, layska daba keenay Ma diidaniye qaar waan hubaa, daw inuu yahaye Hayeeshee badhkeed waa daleen, amase deel-qaafe Kama dhigin macnaha doodif iyo, deero ka hal wade Danbaaburiyo gaaraabidhaan, fiid is dabayaacay Danbas iyo wax nool kay yihiin, daa’imaan garane Dab iyo qiiqna waan kala aqaan, saa duq baan ahaye Deleb iyo shax labadaa mid baan, dheel u degayaaye Dixiyo dareemiyo ridhmiyo, duurba kala jaade Cagaar roobkii dayr hore baxshiyo, dogobna waa geede Haddaan damal ku weydiinayood, dhir isku duudqaado Dur iyo daabacay kala noqdaan, haysku daar toline Ninkii awr dibjiray goobayoow, duunyo hay odhane! Inaad doomanaysaan kolkii, gabay la doonaayo Hal duwaaya dulucdaad rabteen, looma daawado e Adoo xubinta sii daawadayoo, tii macna leh doortay Waa in midhihii lagu daabacaa, ha is dabooleene War maansooyinkuu diray Siyaad, amuu dabayl raacshay Ragga dookha Ina Ciise lee, dumarada u heesa Halkay daaranayd waa sidaa, dulucdu Caynleeye Mar labaad kolkaan dayo tixdii, deel ku soconaysay Kollay damacu waa fiican yahay, oo ku diirsadaye La durduri fariintaad lahayd, xuurtii dalandooshay Walow ujeedada duleed kaa, dadaal noqotay Waxaa jiray odhaah kaa dustoon, laga digtoonaane Doqonimiyo badow laysku sheeg, oo dacaayad ahe Kaftankii duleedada markaan, taa isaga deyno Daliil run ah markii lagu socdeen, daacadda u baydhno Diirdiiranaanshaba haddii loo, dacwiyo maanta Amaan lagu danbaabayninoo, beenta laga daayo Taariikh aan dumayn baa, u taal degalladeenaase Siyaadoow dadkeeniyo cabsidu, waaba kala duufe Hundo Dixa dul iyo dooxo iyo, duudo iyo laago Docda Nogob ah togag soo durdura, daacadii webiga Hadday tahay dhul reeruhu degaan, amase daaqeen leh Ama dooggii haro buuxsantiyo, ceel diraac-shubad leh Maansada dhulkii daraf ka daraf, Yuusuf kaga daalay Dabdhac geesinimo loo qiraa, waa intuu dego e Geerina dadkeenaa ma jiro, ruux ka didayaaye Cabdi Walina aan kuugu daree, tuu dareerinayey Kelmad dalab lahayd buu yidhi oo, waan dareensadaye Dogob iyo gidaar kugu dumiyo, daad ku jiidanaya Naftu wixii dardarayoo kalay, dhaax ka durugtaaye Marse hadduu dad kula qayr ahaa, sharaftii kaa diirto Siday kuu dulleeyaan haddaad, cadho la diihaasho Adoo dibinta ruugiyo isagoo, kibir la diidaaya Darbad kugu gubyaa iyo dibtaa, dacar ka leeftaaba Waa inaad dubaha qaadatood, kaga dig siisaaye War duudkaaga ceeb saran iyo, diilintiyo jaaha Waxaaba kaaga duug roon adoo, meyd dafuufa ahe In kastood difaacdo oo warmaha, lagugu daaduunsho Siday kuu danqaan nabaradaa, diifta kugu reebay Isagaba dilkaagaa u dhibiyo, dakharadaadiiye Baqaa door ah hay odhan Cabdiyoow, waa dameernimo e Daafidaanse kaa qubi kaa tidhee, digirta siinaysay Kamaad daadinayn dheef duxliyo, doobi caano ahe Waaba digo ka saydh taasi oo, darib u geedeeye Wararkiinii daanyoon markii aan, isla doondoontay Rag dayuurad iyo taangi loo, Saam ku diriraaya Oo ciidan soo dumi karoo, dawladnimo haysta Iyo qalab rag daydayan hayoo, dalal xoraynaaya Oon dunida loo sheeginoo, doocba laga haynin Oo hoosta laga duugayoon, dibadda gaadhaynin Oon deeq rasaaseed helayn, daynna cidi siinin Oo wali dakanadii maqnayd, diilalyo u hayso Oo dabar xanuujiyiyo hoggaan, lagu dadaabeeyay Labadaa dariiq baad miduun, degashanaysaane Dubaaqiinu suugaanta maag, walise diimoone Ina Biixi hooskii dayacay amuu, kasoo dayrshay Malaha wiil kun-doofaarre oo, maal dudada buuxshay Oon weligii doog iyo abaar, darar ka waayaynin Inuu buur dilaacshana karoo, xoog dardar ah haysta Oo guurkii dacar loo marshayoon, dumarba eegaynin Doob-guun sidaasuu rabaa, inuu duraantaaye Yuusufna waaba dow inuu yidhaa, da’ Allay badaye Nin da’ yari hadduu soo tirshooy, maanso xagal-daacdo Daldaloolkii ay yeelataa, laga dulqaataaye Kuwa lala degdegiyee dhawaan, dilaya taariikhda Haddaan madaxu idin daalanayn, amaan la doorsoomin Hal delagan maxaad ugu darteen, waa duntii gabaye Wararkiinii dayraa markii aan, isku duudqaado Haddaad dayr rimaysiyo haddaad, been durdurinayso Dabalaay inaad gugan dhashaa, taladii loo daystay Gabaygan Dalxiis, abwaanku wuxuu kaga hadlayaa hodanimada iyo qaninimada dhulka loo yaqaano Ogaadeenya ama Soomaali Galbeed. Wuxuu gabaygu ka mid yahay gabayada nadir ka ah ee Dhoodaan. Wuxuu yidhi: 1. Dalkayaga dabeecooyinkii, Eebe ugu deeqay 2. Dulwareejis guud baan tilmaan, kugu dawaarsiine 3. Ila daawo oo gabaygaygan waan, kugu dalxiis gayne 4. Hanfi, dab iyo duufaano maleh, ama diraac dheere 5. Madaayaan daruurtiyo cirkuba, waana di-i-taane 6. Oo daafyahaa saraa noogu badan, karan darroorteed e 7. Umana doollin doog iyo xareed, wali dadkiisuye 8. Mana dookhdo duunyadu dhul kale, sidan daraadeede 9. Inta Dahare, Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso 10. Ee daan Galbeed iyo kor baan, kuu dalaandalinne 11. Waana dul iyo diillaha dhixiyo, duudo iyo buure 12. Durdur iyo dad haro uu qotiyo, kali daf oo buuxa 13. Tog durraaba laagaha dixdiyo, wabi kasoo daacye 14. Biyaha daadka dooxiyo hundaba, way dindimayaane 15. Markaasuu qofkii doonayaa, dalaga beertaaye 16. Madardarin farsamadii shacbigu, tacab ku doontaaye 17. Harqodkii dagtay kootar adag, dacal u saaraane 18. Jiqirtidaan dabcayn nugi durtiyo, kooshi noo dadabye 19. Minaaq daloolay bay marashadii, loo dusinayaane 20. Digiraday dabfiin iyo irfidaa, la isku daabtaaye 21. Minaaq daloolay baa marashadii, la isku daabtaaye 22. Xadhko dunniyo suun iyo qoryihii, layska wada duubye 23. Sango dacayan dagaal kaa u sudho, lagu dabaabeeye 24. Markaasay dullaha qaadannooy, daba istaagaane 25. Alaabtaa carada jeexi bay, dibidu jiidaaye 26. Ciid abuurkii lagu daadinbay, kala dilaacshaane 27. Dhulkuna daahimaayee sidii, lagu dareemaayey 28. Durba midhihii oo doog noqday buu, soo dalacayaaye 29. Oo dheelidaa dabayluhu lulaaan, maalmo dabadeede 30. Hadana way ka dabargoyn ristiyo, caws dugsiinkara e 31. Doc katuure laamuhu sabuul, firi dahaadhnaaye 32. Waliba shay darxumo keeni baa, laga duwaayaaye 33. Waxay ugu dikeeyaan sariir, daakhilkeeda ahe 34. Doofaarraday kaga ceshaan, amase daanyeerre 35. Wadhaf bay ku daafici shinbiro, duulayaa jira e 36. Mudayba laydh dabaalane kolkay, diircadaad noqoto 37. Qof dibjiray haduu soomariyo, socoto diifaysan 38. Looguma daree beerta waa, laga daryeelaaye 39. Wixii deeqi karay baa martida, looga sii dubiye 40. Qofkii aan dagmada gaadhin bay, sii dibiriyaane 41. Qodaal darisa waa lagu ogaa, daawo iyo xeerre 42. Way ugula dillaamaan mandado, kii dalbada guute 43. Bakaar duugte xero ood la dayr, oo karoodsada e 44. Qofba wixii dorraad kayd u yiil, wuu diq-diqayaaye 45. Dhulkani deeq allaalehe intuu, naga durduursiiyay 46. Wixii Daa'in naga dheefshay iyo, qaar ku sii dihinba 47. Dibno kuma idlayn karo sadkuu, noogu daabacaye 48. Duuduub ahaan saricii waan, kuu dulleed mariye 49. Dabrocelinta hoos iyo Bari baan, kuula daadagiye 50. Tanna ila day waa daaqsintiyo, geestii duunyada e 51. Inkastoo daraanshihii batay iyo, dacatigii maalku 52. qof daman oo kuwiisii dacniyay, ama darbaynaaya 53. Isba caydh dagaagtiyo fakhribay, dani u gaysaaye 54. Danga malaha duunyadu hadaan, layska daayicine 55. Ma darsaan damiin jaahil iyo, doqontu waa mooge 56. Iyaase dahalkii aan damcay, tani duwaysaaye 57. Maansada dariiqii horaan, kuugu daadihine 58. Gu iyo dayr dabaylood xagaa, ama diraac goodle 59. Afarta xilli dacalka Bari, waa isdabajooge 60. Dagmadiyo siday ugu dhaqmaan, ceel-shubkiyo dooga 61. Durdur iyo magaalaba anaa, kugu dalxiis gayne 62. Hadalkii aan lagu daalin baa, daawo miidhan ahe 63. Waxba yaanan kuu sii daldalin, sheeko dabadheere 64. Ma daynine dulkaasaan hadhow, daadah kaa odhane 65. Maantana halkaa noogu daa, haysku sii diline 66. Diyaar noqo hadana saadanbaan, daqaqamaynaaye Gardarooy waxbaad geysataa, goor iyo ayaan e Gafkii aad samaysaa batiyo, godobahaagiiye Gashi aan yarayn baad qabtaa, jeer lagaa gudo e Waxaad goyso moyee lawaa, nimaad gargaartaaye Gurigii barwaaqaysan baad, gubi taqaanaaye Oo ruuxaad gadhqaadaa wallee, guul ma xoogsade e Adiga iyo geeridu dadkii, waad gablamiseene Adigoon gadaal uga hadhayn, mid iska kaa giijay Qofkii tabartii gees kaa mareey, wax u gaboobaane Gaag baa uso hadha kollay, ruuxii kaa gudo e Adoo gabi ka tuuruu arkaa, kii garaad xumiye Adaa gaanbiyaay howl yaraan, soo galaangala e Adigaa dhibaato u gasba oo, reer gadaafo ahee Adaa garab ku taaglee yidhaa, geesi baad tahaye Gaasaar nin kale beertay baad, guro tidhaahdaaye Markaasuu garbada kii lahaa, gama'a diidaaye Anaa gaafidan lahee iiga guur, golal markuu sheegto Anaa galabta jooguu yidhaa, gocondho shaydaane Gogoshaana laysugu dhigtaa, goobayoow badane Mid waliba gafuurkiyo wuxuu, ganafka taagaaba Guddi loo xilsaariyo waxay, guurti bixiyaanba Xeerbeegti guushaa waxay, hadal gudoonshaanba Gabogabo dhigoodii markii, lays af garan waayo Eey taladu soo giirateey, gowda la istaago Guracanihii gowdhaafayey baa, aad u goodiya e Garaarteey dabeed kaga dhegtaa, kii la gaabsadaye Inuu golol cadhoodaana waa, ficil gadiisiiye Isagooy guduuteen indhuhu, oo gilgilanaaya Guushii iyo geeridii oo markaa, is garab yaala Labadaa midood inuu galuu, goosan dabadeede Guntashada xigtaa waa dagaal, ha u gardaadsado e Nin gabadayse cadhaan guurta hayn, ama gurguurtaaye Gurxanka iyo goohaba intuu, gununuco oo reemo Ways kula ganaa waa ninuu, ciil ku gaaxsamaye Goorada intuu kaga dhaco oos, guudka kaga boodo Oo gadh iyo laba daan qabtoo, gudub usoo tuuro Markuu aad u galalaatiyo ees, dibir gawaan raacsho Lafihiisii waa inay gotaan, giigtirnaan jiraye Oo uu guuxa weyntiyo ka jabo, gulibidaa dheere Oos war i gunaanada yidhaa, gaal kastuu yahaye! Guubaabadaadii wataa, say ku gorortaaye Kuway gibishu kuu saaran tahay, waa gaday mudane Caqligaad gamuun kala heshiyo, gudumodaadiiye Indhahana go' baad kaga xidhaa, ood ku gunudaaye Dhagahana gufaad kaga jartaa, kuna gamuurtaaye Halkaad gaysanaysaaba waa, god iyo booraan e Waa kaad gandaalka u sidaa, ood u godoshaaye Waa kaad goofaadhidaa, eed gagabisaaye Waa kaad gafsiisaa ra'yiga, eed ka gudhisaaye Gallad inuu qabuu moodayaa, waase ruux gab ahee Adaaba guuldaro usoo sidee, wuunan garanayne God aan laga baxayn iyo waxaad, goof u qarisaaba Gabal dhiciyo saad dooni waa, meel gudcur ah keene Garab bay lahayd daadah iyo, maliyo gaadaane Nabsi qabaha guubaabiyaay, saa adoow galiye Biyo gororay goortay dagaan, waa halkii godane Kibir bay guntaadii dhanayd, gow kusoo tidhiye Oo geedada waxaad kaga jirtaa, kii gumaysta ahee Gobonimo qofkii doonayaad, garab-wagliishaaye Iyadoon barwaaqadu gudhayn, gu' iyi jiilaalba Oo gayiga Soomaaliyeed, Gureey u baaqaayo Gayigaanu joognaba wixii, soo gashaad tahaye Gamuunkoo mariidliyo intuu, waran ku googooyey Gaashaanka tii lagu dhuftayee, gowda laga saaray Ee guutadii qaabishiyo, gabaska hayn weyday Ee jeeray gacmaha hoorsadeen, gaasku daba joogay Ee ay waraabaha u gogleen, gudurideey loogtay Ee uu gabaabsiyey qabkii, meesha daran geeyay Gugumana codkiisaad ahayd, geedo qaaqla ahee Muddo gaaban gaar iyo intaad, gooni naga joogtay Gashin kale adoo muujiyey oo, galab caraabaaya Gadmataye haddana goor dambaad, noola timid guuxe Subaxdaana geesh dhaartayoo, gaydh u diriraaya Oo Maxamed guubaabiyoo, gabayada u sheegay Gamaankiina soo fuulayoo, dhab u gadoodaaya Iyo gobol Daraawiish ahoo, geeddanaa yimide Wuxuu galalafkeenii batoo, la is garaacaaba Markii gulufkii Soomaaliyeed, libin ku geeraaray Isticmaarkii noo soo gudbay baa, goob xun joogsadaye Ganba dumarta waa tay xidheen, Reer Galbeedyaduye Ninse gataati dhacay waa inuu, gadangadeeyaaye Muddo gaban ah shaale intaan, gowle tumanaynay Waxaad soo gadiday baa ahaa, gooshi xeel sida e Waase god aan ilduufnoo kale iyo, leylo goboleeye Mar aan gama' sanayn iyo mar aan, gole ka doodnaaba Siddii dhays lo' gugeed buuxsamiyo, ama shinkeed gaadhay Geed qariya saakaan lahayn, ciil gadhoodhsamaye Gumiciyo bilaawaha naftii, lagala giigaayey Gaaguun tirkeed wakaa, loo gudoonsadaye Is gaacoodinaysaa danbuu, gaaruf kuu imane Galaayuuska xiimiyo intaan, gaylab kugu heesin Gurmo-go'anba waxaa kaa samayn, goodirada howde Murugada guraabaastay baa, kugu galaydhyeyne Goorahana saadaashu way, kugu gandoodaaye In aad kaalintaa gabtay buu, galowgu sheegaaye Guuguulihii faaliyee, baalasha is gooyey Isba gamashigaaguu arkiyo, gaajo kuu imane Sababtaadii oo gaamurtiyo, gabawar kuu baaqye Garuun wadkaa sitaa, guul fadhiisiya ahe Boolidu goggay naaxisay buu, golongol haystaaye Gamboor weeye geedkuu cuniye, haw malayn Godore Galaxsigiyo kaa waw bilaash, gaawe buuxsiguye Waxa lagu ganbiyayaaba waa, gorofti caydheede Gasac iyo geraax diiday oo, dhimatay googaaye Goonkiyo guxuusaagii aad, kala gunaynaysay Guulaamadaa muuqataa, soo gabaanadiye Oo daadkaa gufaacada wataa, kaga gariirsiine Ganbiiraashkii aad soo bartiyo, gool cunkaa hodaye Dhaaxuu libin ku geeraarayee, goojaduu barane Is gundhin iyo guul guul haddii, laga gayoon waayo Gabgablayni kuma caawisiyo, faan gobshaysiguye Nabadii garoobaysay ee, loo gayaxa duubay Kol haddaan gidiba loo helayn, amay is guunguuntay Ninkay godobsanaysaa intuu, laad usala gaabsho Waa in uu gadaamada jaraa, ooy galgalataaye Markii laga gilgilo baydidaa, kii gunada haystay Goros iyo is gaylamaan iyo, gadhadhac mooyaane Inuu giriftamaa waa waxaan, goorna la arkayne Waase gogosha doonkii intaa, kaad galaafanuye Gardarooy ninkaagii adaa, gowracaa badiyee Gardarooy ninkaagii adunbaa gowracaa badiye 1982 markii ay ururo badan oo mucaarad ahi ku kaceen dowladii Af- weyne,jabhadihii gobonimo doonka ahaa ee Soomaali Galbeedna ay amarkiisii diideen, arintuna ay ku ciirtay ayuu wuxuu is tusay in sidda kaliya ee ay dawladiisu ku badbaadi karto ay tahay in uu Soomaalida iska horkeeno oo uu qolo qolo iyo qoys qoys u qeybiyo iskuna dirro. Wuxuu haddaba abaabulay dicaayad ah in dowladu Daarood tahay dadka ku kacsanina ay yihiin Isaaq iyo Hawiye. Wuxuu Daaroodkii ugu dacwooday in laysku dirayo, in la falay, in la asmeeyey, iyo in uun iyaga duulaan lagu yahay oo la baabi'in doono. Wuxuu haddaba isugu yeedhay niman badan oo gabya, xaafado ayuu goglay oo lagu hilbo qashay wuxuu Siyaad Barre amray nimankii gabyi jiray inay gabayo tiriyaan kuna raad goobaan midnimada Daarood. Waa kaligii taliye iyo gadiisiiye, wuxuu damcay inuu shacbiga Soomaaliyeed isku mashquuliyo oo uu dabadeed isagu dhex ku bari noqdo. Waa madax weyne oo runbuu sheegayaa bay is yidhaahdeen oo sidii uu faray ayey yeeleen. Gabayo badan bay tiriyeen. Waxaa kamid ahaa kuwo ay ugu yeedheen Deyro Abwaan, Dood Nin Leh, Durbaan Dhiilo iyo mid kale. Gabayadii waxay ugu wada yeedheen Ergo Daarood. Cajalad bay ku duubeen oo dabadeed mashriq iyo maqribba u duuflaaliyeen. Abwaan Cabdullaahi Macallin Dhoodaan oo mudo dheerba ku kacsanaa mucaaradna ku ahaa dowladii Siyaad Barre gabayo badan oo canbaarayn ahna ooda kaga soo qaaday ayaa cajaladii loo geeyey isagoo joogo magaalada Diri Dhabo. Haddaba kadib markuu abwaanku dhagaystay cajaladii ayuu jawaab halkaa kasoo diray oo intuu cajalad kusoo duubay usoo dhiibay safaro Xamar usoo jeeday. Gabaygii jawaabta ahaa ee uu Dhoodaan tiriyey wuxuu u bixiyey Duraaqsi oo uu ula jeedo in aysan dhibaato kale Soomaaliya ka jirin ee ay tahay uun xukunkii Af-weyne oo cantatabay dhinac uu u ciirsadana la'a, Soomaalidana inuu isku habaabiyo oo uu Irir iyo Darrod, Isaaq iyo Darrod iyo wax noocaas ah u qaybiya rabba. Ergo Daarood iyadoo dhan ayaan ku haynaa sanduuq kaydka ee doollo.com, laakiin nasiib daro siiqada uu ku qaadayo ninka duubay daraadeed way adag tahay in wax badan laga fahmo. Waxaanse isku dayi doonaa in aan soo galino intaan ka fahano, amaba iyadoo dhagaysi ah. Haddii aan halal kooban kuusoo qaadno waxaa ka mid ahaa Ergo Daarood: Daarood Ismaaciil sidii, deero kala yaacye Mare lagu dareershiyo falbaa, deegta loo sudhaye Waryaa Daarood Ismaaciil aheey, durugtay ceebtiiye Falastiin halkii lagu dagaan, daaqad ka arkaaye Iyaguba darxumaday qabaan, dar Alla ma ahayn Dukaamadiyo beertii kolkii, daarti laga iibshay Ee dalkiiba laga saaray bay, dibad u yaaceene Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye Raggaa faraska doolaal ah iyo, goolkiibaa dagan leh Sharafteenii bay doonayaan, inay dumaalaane Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye Darajada walaalkeen sitaa, waa mid noo dan ahe Waxba yuusan deeq badan kusiin, ama duubaax hooye Hadduu kuu daraadana nin kale, kaaga................... Shisheeyuhu kol uu kaaga dido, duubkuu kuu xidhane Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye Haku darina diraceena go'ay, kaa dudada taagan Intii laysku kiin diri lahaa, idinku daaweysta Dubaaxdaad shisheeye u kadeen, siiya doqonkiina Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye Qofka duday waxuu ka duday, doona xididkeeda Nin rag ahi dudii kalama hadho, geel hadduu dido e Anna dooda maansada tolkay, baan ku dumayaaye Inuu daawo yeeshaan rabaa, ubadka Daarood e Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye Gabayo sidaa u socda ayey ahaayeen Ergo Darood. Jawaabtii Dhoodaan waxay ahayd sidan Hoose, isagoo abwaanku su'aalo u badiyey gabaygiisii. Wuxuu yidhi Dhoodaan: 1. Muqdishiyo docdaa gabay dhawaan, igaga soo duulay 2. Gabay daallan aadna u dalfaday, oo durqumi taan leh 3. Gabay dood abwaan loola baxay, ama durbaan dhiilo 4. Oon kuba dareerayn xilliga, doorku yahay maanta 5. Oo doola bay soo dardaray, waanan daawadaye 6. Soomaaliya intaynaan u dagin, teedi daakhiliga 7. Nimankiina darandooriyee, gabayga soo duubay 8. Falastiin gumasigi dafaad, uga daraateene 9. Dalkan Yurub Israa'iil dajine, xoog duldhige Naato 10. Uma dixan-dixaysaan agow, waad ku digateene 11. War xoolaha damaankiyo, sidii qalab dukaan yaala 12. Danbiil lacaga, doolar iyo dahab, ma gooyaane 13. Dhulkuna ma aha daaqada dhariyo, daas qof leeyahaye 14. Umadaa cayda loo diiqayaa, ma aha dawgoode 15. Ha iskana dulqaateen anaa, xaal dagdaga siine 16. Soomaaliya ku soo durug, bal aan dayno Falastiine 17. Dagmo, balad, in dallag beeratiyo, daaqsatada guurta 18. Shacbigaan danqaabiyo dhex ool, dira-diraa toona 19. Shacbiga isu deexdee kalgacal, wada dalxaynaaya 20. Umadaa wadaniyiinta eed, dooni sharaf tooda 21. Walaalahan isdaaraynin ee, ooda wada dayrta 22. Maxaa loogu doolaabayaa, duhur in lays boobo? 23. Kuwase qaar falbay nagu dabreen, cid u dareensiiyay 24. Waxna furdaamis bay dooni yidhi, sixir la daandaamay 25. Danbigooda lama dhaafayaal, waysku dilayaane 26. Soomaalina danteed kama hadline, waa dariiq lumise 27. Kaa dunuunucaayow adoon, duulal kale caayin 28. Adoon daala dhaaf iyo af xumo, qaar dacaayadinin 29. Soomaalida dalka u siman adigoon, kala dambaysiinin 30. War duuf iyo dhaleeciyo adoon, ceeb dusha u saarin 31. Danbas aad ku saydhiyo adoon, deeb marmarinaynin 32. Kaad durraamanaysiyo intuu, deeqi hadal kaagu 33. Eed Daarood kusheegayso maad, aayar daydayatid? 34. Dafdaftiyo maxaa meel kadhaca, idin dabaalsiiyey? 35. Kuwiinaa dardaarmiye lahaa, aafadii darartay 36. Ee Daarood sidii sheekh digriyi, ugu garaar daayay 37. Ma tu laydin dirayaa dirqigu, waa ba dooc kale? 38. Mise waa dubaaq iyo waxay, damacday laabtiinu? 39. Xukunkii dakhaakhulay uunbaa, show duraaqsadaye! 40. Ragga gabayga dirayow hadaad, nabad ku doonayso 41. Ood xumaha diidoo samaan, ugu dacwoonayso 42. Soomaalida maxaad uga duwdeen, idinba Daaroodka? 43. Dacdariyo dareenbey ogtahay, dhiilo danantaaye 44. War qaylada dannaaniday, anoon daalacba u raacin 45. Dad Soomaliyaa wada lahaa, calanka doogaayee 46. Maxaa keenay Daarood haday, dowladnimo joogtay? 47. Hadiise dacayda loofuray qabiil, sidanna loo daaco 48. Duntiyo kay wadaageen jinsiga, ama degaankoo dhan 49. Soomaalidii aan Daarood ahayn, dibad miyey aaday? 50. Mise roobab duufaanle baa, daad iyaga qaatay? 51. Dadyowgii kalee Dir u badnaa, tolow damiin yow ah 52. Kolkaanse baaqa loo dirin ayaga, maw dardaarwarisay! 53. Soomaliyi makala daah adkayn, dayro iyo deeqe 54. Diif hadduu badh qabo reer majiro, daranyo beelaaye 55. Dacatigiyo waa loo sinaa, deexsi nololeede 56. Inta qaar ladaayacay miyaa, gobol la baar daajay? 57. Dubbayn uga ma jeediyo macnaha, sii dacaayadiye 58. Dabroo celi su'aalihii madayn, ii dihnaa waliye 59. Dhulka waad kasoo dayriseen, daakhil kiina ahe 60. Dildilaacintoodaan rabnaa, wararka dihimoonee 61. Dakaniyo haday timid colaad, lays ku wada dooxday 62. Dabbow duur gub hoosaa jirtiyo, ollol dareemooye 63. War duumiyo, dabayl cudur ah iyo, durrayga yaa beeray? 64. S-du haday dabbuur tahay, D-dana eega lagu doorsan 65. Soomaaliya dabeed lagu badalo, magacan Daarooda 66. Ma qabyaalad baa dami kolkaa, sow dallici mayso? 67. Dayaxa Afrikaad baan nihiyo, Xamar qabiil duugtay 68. Maba durugsanayn taa kolkay, soo daldalayeene 69. Daarood qudha maxaa wacay, inuu kaligii daaduumo? 70. Is durraamad kiinaa bixiyo, dhawr dublaa jirada 71. Ku darsoo iblays darajaliyo, doofillaa wadaye 72. Dhibaatada daryaantee sidii, danab u yeedhaysa 73. Balaayada markii lala dardhaday, dakharka yaa gaystay? 74. Ragiise loo dabaaldagi jiree, Xamar ka doobyaaya 75. Inay nabada daanyo u noqdaan, ma isku dayi waayay? 76. Badhkiin eray duxluu noogu daray, tii uu daabacaye 77. Waxaana maansadiina u da' wayn, doona xididkii e 78. Qofka dudaya duulbaw gafaye, sheeg ninkii didiyay? 79. Dallanbaabigiyo oohintiyo, ciil la dabandeebka 80. Sida lagaga duudsado hadaad, wax u dabiibayso 81. Horta dibada maad soo dhigtaan, kii danbiga gaystay? 82. Doxor iyo danaystaa ku jira, dayrka reeraha e 83. Taliskii dakhaakhulay unbaa, show duraaqsadaye 84. Idinkaa duliga sheegayiyo, dacarta kii qooshay 85. War Daarood maxaad uga dhigteen, boqor dumaal yeeshay? 86. Hadiise maamul daadihinayaa, dulin abuuraayo 87. Daalimiinta iyo daacadii, ha isku duubina e 88. Kuwa idin dakhaakhullahayee, ruuxba ruux dubo leh 89. Ee dhaardusmayn jiray miyaa, idin leh Daarood dheh? 90. Dibindaabyadii laga cawdiyo, dawgalkiyo eeda 91. Markaan dayay ujeedada ku dahan, tiina dulucdeeda 92. Saw malihid Irrir baa isku dira, qoladan Daarooda? 93. Hadalka qaar diciif kaa dhigiyo, dawdar baa jira e! 94. Tol baan dumida aad leedihiyo, daawo maan xidhano 95. Haday malab dibnaha kuugu tahay, qaarna wow dacare 96. Ma dalliil cadeeyaad i siin, taa in lagu diirsan? 97. Mise doobabkay badin, inay dacawada u loogto? 98. Daleel madhan ciyaar looma digin, kaydun deydeyi e 99. Markuu didayo Daarood sidii, deeradiyo cawsha 100. Dhaqankiyo dabeecadu ma ridin, dayradaa culuse 101. Waxaan daayinkood horay u dhalan, yaa dorraad curiyay? 102. Diilintiyo maxaa gubadka dhigay, dagaladii beesha? 103. Xeradii dugsiya een lahayn, diga xajiimaysa 104. Ardaagood dab weyn ugu shiddiyo, dogob la soo jiiday 105. Haddaan neef libaax kaga dhex dilin, amaan col duubaynin 106. Sidee nimanka deydey lahow, geelba uga daatay? 107. Kolse haduu dilaamihii kacayo, sii dardaro bowdka 108. War geelii dudada jeexayee, dibadaha u yaaca 109. Ninka soo dabaal yidhi miyaa, saamo dabo jiiday? 110. Haddaan waliba doocdoociyeen, tiina uba daayo 111. Dayac tiridba how dacal ordiyo, damici shaaleeye 112. Ma daryeela wawga dari, dhay madaacuhuye? 113. Dumar iyo da’ waayeeshay iyo, diliq caruureedba 114. Durduriyo bilaash kuma neceen, dagalladoodiiye 115. Maba daqaqamaynine shacbiga, yaa dagaajinaya? 116. Xagiinaba kuwii faras dalbaday, ama dorraad fuulay 117. Iyaba way kusoo daba socdeen, kuguma diimayne 118. Waase daabad loo wada sinaa, nin iyo doorkiise 119. Ragga calanka doolaab ah iyo, goolkii baa dagan leh 120. Haduu iguday yidhi waaba daw, inaad u daysaaye 121. Xil uu daadahayn karo maxaad, kowdii ugu diiday? 122. Xoriyad doomanaysneyd intaad, dawliska u ridato 123. Shubaal lagu daliiqiyo adoo, maaxdii dawdabaya 124. Kolkaad doqonka Daarood tidhaah, wada dibaax siiya 125. Soomaalidii kalaa dulmanoo, daris ahaydeene 126. Miyaan diric kaleetiyo wadani, daacad ihi joogin? 127. Duunyaba halkii lagu darbayn, waa ka durugtaaye 128. Gardaro iyo daandaansi ba'an, qoomkii lagu doontay 129. Hayeeshee dulqaataye idaa, maanta dabadeed leh 130. Raggii dilay darbadahaa kolkuu, waana daminwaayo 131. Ficil lala dirganayaa jiroo, way digiigaxane 132. Ku danqaaday mid kibir diidsanaa, waa la diriraaye 133. War Daarood maxaad uga dhigteen, boqor dumaal yeeshay? 134. Daarood qudha maxaa wacay, inuu kaligii daaduumo 135. Duq dhixiyo hadaad daanyo, tahay ood dacwadi qaado 136. Dar Allaaban kugu dhaarin iyo, diinta Eebahaye 137. Dahaadh maleh cadaaladi gartee, labada kee dow leh? 138. Dagaal waajib ma u yahay kuwii, dhiiga laga daadshay? 139. Mise dabar go'ooday sugaan, jeerkii laga daalo? 140. Oo way dagdagi baad odhan, la isma daafoco e? 141. Dabci jaahil baan sii daniyi, meeluhuu duriyee 142. Diyaar siduu difaac ugu yahee, duurxul uga yaabi 143. Dulalaati buu dalaq odhan, waa ma laydagiye 144. Kuwaa gabayga daranyayn jiree, deelka fiirsadayna 145. Xigmadaan durduursiini waa, kaga digtoonow e 146. Taliskii dakhaakhulay wakaa, sii duraaqsadaye 147. Ka diidanee ku daran jiidhayoow, dan iyo yeelkaaga Gabaygan khatarta ah wuxuu Macallinku abuuray horraantii sanadkii 1973kii. Ma furfurin abwaanku gabayga oo siddaa duuduubka ah ayuu u socday. Dowladdii Afweyne iyo falaadxumaday kula dhaqmaysay dadka Soomli Galbeed (Ogadenia) ayuu yoolka ugu wayn ee gabaygu ahaa. In kasta ooy adag tahay in gabayada Dhoodaan mucdooda iyo macnahooda qaaliga ah aan wada fahano, haddana waxyaalo badan ayaa ku tusaya xariifnimada iyo aragti dheerida uu isticmaalayo Macallinku si uu u mucaarado dowladii manaxdada ahayd ee uu hoosteeda ku noolaa xilligaa isaga ah. Meertada dambe la soco. Wuxuu yidhi: Falaadkii adduunyada haddaan, fiiro ugu laabto Ilaahay farsamadiisu waa, ta ugu fiicnayde Eegana haddii laga fakaro, say u fududaatay Fasahaaad inay gaadhay baa, laysu furayaaye Waxse kuma fillee meel xunbuu, fallagii haystaaye Fahmaddii wareer baa ku dhacay, faylasuufiga ee Garashadu markay foorarteey, faalo dhimataaye Kol hadday finiish iyo fanaash, geed walba u fuushay Danba haatan kii faalin jiray, woow fadhiyi meele Fooruhu ayaantuu kacee, fiintu ciyi wayday Fiidmeerta shaadhkii maxaa, looga wada fayday? Caanaha falleedha leh maxaa, loogu fura gooyey? Isagoo faraadhyo leh maxaa, udubkii loo fiiqay? Fongor buuxda sowtii lahayd, fanaxda yoow jeexay? Ragaad bay fadhaayeen shantii, wiiga fooraraye Kuwa falanfalxada maalayaa, ha isu fayteene Beertii faraacida haddii, faashka lala seego Qudahay fajaastee biciid, ma u fangali wayday Fiddidiinka cawshaan hadduu, fiidkii soo tagaye Wayba faraxsanaayeen kolkay, ceebta fuliyeene Kii u feedha buurraa sidday, Faadumo u diiday Fanacowdu qaarkood armay, ficil darro u gaysay Shirkii dooda culus faanbiyee, dooda kulul faagay Fagaaraha dhaxdiiseey dorraad, kala faqaayeene Arintaa fadhoociga ku jirra, yaa fashilin doonee Fardo gulufa bay fuushan tahay, oo fariin wada e Hayeeshee ninkii fiirsan jiray, faalkii garan waaye Feedh bay ciyaar ugu jiraan, fuusto riixyaduye Gugii Furuqle fooxay shideen, qiiq fatahi waaye Hilibkii fantada loo karshaa, xuudku faanbiyeye Jinni fuudkii laga daadiyoo, fiixdi laga boobye Sheydaankii fuuqsaday waxbaa, foodda kaga yaale Kuma jirro findhicilkaad ogayd, foolasha Iblayse Waxaa faanka lagu eedayaa, faarafaaraha ee Farsamooyin adag bay dhashaa, fookanayntuba ee Falxad bay u haystaan wallee, gaal fashiista ahee Doofaar finaaqeey hadhow, furar ku maaleene Wataa subaga faarka leh cuntee, faraxal yoow dooni Iyadoo fidoo kala baxdeey, qaar u fidhayaane Fayoobaanta Eebow kariyo, inuu furdaanshaaye War faa’iido waa tii Allee, ha i fadqalalaynin Gabaygu ma dhamays tirna oo intan in la eg ama ka badan ayaan maqan. Haddii aad hayso ood jeceshahay inaad nala wadaagto fadlan nala soo xidhiidh. Dad yar oo kooban ayaa waxay Dhoodaan ku eedeeyaan inuu dawladii Af-weyne durba mucaaraday oo uu collaad xun u qaaday kadib markuu ka wiswisay falalkii foosha xumaa ee ay kula dhaqantay shacbigii Soomaali Galbeed ama Ogaadeenya. Dadka sidaa aaminsani waxay inta badan daliilsadaan gabayada faraha badan ee uu Dhoodaan ku fadeexeeyo dawladii Siyaad Barre, gabayadaa oo ku noqday Af-weyne iyo xukuumadiisiiba falaadh ka tagaan wadnaha garkiisa. Waxay haddaba dadka Dhoodaan ku eedeeya arinta noocaa ah ilowsan yihiin ama ay ka ilduufeen qeyb weyn oo ka mid ah taariikh nololeedkii iyo taariikh halgameedkii abwaanka. Wuxuu abwaanku ka mid ahaa amaba uu calanka u hayey hal-abuuradii Soomaaliyeed ee soo dhaweeyay dawladii militariga ahayd ee Soomaaliya ka dhalatay 1969. Dhoodaan isaga oo ka biyo diidsan xukuumadii rayadka ahayd ee ka hor 1969 dalka ka jirtay, ayuu wuxuu ku casuumay kuna soo dhaweeyay kacaankii gabayo badan, gabayadaas oo isugu jiray digniin iyo tusaalayn uu lee yahay dalka iyo dadkiisa wax haloo qabto yaanan xoolaha dadweynaha la xalaalaysanin, Soomaalida maqanna hala raad goobo oo Soomaali Weyn hala mideeyo. Waa kuu lahaa: Gabayaal caraabin ah intaan, kugu casuumaayey Allow talis cidhib goo ma odhan, caawa ka hortoow e Ceefado aan yeeshiyo dacwada, mid aan ku cayntaarsho Iyo waxaan ugu cafaariirsadaa, caawa ii baxaye Haddaba Dhoodaan markuu wax dheg u dhiga waayey, talooyinkii iyo tusaalayntiisiina waxba laga soo qaadi waayey, dawladii Af-weynana ay musuqmaasuq iyo khayaamo kula dul wareegaysatay danihii Soomaaliyeed, dadkiina laysku habaabiyey lana iska hor iyo daba keenay, culumadii ay Maxkamad jaa'irad ahi raasaas howda kaga saartay, wax garad iyo aqoonyahana waxba laga maqli waayey, ayuu abwaanku wuxuu arkay inuusan Af-weyne u haynin wax maslaxo ah umadda Soomaaliyeed ee jamhuuriyada ku dhaqan gaar ahaan, guud ahaana Soomali Weyn iyo halgankii gobonimodoonka ahaa ee uu Dhoodaan horseedka ka ahaa ee lagula jiray gumaysiga Itoobiya. Markaa ayuu mucaarad dalacay oo uu col xiira-xiira ah ka noqday danbi-falayaashii iyo dawladii dhiigmiiradka ahayd ee Xamar ka jirtay. Qali Karbaash waa gabay ka mid ah gabayadii uu abwaanku ku dhiiri galinayey xukuumadii Soomaaliyeed una sheegayey inay waddada toosan qaadaan haddii ay rabaan guul iyo gobonimo waarta. Wuxuu Cabdullahi carabka ku dhufayaa bilowgii horre ee Kacaanka waxyaalo badan oo uu qabtay sida qoridii Afka Hooyo, Ololoyaashii Horumarinta Reer Miyiga, Isku Tashi iyo Iskaa Wax u Qabsadii la dhiiri galiyey iwm. Dib bayse ka cantatabtay oo ay cagta marisay dhamaan wixii wanaag ahaa ee ay samaysay, markaas weeye markuu Dhoodaan diiday inuu wax ka dhagaysto ama uu ku biiro raggii durbaanka u tumayey Af-weyne. Wuxuu yidhi: Abwaankii buxuur ahi markuu gabayga baandheeyo Bidili weeye bayd uu ka tagay ood bedeletaaye Rag horaa bisleeyee halkuu gun iyo baar sheegay Markhaatiga bakhayl yaanan noqon uga ba’aayaaye Barkhad Casba sidduu Feberweri bacawnimo u saaray Sannadda isku buuxda intay kaa dul bilanayso Mid bay bilidu kaa foorartaa oo balaayo ahe Midna badhaadhiyo khayrkii baa lagugu beegaaye Bishan ay tilmaameen iyadoon dhawr kal barakownay Mar ay laba tobnaad buuxsantay ooy barina sii dhaaftay Birmadkiyo kacaankii dhashay ee baylah tiray ciida Ee booli quutaha eryiyo kii shacbiga boobay Ee gacal isbiirsada ka dhigay beeshii kala guurtay Ee banaanka maatadii qubnayd beer cunto leh geeyay Ee inay sirteenu baxdiyo baadi ka ilaashay Ee baankii noo soo dhacshiyo waliba batroolka Ee yidhi bilaash nama dhaqdee aan runta u baydhno Ee yidhi xaqiyo baadhilkii aynu kala baadhno Ee yidhi ninkii boobayoow joogso bi’i waaye Ee webi butaacsada na yidhi oo baryada diida Ee yidhi dhaqaalaha badh bay naga bulaayaane Inaba beero aan yeelanee badar inoo shiida Ee yidhi jahligu waa balee aan tacliin barano Ee yidhi baryadu way xuntee beero aan falano Ee boqol kun baadiye u diray oo buraashado leh Raga bigilka dheer noo tumiyo madaxda noobaaqday Barwaaqo iyo guul baan Ilaah uga baryeynaaye Iyagiyo bishay noo kaceen waa wax loo bogo e Haddaan nahay bad iyo hawlwadaag bacad kasoo guuray Amaan nahay walaalihii la baxay tawrad barakaysan Burgada saan baqoolaha filkeen baac u wada dhaafno Waa inaynu boogtoo dhan iyo bararkii doonaaye Dabeedna ay bogsootaa halkii cudur la buurrayde Balan adag sidii loo dhigtay een daacad ugu baaqnay Amase hawsha laysugu bartiyo barantanka u yaacnay Bilcan iyo duq boosh ah iyo dhalaan ama barbaar wiil ah Nin beerliyo nin baadiya jiriyo balad wixii joogay Burhaantii aan soo marshiyo baaqii daba joogay?? Bayaan amarkii waataan u faray badhaxna ma ahayne Laakiin bishimo gaabnihii dib u biqlaynaayey Ee bariba nooca u ekaa haatan soo badaye Burjuwaasigii ciil qabay baa buul madoow galaye Hadba wuxuu mid soo buufiyaa amuu bilkeydaaba Badhar jaad ah madax loo gadoo biir cabtuu helaye Markaasuu barkimo u dhigtoo been ku duufsadaye Basarkaa inay suubiyeen waxaa buruufkii ah Ha bariidsan beec qaaliya iyo badaw cabaadkeeda Barbar kale markaan fiiriniyo suu dadku u buuqay Billaahi baan ku dhaartiyo Allihii baaqiga ahaaye Gardaro loo badheedhi baa jirta oo laga baroortaaye Shaqaaliyo reer balad qofkii bayr la garansiiyo Madaxduna u baantaa xafiis wuu ka baygagiye Xaq bidhaamay oo jira qofkii laga bacaad saaro Wax baan kuu banaanayn haddii lagula soo boodo Waa si ay niyada baariga ah uga baduugaane Berri maxaan sameeyaa unbuu baaqi ku ahaane Inkastuu bad qabay ruuxu soo dan u bukoon mayo? Oo qalbigii budh weyn lala dhacaa, soo burburi maayo? Boqno gooye saas ah baa jiroo meel u baarqab ahe Dhawr badatay iyo reer haddaad bahal ka oodayso Bilcil iyo haddaad geed quwaax buuran ku adkayso Dugaagii baruur cunni jiraa bawd ka soo dhiciye Buntukhaagii fiicnaa adigoo boodhka ka afuuftay Bariisada haddaad raadsatiyo waaga barigiisa Cagta bagafsan meeshuu dhigiyo buruqdii kuusnaydba Buur iyo dhul baadlaba intaad bixiso raadkiisa Barbarkii dabayshiyo urtana aad isaga buusto Isagoo bogga cadaynayoo geed barqadii jiifa Intaad bidix kasoo toogataad balaq ka siisaaye Sidaasaad libaaxii ba’naa kaga badbaadaaye Kuwa baday dadweynaha sidaa amaan ka booyayno Raggiina aan baqayninoow inaad baafisaa jid ahe Oonu booca sidaad ugu dhagtaan baga nidhaahnaaye Haddii kale baq dhay lagu daraa barradii noo yaale Buqbuqood hadduu subag burcada dhali baxnaaneeya Gabaygan la magac baxay Tusaale wuxuu Macallinku ku muujinayaa farshaxannimadiisa xagga fanka iyo suugaanta ah. Wuxuu dabada isugu xidhay maahmaahyo Soomaali ah oo badan oo uu kasoo saaray gabay qafilan oo hal xaraf ku socda. Wuxuu danihiisa ku boganayaa gabay maahmaah miidhan ah. Bal hadda si fiican u dhuux: Inaan tiriyo geeraar markay toogo iiqabato War taariikhahaan fiiriyaa saacaday tahaye Kolkii uu teembadii iyo wakhtigu kay isugu tooso Halka tuhumadaydu jirtaa gabay ku toogtaaye Saakana midaan taaban waan sii tilmaansadaye Tulud baratay laba geel dhurwaa suu tafta u laaco Awrkii tagtooy ahna libaax suu u kala tuuro Ama tuug dharaartii la helo saan u turuq goyno Ama taarkii loo dhigay dawaco say isagu taagto Ama taqalka qoortii la sudhay say u tananayso Dabeed habarta naysheeda tabi say tib ugu boobto Taariikhda saas ah oo miyiga taallay waligeedba Tabtaas oo dhan ooy tahay baad wada taqaaniine War maahmaah tisqaad ah baa jirtoo aanan talaabayne Murtideenii toosnaydna waa in aan tixraacnaaye Ninka yidhi qof tiisiii dayacay tallo ha waydiinin Qayrkaana wixii u tabcado taranso oo yeelo Tubtuu mara lahaa iyo kolkaa wuxuu tilmaamaayey Waa qaryrkiin ha tuugina macuhuu taaban hadalkiiye Dhagaxse taabashiyo tuujin iyo inaad tantoomayso Saddexdaa midaad ula tagtaa waa isu taage Nin wixii la toosani mid unbuu tuur la leeyahaye Oo waanada abuurkaa tirtira oo ka tabar roone Qofka aan tirininse maalkiisu waa wada tasoobaaye Maradiisa kaan tolan dhaqsay uga tifmaysaaye KA tashiilan waayana ma dhalan suu ku taajiro e Anoon toobiyee hadalka iyo tooxsi uga jeedin Taasina runtay inay tahay baad wada taqaaniine Tafaraaruq nimuu gaadhay oo bari tabaaloobay Rag murtida tafniidaa wuxuu jeer kasoo tabiyey Dadkaygu baahi buu talaf la yahay waana caydh tubane Tartiib xumana maalkaygiibaa teer ku baylahaye I taageer oo gacalkayoow yey la talinaaya Talankiyo ninkaa Xabashadii taxadka gaadhsiisay Tacadi buu wixii mutaye uma timaadeene In tabaabushiyo beeshu ay dhaqashadii tuurtay Ooy waliba taab gaaban tahay idin tusaysaaye Hadday shinidu malab toonsato oo meel tif kaga siiso Intay tuduc walaalo ah tahay eey toobada u joogto Geedaha taraxan kama naqaan mid ay ku taalaaye Markayse talaqi guurayso eey balo taftaafayso Tu waliba anaa talin hayeey kob isla taagtaaye Markaasay dhawaaq tay odhan midiba taagteede Xiinkeedi baa u taga dabeed cadow ka taag roone Oo reerkay tigtiganaysay baa toobke loo guran e Sidaan loogu turin baa dabeed wada taqaaniine Hadal lagu tuntaa meel shishuu kula taraaraaye Ninkiise taag leh waa kii la yidhi tahar buu goostaaye Soomalida taxaabkiyo tabciyo tuur qabsiga keentay Turuq sheegadkeediyo waxeer lays tumaatinayo War taashkeedii noloshaa intaa loo tartamayaaye Dadkiise taag yaraan lagu arkaa tuubo loo ridan e Soomaaliya rag bay tabi inay taabka galiyaane Tuugiyo badheedh cayn kastay noo tamadiyeene Hadal lagu tuntaa meel shishuu kula taraaraaye Taagtiyo tawaankeen haddaan badino towfiiqda Itoobiya in ay ina tixgalin yaa tolaahayahee Gabaygan lagu magacaabo Xaawo iyo Aadan, dadka qaarkiina laga yaabo inuu u maqlay Abuuristii Aadamiga, wuxuu ka mid yahay gabayada Dhoodaan ooy runtii adag tahay in la kala jeclaysto kuwa loogu jecel yahay xilligii uu soo baxayna loogu dhagaysi badnaa. Sidda caadada gabayada Macallinka oo dhan ah, waxaa dhex yuururta gabayga xikmad gaamurtay. Waxaa igu maqaala ah in Macallin Dhoodaan horraantii sagaashanaadkii uu cusbitaal ku yaala Nairobi duleedkeeda oo indhaha insaanka lagu daryeelo lana yidhaahdo Kikuyo Hospital tagay si uu bal u eego aragtidiisa. Waxaa la sheegay in abwaanka iyo niman markaa weheliyey ay makhaayad shaaha laga cabo qaxwo u fadhiisteen. Waxay makhaayadii kala kulmeen mucjiso iyo yaab. Waxaa makhaayada ka shidnaa oo qolo Kikuya ahi ay dhagaysanaysay gabaygan Xaawo iyo Aadan. Haddii la waydiiyey oo la yidhi "waa maxay waxan aad dhagaysanaysaan?" Waxay ku jawaabeen waa xikmad af qalaad oo aanaan aad u fahmayn ku socota laakiin aanu dhagaysano kuna raaxaysano maqalkeeda. Sheekadani in ay sidan u dhacday iyo in kale waan soo xaqiijin doonaa, Eebe idankii. Tan iyo sanadkii gabaygaba soo raadi adiguna. Wuxuu yidhi Macallinkii: 1. Ilaahay markuu dunidan godey ees giraangiriyey 2. Isagoo quruumana gadiyey oo gab kaga siiyey 3. Sow Aadan oon gacal lahayn gegi masoo taagin 4. Sow Xaawo Feedha godan ugama soo goynin 5. ………………………………………………. 6. Ninba sow geyiga Eebbahay geesta kama raacin 7. Goosan waliba meeshii uu tegey sow rag kama guulin 8. Oo Geeska Afrikaad sow annaga Guulle nama keenin 9. Adhiyo geel gammaan iyo lo' iyo geedo kala jaad ah 10. Biciid gees leh garannuugta iyo goodirkiyo cawsha 11. Geriga iyo deeriyo gunburi goray hadaafaaya 12. Golcasta iyo dabataagta iyo guunyo dananaysa 13. Gabbadow shabeel gaatamiyo haramcad guuxaaya 14. Maroodiga gollaha daaqayee wada gaboodyeystay 15. Afka laguma wada gaara iyo gaar u kala sheege 16. Waxaan godollo waxaan gowracniyo qaar an gadannayno 17. Iyo gurada qaar laga koroo orodka gawsiiya 18. Iyo dhul aan gasiirado lahayn guguna seegeynin 19. Oon dabeyli guri kaa rideyn dahabna guurtaas ah 20. Durdur aan go'ayn goof bir-qod ah webi gufaacaaya 21. Iyo beer dhaqsaba kuu go'doo godadka loo jeexdo 22. Sow gorodda Eebbahay waxaa nooma soo geline 23. Guud ahaan Soomaalidii sow gees isuma raacin 24. Diintuba gallade sow Furqaan laguma gowriirsan 25. Gaban iyo gabow sow qur’aan gawda kama saarin 26. Waqti gudub waqtina gaadh waxay goortu noqotaaba 27. Barwaaqadii garoodhiyo nimcadoo gililicdaa haysa 28. Shayddaan giblani waysagii xeebta soo galaye 29. Gardarriyo waxay suubiyeen caado gogoldhaafe 30. Rag bay inay gadh qaataan rabeen amay gumeystaane 31. Geedaafadaana Soomaaliyey waan ka gubanaaye 32. Axmed Gurey intuu subax guntaday sow shir uma guulin 33. Sow gulufku qaylada dhulkii guure kuma jiirin 34. Sow Gal iyo Caameer farduhu gaasas kama keennin 35. Geeridu xaq weeye sow cabbaar la isma guubaabin 36. Gamuun dhoobe leeb iyo gantaal xadhigga loo giijo 37. Garmaqaate gaalleef mindiya gudimmo xiireysa 38. Gamas waran billaawaha gayaxan seef gal laga jiito 39. Iyagoo hubkaa gacanta iyo geesinnimo haysta 40. Sow gaashaandhig weeye dagaal uma garwaaxeedsan 41. Nacabkii garbuhu sow ma jabin way gaggabiyeene 42. Gorgorkoo cuniyo sow darxumo goobti kama raacin 43. Sow gaardaymoode ee cabsiyu kama gariirsiinin 44. Guryihii faqriga sow kolkaa dani ma gaarsiinin 45. Kama gudose geed baa la yidhi neef la gowracaye 46. Goommane dugaagguba ma karo goobis kala jiife 47. Intii wiil gaboobaa nimani way gabbanayeene 48. Goonyaha dhulkeenniyo waxay badaha gaaftaanba 49. Illayn tuug dadkoo gama'san waa soo galbanayaaye 50. Gasadeenna iyo sow ma iman ciidda gudaheeda 51. Sayid Maxamed sow kama gilgilan xumihii loo geystay 52. Sow gabayadiisii nafluhu kama galiilyoonnin 53. Gurmadka iyo sow qaylo dheer lama galaayuusin 54. Kolkaa sow fardaha gaamuriyo geenyo lama fuulin 55. Af-gumaas shanlaha goyska iyo giirre labammaar ah 56. Jigre-gaab hilqadlaha gadhka leh godane maadhiinka 57. Wajaf gowso weyniyo rasaas gumucu qiiqaayo 58. Iyagoo gunaanaday naftoo weliba gaadiid leh 59. Geyr kulul Daraawiishtu sow uma gadaan saarin. 60. Cadaawihii galdaasayey sow lama gawaanraacin 61. Ha galgalato sow laguma dhigin way gasbanayeene 62. Sow guduri xuurti ihi ma cunin waa geddii hore e 63. Kolkay taladu gow joogsatayoo ciiddan laga giigay 64. Gafuurro-cadde sow Reer Galbeed ficil ma soo goohin 65. Giddigoodba sow maalintaa nooma gacanqaadin 66. Dusha guudka xarunteenii sow lagama soo gaadin 67. Dayuurado garnayl tuuri sow weerar kuma gaacin 68. Taleex sow gelgelintaa ma noqon ama gabaaddiirta 69. Gambo xidho ma yeelaan kol bay gobise liicdaaye 70. Gujo qudha xornimo kuu jirtana waad u geyllamiye 71. Inaan gibisha tuurnoo caqligu naga galoofoobin 72. Sow rag is galaalaa mar kale uma gallaydhyeynnin 73. Guhaad baan qabnaye sow indhaha looma guruxsiinnin 74. Ha Noolaato geeraarkii sow laguma soo gaabin 75. Galabtii caddaankii ogaa goobta Dhagaxtuur ah 76. Galow ciyey haddii ay maqlaan ama galool foodhyey 77. Sidii gaban carruureed ilmadu sow ma gobo'leynnin 78. Hashiise dhowrka jeer gaaggaxdee layga gudhinaayey 79. Lixdankii anoo gool ah sow gaaxdi kama maalin 80. ………………………………………….. Soo dhamaystir saaxiib. Baadiye raggii joogi jiray, balad markuu aaday Hargaysana u baysala-dhawdiyo, taa Baandiraba Boqolaal waxay igu tageen, been iskaga noole Budhcad suuqa maraysatoo, badan kuwii raacay Ilbaxnimadii lagu baaqyeey, baro yidhaahdeene Bandarada asluubta leh iyagoon, wali la baashaalin Hal bootaalaa jiita iyo, koox ba’naano ahe Badh saaqida iyo tuug miidhan bay, baasha ka ordeene Badhaysaha warkii lagu qubay, barako moodeene Barbarkii xumaa bay ileen uga bilaabeene Wixii edebta lagu beelayee, bi’in lahaa ruuxa Loo baratan waxay moodayaan, buro la dheeraaye Basarxumo magaaloo dhan baa, u biirta dabadeede Beryo iyo kolkay bilo jireen, baarqab la ismoodye Markaasay qalbiga buuxisaa, inay wax boobaane Babaw bay noqdaan iyo markaa, xuurta baalka lehe Kuwii baabadaa lagu ride, booca dheer lulina Isma bixiso booraan libaax, inay ka baydhaane Bahalay sidaa kaga dhigeen, beer walaal cuniye Bani-aadminimadii wakaa, loo badalayaaye Berri garasho uma dhaafsaniyo, uurta buuxsada e Barkhad iyo balaayana ma oga, kii bishaaro lehe Midkii boolaxooftiyo la kaca, baanis iyo guuxba Durba waa ka baybaysadiyo, camal barooreede Marna waa ka booboodayee, soo batarin dheele Isagoo rag kala baayacday buu, boqor ismoodaaye Baguu odhan hadduu badhi liqana, baarri buu noqone Haddii nacabkii baabi’in lahaa, beesada u dhiibo Ballan qaadna loo raaciyiyo, biro dhalaalaaya Ujeedada ma baadhiyo inay, boogi daba taalle Ma baaldhigo xuduudka babcan een, laga dul boodayne Farxad iyo bislaysaa gashoo, wuuba bararaaye Shir bilaada laysaga wiciyo, talo la baandheeyay Hadba baalna laysula rogoyoo, buuqii lagu daalay Barta laysku raacee wanaag, badi la doormoodo War waa taa in lagu beegsadiyo, xaajo loo bogaye Arrinse buug lahayd oo ma jirin, gaadhay beeshanuye Dhulkan fadhato baahnayd sidii, loogu galay bowdka Dal bannaan u yaallay heleen, deedna boolyada e Baabsiguna taasuu ku yimid, uma badheedheene Innagoon baraarugin kuwii, buunka noo tumayey Intay diratay niman buufinno ah, ooy barjaha siiso Ooy baagamuudiyo gurteen, wiilal baadiyaba Ooy baaxadsooriyo dhigeen, badaha xeebtooda Buntukh iyo banbaanadii dhulkiyo, waliba baasuuke Baas iyo balaayaba intay, badaw usoo dhiibtay Is burburiya waa waxay ku tiri, oo is baacsada e Innagoose dad weynuhu badqabo, bulannay laakiinse Budda waxaa na dhigay weerarkay, nagu butaacsheene Iyo baaqigii lagu dirqiyey, Bii-Emkii gubaye Ama baylahsigii xoolahay, bililiqaysteene Markay baqatay xuuraa baftii, ina baduugaysay Barbaar fulaya baayacmushtari, boorso jiidanaya Oday boxosh ah balabaadka iyo, baanda jaahilaba Nacas buunshe leef ah iyo hangool, ay billado siisay Oo balanbal reeraha bada oo, ba’an ma waayaane War birmadkay isagu sheegiyee, lagu bilkaydaayo Iyo cadowga booriniye shacbiga, baygagshoo dila e Ballidu qaadi maayaan kollay, beelahaa idile Adhyo badan lo’dii balaqsigiyo, boqolka geel dhaafay Iska daa barmiil loo gadiyo, baaldi loo horiye Birqodkoo bilaashayba qaar, balalo gaystaane Biyo ceel barwaaqaqda dhulkiyo, meel bur iyo doog leh Barkad lacag ah kii uga raree, beecso yidhi jaalle U bakhtii buktiyo xaaluf iyo, oon busaarad ahe Kuwaasaa shacbigii baaba’shoo, waa bas taladoode Baqoolahay xaggaa uga rareen, bacadkii jiilaale Biji dheer hangool lagaga xidhay, bawdadiyo qoorta Baagada wakaa loogu qoray, boqon dhawgoodiiye Inkastoo bur-ciid lama madhshee, saa naloo buriyey Dhagaxa buuraha kama yaree, waa bidhbidhateene Mana baraad la ee way barteen, kii boqnaha goyne Billowgeeda qolihii leheey, godobtan baahaysa Rag badheedh xumaan ugu tabcooy, buubsataa jira e Ummaddii badbaada jarteen, nabad u baahnayna Waxba booqan maayan iyana, baan ma sugayaane Bulshadii abuurtte colaad, baaji laga waayey Is bariinta diidee cidday, buurato aan dhawro --------------------- Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan) |