Qalinkii - Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan
Taariikh Suugaaneedkii Abwaanka da'da yar ee KEYSE XASSAN GABOOBE
Maarso 11,2009
TAARIIKHDII KEYSE XASSAN GABOOBE
Keyse Hassan Gabobe wuxu ku dhashay magaala Gabiley, sanadku markuu ahaa 1979.
Abwaanku quraanka iyo dugsigiisii hoose wuxu ku soo qaatay Mogadishu.
Dugsisigiisii dhexena Magaalada Hargaysa, Dugsigiisii sarena Magaalada Gabiley.
Sanadkii 2000 markuu ka qalin jabiyay dugsigiisii sare wuxu galay Jaamacada
Camuud oo ku taal magaalada Borama, wuxuna ka soo qalin jabiyay sanadkii
2004lii gaar ahaan Qaybta Maamulka iyo Maaraynta.
Abwaan Keyse intii ka dambaysay 2005kii wuxu la shaqaynayay Hayadaha
sama falka ee ka shaqeeya dalka Somaliland gaar ahaan HAVOTOCO, Ubax Social and
Welfare Organization, Save the children UK, iyo Candlelight Burao oo uu hada
la shaqeeyo.
Hadaba Abwaan Keyse wuxu galay badwaynta suugaanta sanadkii 2003 markaas oo uu
daganaa magaalada Boorama kana mid ahaa ardayda Jaamacada Camuud. Abwaan Keyse
suugaantiisa markii ugu horaysay waxay wada gaadhay dhamaan ardayda jaamacada
taas oo xiisa wayn ku abuurtay ardayda. Taasina waxay keentay in ay asxaabtiisu
aad ugu dhiiri galiso Keyse inuu halkaa ka wado suugaanta, asxaabtaas oo ay ka
mid ahaayeen sida Mustafe Moh’ed Khayre, Mawliid Nuur Shire, Abdi kariim Ibrahim
Ahmed, Ali Maxmuud Taani, Fu’aad Abdi Samad Sheekh Moh’ed, Naasir Osman Shiekh
Hassan. Xasan Abdi Madar, Moh’ed Xuseen Ciisood iyo asxaab kaloo badan.
Abwaanka waxa kale oo suugaanta ku ababiyay, ka gacan qabtay, kuna sii dhiiriyay
Macalinkiisa Moh’ed Xaashi Dhamac (Gaariye). Sidoo kale waxa ka caawiyay abwaan
Keyse inay suugaantiisu hana qaado asxaabta ay ka midka yihiin Abiib Iiman Xasan,
Xasan Moh’ed Yusuf, Moh’ed Xuseen oo ay intuba ka mid ahaayeen markaa wariyayaasha
Radio Hargaysa,
Abwaan Keyse wuxu leeyahay suugaan badan oo dhaxal gal ah, aadna loo xiiseeyo,
hadaba in kastoo ay yarayd mudada uu abwaanku ku hawlanaa badwayntan wuxu curiyay
heeso iyo gabayo badan oo ka hadlaya xaalado badan oo bulshada taabanaya sida wacyi
galinta, horumarka, siyaasada, iyo Jacaylka. Suugaantaas oo qaar ka mid ahi ka
baxaan Radio Hargiesa
Abwaan Keyse waxu hada aad ugu xidhanyahay abwaanka caanka ah ee Moh’ed Ibraahim
Warsame (Hadraawi) oo imika saldhigiisu yahay magaalada Burao ee gobolka Togdheer.
Keyse waxay suugaan wadaag leeyihiin abwaan Axmed aw Geedi.
SALKA DHIGA CAMUUD
Dib U laabo
MAANSO (SALKA DHIGA CAMUUD)
Maansadan oo ahayd tii ugu horaysay ee uu Abwaan Keyse curiyo taas oo
uu ka jeediyay xaflad balaadhan oo loo qabtay arday ka qalin jabinaysay
Jaamacada Camuud, sidaa darteed maadaama ay dad badani uga yimaadeen
qalin jabinta dal iyo dibadba maansadan abwaanku wuxu sooryo iyo soo
dhawayn uga dhigay marti sharaftii kala duwanayd ee ka soo qayb gashay.
Wuxu yidhi
1. Marka hore salaam
2. Sacab iyo mashxarad
3. Soo dhawayn haboon
4. Sooryiyo wanaag
5. Marka xiga samaan
6. Safarkiina daga
7. Siinada camuud
8. Buuraha sar go’an
9. Sineheeda tuban
10. Sooc sooc dhirtoo
11. Ubax saaranyahay
12. Sagal iyo daruur
13. Seerma waydo roob
14. Dhibic siisayoo
15. Subixii cadeed
16. Sayixii dhulkiyo
17. Dharab seexday ay
18. Ku sintooy falaadh
19. Midabada sibaaq
20. Kala saartayooy
21. Ku salaantay nuur
22. Casarkii si leeg
23. Sugul iyo casaan
24. Ku sagootidoo
25. Isha saayataa
26. Qurux saamigeed
27. Ku saxaabatoo
28. Naftu saakintee
29. Saan saan wanaag
30. Salka dhiga camuud
31. Seeraha cilmiga
32. Sumadeedu waa
33. Suuraynta bug
34. Cilmigii sidoo
35. Qalin saaranyahay
36. Soomaaliland
37. Sool iyo sanaag
38. Soonaha galbeed
39. Ilaa saylac gee
40. Sohdu waa halkii
41. Sabadiyo rugtii
42. Sabankii tagiyo
43. Saakiyo hadeer
44. Sawraca tacliin
45. Loo sahamiyee
46. Seeskeeda iyo
47. Sarta looga dhigay
48. Surinkay wadaa
49. Waa kii samoow
50. Sirta noloshu ay
51. Ka siraadatoo
52. Sooc sooc maloo
53. Bulshaday saxdaa
54. Caqligay sugtaa
55. Waxba siinku yuu
56. Ila sii siqine
57. Saadaashu khayr
58. Idinkuna sidaa
59. Sedan iyo si leeg
60. Sumcad iyo wanaag
61. Ma saluugayee
62. Waad nala siddaan
Maanso (Booqasho)
Maansadan wuxu abwaan Keyse ka tiriyay xaflad balaadhan oo markii ugu horaysay
ay ku kulmeen arday ka socota jaamacada Camuud, taas oo xafladana lagu qabtay
Hoolka Jaamacad Hargaysa, maalintan oo ay taariikhdu ahayd 2 May 2003,
laguna magacaabay maalinta jaamacadaha Somaliland. Sidaa darteed xafladan
waxa ka soo qayb galay Marti sharafeed ka kala socday Golaha guurtida oo
uu ka mid ahaa allaha u naxariistee Sheekh Ibrahim Sheekh Yusuf Sheekh Madar,
Golaha Baarlamaanka iyo xukuumada iyo marti sharafeed kale oo aad u badan.
Hadaba abwaanka oo ku hadlaya afka jaamacada Camuud ayaa wuxu si farshaxan
le ugu dhigay ugana mahad ciliyay sidii wanaagsanayd ee ay ardayda Jaamacad
Hargaysaad u soo dhaweeyeen, iyagoo kaga hor yimid Magaalada Arabsiyo oo
intay baabuurtii ka dageen saf dheer wadada dhinaceeda u is taageen si ay
u salaamaan, una soo galbiyaa dhinaca Hargaysa.
1. Dhulka oo barwaaqa ah
2. Camuud beereheedoo
3. Midhihii bislaadeen
4. Dhirtu baarka soohdooy
5. Bixisooy mankeedii
6. Shimbiruhu baxaan baxa
7. Ka dul baaqayaanooy
8. Boodaa fadhiisiga
9. Hadba dhinac u buubaan
10. Oo badi dharaartii
11. Baah baah daruuruhu
12. Circa buuxiyeenooy
13. Dhibic soo burqanayaan
14. Baalaha cadceeduna
15. Bilicdiyo casaankii
16. Casarkii u beegtoo
17. Ishu bogoto nuurkii
18. Ruuxii mar booqdoow
19. Uma baahnid faalee
20. Anaguna baxaanbaxa
21. Shalaytaan baqoolkii
22. Saw baaleheediyo
23. Boorama ka nimidoo
24. Daw baali boodh iyo
25. Kuma arag bus iyo oon
26. Xooluhu bariisay
27. Barqa dharag la jiifeen
28. Quruxdiyo bidhaantii
29. Waxan baala daymood
30. Bidix midig jaleecaba
31. Wuxuunbaa baraarugay
32. Markii aan ku beegnayn
33. Arabsiyo badkeedii
34. Bugbugtiyo mashxdiyo
35. Baabuurti socotee
36. Calamadu babanayeen
37. Ooy baratankoodii
38. Barbaartii Hargaysaad
39. Noo soo baxeenooy
40. Saf balaadhan joogaan
41. Si ay noo bariidshaan
42. Baladkaan ku soconiyo
43. Soo gaadhnay baradii
44. Barashiyo Kalgacalkii
45. Siday noo bogaadsheen
46. Bini Aadam daayo
47. Birtii aan la soconiyo
48. Basaskaa dareemoo
49. Booqashiyo dalxiiskii
50. Beertii xoriyadiyo
51. Bari iyo Galbeedbaan
52. Badhtamaha magaalada
53. Hadba baal u raacnoo
54. Baashaal ku soconoo
55. Cashadiina baarkiyo
56. Hudheel baaxad waynoo
57. Ka ag dhaw biriishkiyo
58. Bilay nagu casuumeen
59. Waa dhul lagu badhaadhee
60. Baxsaneey Hargaysaay
61. Badnigii dalkaygaay
62. Boqorkeena waynbaa
63. Bala kaa xijaabee
64. Baradaadu hoy iyo
65. Barda hoos qabaw oo
66. Bulshadeena deeqiyo
67. Ha ahaado bayd nagi
68. Saakana bishaarada
69. Barbaartii Hargaysiyo
70. Madaxdii bilaydeey
71. Salaam baaxad waynbaan
72. Dad idiin buseeliyo
73. Badhtamihi camuudeed
74. Barayaashi joogiyo
75. Intii ay baraayeen
76. Ka sidaa bahdaydee
77. Idinkuna bilkhayrtii
78. Ka guduuma baaqaa
79. Balankii ilaahay
80. Been laguma dhaartee
81. Sidaan noo bisheenbaa
82. Beerkayga qaadoo
83. Inan baydad tiriyiyo
84. Bushimaha dhaqaajoo
85. Kal gacayl balaadhaa
86. Qalbigayga buuxshoo
87. Badnigiyo calooshaa
88. Maansada butaacoo
89. Mahadii burqanayee
90. Baanaha warkaygii
91. Barbarkaan ka taagnahay
92. Boqolkii daloolbaan
93. Hal dalool bayaanshee
94. Dulucdii kamaan bogan
95. Ha yeeshee bu’deediyo
96. Baritiyo ayaamaha
97. Uur baadhka taariikh
98. Bayjkaan ku qorayaa
99. Baalkiinu waa dahab
ALLAYLEHE WAA SHIL
Dib U laabo
MAANSO (ALLAYLEHE WAA SHIL)
Maansadani waxay si dhaba u taabanaysaa hadimooyinka aan kala go’a lahayn
ee kufaartu ku hayso muslinka gaar ahaan falastiin iyo ciraaq. Maansadani
waxay dhalatay habeenadii ciraaq la weerarayay, ayaa iyagoo meel ku
daawanayay TVga ayaa abwaan Keyse uu la daawanayo Mawliid Nuur Shire,
ayaa dhibtii iyo murugadii meesha ka dhacaysay kicisay dareenka abwaanka,
sidoo kale isla habeenkaa waxay soo galeen xiisad suugaanta ah oo abwaan
Gaariye iskuul magaalada gudeheeda ah ku siiyay. Taas oo uu uga waramay
siday xaraf higaadeedyada afka soomaaligu u kala hodansanyihiin una kala
adagyihiin. Taas oo Abwaan Gaariye u sheegay in xarafka Shiinku ka mid
yahay kuwa ugu adag.
Ayaa hadaba Abwaan Keyse isagoo la hadlaya Mawliid una sheegaya in xaraf
higaadeedka adkaantiisa iyo fudaydkiisu ku xidhanyihiin hadba dareenkaagu
siduu yahay ayaa isagoo Shiinka laftigiisii kaga hadlayo sida ay xaaladani
dareenkiisa u samaaysay, ugana waramayo dhibaatooyinka haysta dalalkii
muslinka, una sheegaya in haduu maraykanku ciraaq qabsado in aanu aayar
uun iska haysanayn oo markay kumanaan askari kaga dhintaan aayar faraha
ka qaadi doono. Ayaa wuxu yidhi ;
1. Shiroow arartayda
2. Sidii shalilaadka
3. Tixdaan shirabaayo
4. Anoon shigshigaynin
5. Halkii laga shaagay
6. Shinlay ku dhawaaqay
7. Anoo ku sharxaaya
8. waxay shu’aynayso
9. Shucuurta naftaydu
10. Dareen wada shiina
11. Ayaan shubayaaye
12. I sii shaqfadaada
13. Shiroow dunideenan
14. Shaqaaqada taagan
15. Bal shaashada fiiri
16. Shucuub falastiintan
17. La sheegtay dhulkooda
18. Shalay iyo manta
19. Sharoon ku dul joogo
20. Haweenkan shukaysan
21. Asayda shareertay
22. Shabaabkan la laayay
23. Caruurtan shafeecday
24. Shuyuukhdan tolwayday
25. Shariig alle diiday
26. Ku shiish baranaayo
27. Ee shiidka naf mooday
28. Inuu shimbirlaaye
29. Shabaaxdan wax loogo
30. Nimaan shaqsi haynin
31. Qoyskisii shahiiday
32. Ayaan shatiyaynin
33. Inuu shabac joogo
34. Shicroole aduunkan
35. Xumaantu shareertay
36. Intuu is shakaalo
37. Inuu shab yidhaahdo
38. Yuhuuda shamuuntay
39. Halkay ku sharaabto
40. Shul uu qaraxyeedho
41. Fardoowsa shu’aysto
42. Kufaari shuf beesho
43. Ayaw sharaf dhaanta
44. Dhamaan shulug wayna
45. Anoon kala sheegin
46. Shaqaaqada taagan
47. Habeen kama shawrto
48. Alleylehe waa shil
49. Ciraaqna shuraako
50. Shucaac iyo laysar
51. Kuruus lagu shiiday
52. Ayaan shaqsi reebin
53. Shaqdii wadankooda
54. Shidaal iyo duunyo
55. Waxay shilin haysay
56. Shisheeyuhu boobay
57. Shinaan malabkeeda
58. Waxay shucubaysay
59. Qardhaasa shakaashay
60. Gugii ku dhidootay
61. Ayaan shatiyayn
62. Inuu shaqsi qaato
63. Ciraaq shacabkeedu
64. Hadaanu shahiidin
65. Kun shii lagu loogin
66. Kufaari shax guurin
67. Maraykan shiraacan
68. Anaa shicir beena
69. Dadkayga u sheegay
70. Allow shibi gaalo
71. Shu’dhoo ka dhaqaaji
72. Dhulkaad shucubaysay
73. Islaamkana shaaci
74. Rabow shashadooda
75. Shujaaca ku biiri
ADUU AXDI RAALI GALI
Dib U laabo
HEES (ADUU AXDI RAALI GALI)
Heestan waxa curiyay abwaanka da’da yar ee Keyse Hassan Gaboobe,
sidaa darteed heetani waxay ka turjumaysaa dareen ku wajahan
sheekadan gaaban ee soo socota;
Waxa jirtay wiil iyo gabadh jaar ahaa ayaa in sanado ah xidhiidh
lahaa. Kadib ayaa siduu xidhiidhkii iyo sheekadii ugu socotay,
ayaa inankii waxa u soo baxay dhoof, sidii baanu inankii ku
tagay Yurub. Runtiina aayar uun kamuu tagin inantii ay mudada
wada socdeen ee balan adag ayuu inantii la galay. Waxay sidii
ahaataba, oo ay gabadhii ilaaliso balantii, ooy isaga dartii
u goysay dhamaan ragoo idil, ayaa ilayn waa aduunyo e, gabadhii
daacada ahayd ee inankaa dartii u dulowday, maqashay war ku
noqday filanwaa. Hadaba maxaa dhacay?. Maalinbaa goor barqo ah,
oo ayaa gabadhii daacada ahayd la kulantay hablo ay wiilka walaalo
ahaayeen oo ay hore isku yaqaaneen ilayn waa jaare, oon laakiin
ka war hayn xidhiidhkan mudada badan u socday inanka ay walaalaha
yidhiin iyo gabadhan.
Salaam iyo waraysi kooban ka dib ayaa mid ka mida labada hablood
ee ay inanka walaalaha yihiin ugu bishaaraysay in walaalkoodii
yurub joogay uu shalay maahee daraad aroos galay, filanwaa,
fajac iyo amakaag, gabadhii oo yaaban ayaa ku celisay su’aashii
naa maxaad tidhi? Kadibna way ugu celisay, walaalkay hebelbaa
shalay maahee doraad aroos galay. Hebelku waa kay dadkoo dhan
uga hadhay, way is badashay, hadana ma doonayso in ay habluhu
ogaadaan murugadan ku habsatay, qasabay ku noqotay in ay la
faraxdo hablaha,
Kadib gabadhii oo yaqiinsatay in waxani qoraal yahay ayaa iyadoo
inankii u bandhigaysa, dhibta iyo leeleelka ay dartii mudatay,
waxay ka filanaysay, iyo siday rag oo idil aawadii ugu jartay,
ayaa waxay ku leedahay aniga waxba ha raali gainine balantii
iyo axdigaad ila gashay raali gali.
Waxaanay tidhi
1. Jacaylkan I riiqayee
2. Rafaadka naftayda baday
3. Maxaan u rucleeyayoo
4. Maxaan raadshoon u lumay
5. Inaan ribixiisa helo
6. Ilayn calaf roorayaan
7. Qof rabay raadkiisa helin
8. Wuxuu rabigeen qoraan
9. Rigee lagu joojin Karin
10. Haduu waayuhu is rogay
11. Dhufaan rajadii ka dhigay
12. Ragaadisay caashaqee
Dadkaa rayn raynta jecel
Ayaan u riyaaqsanoo
Anuu risiq iyo wanaag
Hibaan Rabi kuu baryee
Aduu axdi raali gali
1. Inaan raka wada dagniyo
2. Rafiiqbaan filanayee
3. intaan raga kuu jaraan
4. naftiyo qalbigii ku raacshay
5. Runbaa samir ii sidoo
6. adaa raas kale dhistee
7. Abaal ruux guda ma tihid
8. Jacaylkuna waa riyoo
9. Ridada kuma waarayee
10. Bilee isku kaa rogaa
11. Anoon aragaaga rabin
12. Adigu ad I raadisaa
Dadkaa rayn raynta jecel
Ayaan u riyaaqsanoo
Anuu risiq iyo wanaag
Hibaan Rabi kuu baryee
Aduu axdi raali gali
GOOGAAYE GARO
Dib U laabo
MAANSO (GOOGAAYE GARO)
Maansadan sida uu abwaan Gaboobe sheegay,wuxuu abwaanku ku halqabsanayaa
abwaan Axmed Aw-Geedi isagoo ka daba qaatay hees u leeyahay Axmed oo ay
midhaheeda ka mid ahaayeen
Guuloow Allow,
Guri Roon Nagee,
Oo geel ku dhalay
Meel Gacal Fadhiyo…..
Markaan Gogol Wanaag,
Geediga Ku Furo,
Waa Iga Go’aan
Inan Beesha Guban,
Gacan Siiyo Oon,
Gaadiid u diro
Hadaba sida tixdan Axmed Aw-Geedi ka cad in uu isagoo geedi ah uu dagay
gogol wanaag oo barwaaqa ah, sidaa darteedna uu dad kale oo dagan guban
oo markaa baahan inuu gaar gaar u fidinayo si uu ugu soo raro halkaa
barwaada ah. Sidaa darteed Abwaan Keyse isagoon ku dhaliilayn sida Axmed
uu xalka u arkay, ayaa uu isaguna dhinac kale ka istaagay isagoo ku
sababeeyay in aanay dad meel abaara inta laga raro meel barwaaqa la
geeyaa aanay jiritaanka nolosha xal u noqonayn, ooy ay bariba u
baahanayaan gargaar kale. taas oo u ku leeyahay maaha noloshu inay
dadka hagto oo marba loo guuro halka barwaaqada ah, oo nolosha wanaageeda
la samaysto oo laga faa’iidaysto xiliga barwaaqada oo la maareeyo biyaha
gu’ga ay dooxyadu qaadayaan ee ay badwaynta ku darayaan, waayo Alaahay
S.W.T bini aadamka wuxu kaga fadilay makhluuga kale wuxu siiyay caqli
iyo awood ay u suurta galisa in ay iyagu nolosha wanaageeda samaystaan
oo aanay sida xoolaha noloshu hagin waayo neefka xoolaha ihiba wuu
garanayaa doonana karayaa halka biyo ugu dhaw, laakiin meel kaloo ka
dhaw kama samayn karayo,
Markaa wuxu leeyahay Abwaanku iyadoon gaalo iyo cidkale toona xalka
noloshaada aan lagu xidhin oo duruufta lagu taamilo qaato, oo haday
mar kugu dhacdo marka labaad aad ka tabaabushaystid.
Hadaba sida abwaanku sheegay qisada maansadani ku timid laguma koobi
karo tuduc iyo laba toona waayo waxay taabanaysaa dhinacyo badan oo
noloshad saamayn ku le, ha ahaato dhaqan-dhaqaalah bulshada,
siyaasada maanta taagan, iyo mushkiladaha maanta inagu gadaaman.
Sidaa darteed bal aynu eegno humaagyada kala duwan iyo sida farshaxan-
nimada le ee abwaanku u dhigay tixdan isagoo Axmed waydiinaya dhawr
masalo oo maanta xal in loo helo u baahan. Masalooyinkaas oo uu ku
sugayo jawaabahooda Axmed Aw-Geedi iyo qof kasta oo fahma dulucda
iyo ujeedada maansada.
Wuxu yidhi;
1. Axmed Geediyoow
2. Maqlay Galab Dhawayd
3. Inad Gogol Wanaag
4. Gurigii Furtee
5. Ii Guud Mar Oo
6. Gundhigii Xaguu
7. Geedigu Ka Yimid?
8. Gahangaha Xagaa
9. Suudiga Golmaday
10. Waa Gaba Gabee
11. Adoon Beesha Guban
12. Gacan Siininoo
13. Gaadiid U Dirin
14. Goodiga Cidlayn
15. Waxa Geediyoow
16. Ka Gol-Roon Midhaa
17. Adigoo Gargaar
18. Xays Gaaxday Iyo
19. Gu’ Barwaaqa Oo
20. Gayigeena Sima
21. Gacma Hoorsadoo
22. Guulaha Baryee
23. Ila Soco Garaad
24. Gabal Daye Ha Noqon
25. Hadba Gees Ushee
26. Dooxyadan Gabraar
27. Gabigooda Dumi
28. Oo Galal Samee
29. Galacleeya Iyo
30. Durdur Aan Go’ayn
31. Guur Guurka Daa
32. Gurgurshaaga Dabar
33. Goobtaad Fadhido
34. Geediga Nagee.
35. Ninkan ii Guntaday
36. Waa Giib Macii
37. Waa Gumaysigii
38. Gaasiray Dadkee
39. Gacalkiyo Xigtada
40. Kala Gooyay Oo
41. Axmadoow Gu’ Hore
42. Dadku Wuu Gartoo
43. Wadar Gaylantaa
44. Ku Gadoodayoo
45. Gadiidbay Xor Nimo
46. Ka Gudoonsadeen
47. Nina Muu Gufayn
48. Galdalooladii
49. U Ka Soo Galee
50. Dadku Wuu Gam Oo
51. Guulbaa La Yidhi
52. Galabtiiba Shaw
53. Gad Kaluu La Yimid
54. Dadka Qaar Gunnee
55. Guule Lama Baryee
56. Gacma Hoorsigii
57. Gabi Loo Sinaa
58. Gaalkaan Arkaa
59. Guunyo Iyo Maal
60. Wuxu Kuu Gashaday
61. Mabda’ Uu Gatiyo
62. Garaad Uu Lunsado
63. Ayuu Goobayee
64. Goolkaasi Dhalay
65. Goobtaan Fadhiyo
66. Giriyaad Dhexdii
67. Waxa Geediyoow
68. Iga Dhigay Gadaal
69. Waa Reer Galbeed
70. Dulmiguu Iga Galay
71. Hadii Aan Gabyiyo
72. Hadii Aan Garramo
73. Garawshiyo Ma Helo
74. Anna Galin Dhixiyo
75. Dadka Oo Gab Yidhi
76. Ciil kam Gam’oo
77. Gobo’diyo Ilmada
78. Ma Gudhaan Indhuhu
79. Goblan Talo Aduun
80. Duni Reer Galbeed
81. Garashiyo Hogaan
82. Gadh-Wadeen U Yahay
83. Guul Lama Fishee
84. Galad Iyo Wanaag
85. Gibilbaa Ku Dadan
86. Geesteena Kale
87. Xilku Waa Gon Daal
88. Ulo Aan Guntoon
89. Guud Dhigay Maqaar
90. Horta Geediyoow
91. Igadh Geel Hadmuu
92. Geerida Tabaa
93. Ma Ogtahay Garaad
94. Anna Garabsigii
95. Garbahayga Siman
96. Kala Gaabiyoo
97. Gacantayda Bidix
98. Gur Miciinsadoo
99. Midig Gooyayoo
100. Gobokaan Jaraan
101. Wali Goobayaa
102. Hami Iyo Go’aan
103. Iyo Gudashadii
104. Waayahan Gurmaa
105. Kala Geeyaybaan
106. Gar U Qaadayaa
107. Ruux Geediyoow
108. Guray Iyo Dagaar
109. Ka Min Guuriyoo
110. Garab Daar Lahoo
111. Murti Lagu Galaday
112. Abwaan Gaasa Baxay
113. Loo Wada Gartee
114. Lagu Yidhi Gudoon
115. Dalka Gabi Ahaan
116. Gidi Maansayahan
117. Gadhwadeen U Noqo
118. Guubaabaduu
119. Garbiyaay Lahaa
120. Inta Loo Guntaday
121. Halgan Loo Galee
122. Guushii La Helay
123. Hadii Uu Gaddii
124. Halkii Loo Gol Laa
125. Ka Gadoomo Oo
126. Dib U Gurasho Galo
127. Dibnuhuna Gudhaan
128. Dadku Gaagaxaan
129. Uu Guul Darada
130. Gabayguu Tirshiyo
131. Gacantuu Fidshaa
132. Ay Kala Gadmaan
133. Kala Gees Noqdaan
134. Gudashada Xilkiyo
135. Geeraaradii
136. Deel Qaaf Ka Galo
137. Una Garawsanayn
138. Sida Geediyoow
139. Loo Gacan Qabtee
140. Garta Loogu Dhigo
141. Googaaye Garo
142. Gunud Oo Ka Gudub
143. Gidi Habar Dugaag
144. Boqor Guud Haday
145. U Garteen Lixbaax
146. Ma U Hawl Galaa
147. Mid Gabraar Tagiyo
148. Mid Godkii Ku Qaday
149. Xaalkooda Guud
150. Ma U Kuur Gala
151. Garba Wayne Aar
152. Wuxu Magan Gashaba
153. Gooshaa Dishee
154. Garan Waa Dadkuye
155. Ma Go’aamisaa?
156. Tolow Yaan Galaal
157. Gaar Loo Xamane
158. Xoolaha Gadmiyo
159. Muudaa Galbaday
160. Bahalaha Gudee
161. Kala Goosta Muu
162. Ku Guhaada Oo
163. Gar Allee Mar Uun
164. Muu Goosan Lumay
165. Magan Gaaxiyoo
166. Garab Raratadii
167. Gacalkii Madhnaa
168. Gurigay Ka Timid
169. Ugu Geeya Oo
170. Gacan Qaad Ku Daro
171. Gob Ha Loo Baxshee
172. Dad Wanaag Gashado.
173. Anigoo Gadh Liyo
174. Anoo Gaban Ahaa
175. Sheeka Gaaban Oo
176. Gacalkii Samaa
177. Isku Gees Ahaa
178. Kala Gaysay Iyo
179. Gar Adkaatayoo
180. Guurtidu Nacdaan
181. Kugu Soo Gudbee
182. Bal Aduu Gorfee
183. Gole Loo Dhamaa
184. Galabuu Dhurwaa
185. Neef Gorod Madaw
186. Ooy Gawracdeen
187. Googoo Ku Yidhi
188. Fulahaa Gaddii
189. Is Gamaariyee
190. Cadliguu Gartee
191. Xayawaan Goleed
192. U Garbaynayaa
193. Shir Gudoonshihii
194. Ku Giriifayoo
195. Goof Iyo Il Jaray
196. Dayoo Galan Galkii
197. Gal Siyaasadeed
198. Garan Garin Ogayd
199. Baa Gaylankii
200. Is Galuubtayoo
201. Adiguna Gal Oo
202. Garta Soor La Yidhi
203. Raqdii Goobta Tiil
204. Qabo Iyo Gol Jiid
205. Waxay Kala Gurtaba
206. Gabi Qaada Tidhi
207. Gaada Waynihii
208. Dulmi Uu Galuu
209. Gah Gah Aan Fogayn
210. Ku Gunaanadoo
211. Yidhi Jeenya Gab
212. Gadan Yaa Ku Baray
213. Waxay Tidhi Gartaa
214. Runta Lama Gafee
215. Waxa Gacan Samaan
216. Gacaloow I Baray
217. Caliyoo Dan-Guud
218. Ku Gubtaan Arkaa
219. Idil Duud Gashoo
220. Goonyahay Tubnayd
221. Wax Ka Giiga Iyo
222. Laga Waa Gadood
223. Shaxdan Goobta Taal
224. Waxay Uga Game En
225. Uga Gaabsadeen
226. Googaaye Garo
227. Gunud Oo Ka Gudub
228. Awr Guuna Oo
229. Guna Aan Da’ Furin
230. Ahna Doob Gulaan
231. Cadho Guuxa Oo
232. Ka Gotoo Dhexdii
233. Gadhmadoobe Iyo
234. Geelaba Ka Adag
235. Wuxu Geel Jirkii
236. Gabankii Yaraa
237. Uga Goojiyee
238. Ama Geediyoow
239. Garka Ugu Xidhuu
240. Gadh Wadeen U Yahay
241. Googaaye Garo
242. Gunud Oo Ka Gudub
243. Gabadh Aad U Wayn
244. Guga Ay Jirtaa
245. Uu Galay Khamsiin
246. Oon Guri Lahayn
247. Gabgab Iyo Is Waal
248. Ninka Gaadh Yidhaa
249. Gaadada Salaax
250. Misna Kama Gurtee
251. Bal Inuu Gob Iyo
252. Inu Yahay Gunbay
253. Gacantiisa Madhan
254. Gunno Ugu Ridaa
255. Haduu Gaajo Cuno
256. Ma Tihide Gayaan
257. Galbo Bay Tidhaa
258. Gugan Iyo Gu’ Dheer
259. Ruux Guursadiyo
260. May Helin Gurbood
261. Xilkas Iyo Gayaan
262. Xulada Gobaad
263. Loomaba Gadbee
264. Waa Laga Gadfaa
265. Galti Iyo Abeer
266. Gurac Waxan Ahayn
267. Calafba Uma Galo
268. Nimay Guud Haldhaa
269. Gacaloow Tidhaa
270. Dadkan Goobayaa
271. Wax U Gaara Iyo
272. Sifihiisa Guud
273. Horta May Gartaan
274. Yay Ila Gudbine
275. An Gunaanadee
276. Dareen Gaaxday Iyo
277. Xaalada Guracan
278. Gondahadeena iyo
279. Gibilkeena Sare
280. Ku Gadaamanbaa
281. Garashada Damqoon
282. Xal u Goobayee
283. Hayeeshee Guntii
284. Gaba Gaba Warkii
285. Maansadan Gundheer
286. Waan Goolafee
287. Maan Gaasa Bixin
288. Gocashada Dhibtiyo
289. Xilka Loo Gudboon
290. Galabtana Aday
291. Kuu Soo Gashee
292. Ruuxii Gartoow
293. Godol Heeladoo
294. Yaanuay Gaagixine
295. Gaawaha U Culo
296. Geestaada Maal
NOLOL KAABA
Dib U laabo
HEES (NOLOL KAABA)
CURIYE: KEYSE HASSAN GABOBE
LAXAN: ABDI YARE
MUSIC: CABDI YARE
CODKA: CADBI FANAX
Heestan wuxu abwaanku u sameeyay inan ay aad iskugu wanaagsanaayeen,
taas oo uu inanta u sheegayo in uu u qabo dareen quruxda, dadnimada,
kartida iyo dadaalka ilaahay ku manaystay, wanaag badan oo ay samaysay
iyo siday noloshiisa iyo horu markiisa ugu hanwayntahay iyo sida
wanaagsan ee ay talo iyo tusaalaha ula garab joogtaa ay ku dhaliyeen
qalbigiisa dareen naxariis iyo kal gacal xambaarsan oo u tusay inay
tahay nasteexiisa, waxaanu u sheegayaa inaananay jirin qof uu
barbarshigayaa oo aanu niyadba u hayn, kuna hamiyayo hadii calaf isku
qoro inay nolosha macaankeeda la qaysato, waxanu ugu u sheegayaa mar
haduu u arkay inay nasteexiisa tahay ay wadaagto nuxurka jacaylka oo
aanay nacab ku noqon, runtii inkastoon eray iyo labo lagu soo koobi
Karin dareenka iyo dulcda ka dambeeya in abwaanku uu heestan curiyo,
bal aynu wada dhuuxno sida farshan nimada le ee uu u dhigay.
waxay leedahay;
1. Ma ogtahay nadaay
2. Nudihii jidhkiyo
3. Udugii naftaay
4. Niyadiyo qalbiga
5. Xubi nuujisee
6. Nadarkaaga wacan
7. Naxariis indhahay
8. In yar kugu nastaa
9. U nuglaa jacayl
10. Noloshii ifkaay
11. Nidar caashaq hoo
12. Rajadaad nal iyo
13. Nuurkeeda tahay
Nolokaaba iyo
Nasabbaad tehee
Nimco iyo kal gacal
Ku nagoow ifkoo
Naawilo najaax
1. Inanyahay naq iyo
2. Naadiyo dadaal
3. Rabbi kugu nudaa
4. Lagu noogayoo
5. Nacab kuma higsado
6. Kuma gabo nasiib
7. Anigana nasteex
8. Adaa ii noqdoo
9. Naruuroow mid kale
10. Niyad uma hayee
11. Nacab haygu noqon
12. Nuxur caashaq iyo
13. Ila nuug jacayl
Nolokaaba iyo
Nasabbaad tehee
Nimco iyo kal gacal
Ku nagoow ifkoo
Naawilo najaax
MA DA’DAA JACAYLKABA
Dib U laabo
HEES (MA DA’DAA JACAYLKABA)
Heestan sida abwaanku sheegay waxa ku dhaliyay inu tiriyo, waxa jiray
inan ay xidhiidh wadaageen oo uu aad ugu hanwaynaa wax walbana uu la
jeclaa ayuu ka dareemay cago jiid, kadib markuu waydiiyay waxa ugu
wacan waxaanay ku tidhi waxaan u sameeyay waxaa waayo ima jeclid oo
adiguba xidhiidho kalaad leedahay, dabadeedna si uu ugu cadeeyo in
aanay jirin haba yaraatee wax xidhiidh kale ah oo uu leeyahay ayaa
wuxu ku yidhi,
Xiisaha qalbigu
Xubiyeey aduu
Kugu xidhanyahoo
Dadka kaa xushoo
Xaawalayda idil
Xaasha e dhamaan
Ma xidhiidhno oo
Xaaraam calayk
Inan xeeriyoo
Maskaxdiyo xiskiyo
Xididada jidhkaa
Kuu xaadhan oo
Kuu xalan qalbigu
Xubi iyo wanaag
Xurmo iyo kal-Gacal
Xiisaha jacayl
Adna xeeriyoo
Xidhigiisa qabo
Laakiin nasiib daro eraydan quruxda badani waxba kamay badalin
dabeecadeedii, kamanay saarin shakigay ka qabtay iyo iyo caga
jiidkii, Si hadaba uu runta ugu cadaynayaa una muujinayaa halka
ay ka taagantahay iyo sida uu ugu hiyi dabacsanyahay dhanka
kalana uu ku leeyahay kolay dumarbaad tahay oo wanaagaan kuu qabo
ma qiyaasi karayside, marka horeba waxa qaldanaa dareen
wadayaashayda bilaa hubsiimaha ah ee mar kaliya kula booday
isagoo kala dooransiinaya laba inay mid soo gasho inay faraha ka
qaadaan xidhiidhkan iyo inay daadahshaan oo aanay jirin xaalad kale
oo labadaa u dhaxaysaa
waxanu yidhi.
1. Dagmo Weheshigeenii
2. Waadigan Ka Dayrshee
3. Iga Sii Durkaayoo
4. Laba Eef Ka Daaqdoo
5. Dafirtaye Wanaagii
6. Anna Waan Dayooboo
7. Jacaylbaa I Dagayoo
8. Maankayga Doorshoo
9. Marmarbaan Daraadaa
10. Is Idhaa Ma Duushaa
11. Ma Dabaylo Raacdaa
12. Daruur Roob Ma Noqotaa
13. Ma Da’daa Jacaylkaba
14. Bal Inay Dareentoo
15. Qalbigeedu Doogsado
Samirkiyo Dulqaadkiyo
Hiyi Dabacsanaantani
Doqoniimo Maahee
Dookhiyo Kalgacalkaa
Ii Kaa Dabraayoo
Hada Waan Ka Daalee
Kala Dooro Inanyahay
Inan Daadahayniyo
Inan Daayo Caashaqa
1. Dumar Iyo Kaskoodiyo
2. Digashada Nin Caashaqay
3. Kow Maaha Dunidoo
4. Dambi Maad Samaynine
5. Qalbigaygan Doqonkee
6. Dad Ku Mooday Adigiyo
7. Dibnahayga Eersaday
8. Waxa Dabinka Ii Dhigay
9. Lahashada Dareenkiyo
10. Laabtayda Dabacdiyo
11. Lugahayga Doontiyo
12. Maqalkiyo Indhaha Dayay
13. Diir Haween Ku Yaaloon
14. Darajayn Jacaylkiyo
15. Jamashada Il Duufka Ah
Samirkiyo Dulqaadkiyo
Hiyi Dabacsanaantani
Doqoniimo Maahee
Dookhiyo Kalgacalkaa
Ii Kaa Dabraayoo
Hada Waan Ka Daalee
Kala Dooro Inanyahay
Inan Daadahayniyo
Inan Daayo Caashaqa
Heesta Ciida
Dib U laabo
HEES (Ciida ciida)
Curiye: Keyse Hassan Gaboobe
Laxam: Ali Aanso
Music: Ali Aanso
Heestan waxa curiyay Abwaan Keyse si uu dareenkiisa ugu muujiyo farxada
maalmaha ciidaha uu alle inoo cayimay si aynu ugaga duwanaano maalmaha
ay gaaladu cayimatay.
Waxaanay leedahay
1. Maalin caan ahoo
2. La cadeeyayoo
3. Caalamu islaam
4. Cadaan iyo madaw
5. Dadku ciidayaan
6. Waa dharaar cayiman
7. Cisho ruuxba ruux
8. Uu caawiyuu
9. U calool sanyahay
10. Qalbiyada la culay
11. Codad farax ku ladhan
12. Isku celinayaan
Ciida ciida
Waanu ciidnee
Idina ciida
Oo ciid mubaarik
Ciidal caafiya
Nabad ku ciida
1. Cawo iyo ayaan
2. Safafkaa camiran
3. Wax loo cartamay
4. Loo cararayaa
5. Waa cibaado iyo
6. Ciid iyo salaad
7. Culimadu ducada
8. Caadil noo baryeen
9. Cimri dharar nasiib
10. Carfi iyo shugroo
11. Caafimaad qabaa
12. Nala ciidayee
Ciida ciida
Waanu ciidnee
Idina ciida
Oo ciid mubaarik
Ciidal caafiya
Nabad ku ciida
1. Daruuraa curtiyo
2. Cosob iyo tigaad
3. Cisi iyo wanaag
4. Caradeena oon
5. babanaaya calan
6. Hadimiyo colaad
7. Cabsi aan lahayn
8. Caana iyo nabad
9. Labis caynba cayn
10. Caruur loo xidhaa
11. Inta ay cugteen
12. Dheelaya ciyaar
HA TAHRIIBIN CAASHAQA
Dib U laabo
HEES (HA TAHRIIBIN CAASHAQA)
Heestan waxa midhaheeda curiyay Abwaan Keyse Hassan Gaboobe,
heestan oo runtii ka hadlaysa waayaha iyo wacyi cusub ee maanta
ku habsaday saameeyayna bulsha waynta soomaliyeed, mida mida kale
waxay heestani tilmaamaysaa in tahriibku dhan kastaba ka saameeyay
bulshada soomaaliyeed, hada heestu waxay gaar ahaan sii tilmaamaysaa
saamaynta Tahriibku ku leeyahay Jacaylka. Hada isagoo abwaanku inan
ku soo hal qabsanaya ugu sheekaynaya dhibaatada uu tariibku leeyahay
si ay uga waantoowdo, iskuna barbar dhigayo meesha waxaas oo dhib
ihi u dhaxayso ay ka noqonayso waxaan sharaf cisi iyo karaamo aanay
ku lahaan doonin, iyo dalkeeda siday ugu tahay qof jira.
Hadaba heestu waxay leedahay;
1. Ha talamin ayaaneey
2. Imisaad taqaanoo
3. Talo xumo asaaggaa
4. Tamaniga aduunyada
5. Tahalukay naftoodoo
6. Tiimbaday badwayntoo
7. Tabantaabo helinoo
8. Taa iyo tan seegoo
9. Maydkooda tarab tarab
10. Xeebaxa la tuuloo
11. Aduu aad u taagnayd
12. Tacsi iyo baroor diiq
13. Waa kuu tusaalee
14. Quruxdii Tog-dheereey
15. Badda haysku tuurine
Jacayl iga tanroonbaad
Ku talaashay maankoo
Qalbigaa ku tabayee
Ifka taws kalgacal iyo
Tiiraanyo hay badin
Aynu taaba galinee
Ha tahriibin caashaqa
1. Aakhiray u taalaa
2. Talo naftiisii
3. Qof halaag ku tuuree
4. Sharaf lama taseeyee
5. Ha tilmaansan ruux tagay
6. Caydh lagu takooroo
7. Tuugsada shisheeyaha
8. Dibad waad ku tabantahay
9. Dalkaagaad ku togantahay
10. Ka heshaa tol iyo gacal
11. Caqli taama iyo edeb
12. Baad ku taaba qaadoo
13. Tusmadii naftaydaay
14. Anna waxan ku taamaa
15. Inad taydi noqotee
Jacayl iga tanroonbaad
Ku talaashay maankoo
Qalbigaa ku tabayee
Ifka taws kalgacal iyo
Tiiraanyo hay badin
Aynu taaba galinee
Ha tahriibin caashaqa
Soo Socda
Dib U laabo
HA TAHRIIBIN CAASHAQA
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
soo socda
Dib U laabo
Wuxuu yidhi:
soo socda
Dib U laabo
Wuxuu yidhi:
soo socda
Dib U laabo
Wuxuu yidhi:
soo socda
Dib U laabo
Wuxuu yidhi:
soo socda
Dib U laabo
Wuxuu yidhi:
soo socda
Dib U laabo
Wuxuu yidhi:
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.