1. Haadaaqsi Gabay waaya dheer haansa ma lahayne
2. Hiirtaanyo godobtaan ku nacay hibashadiisiiye
3. Hawaala warran mooyee si kale wawga haayiraye
4. Goortaan hammiga gaabsadaa layla hiishadaye
5. Hadba nin igu haansaday anaw hela jawaabtiise
6. Dhaaxaan mid hanaqaad is biday so hoggaan baraye
7. tixdaan hidiyo haaneedsigaan hoodo ku lahaaye
8. hal abuurka layguma higsado soo hadaaf baxay
9. Hooyaalayntaan kaga badshaa haybad iyo luuqe
10. Haasaasahaa laga gartaa hagar la'aaneede
11. mar haddaan hullaabta iska rogo soo hankaabsadaye
12. An hawadiyo hoosada Burciyo Herer ka geeyeene
13. Kuma hiilo heeliga fulaa la handabeeyaaye
14. anse wacan haagaag uga marshaa heel la ii wacaye
15. Inaan oday hangaafa ah noqdiyo haydhaf la i moodye
16. Hig ma siiyey hawraarta way kala halleeyaane
17. Heeraabta ma u dhigay intaan heesna daba joojey
18. maansaba hogbay leedahee meel ma ka habawshey
19. Afartaa intaan ha'da ka deyey hilin ma qaadsiiyey
20. Caawana hiyiba waa hiyee hadal kalaan baan baanay
21. Halaq didaya waw halis nimuu boqon haleelaaye
22. Waabeeyo lama hoorsan karo huurtayoo kariye
23. wiyil lama hunjaalliyo adoon hootanuu sidane
24. Laga haarri hooriga libaax soo hamaansadaye
25. Nimanbaa maroodiga hunduda haamahuu sidae
26. Hayinnimo markii lagu arkay haragga saareene
27. Hoobaaq mid waw qodi jirey ee heegadiyo roobka
28. Baddoo huguntay hoohiga sabaac ee lagu halaagmaayo
29. Bal maan hakiyo hir u laacaybaan ku hafin doonaaye
30. Caloow laguma helo geel sidaad u handanaysaane
31. Qabiila hindiyi maalinbay ka hinjisaa duule
32. Idinka hoortay meel uun haddaa hollin lahaydeene
33. Hadhuudh daatay idinkaa ka qaday haqab la'aaneede
34. Damal Haajihii laga hirqaday ways hunda ogeyne
35. Waatii lagaa hiray adoo qaba hammuuntiiye
36. Huwan maraga waatay ahayd hadhaci waabnaaye
37. Hadiyad miyaw bixiseen naftuunbaa hamadiseene
38. Nin sagaaro heetaynayoo haaban kari waayey
39. Oo aan hunguri waa shiddee hed uga yaabaynin
40. Haawaydu kama maaranteen heejigaa dhalaye
41. Haleelada ma daayeen nin cunay hilib ugaareede
42. Haaraanka iyo faanka wayska hidda raacdeene
43. Rag haddaad u haysiyo barbaar halabsatoo fuusha
44. Mar uunbaad u heensayn lahayd hawlyaraan subaxe
45. Heegaale kama qayliseen hoga kaliileede
46. Goortaan hadhkaba kaa eryaad hawd u cararteene
47. Waa kaa hubkii sida raggii wada hareednaaye
48. Habarwaana waa kaa hingilan labadii haamoode
49. Shirsooruhuba hoy maleh kuwaad hilib wadaagtaane
50. Waa kaa hayaankii ku dhacay Hoobayiyo xeebe
51. Ararsame ma haybsado nugaal hogashadii ceele
52. Hanas iyo abaar kulu adoo habaqle soo guurey
53. Caynaba hadhuub kama dartaan hoga kaliileede
54. Ka hulleele Hagar aadankii hoobalayn jiraye
55. Aduunbaa hayaayda u guntane heeryo lagu saarye
56. Afartaa ha'da intaan ka deyey hilin ma qaadsiiyey
57. Caawana hiyiba waa hiyi ee hadal kalaan baanay
58. Habar Yoonis waataa hantiday haradi ciideede
59. Iminkay hundiyo reer fureen harawidii faafe
60. intay hootadii garab dhigeen himidhna loo geeye
61. Ku hinjiye colkay humin jireen caliyo haaruune
62. Wax Ammaadin webigaw hirdiyey harabku waa khoofe
63. Huurkii shabeelluu galee hure banaaankiiye
64. Huubhuubsigii lagu idlee hurinti Jeeraare
65. Nimankiihawada weyn lahaa haatan lagu leefye
66. Ka hidiidnay hodankii barqiyo hibadi ceel Fuude
67. Hayruufka Dalal bawga dhiman hegerbi Daaroode
68. Maantana hablaha loo dhisay ku hamranaayaane
69. Haydaaro cadaw looma tudho heermay boqontiiye
70. Ma hanbayne Dunidii hantiye taniyo Hiiraane
71. Aduunbaa hinaayiyo u jilan haawis iyo ceebe
72. Haadaa qabiiliga Isaaq hibo ilaah siiye
73. Aniguna halkaad degi jirtaan ka hawisaayaaye
74. Hadba waxa ku soo gocan sidaan kuu harraatiyaye
75. Hibashada xun waa lagu yaqaan Habar Xabusheede
76. Waataad haween nagu xustee haad ma ku cunsiiyey
77. Dabadeedna hoog iyo hungiyo ciil ma la huleeshay
78. Tolkaabaa horweyn ku habbanoo haanka loo tolaye
79. Waataa hareertaada bari looga hoy dhigaye
80. Wax hortiina lagu maalayaa kii Hagoogane'e
81. Humbanidan Ogaadeen intaad soo hirgelinaysid
82. Habqankii firxaday Gorord Xirsaa caydh hadaadumaye
83. Iyagaa hiraabtiyo kallaha hiirta waaberiye
84. Haddaad ficil hinaasiday asaad hiilin kari weydey
85. Ma afkaad ku hawl bixi cidlaad ka hanajabaysaaye
86. Afartaa ha'da intaan ka deyey hilin ma qaadsiiyey
87. Caawana hiyiba waa hiyi ee hadal kalaan baanay
89. Inkastoo habkay gobi lahayd iyo hadiyad loo doonto
90. huunbaaqsigu uma ekeeyn Habar Majeerteene
91. Hubsa dhaha Hartigu waa og yahay haarihii Muduge
92. Hiinraaca waa lagu yaqaan hiida doqoneede
93. Hebednimada qaarkeed aday kuu hednoqotaaye
94. Bal inuu hanfade waalan yahay habi la'aantiisa
95. Hadmuu ku hirtey Cali Yuusufkuu humay colaadiisa
96. Ninna haybta kuma raaci karo hooyo aan dhaline
97. Hogagelise cadawgaa bahdiin u handanayseene
98. Imikaad la wada huudanteen hohiyo waydiiye
99. Habaarkii la hele reer Taleex hiifki loo qabaye
100. ku habli'idin hebel toogadaad dad u heshiiseene
101. Waa taa shisheeyuhu hantiyey ma hurtadiiniiye
102. nabsaa ku haya hagardaamo gacal hadimadeediiye
103. Inkastuu higaad qabo haddaan anigu soo haabto
104. Waxaw halisa badaw hayjad galay inuu habaabaye
105. Xaajada badhbaa la hojiyaa huga la saaraaye
106. Haasaawuhu uma ekeyne wuu hadadafaayaaye
107. hulaxumada uunkoo hurduu col u horseedaaye
108. hoosiisku waa qaadi jirey belo hugmaysaaye
109. Waa kaa hilaacii u baxay haatufka ahaaye
110. Kol uunbuu hilawluhu u tumay heello iyo jiibe
111. Dadka kale tashiga waa hojaa kay hadhaw noqone
112. Waxaanu hubsan reer Cali Geraw haa dhawaan jiraye
113. Waa wuxuu wadaadkii ku hodey habar Saleebaane
114. Ayagaa hoggaanka u ahaa hororki waagiiye
115. Halligaa markaad sheegateed hulakadaynaysey
116. Waa taa bah Geri huudiddeen hanadadoodiiye
117. Kuwi Boqorka hadateediyee hiijiyaad tahay
118. Haarti aa badeen baa khaligu hiifayaa welie
119. Maantana hannaankaad waddaa waa halkii abide
120. Dabkaad hurin habeen iyo dharaar halacyadaad oogi
121. Halna kuma xereyside dadkaad ku hawaraysaaye
122. Aduunbaase hor Eebbiyo la tegi halaci naareede
123. Iska hadhaye aakhiroba waa lama huraankiiye
Khaatumo
Dib U laabo
Gabaygan inta koobani naga soo gaadhay waxa
Salaan u tiriyey nin ay ilmaadeer ahaayeen oo Xirsi Maxamed la odhan jirey.
Xirsi wuxu Salaan ka codsatay bal inuu gabayadiisii u mariyo. Salaan oo da'diisu
aad u weynaatay Eebbena cimriga u siyaadiyey wuxu Xirsi xasuusinayaa Xaalka
Qiyaame. Wuxu Salaan sheegayaa sida uu adduunka uga xiiso dhigay ee uu aakharo
iyo Alla ka cabsi ugu go'ay.
Xirsiyoow xarragadeedba dhigay xiiso duniyeede
Is xasuus-shey aakharo haddaan xay markaa ahaye
Xaqu nimuu sugaayaan ahay oon qodan xabaashiiye
Waxay Laxiba Xaw-xaadhataa xerada meesheede
Denbigaan xanbaarsanay sidii xaabadiyo cawska
jeeroon Xublada foosha rido xamilka guudkayga
Nin adduunba xaradhaamadii xooray baan
ahaye
Intaanse Mawdku igu xaadir noqon waa xukmi Ilaahe
Xusnul-Khaatumo iyo Toobadaan ku xarbiyaayaaye
Werdigaan xisaabsanahayaa xay intaan ahaye
Naartii Rabboow naga xoree waan xajiyayaaye
Lukaansi
Dib U laabo
Gabaygan Salaan Carrebey wuxuu u tiriyey markii uu ka war helay nin seedigii
ah in uu soo socdo yaradna ka doonayo salaan oo markaa aad u da' weynaaday.
xoola yaraana tabanaya, yaradna aan ugu talo galin in uu bixiyo ayaa gabaygan
ka seedigii uga xaal warama in aan halkan uu joogo Salaan aan wax aad keento
mooyee waxba kala tegayne haddii aad wax soo wadana noo kaalay haddi aad wax
naga doonaysana iska joog haygu soo lu go'in' e. Wuxuuna yidhi:
1. Lukaansi gabay Faaraxaw laaqin ma lahayne
2. Laflafkiyo lahwiga loo tirshiyo jaray lurkiisiiye
3. La'da xarafka laanka iyo ba'daan loyar ku ahaaye
4. Nin awawgii loox ugu dhigoo liilgashaan ahaye
5. Legjar Faranji niman baa akhriya laawis iyo beene
6. Oo waliba laasima intay lib isku moodaane
7. Ase waxan u laaqimahayaa tix ay ku luuqshaane
8. Mar haduu Lilaahida ka baxo waa lisaan jabane
9. Nin labaatan buuxsaday aduun waa lagdamayaane
10. Hadaan anigu loofari aqiin haatan loowlabaye
11. Nin ciradu lamaanaha dhigtoo oo laylyamaan ahaye
12. Lixdan laba iyo toban baan dul maray waana la hubaaye
13. Lafta dhabarka lixaadka i debciyo laafyihii gacanta
14. Lubbigaygu leyl xalay ma ladin laadadyiyo taahe
15. Waataa lanleemada indhaha araggu liitaaye
16. Liiqliiqad baan ahay sidii lulo dabayleede
17. Ma laxiibto geelaba hashii lahantay jiilaale
18. Ku laabudan shisheeye ninkii Laxawsi moodaaye
20. Hadba waxan lacaab riday ragbaa laastay yaradkiiye
21. liibaan Dhulmahantayga helay laalluf-se i moodye
22. Xaqaygaan ku laacibay haday igu lihiimeene
23. Sidaan ugu lalabay waanigaa laayacays badaye
24. Nin laqwiyey tashigu waa ka lalay laguna leecaanye
25. Lammaanaan xadhigi loo tidcay lugi ka toogtaaye
26. Lufan baa ka hadha dawliskii liilsanaan jiraye
27. Hadaan luqunta beri taagi jiray liicday adhaxdiiye
28. Nin laboonti sheegtaba sabaan laarriyaa heliye
29. Xaajadan laciifka ah aday ku lid noqotaaye
30. La fil ma ahi laankiin danbaan duxi lillaynayne
32. Laqantooyo xidid kii horaan laabta ku hayaaye
33. Iminkaan ladhkii weli qabaa laqanyadeediiye
34. Nin yaraan ku loofaray wuxu lumiyay raacdeeye
35. Fardahaba libaadshaha iyo duntaa ladha abiidkoode
36. Rag laacdamaya lool iyo rogaal leexaday is goysay
37. Boodada ma laasimo darmaan leeddo fuulihiye
38. Laanjeertidaan qabo barbaar ladani waa mooge
39. Adigoo lamada awr leh wadin ama liggood keenin
40. Leegleegsadaha waan necbahay laanta dheer sida'e
41. Waar Seedaw haygu soo lug goin lahasho waa ceebe.
Mine
Dib U laabo
Gabaygan wuxu salaan tirshey mar nin ay ilmaadeer
ahaayeen laga dhacay gabadh. Salaan oo u guntadey ninkaas wuxu dareemay in
la hagraday oo Isaaq oo dhammi Burco kaga hiiliyey. Gabadhas waxa la Odhan
jirey Qarad Dirir oo uu inaadeerkii qabay balse uu ka qaaday Cawad Khuurshe
oo Muuse Carre ah. Salaan Carrabey wuxu damcay inuu Isaaq isku diro oo godobtii
qolaba qolada kale ka haysay uu iftiimiyo isagoo weliba u iilanaya dhanka
Garxajiska.
1. Dheeldheeltanbaa lagu galay ee dhederbi
reer Cawle
2. Waxba kagama dhiidhiyin reer Xirsigan dhelalow kacaye
3. Dhoollaha Bedeey kaga rideen dhagixi Beereede
4. Waa tii waraabuhu dharqaday dhinacyadiisiiye
5. Cabdi Qodaxna waa lagu dhugtamay suu
dhalool yahaye
6. Dhaayaha wejiga saanaddii dhab uga qiiqaysey
7. Hadba waxan la dheelimanayaa dhicitinkiisiiye
8. Haddaa Maxamed Dhuubsare u koray dhagarti
saarrayde
9. Colujoogna Dhay iyo Karuur kala dhex-joogaaye
10. Wallee gacanta looguma dhaqsado dheehay aadmiguye
11. Nabsi laga dhursugo kii horuu dhawrayaa
Arab'e
12. Isagaan dhib qabin Aadan bay wax u dhawaaqeene
13. Dhadhabkaa hurdada kuu warrama dhaasasiyo beene
14. Dhalanteedka waakii la kacay dhuga-la'aaneede
15. Dhabtuu Nabadshe Waranka ugu ridey dhehay Aadmiguye?
16. Dhoodhootankii Celi Siciid dheelli amarkiiye
17. Nimanbaa dharruursaday wankii dhumucda weynaaye
18. Dhig ma jebinin Xaad muusihii dhirifka? waallaaye
19. Raggii Laanta-Dhaankaa la dhigay dhoofna
laga sheegye
20. Xasan Xaajigii dhaadan jirey Dhace colaaddiiye
21. Xirsi-Barigan dhaantaynayaa waa dhutinayaaye
22. La dhuyaalyey reer Weyd Siciid dhaawacuu
qabaye
23. Waa kaa dhabbiyo Ciil la tegey Dhimil? dushiisiiye
24. Hadduu dhulu-Qarridhay reer Siciid dhaafyey madhixiiye
25. Xasan Daahirkii lagu dhugtumay? dhabannahays
reebye
26. Ka dhag siiye cumar Daahirkii Dhaasiyee dilaye
27. Ku dhudhumiye reer Xaamudkii dhiigga fuuqsadaye
28. Raggii dhuubsan jirey eegganay kala
dhignaadeene
29. Ay weliba dhood iyo shiriyo dheeryihiin amare
30. Dhallaankooda hadhay jeer danbay dhaxal u reebeene
31. Iyagoon wax loo dhimin kuwii dhag iska
siinaayey
32. Dhullaxuba waxbuu kaariyaa dhawr cashoo idile
33. Dharaar keliya buu Reer Xuseen dhigay Sulaaxiiye
34. Kaftankii dhexgalay Ciidagale kala dhaleeceeye
35. Indha-Guba kuwii loo dhuray ee dhamamax loo diidey
36. Dhulka Eebbe leeyahay kuwii lagaga dhaarjiidey
37. Dhalinyaro colmoogaa tashiga laga dhammaasaaye
38. Ugu dhiije Reer Ciisihii soo dhalaashadaye
39. Dhegsiin buu ka helay Reer Gobdoon lamase
dhaadayne
40. Dhoobada Suldaankii la dhigay dhaymo lama siinne
41. Dhibtuu qabo hadday ugu dareen weliba dhiidhiiye
42. Wax libaaxu dhacadiidiyaa Gool u dhays
bidaye
43. Goortuu dhergaa buu dugaag ugu dhawaaqaaye
44. Ragbaa libinta maantuu dharqado dhaata abidkiise
45. Isagoo dhantacay Faarax Nuur dhuda ma luuqeeyey
46. Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha
dhaantaaye
47. Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin dhereggu xaaraane
48. Dhedigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele
49. Dhadhan malaha aadmigu wuxu kugu dhalliilaaye
50. Nin dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maalye
51. Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide
52. Ma dhurluminin Qaabiil markuu dhacayey
Haabiile
53. Dhiibaaji Dumar buu ka kacay dhiriftankoodiiye
54. Dheddigoodku aadmiga horay uga dhawaajeene
55. Cilmi dhuub shantuu dhalayba waa dhacanta
loo jiidye
56. Masii dhugan Bah Reer Cali Kobtay kaga dhaqaaqeene
57. Anuunbaa dhaxantu xalay iigu timi dhimirsigii ciile
58. Dhegxumada aniyo baa Masa ah Dheecdan
Reer Gude'e
59. Wallee ama Dhilfida laygu xidhay Dhoobo qolof saray
60. Wallee ama Dhulkaba waan ka tegi dhaaban magaciiye
Reer Maxamed
Dib U laabo
Ninka ABAAL-LAAWE la baxay ee Salaan
Adeerka u ahaa ayaa beri nin Dhulbahante ah si kama' ah (aan ula kac ahayn)
u diley. Nimankii Daarood waxay qabteen ninkaas iyo xoolihiisii. Salaan
ninkaas waa u guntadey sidii uu u furan lahaa.
Nin Cadaawe Muquunshoo
Magli loo rabinaayoo
Maxbuusoo ku xidhnaayoo
Maqan baannu ogeyne
Ayaa reer Maxamedaay
Meelidaanu? lisayneyn
In rag weerar ku miisayoo
Ka milaalay xeryaayoo
Maalayaanu ogeyne
Ayaa reer Maxamedaay
Maandhaafkii kal horeeto
Hadii aan ka- malyuun
Ama guuto milaalanoo
Maraakiibta sideeda
Madaafiic qallaqaysiyo
Mahiigaan la i siinnin
Madhabtaan ka dhashay
Makruub bay ku jirtaaye
Ayaa reer Maxamedaay
Maandhaafkii laba Faarax
Mawjaddii gudihiinna
Anba jeer an maleegtay
Waataan Ciidan malaykiyo
Macbuudkii Rabbigay iyo
Mursaliinta baryaayeyoo
Carrabkayga macaanbaa
Laga yeelay Maqbuula
Oo maraabo dhexdiinnaan
Kala maadinayeyoo
Macaluul iyo gaajaan
labadiiba mutayood
Marag iigu tihiine
Ninbase xeerku ku -------
Abaalkii la marshaaye
Ayaa reer Maxamedaay
Sammanaa Midigtaydiyo
Haddaan Muuse u yeedho
Isba waa mudankiiyoo
Mandheertaa igu taalla
een la muraara-dilaacay
Wayga maydhi lahaaye
Ayaa reer Maxamedaay
Sida maydhida geeloo
Kii midiidin tiraayey
Maqaarkii ka halleeyey
Oo muxubbooday hadhkiiyoo
Milicdii hadhsan weydey
Mahwigii------Muusanaabahayaa
Kolla lay maqlihayne.
Seeddoow
Dib U laabo
Salaan oo ka qabey Axmed Garaad, DHulbahante
ayaa isagoo Berbera jooga waxaa u yimi 50 Awr oo safar ah oo ka yimi xiddidkii.
Awrtaas safarka waxay ku socotey Salaan Carrabey oo looga fadhiyey inuu soo
shixnado. Salaan waxa uu ahaa nin Badmareen ah , ganacsadane ah laakiin wuxuu
la yaabay 50 awr oowada socda oo hal nin iska daaye aan Dawladuhu rarin.
Salaan wuxuu iibshey 50 awr, nimankii wadeyna inta uu sii jicsimay buu yidhi
dib ugu laabta ooshii ay ka yimaaddeen isagiina wuxuu iska aadey Cadan. Nimankay
xididka ahaayeen ariinkaas ma jeclaysan waxayna talo ku gaadheen in Salaan
Carrabey loo dilo falka uu sameeyey. Berigii hore waxaa caado ahaan jirtey
in haddii la dilo nin Inan-Layaal ah laga dhiibi jirey 160 Halaad oo mag ah.
!00 Halaad waxaa lahaa tolkiis, 60 Halaadna reerka uu ka qabo. Shirqoolkaas
waxaa lagu go'aansaday in ninkii Axmed Garaad ah ee arka Salaan uu dilo isla
markaana Reer Dhooble (Salaan qoyskuu ka qabay) ay dhaafi doonaan 60 Halaad,
100 halaad ee magta ahana tolku qaybsado. Salaan waa ka war helay ariinkaas
oo markuu DIbadda ka soo laabtay wuxuu Ganacsi ka dhexfurtay Abtiyaalladii
Bah-Ararsame. Muddo ka dib ayaa waxaa Salaan loo soo diray Maxamed DHooble
oo seeddigii ahaa si uu u soo khiyaameyo. Salaan arrinkaas waa ku gartay seedigii
wuxuuna geedkii shirka ee abtiyaaladii fadhiyeen ka tirshey tixdan gabayga
ah. Waxaa loo sheegay Salaan in intii uu ka soo maqnaa ooridiisa uu soo doonay
nin yidhi waxan ka dhiibayaa 50 halaad Salaanna gabaygiisa waa ku soo daray
arrinkaas.
Wuxu yidhi Salaan Carrabey (Alla ha u naxariistee);
1.Hadal waa gun iyo Maxamedoow gar iyo miisaane
2.Gabayna waan aqaannoo ma jiro nin igu gaadhaaye
3.Kambalkaan gamboolahay tashiga igu galloolaaday
Guntigaan ku gaadhnahay hurdada gama' lay diidey
4.Gooraanka leylkaan sidii galawga yeedhaayo
5.Guubaabadaan tirinayiyo gocashaday haysa
6.Galoof ololka iyo ciilku waa geydha lay badaye
7.Xilku kuma gubee xaajadii kula gudboonaatay
8.mar haddaanay garankaaga jirin aniga goohaygu
9.inaan kaa isaga gaabsadaa go'aye roonayde
10.Caawana af lama gaaxiyee maqal guhaaddayda
11.Gelbis hadduu u kaco INANLAYAAL guushu wa quruxe
12.Geeraarna farasbuu qabtaa geenyo,,,,,, malehe
13.gaaddada Sitaac laga luliyo qoorxidh lagu gaadhay
14.Xakamaha guduudka leh Bustaha gucunku laalaado
15.Hadba neef i soo galay waxaan guudka kaga laalay
16.Waagaan fardaha geynayee gurayey kii xoog leh
Geeleyga waagii aan sidii guluf u qaadaayey
17.lo'da waayadaan gadahayee adhiga goynaayey
18.Jiilaal gardaadsaday abaar gaajo idin hayso
19.Gaadiidka moodka leh waxaan kugu gargaaraayey
20.Waagaan xigaalkay ka go'ay gacaladaan haystey
21.gallad Eebbe weeye waxaan goondhi idin daajey
22.Kama galabsan inu reer tolkaa gado libtaydiiye
23.Geediga haddaan idin wacsaday gobiyo hawsheeda
24.(Gedda) hadaydin ula wada baxden guudcadiyo wiilba
25.Gunta markaa ka qabateen tashiga gedi ma sheelayne
26.Guulkii kal hore ways ogeyn guda faqiiniiye
27.Giddigiinba waa ti aad tashiga gees ka qabateene
28.maxaad ii gorgorin sow raggii ii guntaday miihid
29.afartaasi waa iga gujee gebidhac maw diidey
30.Googooynta iigu ma baxdee geedad ma u waabay
31.SIda galaha roob iyo baddoo guuxi ma u reemay
32.Gaban kalana waan odhanayaa geli calooshaada
33.inan gaadan karin naag kale go'e haddaad mooddey
34.kHaliqigu waa gayaan badanyahee waxan idiin gaatay
35.Ama guunyadaydii u huray geedadsare laace
36.mar haddaanay garawshiinyo xidid gumaradeed joogin
37.isma gaadno oo waxaynu nahay Gaalo iyo ruume
38.Waa Geeriday Ciid waxaan ugu geddoomaaye
39.Anoon gabadintiinii tegeyn gurigi reer Dhooble
40.Qoftaa gacal ahaydeen haddaad garato ii soo rar
41.haddii kale ha guursado ragii guga la sheegaayey
42.Dabadeedna guul waxay dhashiyo godobta aan dhawro
Seben
Dib U laabo
Gabaygan aannu dhawrka tuduc ka hayno waxa
uu Salaan u tirshey Ooridiisii. Sida gabayga ka muuqata waxay ahayd xilli
adag oo abaari dhacday.
Fadlan soo dhamee ........
Naagyahay abaariba ma dhicin Dhiirran ka horoowe
Dhoofkii baddana laysu diid Sebenna dheeraaye
Dhulna xidhan Dhabada Aakhiriyo dhixitin mooyaane
Dhiishii lulnayd iyo la waa dhuulladii Subag'e
Gabay kale oo isna qabyo aha bay naga soo
gaadhay erayadani kooban ee uu ilmaadeerradi Xaaji Suudi iyo Baashe Shabeelle
ku halqabsanayo;.
Saaxiibbaday baan jeclaa Suudi iyo Baashe
Tolkayow sabaan baa dhacee sabir ha loo yeesho
Wacdi
Dib U laabo
Salaan wuxuu gabaygan tirshey markii uu geeriyooday wiil uu dhalay oo la odhan
jirey Yuusuf Salaan.
Cabdiyow wadeeciyo adduun way ka bixi
waaye
walbahaarka waan kula qabaa wahanna ii dheere
aniguba wax badan baan laqwiyay waalli iyo qooqe
Fircoonkii wasiilada janada waadiyada jeexday
waarsiino abiduu jeclaa waase noloshiiye
rag kalaa waraytad ugu hadhay waxaddii xoolaade.
Wedku kama ajoon Nabiyadii inaga weynaaye
nafle Aadan kama wiil badnayn waana kii dilay
waxyi looma soo rogin Jibriil waagii dabadeede.
Hal la wariyo shiikh iyo wadaad waracadii
diinta
culimadu warkay sheegtay iyo waanadaa dhabahe
wacdi nooma laabnee naftaa walaftay shaydaane.
Wajaq cudur warraaq meleg haddaan wilif idhaah caawa
isaguba khalqiga wow wakiil aan waqiis nixine
waji qadab leh weedh kulul hadduu xaqa I waydiiyo
Eebow walaacaan qabiyo waali-nimadaada
waayaha I haystiyo dambiga weelasha I buuxshay
wannakiirka geerida godakaan weyd ka khoof ahaye.
Horay werenweryadu noogu timi waaqladuu
yahaye
waxshigii qubuuraha intaad nooga wehel yeesho
Eebow waclada haygu gubin waaqidka cadaabta.
Maantaan waxuushtuna maqnayn waxad intaad uuntay
ee uunku wada waaqif yahay wacadka meecaadka
gaalada wabiinka ah haddii loo waddiyo naarta
Muslim inuu ku wiirsado adigaa wacay dharaartaase
Dadkuna laba waduu raacayaa oo wadaahiya’e
Oon midana mid u weecan karin oo wadaad jarin
Wakhtina ma laha diintiyo kufriga wax u dhexeeyaa
miisaanka inaan waafi iman waazinka xisaabta
aan waladul-khayr noqon haddii Weyne iga yeelo
iyo inaan wallaabida ku dhici wayluntiyo hooga
weecaanta khaatumo waxay noqon waraaqdaydu
waafaqada jeer aan hubsado waan welwelayaaye
warna ma hayo gees ay arini ii wacaal bixine.
marka inaan naftayda u walgamo aakhiraa
wacane
waslad maniya baan ahay asaan woofin cahadkiiye
waanwaanta nololeed intaan sido waxoogaaga
wadadii xajkii iyo intaan wadan ka gaadhaayo
weysaysi baa ila gudboon wuduu' salaadeede
Wakhtiga maan tukado geeridaa wajiboo xigiye
Wegen Xille
Dib U laabo
Salaan Carrabey ayaa
doonay inuu guursado Cawo Dhooble oo Axmed Grad(R Hgr) ahayd. Nimankii uu
gabadha ka doonay waxay yiraahdeen Salaanow Faraska WEGEN-XILE ee abtigaa
yaradka yuu ka hadhin oo haddaanu la socon Gabadh cidi ku siin mayso. Colaad
baa geyiga saamaysay oo Axmed Grd iyo Baharasame waxaa dhex yiiley dhiig badan
oo nin door ku idlaaday. Salaan talo ayaa ku caddaatay oo wuxuu sameeyo ayuu
garan waayey sababtoo ah niman col ah faras u kala qaadkoodu lama quruxsanayn
balse waxaa ka adkaatay doonistii gabadha. Salaan abtigiis ayuu u yimi oo
yidhi abti faraskaasaan kaaga fadhiyaa oo gabadhii lagu xidhay. Abtigiis baa
yiri"Abti ma ogtahay colaadda nimankaa na dhextaal" "Haa"
buu yiri Salaan Carrabey. Abtigiibaa yidhi "Faras aan garaadku bixin
ma bixin karee bal aan garaadka la hadalno". Taas oo macnaheedu ahaa
Faras lagu siinayaa iska yar. Salaan Wuxu marshey tixdan gaaban oo aan ka
hayo.
1. Wanaag maleh Xuseenow adduun la isku
waalaaye
2. Haddaad farasku inu weynyihiyo wehel dad moodayso
3. Galab baa Waraabuhu cunaa ama la waayaaye
4. Wajaq cudurna wayskaga dhacaa oofwareen melege
5. Adoo werenweryiyo qayla timi WEGEN-XILaw haysta
6. oo weerar dhacaybuu nin kale weligi fuulaaye
7. Tol widhiidhi galay geed wahdiya ururka waayeelka
8. Wigle jeedal lagu toociyuu warasayoo boodey
9. barbariiqo lagu waabiyuu wadane xiimaaaye
10. Kolkaasay wuxuushtiyo cunaan haad Allaw wacaye
11. Weysaaqa dirireed halkay weehad ololaysey
12. Rag is wada wajiiriyo inkaar waramadoo dhiigle
13. Isagoo wajaqay meelxunbuu wegered gooyaaye
14. markaasuu waraar rag u noqdaa wiiro la lahaaye
15. Weji gacalku waysugu qabtaa shay kastoo wacane
16. Haddaan Walaxdu gurigiina iman kuma wareersheene
17. Wax ku siiyayaa iyo xaggaa kugu wereeyaaba
18. Kolla waari maayee abtoow weris ha lay raacsho.
Abaal laawe
Dib U laabo
Gabaygan wuxuu salaan u tiriyey nin uu adeer
u ahaa oo uu abaallo badan u galay oo uu markii danbe ee uu Salaan Caydhoobey
ugu tegey Nayroobi. Ninkaasi wax tar daaye Salaan buu suuqa u galay oo afxumeeyey.
Abaalladii Salaan ninkaa u galay waxaa ka mid ahaa1. In ninkaasi uu si aan
ula kac ahayn nin gacantiisa ugu dhintay oo ka dibna Dhulbahante isaga iyo
xoolihiisiiba xidheen. Salaan waa kii geeraar ka tiriyey uu Habar Jeclo
ku guubaabinayo si ninkaas loo soo furto waana ku guulaystey inuu ninkaa
dil kala baxsado. 2. Ninkaas in qolo ka dhacday haweentiisii oo uu Salaan
u soo dhiciyey. 3. Ninkaas in mar lagu xidhay Burco inuu Salaan u guntaday
oo ka sii daayey. Ninkii Salaan abaalladaas u galay ayaa odayayo dhawr ah
shiriyey oo yidhi ninkani dadkuu isku diraaye aan Gaalka u sheegno si loo
masaafuriyo. Tan kale markii odayadii tusaaleeyiin in ninka uu sidaa lee
yahay abaallo u galay ayuu u celiyey abaalna iima geline raganimadaydaan
wax kasta kula soo baxay. Salaan oo aan arrinkaas jeclaysan ayaa tixdan
caanka ah marshey.
1. Qaylada xaduurkii ninkay xaraqday laabtaydu
2. Xusul duubka orodkii ninkaan dhab ugu xuurtoobay
3. Ayaa Habar Xabuushay ninkii xiidka la i mooday
4. Guuraha xanbaarada ninkii xagarku ii jeexay
5. Jillabkii xadhaadhaa ninkaan ugu xajiimooday
6. Guutada xamaaska ah sidii Xabasho duullaana
7. Xaddigaa ogeydeen ninkaan xaadir uga yeelay
8. Xildhibaanka Nuur Maxamadkaan kala xadhkaynaayay
9. Xidhkii odayadheerood marki rag is xiniin taabtay
10. Xaraamigii Olol markuu xilafur kaw siiyay
11. Waataan u xuubsaday sidii xuurta baalka lehe
12. Xarbigii shisheeyaha ninkaan xeebashada diiday
13. Dumarkuba xublada foosha way xanaf wareeraane
14. Balse inay xasuus daran yihiin xaylka kale mooge
15. Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine
16. Xaasha'e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe
17. Doonyuhu xawaal kuma socdaan xeelli karameede
18. Hadduu xananyar leeyahay ayuu xolad hulaaqaaye
19. Farasna wuxu xakama diid noqdaa kolu xaraamaaye
20. cidluunbaan xayuugnahay sidii xuunshadi Gubane
21. Xeegada hadaan dhalin lahaana xoog madaan ahaye
22. Xeer beegti murantaa gartay xeeli hadashaaye
23. Xubin rag isku waajahay haday xayga ka cadaato
24. Afku wuxu la xoog yahay magliga xawda ka jara'e
25. Raguunbaan xisaab talo aqoon xiinna loo diraye
26. Xikaayo iyo baaneba anaan xaraf i seegayne
27. Nin Xukaantu wada naadisoo xaadsadaan ahaye
28. Xafiiskii magaalada wixii xaalad iga gaadhay
29. Xabsigii cadaawaha ninkan xaalan uga saaray
30. Xoolaha markay timi ninkaan xulayey Geelayga
31. Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine
32. Xaasha'e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe
33. Xoontii walaalaha ahayd xodayadii faayo
34. Xarago qaadadkii Suub markay xiito ololaysay
35. Dartiis baan xanaaq ugu lurriyey xaasidkii Buqule
36. Cabdigii xaruuriga ahaa kamaan xishoonayne
37. Xawdheerta goortaan la baxayna Xaashibay garane
38. Bah reer Dood xigtay ku ahayd kumana xaalayne
39. Hadduu Xaashi curadkii ahaa maba xilsaarayne
40. Xaaskiisa waatuu u raray xididki goor jaane
41. Xinjirtaan wafoobine kolkay xuurtu kor u yeedhay
42. Xisdii inaanan kaa galin tolkaan xog ina moogayne
43. Xasan Nuurna way marag haddii rag isu xaydnaaye
44. Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine
45. Xaasha'e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe
46. Nimankaan xanaanada lahyn Xaawa iyo Aadan
47. Xigaala an tabacaday Reer Jibriil xarawigii raacye
48. Waayadan xayaad lama kaftamo xaashir nololeede
49. Qasaalkii Xaddiyo kaa dhacaad xinif lahaydeene
50. Xuska dhalasho waa kula sinaa xilase kaa yeelye
51. Xiiraaga goortaan la dhacay xaasil kibirkiiye
52. Ogoobey xidaayadi dartaa kuma xoroowdeene
53. Ninkaygii xortaba kaa dhigaad ximi tidhaahdaaye
54. Xidaar baa khaliqigu ii yaqaan xay iyo maamuse
55. Xamdi baaba lay wada naqaa xeeb haddaan tago'e
56. Sida xayska roob buu nafluhu ii xiddigiyaaye
57. Ooduba xirsiga reerka way bela xijaabtaaye
58. Hadii aniga lay xidho Rabbaa xugunki meel yaale
59. Adiga oo xabeebsaday intaad kun igu xaydaanto
60. Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine
61. Xaasha'e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe
62. Xintifaalo doqoneed nin ragi waa xaasiliyaaye
63. Xubadaan idiin dhaqanayey baad igu xujeyseene
64. Alayle xurmo hadii aan lahaa waygu xilateene
65. Ragbase kii aad xaradhaamisaa kuu xasaas colahe
66. Xawlal mariiddada mergiga xididadays oojey
67. Feedhaha xidhiidhsamay lafahan xuubku ka idlaaday
68. Jidhkaygii xariirta u eekaa xaaluf quruxdiiye
69. Haduun baan xaraarugay sidii Xamilgab-awryaale
70. Xafta waxaydin ii laba listaan xooxdi la i maalye
71. Ifka intaynu xay nahay hadaynu xiiso kala waynay
72. Aakhiro Rabaa inna xukumi xaqa inoo yaale
73. imikaan nabsiga kuu xaddilan xaynka kuu sudhaye
74. Xagaygii wax dhigo haatanaan kaa xaliil jabaye
Cankabuud
Dib U laabo
Nin Cabdullahi Baashe
la yiraahdo oo ay Salaan Ilmaadeer ahaayeen ayaa Cadan tegey beri. Wuxuu dareemay
in la hagraday oo rag badanoo gabdho ay qaraabo yihiin qabay aysan SOORYEYN.
Isagoo arrintaa tilmaamaya ayuu cabdullahi gabay tiriyey ay ka mid ahaayeen
erayadan
Dhirta kale haddaad goyso waa gubayo hiireede
Geedkaan garaacnaaba waa Gawlaliyo Jiice
Ilaahbaa gacmaha noogu xidhay maydhax Gumareede
Geesigan ismaaciila iyo Godane mooyaane
Way guur xumaysteen hablii geelle dabadeede
Salaan Carrabey oo Markaa Cadan ku sugnaa ayaa looga
dacwoodey ninkaas. Salaan wuxu Cabdulahi ku yiri gabay kale oo aad arrintaas
kaga noqonayso tiri illeen waa ceeboo ragga xil baan isku leenahaye. Cabdullahi
Baashe ayaa markaas tirshey gabay uu kaga sii daray eedayntii uu hore u tibaaxay
asagoo leh
Haddii aanan gaaliyo islaam eedba cid u geysan
Oon seedigay waxa u galo giirka ka caddeeyo
Ma la guban haddaan Geelle Mire sheego gacantiisa
oo uu uga jeedo wax bixintiisa.
Salaan baa gabay halkaa ka qabsaday aanan wada hayn
balse ay erayadiisa ka mid ahaayeen.
Cabdillaahi Baashoow cataqay gabay caraadkiise
Maxaad cuni ha joogtee adduun caashaqii dhigaye
Sidan caddadka biluhu tirsaday waan cabsanayaye
Qorrax casarka joogtaan ahoo ciiri dabadeede
Tixda waxan cashuuraba haddaan caynka ka higaadsho
Aniga cayda iiguma baxdiyo ceebta dibadeede
Carradaba nin laga naadiyoo caan baxaan ahaye
Cuqle midu u baxay baad tahoon caabudeyn axade
Cabbaar gabana meel uma fadhidid cisiyo maamuuse
Hadba tol aanu ceesh milix nahaad nagu cadhaysaaye
Caad iyo kancaan iyo samuud cadawyadii diinta
Cantar binu shadaad iyo kuwii coofka kor u taagey
Callaaq baa la sudhay reer Cimaad caro daraadeede
Caqlow dhimoe Cooj-bini-Cunuuq caadda laga yeelye
Casha keliyabaa reer fircoon wiish la caaridaye
Raggii dunida curiyee gudhsaday caadna laga waaye
Cabdalla Xasan waxa soo xasladay caarshe iyo Giibe
Cirkaa lagaga soo degey markay car isu taaageene
Cankabuudka caaradu xidhee lagu cayaaraayo
iyo wiil cartii qaba intuu amar la ceeryoomay
Cindallaahi waa simman yihiin waana laba cayne
Caddad mal leh rijal ladan intay calal ku duubene
Ooy meel cabbaar loo qodqoday kaga carraabeene
Oon camalka mooyee qabriga cid uga yeedhayne
Camma nin akhristaa jeer danbuu ku cibra qaataaye
Shaydaanka laga Cawdsado iyo carada yaasiinka
Wax cadaabta lagu waariyaa gaal cadiiqsaday
Nin cirroobey oo soo gotoo camal ku soo raagey
Eebow adigu hay caddibin Caadil baa taha
Dib U laabo
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Xigasho: Mareegta Hoyga Suugaanta
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.