Hordhac
Halkan waxaynu ku soo bandhigaynaa mahadhooyin, oo sida aanu jecelnahay u
badnaan doonta mahadhooyinkii dadka ugu caansanaa ama leh mahadho la
taaban karo oo saamayn ku leh nolosha Soomaliyeed ,kuwaasoo
aynu had iyo jeer u soo qaadan karno inay tusaale u noqon karaan ummada,
Abaal Ciise
Dib U laabo
Axmed Ismail Dirie "QAASIM" (HY), 1989.
Wuxu abwaanku u tirshey beesha ciisaha oo gabayo taageero ah u
soo diray walaalahooda Isaaq waagii colaadda ay kula jireen
Regime-kii Afweyne aabaha u ahaa.
1. Ciisuhu xilkii waa
guteen laysma xaasidoe
2. Xaggay naga xigeen nacabka way ka xakameeyene
3. Xoog iyo Adduun kalama hadhin xarakadeenniiye
4. Xidhiidhkaa tolnimadaa lehiyo xeerka Saadadae
5. Xigto niman lahayn cadawgu waa xubin wareemaaye
6. Xamdu mahad Isaaqoo dhanbay xiisa geliyeene
7. Xiis iyo Jaboutaysku xidhan xeebti dhererayde
8. (Xerudhalanku) feedha isa saar xawli dhiidhiyaye
9. Xammeetidii dhextiil labada reer xididka loo saarye
10. Xinjirtii madoobeyd la tuur xadantadeediiye
11. (zzzzzz) ka guur degalladuu xaadir ku ahaaye
12. Xin-kunoolihii HabarCafaan xuurta la cunsiiye
13. Samaroon Xantiyo beenta iyo xaasidkii jebiye
14. Hadduunaby xaglaha kula dheceen Xabis kelysnaaye
15. Waatay xumeeyeen dadkay ku xadfanaayeene
16. Xidid iyo degaan may hanbayn xeerna may dhiganne
17. Xabashidana waatay wax badan ka xajarnaayeene
18. Xuduudaha siday uga gudbaan waa xisaab adage
19. Xor haddii ad tahay dunida waa la xusladeeyaaye
20. Xigmad li'idu waa waxa ka dhigay xoola baadiyahe
21. Hadday xago bannaan tuban yihiin xuunshanaytiduye
22. Xirribaha ha duugeen indhihii wada xayuugnaaye
23. Xero maleh Afweyniyo kuway u xusul duubeene
24. Rag kalaa xukuma goboladii Xamarna waa foole
25. Xaggeebay u kici Gedona waa xarun ugaadeene
Macaan iyo Qadhaadh
Dib U laabo
Axmed Ismail Dirie "QAASIM", (HY) Gabaygan oo ka
mid ah gabayada Abwaan Qaasim lagu xasuusto waa uu
abwaanku naftiisa ku tilmaamayo.
1. Dacartuba marbay
malab dhashaa ood muudsataa dhabaqe
2. Waxan ahay macaan iyo qadhaadh meel ku wada yaalle
3. Midigtayda iyo bidixdu waa laba mataanoode
4. Midi waa martida soora iyo maata daadihise
5. Midina waa mindiyo xiirayiyo mur iyo deebaaqe
6. Masalooyin talantaalliyaan maandhow leeyahaye
7. Nin majiira keliyuun qabsada hay malayninae
8. Marbaan ahay muddeex camal san oon maagista aqoone
9. Marna macangag laayaanahoo miiggan baan ahaye
10. Marbaan ahay muftiga saahidnimo mawlacaw gala'e
11. Marna Mukhawi waashoo xumaha miista baan ahaye
12. Marbaan ahay nin xaaraan maqdaxa aan marin jidiinkise
13. Marna tuug mu'diya baan ahoon maal Rasuul bixinne
14. Marbaan ahay maqaam awliyaad maqaddinkoodiiye
15. Marna mudanka shaydaanka iyo maal jinbaan ahaye
16. Marbaan ahay murtiyo baanisaba madaxda reeraaye
17. Oo ay weliba muuniyo dulqaad igu majeertaane
18. Marna reer magaal Loofaroon muuqan baan ahaye
19. Waxan ahay nin midabbeeya oo maalinbays rogae
20. Muuqaygu gelinkiiba waa muunad goonniyahe
21. Miisaanna ima saari karo nin i maleeyaaye
22. Muslinka iyo gaalada dirkaba waan micna aqaane
23. Malaa'iigta naartiyo jannadu waygu murantaaye
24. Ninkii maalmo badan soo jiree madaxu boosaystay
25. Ee inan rag maamuli yiqiin waa i maan garanne
26. ninkasta halkii kuula mudan ee ay muhato laabtaadu
27. Ee aanad madadaaladeed ugala maarmaynin
28. Iska soo mar waa kuu bannaan marinkad doontaaye
Saadada Cadhootay
Dib U laabo
Gabaygan wuxuu abwaanku ka tiriyey markii Afweyne ku dhawaaqay
wuxuu ugu yeedhay sinnaanta ragga iyo haweenka.
1. Eeylo iyo
Siwaaqroonta xumi ha i suryeeyeene
2. Seetada ha ii gaabiyeen sabab la'aaneede
3. Seeddiyo boqnaha hay jareen sab iyo laangaabe
4. Sanqadhyari ha ii dilo Tumaal siiqya looshadaye
5. Sanka hayga mudo inangumeed loo sarrayn jiraye
6. Sawaab iyo Midgaan Guulwadii ha i sudhnaadeene
7. Hadba hay saloosheen sidii geedka saarka ahe
8. Ilaahbaa sidaa noo gartee ha i sadqeeyeene
9. Anagiyo Saleebaanadii waa na sidataaye
10. Seeftii Abgaal bay agtaal saawirta ahayde
11. Habar Gidir sinsaarada ku timi sigay Ugaaskiiye
12. Sixilluu kacaankani u galay Saca raggiisiiye
13. Warsangeli Suldaan iyo ma jiro Boqor la sooraaye
14. Saamee dhammaantii Isaaq salaw colaadeede
15. Soomaalidii waxa ka nool saaka madaxgaabe
16. Wax Siyaasaddii loo egmadey silic ku nooshiiye
17. Markii talada habar saarleh iyo sebiyo lo doortay
18. Ayay sayn-caddaa iyo waxgarad sibiq dhaqaaqeene
19. Dhulkan Suuradii lagu beddelay socodna dhaameelay
20. Waa wada socdaaleen raggii soocanka ahaaye
21. Saadada cadhootee midgaha laga sarraysiiyey
22. Waa sixirradii Bucurbacayr sananka muuqdaaye
23. Inta ay sidaa tahay nin gobi soomman ka ahaaye
24. Qaansaleydu haw sacbbiyeen Siigga qalataaye
25. Naagaha surwaalkali mashxarad ha u safnaadeene
26. Single iyo waxaan dhalad ahayn siidhi haw tumoe
27. Sabaalada ha moodeen in loo sahanshey meel roone
28. Saadaaladaa lagu gartaa sebenka caal waa'e
29. Waa waxa abaar nagu salliday soof ma reebta ahe
30. Saddexguuro waa waxa na baday sadhiyo daacuune
31. Samadii daruur laguma arag Seermaweydadae
32. So'dii ceelka waa waxa biyuhu uga sal guureene
33. Adduunyadu sidaa kuma gudhoo subaxba waa cayne
34. Nin kastoo sallaan dheer u baxa siibashaa xigiye
35. Suuldaaro waw halis ninkay rag isa seegeene
36. Sirqabahana taariikhdu way sahamindoontaaye
37. Maantana Siciidow waqtigu saamaxaad malehe
38. Moorada salkeediyo xalaan sugay malluugtiiye
39. Sufurtaa madow ee dayaxa saaran baan garanne
40. Dhiig buu sidaa waqalkan aad sagalka mooddaaye
41. Siigada dhacaysaa ragbay sabibi doontaaye
42. Ilaahay sidaan ka arki jirey way ku socotaaye
43. Duulkii sedkoodii dhammaa saancadka lahaaye
44. Sanbabada gantaalaha ka mudi saadanbay garane
45. Waa nayla kala soocayaa subax an dheerayne
46. Ninki cadho la sooyaamayow sabirka maad dhowrtid
Hargeysaay
Dib U laabo
Axmed Ismail Dirie "QAASIM" (HY),
1984
Gabaygani wuxuu ka mid yahay gabayadii halgankii dadweynaha
Somaliland ay kala soo horjeediin dad-la-moodkii Faqashta oo
xoolihii iyo cashuurtii dadka Somaliland laga qaaday damcay
inay ku cabudhiyaan dadweynaha. Qasim wuxu arkay dayacaadda
ka muuqatay Beertii Xorriyadda (Hargeisa) waagaas wuxuuna
yidhi isagoo la hadlaya
Hargeisa:
1. Hargeysaay anaa
kaa hurdee laguma haysteene
2. Haddaan soo hanbaabiri lahaa heec ma noqoteene
3. Horaad dacara kuma nuujiseen hooya beenihiye
4. Halaq iyo abees kuma gam'een hadhacyadaadiiye
5. Huluulaha col kuuguma jireen soo hamaansadaye
6. Hantidaada muu weerareen horor wax boobaaye
7. Hareertaada lama soo fureeen haaway doobadahe
8. Haweenkiyo caruurtaad lahayd lama halgaadeene
9. Hablahaaga muu guursadeen haybti garanwaaye
10. Hog dalluuna kama qayliyeen hanadadaadiiye
11. Hanuunshiyo indheergaratadii hode ma dhaafeene
12. Hadhaa laguma sheegeen raggii noo horrayn jiraye
13. Hoos looma eegeen kuwii hawlkarka ahaaye
14. Hoosaasiyaal uma shireen horumarkaagiiye
15. Maad hoos dhigteen labada sacab hooge baadiyahe
16. Habro looma doorteen golihii haybadda lahaaye
17. Hiirtaanyo iyo ciil wadnuhu ima hiqleeyeene
18. Haasaawaha iyo sheekadii lama hagoogteene
19. Ninna hadalka kama dhawrsadeen kuu hagaag bidoe
20. Hootada afaysani boqnaha igama heerteene
21. Dhammaan hooballadi may qaxeen hibadu saarrayde
22. Hogyaqaanadaadii murtida lama halleyeene
23. Heesaagi lama quudhsadeen hiray cadaawaaye
24. Hayeeshee habeen guulleh baad heli ayaan dhow'e
25. Had aan sii fogeyn waxad sugtaa heego iyo roobe
26. Hillaac caafimaadbaa ku mari hogol daruureede
27. Heeryada ragbaa kaaga furi hub iyo baaruude
28. Hiddo-dhalad wixii aan ahayn waa lagaa hudine
29. Hor ilaahay waan kaa xorayn hawshan kuu timiye
30. Insha-Allah home nabadgelyaa lagugu soo hoyne
Naxariis
Dib U laabo
Naxariis, 1969
Axmed Ismail Dirie "Qaasim", HY
Waxa abwaanku tixdan tirshey waagii Aadan Cadde dhacay ee
Cabdirashiid iyo Ina Cigaal la doortay.
Niyad baan u ledayaa
hurdada naasir Naxaroow'e
Nabdigaan ka soo jeedi jirey noogayoo dhacaye
Nasashada darteed baad indhaha Nadarka yaabtaaye
Naxligii Caloosha iyo bogsade nabarradeediiye
Naxariistu waa naca kufriga nidar galkeediiye
Neecaw qaboow iyo dabayl naafaclaa timiye
Nabad iyo Naq roob baa beddelay Nayla-Jaliyiiye
Nacabkii Ilaah naga kaxee naaqiska ahaaye
Nasiib baannu leenahay haddaan Aadan soo noqonne
Niidii xareedbaa ka timid Naannida ahayde
Nuuxnuuxsigii Ina Catoosh nugul ka soo doogye
Nataaqadi na gaadhiyo lugtii nalaga naafeeyey
Waxa Nacalla-qabihii na baday waa ka noollahaye
Nabsigii wax badan loo dhursugay nacasti soo gaadhye
Nooleba mar uun buu samaha Nacam yidhaahdaaye
Noolaatay yidi-diiladii Naxashka saarrayde
Mar haddii ninkii geyey kursiga nabadgelyuu fuulay
Nimcadiyo sow mahad-naq uun lagu negaan maayo
Cirsan ka Yeedh
Dib U laabo
Cirsan-ka-yeedh, 1969
Axmed Ismail Dirie "Qaasim",
HY
Waa gabay abwaanku ku sifaynayo sidii loo dhibsaday maamulkii
Waagaas jirey Isagoo saadaalinaya isbeddel inuu dhici doono.
Isbeddelkaasi waakii dhacay Hayeeshee ma noqon mid lagu caano
maalo oo waatii Caada-qaatayaal caynaanka dalka boobeen
Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe
Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede
Cilmi Felegga way garan raggii Caalimka ahaaye
Anigaase Moorada cakiran kuu caddayn kara'e
Cirsan-ka-yeedhkii maantana warbuu sheegay Caliyo'e
Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye
Carruuraha la dhacay Awliyada laga cadhaysiiyey
Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye
Caawaa la kala soocayaa Caabud iyo Gaal'e
Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne
Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne
Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye
Inay Curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye
Ceeryaamo Subaxeed nin nool curadka roob moodye
Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide
Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin'e
Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye
Ina Cigaal
Dib U laabo
Ina Cigaal
Axmed Ismail Dirie QAASIM (HY), 1969.
Gabaygan wuxu abwaanku u tirshey Maxamed Xaaji Ibrahim
Cigaal oo ahaa Prime Minister.
1. Tabtaa ina
CIgaalow waddaan tacab qasaaruun dheh
2. Tartan meelna aan gaadhiniyo turuqyo daaluun dheh
3. Tamashlaha aan meel looga dhalan tookh u socodkeeda
4. Toddobaad waxaan gaadhiniyo tuhumo beenaad dheh
5. Dhamaan Ciisa Musaha tadhahay ee taajka wada qaatay
6. Taariikh Isaaq ugu horloo maanta timi uun dheh
7. Toddobadan aad soo dooraten taran hadaad moodey
8. Tukayaal hormuud laga dhigiyo toxoble daayeer dheh
9. Afartaa tacliintaan bartiyo tix iyo geeraar dheh
10. Tiiqtiiqsi hadal loo yidhoo tudhis la'aaneed dheh
11. Tol-yaraha hubkii dili jiriyo toorri iyo seef dheh
12. Toban guuradaan nabadgelyada taabka ku adkeeyey
13. Aan talada kaa qayb gashey baad tahar i goyseene
14. Habar Yoonistii lagu tuntiyo Ciidagale toos dheh
15. Mar hadday tolniimadii horiyo talawadaag diidey
16. Nin walbaa wuxuu taransadiyo tab iyo xeeshii dheh
Go'doon
Dib U laabo
Go'doon, 1990
Axmed Ismail Dirie "Qaasim", HY
Gabaygani wuxuu ka mid yahay gabayadii HALGANKA ee maandeeq
lagaga soo dhacsanayey Dhidarradii damcay inay cunaan. Wuxu
gabaygan gaar ahaan kula hadlayaa Samarroonka oo uu ku
tilmaamayey inay la safteen dad-la-moodkii dalka iyo dadka
Somaliland isku deyey inay cabudhiyaan;
Ha go'doonto Gudabiirsidii Ganafka jeexnayde
Ha la guurto gaajiyo baryiyo gelelefkeediiye
Dameerkii Gafuurrada caddaa Geela yuu didinne
Meeshay gabbood moodayaan haw gurguriyeene
Goonyaha Ilaahay halkay garan ha aadeene
Gob baa lala dersaa waa wixii gaday abaalkiiye
Gallad kagama helin reer Xareed gacan ku hayntiiye
Gabdhii loo dhisiyo may xurmayn guurki reeraha'e
Geyiga reer Isaaq uguma hadhin Gob ay midhaystaane
Ciisuhu Gunnuu siin jiree ha iska gooyeene
Amxaarada inay soo galaan waa ka garanuuge
Garaad-xumadu waa waxay cidlada ula gandoodaane
Gogti iyo Shar-laga-naadi bay gebi dhacaayaane
Waa waxay la goobyaalayaan Goraya-Cawlaaye
Waa loo gartee hays tubeen goobta ciilka lehe
Marreexaan Gun bays urursatee gacal ha moodeene
Iyaga iyo Gabooyahaba waa galabsigoodiiye
Guryaha ay Mafiiqda u siteen yaanay soo geline
Geestay xigeen Laydh san baa iiga soo geliye
Guu-gaa'da haygala tageen garacdi shaydaane
Mahadnaq Ciise I
Dib U laabo
Axmed Ismail Dirie "Qaasim",
HY
Gabaygan wuxu abwaanku ugu mahad celinayaa Qaranka Ciisaha oo
muujiyey siday uga xun yihiin Wax yeelaynta
walaalahooda reer Woqooyi oo ay markaa ku bahaloobey
Waraabayaashi waddanka haystey
Na soo gaadhe Ciisow
tixahaad soo gudbinayseene
Geeraarradiinii hellnay iyo gabayadiinniiye
Una guuxnay hawraarta guud, hiilna loo garaye
Maansadu godkii ay lahayd maydun gees marinne
Alle waydin garansiiyey oo gob iyo caadkeede
Garna waad u leediin tolkiin inad gargaartaane
Gacmihii walaalaha ahaa waysku gunuddeene
Gurmashadu markay ku hab-samayd waa gilgilateene
Annana geesinnimo noo tartiyo garab-ku-taaglayne
Guubaabadiinnii culays nalaga guud qaadye
Guntii ururtay dhiillaa ku timi gebi ahaantoode
Garbahaarrey iyo Luuq kuwii looga gacan haadshey
Gardarrada caddaanka ah kuwii Gedo ku taageeray
Gudobiirsigii waxa ku dhacay guuldarriyo hooge
Gantaal noqoy dhawaaqii ka yimi geesta ciisaha'e
Guddoonkii Ugaaskiyo raggii gooyey waw mahade
Geeraarshihii tiriyey iyo geesiyadi raacay
Guurtida Dalool iyo Abdaal labada geesoodba
Iyagana abaal lama gadee waa gunno u taalle
Gaban hadduu ka hadho reer Isaaq waa guddoonsadaye
Guuxiinni maandhow wuxuu geystey lala yaabye
Gaaraayacuuntii Cabsi bay gebi-dhacleeyeene
Geestaaba may deyin inuu yaallo gacalkay'e
Inaad gaasas noo dihin tihiin garayay Daaroode
Baqay giilalyoodeen sabtii nagu gedaannayde
Gabbal baa Shirshoorii u dumay guruca dheeraaye
Beentay giraangirin jireen soo gabaabsidaye
Iyagaa gadh-jiide u ahaa gacan-ku-dhiiglaaye
Guutooyinkay soo waceen laga gol roonaaye
Gaashaanlayaashii tadhahay guduri loo loogye
Googaradda naagaha raggii goosan jirey eedye
Nimankii guryaha baadhan jirey gumuc la leefsiiye
Gafuur-culustu noomay quturan goobti dirireede
Sidii Gorayo lagu qayliyay gelelef-yaaceene
Abidkiiba guul lama shir tegin geeda-waaqluhuye
Ilma-Gabaxdu waa Saadaday kaga gadoodsheene
Gonda-jiidka daya waa nabsiga galabsigiisiiye
Mahadnaq Ciise II
Dib U laabo
Axmed Ismail Dirie "Qaasim",
HY.
Gabaygan wuxu ka mid yahay gabayo dhawr ah oo abwaanku kaga
jawaabayey. Gabayo Hiil ah oo Ciisuhu u soo tebiyeen isaaqa
waagii colaadda ay kula jireen Caadaqaatayaashii dalka
baabi'inayey.
Miisaannay Ciisow tixahaad madalka keenteene
Macaan baa Ilaahay ka dhigay Malabki Doocaane
Dhegtii maqashay oo idili way mahad naqaysaaye
Madmadoow ma gelin xaajadaa soo mudh-bixiseene
Mabsuud buu ka yahay reer Isaaq meelu joogaba'e
Waad mahadsantiin dhalashadaad muruq u yeesheene
Mirtan waxawgu faalootanteen magaca nooleeye
inay maalmo guurtudu fadhidey maqallay geedkiiye
Mayal-weyntu dooddii halkay marisay loo daaye
Waa mudan Ugaaskuye tashiga midigta loo saarye
Ogoobeey malakada uu fadhiyo waa milgii sharafe
Maanshee go'aankii ku raac madaxdu keeneene
Mid mid ugu dhawaaq hadal cadbuu mudanku sheegaaye
Majiiruhu sidii uu ahaa laysu maqashiiye
Murti dhaxalgaliyo buu ku daray weliba maahmaahe
Wuxu yidhi mataanaannu nahay magaca reer sheekhe
Midigta iyo bidixdaannu nahay meel ku wada yaalle
Maryahaan xidhniyo waa Wadnaha dhiigga maaxsada'e
Maskaxdiyo garaadkay hagaan muuqa dhaayaha'e
Muruqa iyo waa dhabarka iyo maranta Feedhaaye
Inkastooy masaafadu fog tahay meel an kala joogno
Haddii madaxa Daalliyo Hawaash nalagu maansheeyey
Waa mahad Ilaahoo tolkay midha leh weeyaane
Wuxu yidhi ma kala maarannee waysu muhannaaye
Maantii gashaba ways ogyiin madaxda reeruuye
Miridh bay warkuu kala helaan muusannawga ahe
Masiibada heshaa teeda kale waa ku mudantaaye
Waxba hadalka yaan sii mudmudin kuna muraaqoonne
Majiiraha ayuu igala bixin mooski loo dhigay'e
Madhax malaha beentuye runtaa lagu macaashaaye
Mabda'oodi noo soo bandhige magane Ciisuuye
Tol majiiran baa nala dhashoon marin habaabayne
Macaan iyo qadhaadh waxa na hela kama maqnaadaane
Milgahooda kama baaqsadaan maalin dirireede
Haddaan marada dhiiggale u lulo maado way dhigiye
Anigaase maatadan ku filan muuq-shabeelka ahe
Ma-Geydada Isaaq nimanka dhacay mahadin maayaane
Marreexaan Gedood iyo Absame nama miskeedaane
Dadkan mawdku noo soo hor kacay waannu maax duminne
Midgihiyo Sabtana waan u talin Maagga Samarroone
Maarraha Ugaaslabe la baxay waa masala dhaafe
Akishaha masiibadu waddaa waa milga habow'e
Ma-Hadhada Bartire nagula kacay waaba loo marag'e
Abasguulka Malaggiisu galay mudh isa soo siiye
Inuu Gerina noo soo mir tegey meel fog laga sheegye
Maqalloo Gahayluhuna waa noo min tiriyaaye
Mindiyaha Jidwaaq iyo warmuu miridhi dooneeye
Sheekhaashti midabbayn jirtaa noogu maag badane
Isna Muxumud reerii ka guur magansigoodiiye
Malluugahays beddelay waa waqtigu maad u leeyahaye
Madax-gaabtu riiq maleh dagaal laysu maan baxaye
In Maxaysatada lagu dhugtami wayska maan garanne
Maajeenta Qarafbaa belbelin midhan ku tuuraaye
Guul lama maroorsado haddaan looga dhalan meele
Maayaddii Tumaalkiyo hadday murugtay heestiiye
Mawdii Durbaankiyo la waa mooya-tumihiiye
Illayn waxay mashxaraddii ahayd maalmo nabadeede
Ways muujin sheekadu sidii maamka loo dhigo'e
Halkaan Calanka ugu soo muday magansan doontaaye
Muddaduna sidaan filayo waa maalmo dabadeede
Gobannimada kii maal baxshee cadaw mahiibsiiyey
Iyo magaca ka u dhiidhiyee miiratada laayey
Nin kastaba abaal waxa la marin ka u mutaystaaye
Saddex-Magac-Alle inaan dib loo murugsanaanayne
Markhaataan ka dhigayaa tixaha marag ha loo yeelo
Muranbaaba laysugu dhintee maanso iga reeba
Dabin
Dib U laabo
Axmed Ismail Dirie "Qaasim", HY
Dabin, 1991.
Gabaygan waxa uu abwaanku tirshey waagii Afweyne iyo Faqashtii
qudhun-ku-noosha ahayd laga eryadey dalka. Intaanu gabaygan
tirin waakii abwaanku lahaa 1990kii.
Saddex-Magac-Alle inaan dib loo murugsanaanayne
Markhaataan ka dhigayaa tixaha marag ha loo yeelo
Muranbaaba laysugu dhintee maanso iga reeba
Sidii bay noqotay waatii dabayl caafimaad maanshaysay
dadqalnimadii faqashta.
In dagaal dhammaadaa
qofkii doqoni moodaaye
Nin da'weyni waa garan qabyada diillimaa hadhaye
Hadduunbaa digtoonoow horliyo hawl la dawdabaye
Debci yaan la odhan Ciidankay luguhu daaleene
Degta Qoriga saarani inuu dego ka xaaraane
Haddaan moosku soo dumin guryaha daad ma soo galoe
Duddadaan adkayn cadawgu waa soo durrinayaaye
Dablaydiyo korjooguhu ilaa u debedda gaafmeero
Dalka niman u dhaarsani illaa ay diirad ku ilayso
oo nabaddu waa noo dugsiye ay didmada goyso
Jeeroo Dastuur lagu dhaqmiyo Dawlad la abuuro
Jeeroo dar adag loo xidhoo duunyo ku aroorto
Illaa maaxda loo daadegoo Dawlis lagu dhaansho
Jeeroo dalkeennii burburay dibu-habayn gaadho
Jeeroo Dariiqyada lafaha daadsan laga xaadho
Jeeroo Ducaa lagu hodmaa diinta lagu dhaato
Jeeroo Marraha lagu dejiyo dararta Yaasiinka
Waa degel Xaslehe meesha yaan laysku dubuq siinne
Denbi iyo fal baa lagu genbiyey daad-mareennada'e
Dameeraaba lagu gawriciyo Deero iyo Xuure
Dabinnaa ku xidhan Yuusufoow labada daamoode
Jeeroo Habaarrada ku dedan debedda loo saaro
Jeeroo doc roon loo xuliyo culimo daaweysa
Jeeroo wadaad doobir lihi Duhur ka eedaamo
Waa degel Xaslehe meesha yaan laysku dubuq siinne
Afartaa dareershay ee waxaan dibugu luuqeeyey
Ka soo doogney diif iyo cadhiyo digasho reeroode
Dugsi caydh ah dhawrkii sanee lagu dabayl rooray
Diiftii Ilaah nooga ray dakharadeediiye
Waxa Duumadii noo beddelay doogsin caano lehe
Dabayl Caafimaad iyo Xorriyad loo durbaan tumaye
Waakaa dadkii soo hormaday doobadka ahaaye
Danabbaa u kacay guushu waa lagama daalaane
Haddaan loo dagaallamin xorriyad lama dabbaasheene
Daandaansigii Faqash raggii diidey ka adkaaye
Nimankii is damalloolin jirey dacar la leefsiiye
Derejooyin been ah yaa garbaha loogu daabacaye
Diidiga markii laysla galay Daab ma soo roganne
Kuwii Shaarubaha duubi jirey daadshe qalabkiiye
Digtii horeba waatay baqaha docaha jiidheene
Odaygii dalqada weyn lahaa derejadii xoorye
Daandaan Tumaalkii markii laysu daadsadaye
Wax la yidhi ma daaficine wuu sii dabayshadaye
Laamuu ka degey baa la yidhi Doon intuu koray'e
Isagiyo Dafleba meesha way dacal banneeyeene
Dabatadiyo ways kaashadeen nimanki Daaroode
Degdeg bay dhulkii uga baxeen duhur dharaareede
Alla doori waa waxan lahayn dir ay ku dhaataane
Dad hadday yihiin sida Riyaha looma didiyeene
Dalan-doolki Nayroobi bay dalaq yidhaahdeene
Dal la'aani waw kow dhul ay dib ugu laabtaane
Debedaha ha meereen illeen diide nabaddiiye
isma doorin
Dib U laabo
Axmed Ismail Dirie "Qaasim",
Waa gabaygii Abwaanku tirshay 1964kii, xilligii
dawladihii rayidku jireen ee waxqabad xumada
lagu dhaliili jiray xukuumadahaas.
Waa gabay aad u wanaagsan oo uu ku jiro
halqabsigii caanka ahaa ee bulshada soomaalida
wada gaadhay :
Isma doorin gaalkaan diriyo, daarta kii galayee .
Aniga oo ka taxadiraaya inaan soo gudbiyo meerisyo madmadaw igaga
jiro ayaa waxaan dhaafay tuducyadii aan fahmi waayay markii aan
qoraayay gabayga sababtuna waxay ahayd cajaladdii aan gabayga ka
qoray ayaan codkeedu saafi ahayn, sidaa darteed - sida gabaygaba
ka muuqata tuducyada maqan ee aan ku dhigay halkoodii (......)
- waxaa loo baahan yahay haday jirto cid haysa inta dhiman iyo
waliba sababtii gabayga loo tirshay inay soo gudbiso si loo
dhamaystiro.
Gabaygu wuxuu ku bilaabmay :
Dayaxaa laka boobay, iyo dirirkii cawleedee,
Xiddigtii dagaariyo la dhaaf diillintii Guray'e
Dibbaa laxa loo eegayaa, sacana waa daaqee,
Duqii samada lagu sheegayiyo dide cirjiidhiiye
Dabaylaha ragbaa kala yaqaan dawga loo maro'e
Hadba waqalka dihin Ruushku waw-doogsin cararaaye
Daruuraha la weeraray nin ogi dib uga faallooye
Nin da'dii halkaas gaadhoo daalaybaan ahayee,
Ha yeeshee dirkeedu ha da'ee, doqoni waa moogee,
Daab godina sooma jarin wiilashaan diraye
Halka dunida lagu geeddi yahay dayiba maayaanee,
Ma daadihin rashiid, maatadaan daad guree idhiyee,
Umaddii daryeel wali helin daacada ahaydee,
Sidii bay u dooyaysan tahay damashii weynaydee,
Sidii bay duleedada dhar li;i ugu dab jeexaannee,
Sidii baa dudada aar dhiciyo dacaw u joogaayee,
Sidii baa dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha,e,
sidii baa docuhu aqaladu uga daloolaannee,
Sidii baa darroorimada iyo daad u gelayaayee,
Sidii bay degmadu ceelashii ugu dar leeftaayee,
Sidii ducaalow biyaha loo dawariyaayee,
Sidii bay daba-goobsi u tahay haradii doolloodee,
Oo ay waliba dibin daabyo iyo diriri joogtaayee,
Waakaa dareersaday xamar dayr cadkii dhalayee,
Dambi ku hadli maayee ma arag dawladaan rabayee,
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galayee,
Dusha midabka soomaalibaad dugulka moodaayee,
Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal'e
Meeshaan dad aan ururshiyo darar ka eegaynay,
Iyaba waa darxumo ii hadhayee dacaro miyaan leefay,
Ma darraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay,
Sidii aan dayaysnahay miyaan dawga ka habaabay,
Waxba hadalku yuu ila durkinee waxaan kusoo duubay,
mar uunbuu daf soo odhan nafsigii diinku soo jiidayee,
mar uunbay daruur caafimaad dooxa soo rogiyee,
Dirrigaa abaarta ah marbaa doog kasoo bixiyee,
Dibjirkiyo marbay reer miyigu daasadaha qubiyee,
Mar uunbuu digiigixan raggii daallanaan jirayee,
Mar uunbuu dagoobka iska rogi doob la quudhsadayee,
Oo dalaan dambeedkiyo dhibtiyo diidi keenada'e ,
Dibnihii shakaalnaa marbaa dooda loo furiyee,
Markaasaa la daydayan xaqii naga dahsoonnaayee,
Soo Dire: Axmediid
Dhamaystirkii: Fu,aad -Bahda Mareegta Farshaxan-
Almadar
Dib U laabo
Axmed Ismail Dirie "Qaasim",
Hayeeshee maansadan hoos ku qoran ayuu curiyey 1957kii.
Xilligaasi oo ahayd xilligii uu socday halgankii
gobonnimadoonku.
Isaga oo haddaba la hadlayaa dhallintii ay isku faca
ahaayeen kuna canaanaya iney kaalintoodii gabeen
waxa uu yidhi:
Nimankii Almadar een lahaa odayaday dhaami
Isticmaarka nimankaan lahaa udubbaday saari
Ingiriiska nimankaan lahaa orodba way dhaafin
Iyaga isnoolayn kuwaan u asaraaraayey
Dhulka ololey uubaha la qoday uunka kala guurey
Ololaha colaaddiyo geyiga uuda demiweydey
Ummulaha la dooxiyo raqdaa haad ku wiirshiyey
Riyahaa ee’day idaha la qalay geela la af-duubay
Sengaa orod daraaddii dhexdu udub ka dhuubnaatay
Ummaddaa xumaataan lahaa haw arrimiyeene
Ula jeeddadoodaan arkay oo aayatiin malahe
Awr heeryadii cunaba waa lagu ogaadaaye
Imminkay af-kor utaagayaan edebla’aaneede
Imminkay Allow leeyihiin gaal isu egeyne
Isma eegto naag xumi halkay iin ku leedahaye
Ma laase waa ismoogyihiin iney obocdu hoostaalle!
Allow-60kii
Dib U laabo
Axmed Ismail Dirie "Qaasim",
Axmed Ismaaciil diiriye, Eebbe haw naxariistee,
Cadan buu joogey kolkii Calanka laga taagay magaalada
Hargeysa.
Dad badan oo debedaha joogay oo imankariwaayeyna
halkoodii ayey ku xuseen kuna dabbaaldegeen.
Marxuunka oo isagu dadkaasi ka mid ahaa si gaar
ah ayuu u xusay. Mar la weydiiyey wuxuu ka odhan
lahaa arrintaana wuxuu yidhi:
Allow yaa Darwiishkii farriin debecsan gaadhsiiya
Allow yaa dadkaagii yidhaa dawladnimo qaaday
Allow yaa dabbaaldegiyo farax kala dul eedaama
Fardaha yaa dirkii dhooddi meer doona faracdiisa
Allow yaa darmaan farataqaan duqa u kooreeya
Allow yaa duleeddada Taleex uga dammaashaada
Dhaaxuu ku daakiray xaqoo naga dahsoonaaye
Ha daawado dadkow hiiliyo doogga soobbaxaye
Allow yaa dalluuntiyo qabriga dib uga soo saara
In dariiqadi nooshahay ooy dunida soo gaadhey
Oo dabkuu shiday rag kale dogobbo sii saaray
Allow yaa af lama daaliyee daacad ugu sheega!
Hashii-60kii
Dib U laabo
Axmed Ismail Dirie "Qaasim",
Wax yar kolkii gobannimada la haystay Marxuunku wuxu
saluugay sida ay wax u wadaan raggii maamulka la
wareegey. Waxaanu curiyey maansadan soo socota:
Ayaantaan dhashiyo maanta oon uurka ka cirroobey
Hashii aan intaa iyo intaa oon la daba joogey
Hashii aan aroorida cidlada ah kula ugaadhoobay
Hashii markuu adhigu jabay araxdanaw quutay
Hashii aan Amxaarka iyo Kufriga ugu unuun gooyey
Ayaantay hallawdaba hashaan daba adeegaayey
Irmaanaatay Maandeeqe waa ibo kureyseene
Innamada dhowaan ii kacaw weydin eersadaye
Carrabkiisu ruuxuu xunyahay aayatiin malahe
Namaydaan abaal marinne waana ambinaysaane
Afarteeda naas baan lahaa ubadka deeqsiiye
Ma afurin agoontii waddiyo kii ushow sidaye
NFD dhankeedaan lahaa u amar-ku-taagleeye
Arddisababa gee baan lahaa ayda doogga lehe
Iliilaha Jabbuutaan lahaa aayar soo mariye
Ood dheer ka saar baan lahaa aarka soo dhiciye
Ilaa ururka dayrtaan lahaa awrka haw tu’inne
Iimay ha daaqdaan lahaa adhaxda jiilaale
Iilkii Darwiishkaan lahaa udubka gaadhsiiye
Axan Sheekh Bashiir baan lahaa aarla’aan dhimaye
Ammuurahan isdhaafaan lahaa aakhirow tebiye
Axmed Gurey u sheeg baan lahaa iilka wuu qabanne
Oomaar dul gee baan lahaa uubti loo qodaye
Umalkeeda Maxammuud Xarbaan ka ag dhaqaaqeene
Nimanse aabbihii maali jirin looma aammine e
Waa taa abaar iyo dhulbaas u ambaqaaddeene
Ololkeedu waa iibbaxaa oogta waabberiye
Oon iyo harraad waa waxay la alwanaysaaye
Ergin iyo aroor qocondhalay adhi la daaqdaaye
Waataa ilmaha loogu xidhay geed adaahiye e
Goortaan hadhuubkow aslaa ula qalwayseene
Waxba arartu yey ila sii durkine waxan ku soo ooday
Ololii maruun baa la shidi kii arbacadiiye
Markaasaa rag iimaan qaba la egmandoonaaye
Aagaan ka buuxsadadhowaan ma arkidoontaane!
Sanyare
Dib U laabo
Axmed Ismail Dirie "Qaasim",
Axmed Ismaaciil Diiriye wuxu ahaa nin qoloqolaysiga neceb.
Waxaanu u arkayey inaan meel lagu gaadhahayn. Doorashooyinkii
dalka ka dhicijirey buu nin ay walaal yihiin oo lagu naanayso
Sanyare ku biiray ururkii leegada (SYL) isaga oo u arkayey inuu
walaalkii ururka qolo ahaan ugu biiray si uu u taageero Xaaji
Ibraahin Cismaan Food (Basbaas) oo ka sharraxnaa ururka. Isaga
oo haddaba la hadlaya Sanyare waxa uu yidhi:
Sanyarow dharkayn lama cuno iyo midho dhunkaaleede
Dhandhamooyin badan baa jiroo aad ku dhimataaye
Dhereg ma laha dhuuniga xuneen cunaha dhaafeyne
Hal libaax dharqaday uu jidhiyo dhiigba ka idleeyey
Haw dhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eersadaye
Dhagar aanad gelin Aw Basbaas* yuu ku dhaxalsiinne
Dhexda yaanu maro kuugu xidhin dhiig tif leeyahay
Dhulka niman samaantiisa wadin yaan lagaa dhigine
Dhiinraac ha noqon adigoo dhawr gu’ soo jiraye
Dhalanteed xareed waw egyahaydheehashada guude
Dhegley lagama soo daro oowaa dhamac Kaliileede
Adiguna dhabada weecsinta ah dhaanka haw rarine!
Mugdi-64kii
Dib U laabo
Axmed Ismail Dirie "Qaasim",
Gabaygaa Qaasim wuxuu tiriyey 1984. Waxaad u
fiirsataa farxaddii 1960 ee uu ku farxay calankii
ugu horreeyey ee dhul soomaaliyeed laga taago
iyo dareenka maansada Hargeysa oo uu tiriyey
24 sannadood ka dib.
Labada maansoba waxay taabanayaan dareenkii
markaa jiray. Kamuu gabban ee wuu toogtay labada
jeerba. Maansada "Mugdi" oo uu abwaanku tiriyey
1964-kii bal aynu eegno dareenkii xilligaa
jirayiyosida uu uga hadlayo.
Farshaxannimada heerka sare ah ee uu abwaanku
adeegsaday bal si dhugmo leh u eeg oo dhuux
qaabka uu u sawirayo iyo dareenka uu gudbinayo.
Tusaalayaasha uu soo qaadanayo ayaa ah kuwo
inoo caddaynaya miisaanka gabayga iyo macnaha
uu xanbaarsanyahay.
Mugdibaan ka gacan haadiyaa Maxamed Kaydoowe
Geelbaan maqaarkaw sidaa midi ka dhiiqayne
Soomaali midab doorsantay-baan meeday leeyahaye
Murti samada lagu laalaybaan muhindisaayaaye
Dad musbaar dhegaha kaga jiraan maqal ka tuugaaye
Mawdkii adoogay dilay-baan meel dhow ka arkaaye
Mindidii boqnaha iga jartaa madaxa ii taale
Noloshuba macaan maleh haddanad magac ka reebayne.
Dayaxa-64kii
Dib U laabo
Axmed Ismail Dirie "Qaasim",
Waxaan ugu horraysiinayaa maanso la magacbaxday
"Xiddigtii dagaari" oo uu abwaanku tiriyey 1964kii.
Wuxuu ku bilaabayaa sharraxaad uu ka bixinayo
sida adduunku u hore-maray, halka la higsanayo,
dedaalka loogu jiro in dayaxa la tago iyo
guud ahaan aqoontu halka ay marayso.
Wuxuuna yidhi: Ilahay ha u naxariistee
Dayaxaa la kala boobayaa iyo dirirkii cawleede
Xiddigtii dagaariyo la dhaaf diillintii Guray'e
Dibbaa laxaha loo eegayaa sacana waa daafe
Duqii samada lagu sheegayiyo dide cirjiidhiiye
Dabaylaha ragbaa kala yaqaan dawga loo maro'e
Hadba waqalka dihin Ruushku waw-doogsin cararaaye
Daruuraha la weeraray nin ogi dib uga faallooye
Nin da'dii halkaa gaadhay oo daallanbaan ahaye
Hayeeshee dabkeedu ha ba'ee doqoni waa mooge
Daab godina sooma jarin wiilashaan diraye
Halka dunida lagu geeddi yahay deyiba maayaane
Umaddii daryeel weli mahelin daacadda ahaaye
Sidii bay u dooyeysantahay damashii weyneyde
Sidii bay duleedada dharli'i ugu dabjeexaane
Sidii baa du'dada aar dhiciyo dacaw u joogaaye
Sidii baa dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha'e
Sidii bay docu aqalladii uga daloolaane
Sidii baa darroorimada iyo daad u gelayaaye
Sidii baa degmadu ceelashii ugu darleeftaaye
Sidii baa ducaaloow! biyaha loo dawariyaaye
Sidii bay u daba goosi tahay haradii Dooloode
Oo weliba dibindaabyo-iyo diriri joogtaaye
Waakaa dareersaday Axmaar dayr cadkii dhalaye
Danbi ku hadli maayo'e ma'arag dawladdaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka soomaalibaad dugulka mooddaaye
Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal'e
Meeshaan dad aan urursho iyo darar ka eegaayey
Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacar miyaan leefay
Ma dorraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay
Sidii aan deyeysanahay miyaan dawgii ka habaabay
Waxba hadalku yuu iladurkine waxan ku soo duubay
Mar uunbuu dafsoo odhan nabsigii diinku soo sidaye
Mar uunbay daruur caafimaad dooxa soo rogiye
Dirridaa abaarta ah marbaa doog kasoo bixiye
Dibjirkiyo reer miyigu marbay daasadaa qubiye
Mar uunbuu digiigixan raggii daalanaan jiraye
Dibnihii shakaallaa marbaa dooda loo furiye
Markaasaa la daydayan xaqii naga dahsoonaaye.
Gobaad-64kii
Dib U laabo
Axmed Ismail Dirie "Qaasim",
Hadii ay dhalliil tahay, haddii ay wax-sheegtahay
iyo inaan la quusan. Waxaan ku soo afmeerayaa milicsigii
maansooyinka Abwaan Qaasim Gabaygan hoosta ku qoran oo
uu abwaanku curiyey 1960kii, waana maanso la
magacbaxday "Gobaad".
Hashaan gaaxinayaan lahaa gorofka way buuxin
Geyaxa hashaan kaga xidhxidhay gabantii nuugaysay
Geedkii magoolaba hashaan uga garaacaayey
Gaaroodi iyo Hawd hashii laba gardaaqaysay
Wax-layidhi haddaa goodirkii lagu gabraartaaye
Waxla yidhi golbaa lagu dabraa geed-waraabe leh'e
Wax-layidhi gujaa lagu lisaa labada gooroode
Wax-la yidhi gal daayeer cabbaa habari geysaaye
Golqaniinna waa loogu daraa yaanay gaagixine
Wax-layidhi gomode naasihii giigsanaan jiraye
Gobaad waxay la daaqdaa sagaal goroyocaw-loode
Googooye! iyo wiil xunbaa gaawahaw sido'e
Wallee ama gumooboo sidaa layga gallad haysay
Walle ama rag ways gaadayaa gacan ku ciil beelay.
Cirsan ka yeedh-69kii
Dib U laabo
Axmed Ismail Dirie "Qaasim",
Cirsan-ka-yeedh, 1969
Axmed Ismail Dirie "Qaasim".
Waa gabay abwaanku ku sifaynayo sidii loo dhibsaday maamulkii
Waagaas jirey Isagoo saadaalinaya isbeddel inuu dhici doono.
Isbeddelkaasi waakii dhacay Hayeeshee ma noqon mid lagu caano
maalo oo waatii Caada-qaatayaal caynaanka dalka boobeen.
Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe
xidigahan casaadiyodayaxancaadka lagu meershey
Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede
Cilmi Felegga way garan raggii Caalimka ahaaye
Anigaase Moorada cakiran kuu caddayn kara''e
Cirsan-ka-yeedhkii maantana warbuu sheegay Caliyo''e
Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye
Carruuraha la dhacay Awliyada laga cadhaysiiyey
Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye
Caawaa la kala soocayaa Caabud iyo Gaal''e
Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne
Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne
Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye
Inay Curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye
Ceeryaamo Subaxeed nin nool curadka roob moodye
Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide
Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin''e
Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye
Naxariis-69kii
Dib U laabo
Axmed Ismail Dirie "Qaasim",
Naxariis, 1969
Axmed Ismail Dirie "Qaasim"
Waxa abwaanku tixdan tirshey waagii Aadan Cadde dhacay
ee Cabdirashiid iyo Ina Cigaal la doortay.
Niyad baan u ledayaa hurdada naasir Naxaroow''e
Nabdigaan ka soo jeedi jirey noogayoo dhacaye
Nasashada darteed baad indhaha Nadarka yaabtaaye
Naxligii Caloosha iyo bogsade nabarradeediiye
Naxariistu waa naca kufriga nidar galkeediiye
Neecaw qaboow iyo dabayl naafaclaa timiye
Nabad iyo Naq roob baa beddelay Nayla-Jaliyiiye
Nacabkii Ilaah naga kaxee naaqiska ahaaye
Nasiib baannu leenahay haddaan Aadan soo noqonne
Niidii xareedbaa ka timid Naannida ahayde
Nuuxnuuxsigii Ina Catoosh nugul ka soo doogye
Nataaqadi na gaadhiyo lugtii nalaga naafeeyey
Waxa Nacalla-qabihii na baday waa ka noollahaye
Nabsigii wax badan loo dhursugay nacasti soo gaadhye
Nooleba mar uun buu samaha Nacam yidhaahdaaye
Noolaatay yidi-diiladii Naxashka saarrayde
Mar haddii ninkii geyey kursiga nabadgelyuu fuulay
Nimcadiyo sow mahad-naq uun lagu negaan maayo
Dabin-1991kii
Dib U laabo
Axmed Ismail Dirie "Qaasim",
Dabin
Axmed Ismail Dirie "Qaasim"
Dabin, 1991.
abwaanku lahaa 1990kii.
Saddex-Magac-Alle inaan dib loo murugsanaanayne
Markhaataan ka dhigayaa tixaha marag ha loo yeelo
Muranbaaba laysugu dhintee maanso iga reeba
Sidii bay noqotay waatii dabayl caafimaad
maanshaysay dadqalnimadii faqashta.
In dagaal dhammaadaa qofkii doqoni moodaaye
Nin da''weyni waa garanqabyada diillimaa hadhaye
Hadduunbaa digtoonoow horliyo hawl la dawdabaye
Debci yaan la odhan Ciidankay luguhu daaleene
Degta Qoriga saarani inuu dego ka xaaraane
Haddaan moosku soo dumin guryaha daad ma soo galoe
Duddadaan adkayn cadawgu waa soo durrinayaaye
Dablaydiyo korjooguhu ilaa u debedda gaafmeero
Dalka niman u dhaarsani illaa ay diirad ku ilayso
oo nabaddu waa noo dugsiye ay didmada goyso
Jeeroo Dastuur lagu dhaqmiyo Dawlad la abuuro
Jeeroo dar adag loo xidhoo duunyo ku aroorto
Illaa maaxda loo daadegoo Dawlis lagu dhaansho
Jeeroo dalkeennii burburay dibu-habayn gaadho
Jeeroo Dariiqyada lafaha daadsan laga xaadho
Jeeroo Ducaa lagu hodmaa diinta lagu dhaato
Jeeroo Marraha lagu dejiyo dararta Yaasiinka
Waa degel Xaslehe meesha yaan laysku dubuq siinne
Denbi iyo fal baa lagu genbiyey daad-mareennada''e
Dameeraaba lagu gawriciyo Deero iyo Xuure
Dabinnaa ku xidhan Yuusufoow labada daamoode
Jeeroo Habaarrada ku dedan debedda loo saaro
Jeeroo doc roon loo xuliyo culimo daaweysa
Jeeroo wadaad doobir lihi Duhur ka eedaamo
Waa degel Xaslehe meesha yaan laysku dubuq siinne
Afartaa dareershay ee waxaan dibugu luuqeeyey
Ka soo doogney diif iyo cadhiyo digasho reeroode
Dugsi caydh ah dhawrkii sanee lagu dabayl rooray
Diiftii Ilaah nooga ray dakharadeediiye
Waxa Duumadii noo beddelay doogsin caano lehe
Dabayl Caafimaad iyo Xorriyad loo durbaan tumaye
Waakaa dadkii soo hormaday doobadka ahaaye
Danabbaa u kacay guushu waa lagama daalaane
Haddaan loo dagaallamin xorriyad lama dabbaasheene
Daandaansigii Faqash raggii diidey ka adkaaye
Nimankii is damalloolin jirey dacar la leefsiiye
Derejooyin been ah yaa garbaha loogu daabacaye
Diidiga markii laysla galay Daab ma soo roganne
Kuwii Shaarubaha duubi jirey daadshe qalabkiiye
Digtii horeba waatay baqaha docaha jiidheene
Odaygii dalqada weyn lahaa derejadii xoorye
Daandaan Tumaalkii markii laysu daadsadaye
Wax la yidhi ma daaficine wuu sii dabayshadaye
Laamuu ka degey baa la yidhi Doon intuu koray''e
Isagiyo Dafleba meesha way dacal banneeyeene
Degdeg bay dhulkii uga baxeen duhur dharaareede
Alla doori waa waxan lahayn dir ay ku dhaataane
Dad hadday yihiin sida Riyaha looma didiyeene
Dalan-doolki Nayroobi bay dalaq yidhaahdeene
Dal la''aaniwaw kowdhul ay dib ugu laabtaane
Debedaha ha meereen illeen diide nabaddiiye
Soo Socda
Dib U laabo
Axmed Ismail Dirie "Qaasim",
Dib U laabo
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Xigasho: Mareegta Kaydka Suugaanta
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.
|