|
Hordhac
Maxamed Xaashi Dhamac "Gaariye"
Ergo
Dib U laabo
Qul-acuudu bilaahi idaajaa nasru-laahi,
al-raxmaan iyo qaaf iyo alif-laamra sirteediyo
waxaan maanta alhaakum ilhaamka uga bilaabay
Hadraawow indhaweydba sidaydii ma ahaynoo
waxaan ahay nin arkaaya waxaan uumku u jeedin
oo kaligii anfariirsan waxaan ahay nin arkaaya
maanka laaga ogsooniyo asaraarta dhex yaala
isha laacu ka muuqdo waxaan ahay nin arkaaya
umadayda tasowday ee usha loo qaban waayey
Ee aniga iga bilow oo abwaankeedu ka seexday
waxaa qoonkee tabaysa afweynoo laga reeyana
ujeedaa uga dambeysa waxaan ahay nin arkaaya
mar kastoo ayax guuro in uu eel ka tagaayo
walibana aad uga sii xumoo libinteyda af-duuba
-waxaan ahay nin arkaaya ayaankaygii shi' dhaafay
markii loo injireystay oo madow daba-keeniyo
isagoo ducanayaa dirqiga weysha ku ooftayoo
idinkoo qof maqnaynoo indhihiinu shan yihiin
mar labaad ambanaaya
-waxaan ahay nin arkaaya ulajeedo habowday
ididiilo hungowday ooda geel laga qaadayoo
hal taal gundihiisa ayaanlow naxdin joogta
aayatiinkaba saaran -Aheey way iyo ciil
umalkeyga hiqdeyda calool oyga nafteyda
ilmada iga da'aysiyo imtixaanka i haysta
-ma dhulkaa i ashkateeyey ma cirkaa iga ajooday
ma badaa igu ugaajay -ma abdaanan lahayn
ma dab baan isku ogaa anigu aan isku daaray
-Islaantii curadkeeda kolkay Eydu cunaysay
ax doraad odhan weyday markii ay arki weyday
wax guda oy ku ilowdo noloshii inankeeda
inay maanta u oydo inteeday ku sugaysay
-Oori weerku ku raagayoo geeridii odeygeedu
afaafkay ku banaysay ninkii owdi lahaa
isagii fadhataystey yaan u eersa nidhaa
-Ninkii aarsa yiqiinay haduu aarsaday maanta
uu-fanayskiina guuray iyana waa iga su'aale
tolow yaa colka eega loo abaabulayaa
-Tolow yaa ilma-dayday ulmadeydii u loogayoo
ilma dowgii ka reystay -Yaa u aana ah maanta
udunteyda halowday eebadayda ku fiiqan
ayaantay kululaato kaan u eeran lahaa
-yaa u aana ah maanta
birta layska as-laayiyo galkey siibtay ableydu
-yaa u aana ah maanta
mar labaad ubadkeena sidii Ey la guhaadshay
in ilkaha lagu qaado Unugtii shaleytoole
isku meesha u jeeday iminka yaa iska hor jeedshay
-Laba oorya walaaliyo ilmaadeer is maquunsha
lama sheegin aduunkee marka aan ugu liito
mar aan eeda sokeeyiyo ilmahayga ku waayo
mar aan aayo la'aanta seedigay ugu aaro oo
walaashay asay qaado mar haday aqalkayga
haddii layga adkaadiyo hadaan raystey idhaahdaba
mar lay oohin u tahay bal maxaan istafiiday
-Afartii garjahoodba hadaan soo wada ooday
xageen geela irmaaniyo markey beeshu haraado
u aroorinayaa
-sow anigu gacmahayga kuma dheebin ishii
berri loo irkan lahaa wixii aan ku if waayey
kuna aakhiro seegay durba sow ma ilaawin
-Ubaxaan xinjirteydiyo ka ab-qaalay jidhkeyga
kolkii aan is awaaday udaabteys iyo ciil iyo
odax sow kama goosan. haduu geedkii abaaday
markuu oomaba ubadka dhiiga looga shubaayey
sow ataar li'i maaha
gadhlow awr kala guurtey la arkee mar kaleeto
in ay ood ku kulmaana haduu uur kala guuro
sow amuur culus maaha ololihii halgankeena
cukusoow arah guulka dhib waxaan u adkeystay
waxaan is-lahaa mar uun baad arligaagiyo
iyadoon faqash joogin kula iidi dadkaadee
kolkii waagu iftiimay sidaan ahay Ina dhoore
usarkaan ka dhex toosay indha u daranaa
marka duul asal guuro in Ilaah ka biyeeyo
dadkoo yaala abaar haduu roob iba dooxmay
ku bashiisho agteyda intaan soo ordayaabaa
darku sii engegaa Abuur baan ku tabcaa
irfidaan geliyaa iniin baan ku ridaa
udan bay bixisaa gooso baan is-idhaa
waa la ii arfacaa
-Abley baan ramiyaa afeeyaa shirabaa
adhaxdaan is jaraa oogso baan is-idhaa
afweyntaan u dhacaa
-Afartaa shax dheh maanso afkaa laysu jaqaaye
sooma qaadin irmaan amba qaadka kaleeto
berigii isticmaarka taladii la il-duufay
burburkaad aragteeniyo haday keentay inkaarta
aynigaygu ku dhaaftay Allana i tusi waayey
-Ana maanta gefkaygu inuu aasayo miino
ubadkeyga u taala Fardowsaay ma arkaayo
rajadaad ulanaysay waxaan looga ina-aabsanoo
-sidaasaabad itaalka haddii aad amakaagday
ku ayaan badan tahee Aafo waa ta dambeysoo
ifa-faalaha muuqdiyo ishay leedahay maanta
waxba yaan af-gobaadine intay doonto ha gaadho
aramaa qarxi doonta
-Dharaar baa iman doonta hadaan Eebahay ceymin
afku uu hadal daayo
-Dharaar baa iman doonta dab munaafaq istaadhay
sidii aayar gubtaa ama duur olol taabtay
arligoo dhan dhameeya
-Dharaar baa iman doonta iyadoo is wada weyday
oodo loo rogi doono
-Dharaar baa iman doonta Imaaraadka sidoodiyo
ninba aag ku go'doomo
-Dharaar baa iman doonta dadka Sool iyo Awdal ee
Aadanow hagrateen raacdadoodu adkaato
lagu raadsho ileys
-Dharaar baa iman doonta irsiqa laysku cidhiidhiyoo
wax la uunto la waayo
-Dharaar baa iman doonta mujrim oogo madowoo
islaam sheeganayaa agablaay hambadaada
isa sii kaba raasho ku darsoo Axmed-doolow
waxaan ahay xog-ogaaloo hir fog baan arkayaa
orna waa maqlayaa waxna way urayaan
Aaminaay waan gabyayaa nin abwaanana waan ahoo
ereygiisu tuf leeyahay Hadeydaan i adeecinoo
ergedaan ahay maanta ka abaal ka dhacdaan
Ilaahay balankii ibtilaa dhici doonta
Dhulkay eyro ku fooftana Afrikaan madmadowiyo
ajnabaa degi doona iyagaa talin doona
-Organkaad didiseen baa dib idiin qabsan doonoo
-Dharaar baa iman doonta engag layskugu xiira
oo heeca diida ilmaha qasab loo aqbalsiiyo
-ciyowgaa alwanaayiyo tukahaa uuda hayaana
way is calool ogyihiinoo Qaasinow abti hee dheh
Galow aamusi waayey haddii aan wax aqaano
-Daruuraha iba-baaliyo afagaalaha naafiyo
kolkaan moorada eegay laaxinkay ku aroortiyo
ninka faalka inkiiskee ku ab-yeeshay Cibruhu
haddaan eega la baajin waa sidoo abada ah
-Haddii aad adintaanoo indhaha dhiig laga keeno
idinkoon sidan dhaamin inaad guul urisaan
waa waxaan la arkeynin Allaahu ma balaqtu
ilaahow markhaati ka ahow
-Afartaa shax dheh maanso afkaa laysku jaqaaye
sooma qaadin irmaan Hadey heesi ab leedahay
ama loo oday sheegto ilaa Xaawiyo Aadan
isir baan u lahaa waligey abidkeyna
anoon jiiftada haadin isha aan ka dhameynin
uumiyaha kuma soorin
-iminkay wada leedahay muu abwaan wax yidhaahdee
idahaaba diraacda subaga loo ogolaanine
hadaan aamuso waayo khajeelaanse arooryo
hadaan lays inkiraynin mankoo uunsadey deyr
dhirtu ay arad beeshay cadceed loo indho kuuliyo
ufo roob subaxeed araar kaaga sameeyey
-Khajeelaan hal abuurka anigoo ka shufeer ah
afaraydu jug weeyee selef kuugu istaadhay
-Khajeelaan tix aroosa satiyaal la aleeliyo
u af-saaray fujaan
-Khajeelaan sida iida iigu soo ururteenoo
iyadoo farihiina Arafoo kale moodo
murtidaaan Odhan lahaa rag u soo luxiyeystay
-Intii aan kugu oomay hadaan geed ololeeyo
mar horuu ereygayga Ilaahay balankii
ku ugbaadi lahaa
-Ohodeyda dadkayga Rabi baa ka asheedayoo
wuxuun baa indha buuxsha nin aduunya u haysta
abtirsiimana sheegta af qalaadna yaqaanoo
isticmaarkii la ceeshay Aynigaan ahay oo dhan
wax aqoon ma bidaan maxaa aabaday yeelay
sida ay u arkaan siyaasaanu ahayn
la shaqeystay Af-weyne ama gaalkii ag joogayoo
af-miishaarkii barteen
-Ahey way iyo ciil umalkayga hiqdeyda
calool oyga nafteyda ilmada iga da'aysiyo
imtixaanka i haysta Anigaa is maqli waayey
orod bay wax i leeyihiin ololna wuu fahmayaa
ayaamo is gurayaana way igu fool adag yihiin
-Ahey way iyo ciil Aaminaay magacey ba'
Asaagay igu wiirsay inanteydu gumowday
ka irdhoobay shisheeye ku eedoobay sokeeye
ehelkay ka qalooday cidna aamini waayey
-Umul dooxa Togdheer iyo raga Shiikh ku idlaaday
ee Aroori ku le'day looma ooyaha Saaxil
anigaa ku tol belay Cidna eersan maayoo
inkaar baa igu biirtayoo anigaa isu geystay
-Dharaartii Alle keenana ayni ii kordha mooyee
caqli iima siyaado mana waayo arkaayo
wax kastood akhridaan waxaan ahay Alle doori
seed dhanina aanay ku oolin
-mudadaan ildarnaana iyadoo soddon dhaaftay
weli eelka salkiisiyo uhda boogta nin dhaafa
oo mar uun haakah yidhaahda indhaheyga ma saarin
-Adinka dhaawac ku yaalana hadaad hoosta ka dheydo
Aasbaroo wax ma dhaantoo iyadaa ku lakiikta
-Talana way ashidowday nin abaaray la diid
nin abraarayna mooyi meeluu beesha la aadi
-Arinkeena gabdhow aqbalkeen godliyaana
arligeena kuma noola Alif kow ku qaloocday
Al-baqruu ku dhibaaye mar horaan ka afeeftay
Af-weynoo laga reeyiyo inaan guushu ahaynoo
Bidhaan baad aragteen baadidiinii u eg'ood
iyadii u qabtaan
-Istiqlaalkii sitiinkii onkodee di'i waayey
tanina waa isku itaaloo Abshirtii wanqasheediyo
axankii tacsideedaa isku maalin ahaa
-Af-lagaadan maaha hadaan maanta idhaahdo
odoyaashii la doortay Anigoon kala reebin
Irbad dun gelin waayey
-iska daa wax kaleetoo
amni noo sugi waaye
Waxna aad uga liita
Ilaah baa i dili doona'e
kuwa buuraha aaday
-isku soo wada xoori
isma dhaanto dhasheediyo
meeshu waa wada ulo miidhanoo
ul la qaato laheyn
-Arin laysku khilaafiyo
ujeedooyinka dhowee
ubucdeedii wadhneydiyo
ictiraafkii maqnaaiyo
ku ilowday dan guud
-Abeesaa laga sheegay
markaan aadmiga fiirsho
aargudaan is idhaa
markaan Eebe jaleecana
awlaadsaan is idhaaye
-Waxaan eeg garan waayey
waxan eeg ka sokeeya
-Rag haduu is af dhaafo
aayatiina wadaago
afkaa laysku gartaayee
is afwaajiya maaha
isu soo ura maaha
-Adigoo hebel diidan
eryo reer hebel maaha
isu weersada maaha
udahaaga cun maaha
-isku soo wada duuboo
inqilaabna xal maaha
anigay igu gudhana
wax la eegto ka weyn
-ana waano ku xiiqey
dharaartii Alle keenana
abhis baan ku jiraa
-Far baan boog ka ag dhow
ka ilaalinayaayoo
hebelaa isku uraayana
anana u rahmanahay
baan weli maynu
adkaane inoo aayara leeyahay
-Mudacyaan afafkooda
anigoo gala-gariirto
isla eeganayaa
arji baan dirayaa
aleel baan ruxayaa
galiyoo dhego awdan
iridaha ku tumayaa
-Sidaasaanan aduunku
bal inaan ahay liid
anigoo gudo haawan
ha I aqoonsado leeyahay
-Waxaan fool eryeyaa
Hal aan Awr ku salaaxinoo
is-moogtii wax ma dhaamo
iyadoon la dalaaqin
wali haantii aslaysa
-Afartaa shax dheh maanso
afkaa laysku jaqaaye
sooma qaadin irmaan
-Nin ragi ereygiisana
astaan buu dhigtaaye
Rabow eex ma tiraabine
aqoon haygu cadaabin
-Ambaqaadka kaleetana
ishaa maanta bidhiiqdiyo
ogobeey libinteyda
rag bow u haysta ilaaqe
-Hodaneey marna Aabo
ay ax yaa wadaniiyo
axsaan layguma siinine
-halyeeyaa ku idlaaday
ubad baa u lugo belay
aduun baa ku dhamaaday
khabar baa ka adeegay
-Anigaa rag ugu liita oo
afadeyda sagaal gu'
kamaan soo ag wareegin
-Inagoo kala daadsan
nin u qooqay idiisuna
cirkuu roob ku og yahee
-awadeydii qudhaheydeen
aawadeed ku wad seegay
Aadanow taladeyda
ku adaadurin mayo
Ilaahey ka sokowna
anagaa leh awooda
-Ogolaana ma doono
intuu taago uluunka
nin yidhaahda anaa ah
afweynaanu ka diidnay
-Nin kastoo ana fooda
nin kastoo laba eef ah
ninkastoo is afuufa
anagaa ka shaneyna
-Lays amaahina mayo
Axmed weysa cadoow
cididaa usgageega ha
ogaado nin moog
-Mar nin baan u il-duufay
mar labaadka ilwaad
u ardaa dhigan maayo
nin intuu axdi qaaday
oofin waayeyna daa
-Ololihii lagu laaftay
kuwii uubta qodaayayee
iblayskii ku nabnaa
iyagu way garcadeen
-ana xaasha nin iin leh
wax inaan ku idhaahdo
uma quudho afkeyga
-Uf qabiilka anaa leh
wuxuunbaa ku adeegta
nin iskii kartidiisa
isagoon cid ku tiirsan
isku taagi kareynin
una haysta ateero
ayaantuu dambi geystana
laga hoos galo eeda
-Ayid waad is xigtaaniyo
idinkaa isku reer iyo
aqligii lixdankii
maanta iib geli maayo
-sidaan aaminsanahayna
abkuu doono ha sheegtee
wuxuunbaa ehel ii ah
dadka kaan af aqaano
ee si wax iila arkaaya
ee ina midayso ujeedo
-waxaan laysku ogeyn
ninkii hoos ka unkaama
aftideyda ma haystoo
ansax maaha wixiisu
-Arligeynu ku noolnahee
beryaha qaar u ekaa
irama daatal cimaadii
aayadaha lagu sheegay
-Awaaraanka kacaayiyo
ninka maanta ortiisiyo
oohintiisa maqlaayey
ka adkeystay gob maaha
dibna loo igman mayo
-Arliyooyna hiqdaadiyo
orgigii la shireystay
ilmadaadu ka weyne
inagoo xaley baadle
u eegaynay hilaaca
waxa awrta xidhiidhsan
loola aadayo baasle
wax baa nooga iftiimay
-dibna loo igman maayo
nin ishaafalateysatay
oo isagoo inala jooga
arwaaxdiisu walaayiyo
idaafeyto ku nooshahoo
ilina u daban tahayoo
abidkiiba ka reeba
oo dhulka aan wax ka oolin
-Rabi baana na uuntayoo
anana taag uma hayno
ayaan nool hirdin joogta
-oo markay kooxi orgootaba
ma asooli kareynee
abaal baanu ku qabnaaye
amaan uu ma helnaa
-Afartaa shax dheh maanso
afkaa laysku jaqaaye
sooma qaadin irmaan
-sidaasaana itaalka
u af dhuubsanayaayoo
wixii aan odhan lahaaba
mar aan maanta aheyn iyo
ar dambe u dhigo leeyahay
-Waxaanu Alle keenay
waxaan loo adidoonin
oo aayaheenuba maanta
ilig liiqliiqanaayiyo
indhal buu sudhan yahee
-sida xaal u eg yahay
ama waynu adkaanoo
wax jireynu ahaan
ama waynu idlaanoo
dib laynoo arki maayo
-iyadoo wada saran
umadeenuba dooni
ku asqawday badweynoo
injiinkii ka duqeeyey
ayaa reer hebelaay
afka way igala weyn
tahee hadaad leedahay
caqiibo agoonta luxuska ah
horta reer u yagleel
ubadaasi jajabeysa
ee u uusmiirtey darteed
dib waxay ka ahaataba
ishii cawri taqaaniyo
ka ilaali wad mooyee
wax kaleeto ilow
asalkeeda banaana
maalintay il xun-tahay
bay ilaah leedahay ceynsha oo
-markaad xeeli amaan ah
kula eersatid beesha
eed aamusiiso rasaasta
-waxaad ulaneyso
anagaaba ku siine
inagoo sidan dhaaniyo
adeerow gacalow
ayaanteeda ha gaadho
haduu Eebe yidhaahdo
lugo aan isku taagno.
-
Hayaan
Dib U laabo
Wuxuu yidhi:
Hayaanku ma meel fog baa
Hillaacu ma beegso baa
Habeenkii socod miyaa
Hadhkii ma ha seexan baa
Waqtigu ma haloosi baa
Ninkii hakadaa boqoolka
Habaaska miyuu dhaxlaa?
Quruumaha hore u guuray
Barwaaqada haybsanaaya
Intaad hiigsan layd gadaasha
Hareerta ka raac miyaa?
Hadduu maalku kaa harraado
Harooyinka gee miyaa?
Hurdada ku dan seeg miyaa?
Adduunyadu waa hadhkaas
Hirba hir buu daba socdaaye
Hankaaga fogee miyaa?
Hawshaada ku toos miyaa?
"Hubsiino halbaa la siistaa"
Halkii daran baahidaada
Hantida u qorshee miyaa?
Dantaadu ma haybi baa
Aqoontuna hodon miyaa
Iftiin iyo hibo ku ladhan oo
Indhoolaha haga miyaa?
Waxaa cirka lagu hujuumay
Waxsaa dhulka lagu hubsaday
Waxaa badahaa hugmaaya
Bidhaansha guntooda hoose
Waxaa uumiyaha hanuunshay
WAxaa cudurkii halgaaday
Waxaa jahligii haleelay
Waxaa gaajadii hirdiyey
Horseed cilmiyeed miyaa?
Dadkaa heegada is geeyey
Dadkaa haqab-beelka gaadhay
Hub-qaad haga dayo miyaa?
Ninkaa buurta roobku helay
Gunteeda ka heesayow
Figteedaa nolol habboon
Xigasho:Aftahan
Saxansaxo
Dib U laabo
Gabaygan waxa la yidhaahdaa SAXANSAXO wuxuu abwaanku
tiriyey 1987. markaas oo uu joogey shir ay lahaayeen
ururkii xornimo u dirirka ahaa ee SNM iyo ururkii
kale ee SSDF. Shirkaas oo ka dhacayey magaalada Herer
ee waddanka Ethiopia. Wuxuu abwaanku ku guubaabinaayey
jahbadaha inay midoobaan oo waddanka ka gaadhaan
daaquudkii qabsaday, wuxuuna ka sheekeenayey xaaladda
adag ee waddanku ku jirey. Isagoo waxbixin (report) ka
siinayo dadkii sida loo galayo iyo waddanka xukunkiisu
halkuu maray.
Wuxuuna yidhi:
Indhaweydba suugaanti gabay maan siyaakhadine
Ma salgoynin bayluulidaan siinadeyn jiraye
Saxansaxo kamaan tolin tixdiyo heesta saraxqaade
Intaan suursanaa baa inaan seexday lay filaye
Safkii ��.. maagan yahay nin i saluugaaye
Shamacyadii siraadnaa ayaan siinleydii ahaye
Soko shiishka loo dhigo ayaan saro u qaadaaye
Suud iyo waqooyaan ahiyo qaranka soomaale
Waxa lagu saleeyaaa murtida socodka waayaaye
Waxba kuma leh sansaan wanaag duciyo saadaale
Haddaan danab sanqadhin Gaariyaan soohin maansada�e
Ma sinnaynin weligey anigaan bixin seyruuqe
Mar haddaan siqado waa inay siigo ligantaaye
Tabta sayr ma weydada ayaa lay sed tiriyaaye
Sibiq ereygu iigama baxee waan u sahan shaaye
Kolkaan meel u sii saarayaan saberka taabtaaye
Sohda waxaan abaaraa kolkaan saaka bixiyaaye
Kolkaan saafi karayaan naxwaha sara idhaahdaaye
Sabool baa dilee luuqda waan ibo salaaxaaye
Saakana Hadraawow murtidu saayiraad ma leh
Haya cala salaax iyo hadeer ereyba waa saace
Sodonkiinan iyo maamulkaan suul ku godayaaye
Sabac����. Dudumo suulashaa baxaye
Soli mayso waanadu raggaan uba samaysnayne
�������������������.
Nimaan guul ka sugayaa ma jiro Ina Sanweynawe
Dadku salama heediyo saac ma biyaane
Inta hebelba Ina Saalaxow hebel sadhaynaayo
Een laga sal gaadhayn marqudha, doodu waa selellec
Ana samihii aan wedey badh baw qaatay sado doone
Badhna inaan suntaba qaybiyey ii sulkhinayaane
Siddaan laysu baran bay u tahay Suudiyow marage
Anigoon sedkaygii aan weli kana salguuraynin
Lama qabo suuldaarada ninnaba s
Afartaas sedkii Aadan Shiikh, sahaydii Koosaar dheh
Waa iga salaan Awrayaal aan ku soo simaye
Intaan suursanaabaa inaan seexday lay filaye
Cirka dhiillo saareenku waa sahansahaygiiye
Goortaan sarkaadhiyey waataa seleshey fiintiiye
Afarkale waxaan uga socdaa wayga saxanqaade
Boqol sano ka badan bay maqnayd sidigta Maandeeqe
Hadba gobol ha saareen inuu gaawahaw sida�e
Subax keliya igamay qaldamin sidig gooleeye
Intii sacab ku maashoo dhan baan sax u aqaanaaye
Cidna kuma samayn tuu ku falay Saalaxaw hebele
Ifka seeji aakhirona wuu sahayday qaarkoode
Wax badan buu dabsaar inuu ka dhigo suufshey falawgeede
Goortuu sokeeyiyo toliyo seedi kala gooyey
Ana aan ku saaqidey inaan sawdka garansiiyo
Ee dani u seeteysey bay dabo saqleeyeene
Laxawsiga haddaan silig ku jirin sadaha uu waaley
Yamyamaw silaadii ogtaan silic maryaadeene
Sareertey habeen nool ninkii qabay su�aashaaye
Iyadaba sidaa looma dayin sacab warkeediiye
Cumar tuu sareeyaha ka dhigey dibu suldaareeye
Waatuu surwaalkii ka furay sulubkii gaabnaaye
Isagiyo sufuurkuu wataa waa u siman yiine
Inta hebelba hebel saranyee dhiriq ku saydhaayo
Iyana waa su�aal idin hortaal sidaa ka yeeshaane
Sanduluu ku keenaa kuwuu soohdimaa dhigaye
Dhallinyaro silsiladaysan buu simay xuduudaaye
Iyagoo safradi waa shidee sabarka liicaaya
Oo wada sirsirqa ah bay koraan
Ana salabka wiil raafku yimi uma saliidayne
Soodh aan la rabey baa cuskaday saaruqdii Xamare
Inta hebelba hebel saranyee dhiriq ku saydhaayo
Iyana waa su�aal idin hortaal sidaa ka yeeshaane
Gumuciyo colaadaha sanqadhay samada qiiqaabtay
Cadawgaa saraayaha lalaban saaran guutada�e
Waxa sadhada loo beerayaad sahashanaysaane
Sabayn mayso doonidu haddaan laysa sugahayne
Surinkaad ka meertaba migiya soobir baa wadhane
Waana dhagax sintiisii ka baxay seefka kayga ahe
Haddaan saac kale u bixin qorshaha sudhato doonayso
Wax ka saydhimaayaan shacbigan saaran daawaaye
Nin siyaasad liitaaba waa suu ahaan jiraye
Anaa mariyey soofaha magliga rag igu saafeene
Kuwaan saamahawridey ayaa qoorta lay sudhaye
Segeg bay ku le�daan colkii Saylac furan laaye
Ragii qodaxda ila siibilaa haadka lagu soorye
Hadba waxaan saliilyoonayaa seedahaw mudane
Inta hebelba hebel saranyee dhiriq ku saydhaayo
Iyana waa su�aal idin hortaal sidaa ka yeeshaane
Lix gu baan safeeriyo fadhiyey sool anoo rabaye
Lix gu baan kusii soco ku jirey oo kasoo soco�e
Subulaha galbeed iyo naqbaan Sibidhley taagnaaye
Dhagax dheertan taakada jirtiyo Sawba waan gabaye
Ninka socodka taariikhda raba inuu suldaareeyo
Sacab timole weeyaan inuu suurto geliyaaye
Saxna maaha dirir baaney rabin wadarta Soomaale
Waxa maqan waxay ����������
Sirta furaha jeeroo la helo waxay saluugeyso
Xaajadu ka sino weyn nimaa derejo siisaane
Hadba qolo golaha laga simaa maaha samirsiise
Xalku ina Sanweynow ma�aha geedo saro waabe
Ana Cawil samaan kagama helin madax salaaxiiye
Ninka sawdhaxeenii doraad saaxirkow kiciyey
Shalaytana sakuudkiyo kudsiga sawdka gacal miistey
Salaad iyo �� golii sarena soo gaadhey
Ee seedhaftii soo dhignaa taniyo Siilaanyo
Sidi-daari weeyaan ninkaad sahashanaysaane
Soli mayso maantana haddaad wax u sarbeebtaane
Sakatiga ku jira buu rabaa inaad ka saartaane
Hadduu hebel maqaar saara iyo sadaqad doonaayo
Salxaanniyo xagaba Xaaji Kore salabi waa buuxe
Inta hebelba hebel saranyee dhiriq ku saydhaayo
Iyana waa su�aal idin hortaal sidaa ka yeeshaane
Sooryada badhkeed waa cuwaaf laysku sabayaaye
Sargefyada xajiimaysan iyo soleyga qaamaysan
Waxay samofal ugu sheegayaan siinta godobeysan
Geedsaar ku maran bay rabaan inay samaystaane
Waana sababihii aawadood Saaxil loo gabaye
Meeshiyo Suweys ways hayaa siligu Boobaw-we
Cirka qabarsanaacigu dushuu kaa sawirayaaye
Inta hebelba hebel saranyee dhiriq ku saydhaayo
Iyana waa su�aal idin hortaal sidaa ka yeeshaane
Dabarsame Hadraawi ���������
Gobonimo haddaan loo serdamin saani lagu waaye
Sakal bay dhex taalaa xornimo suridh cidhiidhyoone
Soodh baa balaysima dhegtaan sawdku gelihayne
Sanca waxa imaamkii qaribey soobirkuu dhacaye
Waatii salaad lagu kalahay sebenkii Suudaane
Kuma seexan Fayruuq ragbaa seeska guu qodiye
Keenada kuwuu sudhay ayaa sababay shaahiiye
Isagiyo safaadkiisiibay sun u walaaqeene
Ifka kii ku saabudey wuxuu saadsaduu helaye
Muu mahadin saadaad kolkuu bixiyey Siinaaye
Samuutena wuxuu eersadaa saadaniistaha�e
Sirmoqabe ka sheekee ninkii boqonta seeraaye
Inaga saqiir gawracyadu waa sidoo kale�e
Safxadaa haddaad kala furtaan bogoga sooyaalka
Sadarada ku yaal waa tibaax sabarka taymoone
Inta hebelba hebel saranyee dhiriq ku saydhaayo
Iyana waa su�aal idin hortaal sidaa ka yeeshaane
Afartaas sedkii Aadan Shiikh, sahaydii Koosaar dheh
Waa iga salaan Awrayaal aan ku soo simaye
Intaan suursanaabaa inaan seexday lay filaye
Cirka dhiillo saareenku waa sahansahaygiiye
Goortaan sarkaadhiyey waataa seleshey fiintiiye
Afarkale waxaan uga socdaa wayga saxanqaade
Saxariirka keligey ma qabo simey dadweynaaye
Surbo-caadka bari Aadanaw Bogaxna saameeye
Soomaali oo idil ma jiro samo nin sheegtaaye
Laf siniinsan oo dab gelin siinka laga waaye
Sohdii Caynabood looma shubo Saatir Cumaraw-we
Intaan sabada Beled-weyne taal seray ka baadhaayo
Inuu saawir yahay waan hubaa warranka Sooyaale
Haddii seerahaygii la galay waa ku soo simaye
Kolkii aan siqsiqi waayey baa keeno lay sudhaye
Sacu dibiga Quulow kolkaan seexday buu dhalaye
Wax dhan buu sabciinkii ahaa saac-dhegooluuye
Iminkana siraad laguma helo saanjad roodhiya�e
Sed kaleeto daayoo ma jiro shicibku saabuune
Qashin saydh ayaan ahay u wadhan sayladaa Yurube
Xaajaduna wax soo saarka dhacay bay ka socotaaye
Adhigii sawaaqiga ahaa saadir geli waaye
Sogsogleydii Boorama cuntadu waa ku suququule
Garaw sixinleh waayadan martida laguma sooreyne
Salaadaw la waa canbuuliyo moofo suugalehe
Sonkortii la miisaami jirey suubiskii malehe
Laasqoray suniyo saaran-diin saafan lays daaye
Barnidii sareeyaha baddiyo soogan baa xidhaye
Qarafkii iyo sigaarkii ayey sixirkii laaleene
Haddaan lagula saayirin qaxwaha toban ma siiyaane
Saddexdii dhardhaar buu ka degey dherigii saarnaaye
Indhaweyd sabiil lalama gelin meel sariibada�e
Eyguna siniintii ka waa suuqii hiliblaaye
Bisadaha sidaasaa ka dhaba saqaya kaymaaye
Cashuuraha siddeed dhaafay waa saaca waayaaye
Bangiyada dulsaarkii kolkuu saqafka soo taabtay
Sarif eega kuma keensadaan saalax-waatuhuye
Kolkii jeegi socon waayey bay god u samaysteene
Haddii samada roob lagu og yahay waa la sugi laaye
Sibiq baa cariga looga baxay Cumar Salaadaw-we
Raggii calanka seeskaw ahaa seetaduu jaraye
Kolkii saan la daba jiiday buu soocankii baxaye
Suweyd iyo waxay daadsan yiin taniyo Sayloone
Qaarbaa saqaafii ku galay Soofiyeetiga�e
Wax Sawaaxil lagu sheegayaa ���
Madi Calan sablaaliyo ��samo ma sheegtaane
Sunuudey u rogayeen lawaa beri sabeenaaye
Baadroolkii Sucuudiga sidii dhagaxa loo saarey
Dadku sooryo uma raadsadaan Xaaji sida maale
Faraar meel ku suggan buu ku yaal sula dadkiisiiye
Intaan sabada Beled-weyne taal seley ka baadhaayo
Inuu saawir yahay waan hubaa warranka Sooyaale
Haddii seerahaygii la galay waa ku soo simaye
Kolkii aan siqsiqi waayey baa keeno lay sudhaye
Sacu dibiga Quulow kolkaan seexday buu dhalaye
Sannadkii xumaadaba ragbaa sahayda naanayse
Ragga siinka bawdada marsaday way silsilanyiine
Kolkii dunidu siliqroortey buu suuley dhaqankiiye
Ninba suu u noolaan lahaa suufi falawgeede
Sinadiyo dhaciyo beentu waa saaca waayaha�e
Jahli lagu saliday baa shacbigan saaray heeryada�e
Kolkii taashka loo sudhay ayuu simay dadweynaaye
Sagaaluu bes weeyaan kolkaan yeeke soconayne
Jajab baa ����. Lagu salaamaaye
Cilmigaan tacsiyad siinayaa Muuse Saxaraw-we
Nin safaarad eebahay ka galay sanamka meeraaya
Oo sujuuda lagu gawracaa samanka waw kow-we
Kefedaa caqligu saaran yahay abid ma soormaane
Saddexdiiba waakan isku furay Sulubow xeerkiiye
Isagayska saamaxay sharcigan suuxdimaa qaba�e
Suufbaa degtana lagu guray, dhegaha Suudow�e
Suugaanta waxa loo bahdiley boogta yey sarine
Sogogi amxaarkaw yaqaan soobo oo kale�e
Ganacsiga siloonkii ragbuu saaray heeryada�e
Daraan subax kalihin baa durtaba seertey gudihiiye
Ina Qoor hadduu salaqsan jirey wuu siyaadsadaye
Cosda baa la yidhi weydinkaa suxulo gaabtiiye
Ma saloogna Sooyaal waxay siibayaan muruqe
Salkii xeedhadoo muuqda bay suunka sii furiye
Sodogii waraaqduu u direy Moorgan socodsiiye
Siidaamiyo aboowuu ku furay suuqyadii Herere
Sabadaw nimaad tahay u dhimo waa sahnuuniyade
Sirtaa laga ilaashaa qofkii sawd waqooyi lehe
Xilka qaranka loo sido ayaa laga sifeeyaaye
Iska daa sareedada dadkay ula sinaadaane
Xitaa Siinga-siinguhu intuu helo ma siiyaane
Faraar meel ku suggan buu ku yaal sula dadkeediiye
Intaan sabada Beled-weyne taal seley ka baadhaayo
Inuu saawir yahay waan hubaa warranka Sooyaale
Haddii seerahaygii la galay waa ku soo simaye
Kolkii aan siqsiqi waayey baa keeno lay sudhaye
Sacu dibiga Quulow kolkaan seexday buu dhalaye
Salka xaajadaan laga unkunin malaha saanqaade
Mar horaa salaankii u jabay maxay Saleebaane
Danbaa tidhi sacii faalsa nacay keli saloognow-we
Maantana sabaalaha rag wado soorey baan idhiye
Ninkii dawladii sahal qabaw iima seemanide
Saanbuusihii laga adimey waa sidaad tahaye
�����������������.
Sarar iyo malaa Awdal wey kugu samaayeene
Dhidar selel ku kacayow hortaa jireba siigeeye
Afartaas sedkii Aadan Shiikh, sahaydii Koosaar dheh
Waa iga salaan Awrayaal aan ku soo simaye
Intaan suursanaabaa inaan seexday lay filaye
Cirka dhiillo saareenku waa sahansahaygiiye
Goortaan sarkaadhiyey waataa seleshey fiintiiye
Afarkale waxaan uga socdaa wayga saxanqaade
Saddex labo ka goo labo u gee saxar ma doorshaane
Tobaniyo sideediyo sagaal, iyo saa�idkeenaa
Safti geliya labadiisa dhinac hay saluulixine
Sunto weyn �����.gaalka saynta lehe
Halkan bay susumayaan daraad sudhato moodaaye
Waxba yaan rag ii kala sarifin sawrac waaxida�e
Shaadhka kii sitaba waysku jaad libiq ku seegtuuye
Sodon baan tirsanayaa intuu sahanku laalnaaye
Weli saancadkii igama tegin aan sagootiyaye
Magligii Salaax lagu dilaa qoorta ii sudhane
Lixdankii sidii ii ekeyd layma solonsiine
Gabadhii sintiin aan ka furay saaxirkiyo tuuga
Dumaasheeda waw wada sinayn aniyo Suulcayne
Hadduu seed dhanaan igu og yahay kama sinaysteene
Iminkaan sedkiisii hirdiyey sahashigeediiye
Quluublaha sudh mooyee maxaa hadhay ma suurayne
Inaan sidig tegaa layga dhigey socodkii dheeraaye
Geediga rag baa ii sakhiray soomal haadka ahe
Kolkii suulka lay godey baan dhigey sulaaxiiye
Niyad sami waagaa jirtaan wax iska saaraaye
Nin sahweyey ku noqo baa u furan labo sujuudoode
Iminkaan qabiil soomayaa sulo haboonaaye
Dibaa siigadii looga tumay soodhadh baalidaye
Dadka qaar saleeluu la yahay sawdka baxayaaye
Salka waxa cadaawaha ku riday sooma waabtaha�e
Shaxshaxaw dagaalada socdaa waa sed aan qabo�e
Sanqadhuu ku nool yahay shacbigan saaran daawuhuye
Kuwa nacabku salabaynayaa sahayda guulaaye
Sakaraadka waw ba�an kurbada lagaga siibaaye
Xabsiyada subucdiyo warkaa loo sed tiriyaaye
Qacda soordhu aabaha goblamay waa u samirsiise
Shihiidkaa kolkaan sido ayaan qabriga ugu siraadaaye
Ku darsoo intaan sigey intaan talada saameelay
Waxba badan intaan sugey intaan seegay oo badane
Sacna raaf danbuu igu hayaa saacna waa weliye
Hayeeshee Siciidaw ishaan saaka ku arkaayo
Ma sahlana amuuruu haddaan saafey boorada�e
Maantana sidii waagiibay leexo sidataaye
Sirta waxay ku haysaa markale siiqyo foorara�e
Sibqataye ninkii dhaamiyow kaama saamixine
Ninkii xadhig surmeeyow waxa socota taariikhe
Wax-wax baan safaad gelin haddii lays xiniin saro�e
Sidaha xuubka caarada wakaa aayihii sudhane
Sodonkiinan bay tahay inaad suubbisaan talo�e
Saqaf baa tihiin Kaahinow seefku dhiig yahaye
Sahan yahow maqnaa reerihii weydin sugayaane
Ninna sawd ma yeesheen haddaan saynta loo gurine
Salka geed ka hurayaa tihiin saaq ka guud baxaye
Hayin aynu wada saaranahay baad hor socotaane
Suraddiisa idinkaa u xidhan saab hadduu jaba�e
Surmo-seegtadaydii horiyo sododa aan eeday
Laga yimi sitaarooyinkiyo saymahaan galaye
Maantaba safradi waa jirtaan yaan sibiibixan
Xigasho: Aftahan
Soo
Dir iyo Daabac
Dib U laabo
Waa maansaddii ugu horeysay Deelleyda, uuna tiriyey
abwaanka weyn ee Maxamed X Dhamac "Gaariye".
Wuxuuna Yidhi
Dig dheh deelka maansada
Tixo Dir iyo Daabaca
Isku duubni wadareed
Ha ka dido shan-xuubluhu
Arrin waa la diga rogey
Doonyihii la raran jirey
Markab baa ka daba yimi
Cirka haadda duushaa
Ka duuduubte samadii
Waxa helay Dayuurado
Dejey baalashoodii
Daacuunki firidhkiyo
Daaniyii dhaqaalaa
rag duraa ku soo baxay
Kuwa daafka fidiyiyo
Dablayaasha dhimanoow
Digtoonaada way kane
Taariikhda duuga leh
waxan ugu hor daabacay
Xil damiirku qaadiyo
Waa faral dushayda ah
Qalinkiyo Dawaaddaa
inaan fuliyo ii diray
Waxan uga dan lee yahay
Nin qabyaalad doojoow
Doqonniimo waa cudur
Haddii aad dux leedahay
bal docdaada uun eeg
Inta dumar agooma ah
Inta dhiig dad lagu qubay
Inta darib nin lagu cunay
Inta duul ku qaran jabay
Debec yaa lahaayeey
Maxaa degel ku baaba'ay
Maxaa dhacay Umula-doox
Anigaa nin dooriyo
Anigaa wax dumin kara
Maxaa Beel ku dumug tidhi
Imisaa dugaag qaday
Dubaaxdiinna loo wadhay
Darka iyo xareeddiyo
Daaq laysu qoonsaday
Dirirtiyo colaaduu
Maxay haad dibbiriyeen
Islaan wiilki laga diley
Dugayeey maxay tidhi
Dadab iyo aroosiyo
Aqal laba daryaalle ah
Maxaa daaha loo rogey
Waxan uga dan lee yahay
Sumad iyo Dir-soociyo
ninkii duuf ku nooloow
Alle doori baad tahay
Soomali waa duud
Dekan qabae ha joogee
Waa ul iyo diirkeed
Deris iyo tol wada yaal
Nin danlaana kala gura
Qabiilkii Dorraad yiil
Isticmaarki baa dumay
Shalay daba-ka-naax iyo
Dibitaati baa waday
maantana dillaal iyo
Dibir baa ku xoogsada
Waa dabin qarsoodiya
ummadday ku dagayaan
Boobkay ku dedayaan
Qolo-qoladan loo degey
kama dhalan dadweynaha
Ragga dacarta huriyaa
Waa kooxo duuma ah
Daadihiyayaashiyo
maamulkay ku dumanyiin
qaarbaa diktoorra ah
Degreegoodu madhan yahay
Qaarbaa Durbaanna leh
oo daacaddii jaray
Darna waa hagoogtaan
Waa deniyo waaweyn
isku soo dabbaaloo
waa Dabaqad maal jecel
Waxa loo dig lee yahay
Dhididkaygan dahabka ah
Sidii loo duddubin laa
Afartaa docdaa mari
Dugsi maleh qabyaaladi
Waa dararta baahida
Waa astaanta dibu dhaca
Waa boog dalooshoo
Dadka maanka uga taal
Dirxi qudhun ku nooliyo
Waxa fadha nin daallina
Damqa oo ku joogsada
Balse dira-diraaloow
dabka yaad u sidataa
Yaad daafacaysaa
Haddii uunku kala dido
Yaa dulinka kaa layn
Dibjir iyo nin xoolo leh
Denbi laawe iyo tuug
docdoc weeye shicibkuye
Yaad daawo leediiin
Waxan uga dan lee yahay
Haddaad duullimaad tahay
Riddo waa u meel dayo
Docor yohow abtiriyaa
Armaad dogobka qiiqa leh
derintaad ku huruddiyo
Dushaaduun ku hurisaa
Afartaa docdaa mari
Tixdu way dagaal timi
Waa daabbad aan biqin
Cilmi baa u diirada
Durba gumuci koowaad
waxay daartay nabarkiyo
waxa doogta ugu wacan
Dawadiise may gelin
Kuwa ararta daajiyo
ragbaan ula dan lee yahay
Deelleydu waa koow
Xigasho:Aftahan
Dood
Dib U laabo
Dood wali tixraaceed
Daad waliba taagtii
Duddo wali yagleelkeed
Sabo waliba daaqeed
Damiir wali canaantii
Dawan waliba yeedhii
Dacar wali hulaaqeed
Deelleydu waa shaxe
ninba waa godkuu dego
Dig dheh Faraski Doolaal
Mar labaad ha dananee
majaraha u sii daa
Hadraawoow ku soo durug
Malmal iyo dabqaad keen
Ila didi abeesyada
Dib-ka-naaxa laba kacay
Iyo diradiraaluhu
Yuu innoo dardaar werin
Dumbuqeenna shiishka leh
Duwi mayno weligeen
dad hadduu is toydona
danyarbaa sokeeya leh
Dugsigeennu wayaga
Ifkaan daaray waakaa
Dalka iyo Jaboutiba
ragga iga danbeeyaa
Kolba dogob ha saaree
Colka wadhaf ma lagu deyey
Deji oo rogaal celi
Dulmar weeye ee garo
Kadantii duqeedii
lagu yidhi ragbaa dilay
Ee aan Ma-Diiddada
Garan duurxulkeedee
Dhaqso loo dumaalee
Dadabtiyo arooskii
ayadoo dabbaal dega
Ninkay duugtey soo galay
Ma inay is dooxdoo
Shaamareer dayowdaa
waxan uga dan lee yahay
Cirka Danab ka soo dhacay
dabka fiday kamuu iman
Digaa hoos ka noolayd
Degdeg iyo hubsiinona
mid kastaaba duuggeed
Afartaa dheh deelleey
Deji oo rogaal celi
gabbal dumay habeennimo
Dayaxiyo Cadceeddii
Inuu damiyey moodee
carshigeedi degayee
isagoon digniin qabin
Kolkii waagu daalacay
Casilaadda loo diray
Ma inuu dudaayoo
hadba doc isu qaadaa
Belo waa danbaysaa
Durba fadalku waa maxay
Nin Muraayad daawaday
Foolxumo is diidsiin
kuma doorin karayee
Ma inuu dillaacaa
Duxda hadalku meel lehe
Dusha boogta laga dhayo
aan mililka loo degin
Dawadeeda lama helo
Darbbaddii qabiilkiyo
Hadduu doogtey nabarkii
Gacantii wax duugtaay
Dufan baad u baahnayd
Afartaa dheh Deelleey
Deji oo rogaal celi
maska xuub-dillaacsaday
Dabarkiyo Mareegtii
Dar Ilaahay uma furin
Goortuu Ris daaqee
Dildiluu maqaarkiyo
???
Ka dallacay hugiisii
Waa duluc ujeeddo leh
war jiraa dareenkii
danyareey wax garadkaa
Intaa tahay darkaa madhan
Ee layska dawdabo
darxumada ku nooloow
Anna aan dagaallamo
Afartaa dheh deelley
Deji oo rogaal celi
Xididdada dawaafka ah
ee hoos u daadegey
dhulka uma dalxiis tegin
Dantoodaa fogeysoo
diga-rogashadoodii
Didibkay qasbeenee
Dardar iyo awoodbay
GebiyadaKu dumiyeen
Buuraha ku didiyeen?
Waa duluc ujeeddo leh
Daganeey Qabiilkiyo
Kala Firidhku deyr iyo
Derbi adag hadduu yahay
kuu diidey socodkii
Intaad duluglahaa tahay
dabatada ku nooloow
Waa daabac kugu yaal
Ha la daayo iyo Hees
Duco iyo habaar iyo
Amar Dawlo kuma baxo
Diburaac tusaalaha
Inta ciiddu dihintahay
dhaqaaluhu daleel yaal
dadna kala sed roon yahay
weligaaba duudduub
Dusha ubax ka saarsaar
dakhar waa halkiisii
Eed Hooyo Laga Galay Dib U laabo
Eed Hooyo Laga Galay - Maxammed Xaashi Dhamac (Gaariye)
Maansadadan "Eed hooyo laga galay" waxaa tiriyey abwaankii
weynaa Maxammed Xaashi Dhamac (Gaariye), sannadkii 1978.
Maansadu waxay ka hadlaysaa gabadh yar oo sabool ah,
ardayad ah, hooyadeed iyo reerkooduna aad iyo aad ugu
hanwaynaa islahaana markay wax idin barato ama nin
wanaagsani idiin guursado ayey wax idin tari doontaa ooy
saboolka iyo dhibaatada isinka saari doontaa.
Gabadhii rag aad iyo aad u badan ayaa soo hungereeyey mid
kastana waay eridaa oo dabada ayey kaga dhacdaa. Waxay
socotaba maalintii danbe waxaa helay mid axankeeda cunay.
Wuxuu ku beeray waxay ay jacayl moodaysay wuxuuna kaga
dhaansaday inantii miskiinta ahayd waan ku jeclahay waanan
ku guursanayaa. Nasiib darose markii uu caloosha u buuxiyey
ee ay uuraysatey ayuu ka dhaqaajey oo yidhi naad yaad la
sheekaysanaysaa?
Inantii oo murugo hadlaysaa waxay tidhi:
Ubucdayda wadhaneey,
adhaxdayda liicdaay,
arinkayga laalmow,
taladaan ilduufaay.
Axdigaan rumaystiyo
ma arraday jacaylkii?
ma engegay darkiisii?
ma afbeelay xiisii?
ma ajowday laagtii?
ma abaaday geedkaan
ubaxiisa guran laa?
Afar qaadka socodkiyo
ma eersaday wareeggii.
Orgigii la naaxshee
adhi raacdo dhaqatee
ku asqaysay heestee
naxariis u jeedo leh
aaminee run moodee
dharaartii la gawracay
is ogaaday baan ahay.
Umal yuururaan ahay.
Cudur igu unkamay baa
iniintiisii biqishoo,
ayax berri i soo maray
eel uu ka tegay baa
uurkayga jiifoo,
aramaa i hurudoo,
anigoo arkayaan
axankayga daaqoo,
macaan jeceshii oon sun ah
loo ursiiyey malabkee
ku idlaatay baan ahay.
Iintii dadkaan ahay.
caku inan rageedow
waxa igadh ka beermaa
aarankiisa weeyee
ooryihiinii kici laa
aarankaad ku dubateen.
Urugadan i haysiyo
agoonkaa sedkii go'ay
aanadiinna weeyoo
uurkaygu waa godob
eed hooyo laga galay!!!!.
Sheekadii oo sidii u qasan ayaa gabadhii maalin danbe waxay
aragtay gabadh kale oo yar uu ninka laftiisii sidii oo kale
ugu sheekaynayo oo doonayo iyadana intuu ka danaysto dabeedna
marka uurku u buuxsamo uu ka dhaqaajiyo.
Iyadoo gabadhii la u digaysa waxay tidhi:
Wayl yahay baxsane
bixisadu wadaa
bi'i waa warlaay
Adoon laacdan baran
oon weli bislaan
ha baraarshishiyin.
Is banbaani oo
ha ku ababin belo.
Laasbiira iyo
biyihii ajo ah
kuma ba'o haraad.
Dawac baadi helay
ma badbaadiyee
balan qaad af ka ah
ha u beer nuglaan.
Bilicdaadan ugub
dhayladaadan bilan
bahal qaba hamuun
ha u soo bandhigin.
Bi'i waa warlaay
maxaa bilis haween
oo baar fidhnayd
been lagu khatalay.
Maxaa bocor ildaran,
maxaa baylah wadhan
haad boobay oo
la bud dhigay hortaa.
Maxaa baydi shilis
burcad iyo labeen
la basaasay ciil.
Maxaa gabadh birlab ah
oo beegsi iyo
baxsan dhali lahayd
baydali makalay.
Bi'i waa warlaay
aniguba basraay berrigaan
yaraa waan boodi jiray
oon badhi caddaa.
Bartaad taal haddeer
annigaa ku ba'ay.
Baaxaa degiyo
beer laxowsigii
jeer aan ku baxay
waan beraad la'aa.
Ninkan kuu boqrani
waa xila bilaal.
Anigoo bed qaba
waa bukaan i helay.
Dhunkashada bishimihii
i beleeyey buu
adna kugu beweray.
Wuxuu kuu burqaday
beentiyo warkuu
igu badowsan jirey.
Bi'i waa warlaay
boggaan eeday buu
barko kugu yidhaa.
bi'i waa warlaay
baantaydan hoo
waad baahan tahay
bahal looma cuno.
Bur ha daaqin sun ah.
Gabadhii markii uurkii soo baxay ee la ogaaday ayaa la
dayrshey oo waalidkeed, ehelkeed, asxaabteedii iyo guud
ahaanba bulshadii oo dhami dayrisay. Iyadoon meelay u
ciirsato haysan sedkeediina soo dhow yahay ayey hees
caruureedan murugada leh ugu heestay wiilkii ay uurka
ku siday!
Waxay tidhi:
Samow wa alla samow waa,
samow iyo samow waa
Samow wiil gaabsiyow waa
Samow guur baaqdayow waa
Samow geesi ciilanow waa
Habeen god la seexdayoow waa
wixii iga gaadhayow waa
Ma gocor baa aabahaaya?
ma gacalkaagaa ku dayrshey?
ma garab kaagan rag joogin?
maxaad ku gunaanad seegtay?
Martiyi waa goorxun socode
waxaad orod soo guclayso
waxaad soo maalin gaasho
ma giriyaad baad is keentay?
Guhaadow aynigaaga
garnayl baa loo ridaaye
adoon weli lagu gardaadin
maxaa fiintii gadoodshey?
maxaa kalgacaylkii maydhay?
maxaa gabawerey adoogay?
maxaa hooyaday gulaalay?
geyaanku muxuu ka fiigay?
Hoheey caku guuldaraanta!!!
Guhaadow wiilkayow waa,
kuwii gaasiray codkaaga
kuwii annigana i gooyay
kuwii gocashada abuuray
kolkii garta loo xilsaaray
Arbuhu gofanihii ku yiilay
ma guudkeenuu ka raadshey!
Fuluhu weligii ha goojo
wuxuu galabsaday ha diido
haduu raad gado yidhaahdo
halkuu gelayaa adduuunka
ma hoos kiisaa ka gaabin?
Wax saan gabanyohow ku leeyahay
wuxuu dadku kaaga giigay
hadaan guntii soo ogaadey
gantaal baad tahay bagooda
gunaad kaga yaal damqaaya
Hoheey caku guul daraanta!!
hadday garashadii sabooshay
hadduu gamashiyey wanaagii
haddii gees lay faquuqay
gefkii loo wada badheedhay
haddii gooni laygu qoolay
garsoore yaqaan saboolka
racfaan baan goobayaaye
halkaa geedigu ha joogo.
Xigasho: Mareegta Somalihome...
Fad Galbeed Dib U laabo
FAD-GALBEED(1978)
Galab Ramadaan ah ayaanu (aniga iyo Cabdi-qays) gaadhi ku
tamashlaynay jidka u dhexeeya Kulliyadda Lafoole iyo
Af-gooye.Waxaanu sheed ka halacsanay hablo midho ka guranaya beer
ay lahayd Warshaddii Khudradda ee I.T.O.P. Mar- kiiba
baabuurkii ayaanu joojinay.
Gabadhii ugu quruxda badnayd ayaa,iyada oo baraad la', dabayli
gaadday;oo gaaddada u qaawisay intay gareyskeedii gil- gishay.
Waxa kaga darraa, annaka oo eegayna bay na aragtay.
Kolkaas bay khajishay oo foorarsatay;oo ciddiyaha qaniintay
iyada oo il-qoodha naga eegaysa.Waxa aanan weligay illaawayn
quruxdii khajilaaddu u kordhisay gabadhii ugubka ahayd.
Markiiba jidhiidhico ayaa igu jabtay.Qorraxdii dhacaysayna
waxay iigu muuqatay inay degdegayso.Waxa aan is-weydiiyey,
tolow ma war naxdin leh oo ay maqashay baa orodka ugu wacan?
Mise gabadhan baa ilayskeedii shiikhisay? Mise dayax soo baxaya
ayey is-leedahay uga sii dig quruxdan ka wareerisay? Markaan
waxba garan waayey, ayaan iyadii toos u waraystay oo aan idhi:
Gabbal-dhaca cadceed-yahay
U sii faano-guratee
Casar gaaban liiqii
Godka weeraraysaa!
Go'e fuley miyaad tahay?
Waa maxay garmaamadu?
Ma googooska sagalkiyo
Gamasyada shucaacaa,
Gaade kaa horreeyiyo
Gurigaad ku hoyan layd
War ku gubay ka soo direy?
Mise gabadhan dhoolkiyo
Gu'goo shaalka xaytiyo
Fad galbeed la moodaa,
Kolkaad gelin is-dhugateen
Guluubkaagii shiikhoo
Dib-u guradku waa baqe?
Mise ganac-jabkaagiyo
Waxaad galabta mudataad
Intay goori goor tahay,
Dayax soo lug-gu'i laa
Sii war-geli is-leedahay?
Gedgeddoonka hirarkee
Iyagoo garaaro leh,
Gaatin-socodka laafyaha
Xarragada u gaarka ah
Goonyahaaga tiiciyo,
Gaardiga daruuraha
Kugu gaaf-wareegee,
Gumucaad ridaysiyo
Goolli-baadh fallaadhaha,
Shafka kaga garaacdee
Isu rogay guduudkee,
Dhiiggooda gobo'liyo
Giirgiirka caadka leh,
Ku sibbaaqday guudkiyo
Gara-saar-dabtoodii
Maxaa maanta gaasirey?
Miyay kugu giriifeen?
Mise waxay ka giigeen
Gobaad haybaddeediyo,
Gantaalaha jacaylkiyo
Kalgacaylka beereey
Indhaheedu ganayaan?
Afartaa siddiri-gam
Waxaan gocanayaa weli,
Tiiyoo gareyskiyo
Marta debec u gunuddoo
Guranaysa hoobaan,
Oo aan geyaankeed
Geesaha ka filanayn,
Dabayshii gadoodee
Uurkayga garatee
Gaadmada ku qaaddee,
Gosha iyo horaadkiyo
Gaaddada u faydiyo,
Garba-duubka maraday
Durba "geb" isku siisiyo,
Gabbashada xishoodka ah
Gorodday lulaysiyo
Ugubnimo-gandoodkii.
BEER-WALE(1979) Dib U laabo
Nin beer-wale ah oo sabool ah ayaan Af-gooye kula kulmay.
Wuxuu ag yiillay Webiga dhinaciisa.Hase ahaatee wax xidhiidh
ah oo labadooda ka dhexeeyaa ma jirin.Sababta oo ah qalabkii uu
biyihiisa kula soo bixi lahaa ayaanuu haysan. Matoorrada iyo
cagafyada la sheegana wuxuun buu ka maqli jirey daacadaha.
siiba marka uu "Macallinku" uu guulaha Oktoobar tirinayo.
Isaguse ciddiyihiisa ayuu beertiisa ku fali jirey.Dhididkiisa
iyo biyaha cirkana wuu ku waraabin jirey. Ayaantay bislaatana
(A.D.C.) ayaa midhaheeda kala wareegi jirtay; oo uu dib uga
iibsan jirey. War-bixintaas naxdinta leh isaga oo ii wada ayuu
arkay basaasiin na dhegaysanaysa. Markiiba intuu
istaaqfurulaystay buu sheekadii beddeley; oo uu amaantii
ay jeclaayeen u saaray.Wuxu yidhi:waxaan ahay asaasayashii
(X.H.K.S.); carruurtayduna "Ubaxa Kacaanka" ayey ku wada
jiraan....halkaas buu sheekadii mariyey,baaqigana
maansada kala soco:
Gaarriyoow ammuur culus
Gaarriyoow af-kala-qaad,
Arrin waliba meel lehe
Ammin wali xusuus lehe,
Ayeydeey mas baa cunay;
Aabbahay sidaan qabo
Istimaarki baa dilay,
Awawgayna mooyaan.
Anna beer-walaan ahay;
Afgooyaan ku noolahay;
Arligaygu roob ma leh;
Webigaa agtayda ah
Intifaacsi kuma qabo.
Aaladaha matoorkiyo
Qalabyada ordaayana
Weligayba maan arag.
Cagafyada abraaree
Ugaaskeennu sheegaa,
Waa ii afkiisiyo
War-idaacadeed iyo
Guulaha Otoobare.
Gacmahaan adeegtaa
Ma awoodo yaambada.
Arradkiyo falliinkaa
Faraha i abaadshoo,
Way wada af-beeleen.
Uurkaygu waa milil;
Adhaxdaydu waa boog;
Cudur baan il-daranahay.
Addimada cagaagiyo
Oof baan u liitaa.
Abuurkayga ciil iyo
Urugada naftaydiyo
Umal baan ku beeraa.
Sida ugaxda diinkaan
Eegmada ku koriyaa.
Oogada huraysiyo
Uumiga korkaygiyo,
Dhiiggayga oomani
Kolkuu aburka saydhaan,
Xididada agoonta ah
Ku waraabiyaa umal.
Waxay saa ahaataba,
Ayaanteey bislaatee
Aayaheedu soo baxo,
Ayax baa ku sara-kaca
Wuu wada idlaystaa.
Inta layga adag yahay
Isna waa anfaaciga
Anna waa awaaraha,
Eridhabanki baan ahay
Nacabka u irmaanaa.
Istaaqfurula waa been
Askartii war-sheekadu
Yeey ina af-qaadine.
Adduunkii i soo gala
Iskaa baan ku bixiyaa.
Xisbigeenna aadka ah
Aasaasiddisii
Ayidaada sacabka leh,
Raggii ku aqbalaan ahay;
Dagaalkii Itoobiya
Adaraa la ii direy.
Ururrada dad-weynuhu
Waxay hees aloosaan
Erey igu ma seeggana.
Ubadkayga roon-roon
Ubaxaan kurtood qorey.
Afadayda Xaawana
"Oryantayshankaa" jecel.
Akhriskiyo qoraalkiyo
Dejintiyo abaartiyo,
Aftidiyo distoorkiyo
Dhammaan ololayaashii,
Irsiq hay dambeeyee,
Ammaan baa la ii dhigay.
"Aabbaha Kacaankana"
Asmaadiisa boqolka ah
Waan wada aqaanaa;
Maxaa yeelay waa amar
Amar dawlo weeyaan.
Aynfaadka joogiyo
Eedaadka maantana,
Allahiisa weeyee,
Sida Odaygu leeyahay
Kama iman xaggiisii:
"Iimaaanka beeliyo"
"Af-miishaarka baas iyo"
"Isticmaarka weeyaan."
Carshigii Jamaalka Dib U laabo
CARSHIGII JAMAALKA(1979)
Waa maanso aan ku ammaanay gabadh aanu Muqdisho ku la kulanay
(aniga ,Hadraawi iyo Qays).
Markaan sii yara bartayna qof wanaagsan iigu muuqatay.
Ma cawaa ma caanaa?
Ma cug baa ma cigashaa?
Ma ciirsaa ma calaf baa?
Ma cisaa ma culuq baa?
Ma daruur gu' curatoo
Cir-caddaadi noqon baa?
Ma cigaalka feleggiyo
Cir-jiidhkii Mariikh baa?
Ma magool cusaybaa?
Ma cadceed arooryoo
Fallaadhaha casuusta leh,
Ku cabsiisay dhedadoo
Ceeryaanti didisaa?
Ma xareed is-celisaa?
Ma habeen cadda ahoo,
Balliyada cigaagani
Casuumeen xiddigahoo;
Cirka dayaxi kaa jirey
Dhulka kaa cawaray baa?
Cosob rayska xaadhiyo
Ma gargoorki Ceegoo
Calcalyada barkaday baa?
Alla samay cuddoonaa!
Uduggaa carfoonaa!
Samsam caynka loo dhigay
Citibaaro badanaa!
Callo maaha liiti ah;
Habac maaha ceebo leh;
Qallaf maaha camal ba'an;
Coon maaha loo hoyan;
Baali maaha caaryo leh;
Cirir maaha toomama;
Cawro maaha socod badan;
Cayil maaha laga dido
Caatana u may bixin.
Cid kastaba u geeyoo
Meel laga canaantiyo
Cillad looma heli karo.
Cabdiyoow tallaabada
Cutiyaan idhaahdaa.
Timahay cawayskii
Cidhifyada u saartee,
Ku cayaara laydhee
Cawryaan haldhaayadu.
Dibnaheeda culayga ah
Cirridkeeda dhuxusha ah
Ilkahaa caddaanka ah
Naasaha cambuusha ah
Sunnayaasha cawsha ah,
Sanqaroorka caynab ah
Dhexda caaro-dhuubta ah
Mas-ciideedka midabka ah,
Cududaha garaaraha
Kubabkay u culus tahay,
Cambarshaha surkeedeey
Sirirsheen cabbaadhyadu,
Waa xuural-caynoo
Kolba anu tin iyo cidhib
Cad aan quudho kuma arag.
Cag-fudayd u may dhalan;
Cadho laguma sheegayn;
Waa canaadi lama odhan;
Wax ka cawda maan maqal.
Ma cod dheera waa gabadh;
Xishood baa u caado ah.
Cimri waa u gaban weli;
Caqli waa u waayeel;
Cidhib baanay leedahay.
Aniguna ma caasiyo
cadraddii ammaan lehe,
Carshigii jamaalkaan
U caleemo-saareee,
Adna Cadar Hadraawoow
Hambalyada u soo curi.
Damaq iyo Xusuus Dib U laabo
DAMAQ IYO XUSUUS(1973)
Waa maanso baroor-diiq ah oo aan ku sii maamuusay markii uu
geeriyooday abwaankii lagu goblamay ee Cabdillaahi Suldaan
(Tima-cadde).Alla ha u naxariis- tee,wuxuu ka mid ahaa
hal-abuurradii i saameeyey,ee aan rajayn jirey,intii aan
yaraa,in mar uun Ilaaheey i gaadhsiiyo darajadooda.
Xilligii gobanimo-doonka ayaan magaalada Hargeysa ugu garaadsaday
iyada oo gabayadiisa loo maalin- tirsado.Waxa la waqti ahaa
oo sidiisa looga dhur-sugi jirey Cabdi Iidaan iyo
Maxamed Ismaaciil(Belaayo-cas).
Wuxuu yidhi:
Xilli waliba deeqdii;
Xero waliba qaadkeed;
Gammaan waliba xooggii;
Tulud waliba xoorkeed;
Xeer-beegti garadkeed
Xaajana guddoonkeed.
Xog-ogaal tibaaxdii;
Xulad waliba qiiqqii;
Maanso xarakadaynteed;
Xigsin Ina Suldaan galay
Xiisaheeda gaarka ah.
Geeriyeey xijaabaay!
Xejiyaay fogeeyaay!
Xaasha e af-tahannimo,
Haddii uu xabaal galay
Xeel-dheereheediii;
Haddii aan bud-dhigay xalay
Abwaankii xiddigin jirey,
Murtidii xag loo dayo
Xulashada ahayd iyo,
Xarragada higgaaddii
Ayaa xarafki hoos-dhabi?
Faraskii xiddaysnaa
Xakamihi ayaa sudhi?
Codkiisii xarraankiyo
Ka madhnaa xabeebtee
Xuli jirey wadnaha ee,
Wixii xay ah daayoo
Xawaallada gilgili jirey;
Geelana xasilin jirey;
Xoor gudhay hadduu yahay
Xaaddaydi yaa kicin?
Gabaygii xalaashiyo
Xaqa sheeg ha joogtee,
Dan ku xeeban jirinee
Xeelli-hadal ku caan-baxay;
Mabda'aan la xadi jirin
Suugaanta xaramka ah
Xushmadeedi yaa marin?
Xayndaabki maansada
Xanfaleeyda qaaddaay!
Haddaad jabisay xeerkii,
Anna damaq xusuuseed
Adna daniyo xeeshaa
Waa xabag-cadaadeed.
DHADARBI
Dib U laabo
DHADARBI(30/9/1988)
Maansada DHAHAR una tiriyey Abwaan Hadraawi su'aalaha ay i weyddiisay
waxaan ka jawaabay siddeed gu' ka dib. Waqtigaas oo ugu habboonaa isaga
oo ku beegnaa markii ciidamada S.N.M. ay madax-madaxa isugu tuureen
magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.Sida la wada og yahayna nabarradii
lagu gaadhsiiyey weerarradaas,ayaa ka mid ahaa dhaawacyadii ugu darraa ee
Taliskii Siyaad ka soo waaqsan waayey.
Tixduna arrintaas ayey qaadaa-dhigaysaa.
Dhereroow waxba ha tarin
Dhumuceey bar-kuma-taal;
Himilooy warkaa dhimay.
Afku wuxu ka dhawrsaday
Dhafooroow adaan qarin.
"Dhega!" maalintuu yidhi
Dhallin "saadambaad garan."
Sheekaduu korkaw dhigay,
Isba wuxu la dhaygagay
Dhagartuu ka digi jirey
Sidii looga dhayalsaday.
Dhuxdhuxdiyo faqii shalay
Muqdishiyo ka dhacay Herer
Beentiyo dhuhlayntii;
Dharabiyo xayaabada
Nimankii dhab-dhabi jirey
Nimankii dhadhabi jirey
Lax dhunkani abaar moog
Lafba badhi kamay dhugan;
Ilaahayna kama dhigin.
Aniguna "dhug"tii baan
Anigoo dhacdiidsaday
Dhagidii ka toosoo,
Geneyoow dhan loo dayo
"Dhigta udubka diidee"
"Dhacday iigamay darin."
Adiguna dhaclaaleey!
Dhacle darayamuusleey!
Dhacda-yahay labaad tahay
Laba dhinac ayaad tahay.
waxaad tahay dhib iyo dheef
Dhaqan iyo dhur baad tahay.
Dheddig iyo lab baad tahay.
Dhabba-yahay madaareed
Is-dhaaf-dhaafintaadiyo
Dhaweyntiyo sagootiga,
Gartay inad dhammaadiyo
Dhafaneey biloow tahay
Dhafan-dhaaf isugu jira.
Aniguna dhex maan ihi
Dhexdhexaad kamaan ihi
Sheekadan dhan baan ahay.
Adiguna dhawaaqii
Dhammoow yeedhmadaad tidhi
Ina Xaashi Dhamacoow
Kuu dhalay Hadraawoow.
Marka xiga dhiggaygoow
Haddaan ahay ma-dhuuntoow!
Dhaadmada dareenkiyo
Dhibaabaha adduunyada
Ninkii kula dhadhamin jirey;
Ma dhawayn kolkaad tidhi:
Dhidarkuba xabaalaha
U ma dhaadhaceenoo,
Kuma dhiirradeen ruux
Celin kara dhawaaqee,
Wuxu maydka dhiiliyo
Dhiif iyo sidaad tidhi
Dhaqdhaqaaq ka waayuu
Hore ugu dhawaadaba,
Wax ku dhacayba waayadan
Dhasalaalaqii iyo
Durba xawliguu dhimay,
Inuu dhamac ku joogsaday
Dheeh igama saarree,
Waxba dhawrkan maalmood
Lug baa jeeni dhaaftoo
"Dhalaw" tidhi ma maqasheen?
Qarankii dhiskiisiyo
Intuu dhidib ku taagnaa,
Dheeraad nin dooniyo
Nin ku dhegay xaqiisoo
Dhacsanaayey saa tidhi,
Labadaysu dhinac yiil;
Dhagartuna ka oognayd
Qardoofada dhexdooda ah.
Waxay dhaalacyeysaba
Waxba dhawrkan maalmood,
Dhoontii madhnayd iyo
Dhaanjigii fatihi jirey
Isku dhace ma maqasheen?
Beladii shin dhaaftee
Toban saniyo dhiidhii
Intaa dhaysinaysee
Nin dhursugayba raagsaday,
In kastooy sid dheerayd
Laga dhali ma maqasheen?
Dhederbiga dadweynuhu
Duufaanka kama dhaco
Doonyaha dhirbaaxee;
Waxba daadka dhirifkii
Moosaskiyo dhufaysyada
Dhacantiyo gidaarrada
Dhaadheer ka boodee,
Shalay dhuun-castii Golis
Iyadooy dharaar tahay
Xarumaha dhexdoodii
Ka dhufsaday ma maqasheen?
Ma dhawayn kolkaan idhi
Jiilaalka dhaharteey
Dhalmo-daysay samadii,
Ninkaa dhababtay ceelkii
Ka dhexeeyey wadhatada
Isna dhaansanmaayee,
Wax la wadoba dhiiqiyo
Dhidarkii xabaalo-qod
Qudhun ma uga dhaadhacay?
Deegaanyo dhabatiyo
Dhulka hadaw ma kaga kacay?
Cirku danab ma laba-dhigay?
Ma dhaqaaqday ciiddii?
Ninkii dhaatayee yidhi:
"Haddaan dhigo xilkaan sido"
"Yaa u dhiibanaysaan?"
Ninkii dhaarta mari jirey
Ma ka dhabaqday xaajadu?
Wuxu dhawrka odhan jirey
Ma ku daalay dhoorkii?
Dayro-dhaafyadaa galay
Waxaa dhaxanta loo go`ay,
Durba dhidid far waaweyn
Ma ka duugay dhabannada?
Ma-dhintoow-Siyaaddii
Aabboow-ha-dhicintii
Dhag-dhagtiyo mashxaraddii,
Miyaa geeso dhiigliyo
"Dhugcay" lagu sagootiyey?
Dheecaan macaan iyo
Haddaan dhabaq ahaa shalay
Dhadhankiisa loo bogay,
Maantaba dhurdihi mamay
Markay dhabi dhabteed timi
Dacar ma u dhadhamayaa?
Dhiddin iyo raggiisii
Deris adag ma loo dhigay?
Ma dhalaalay barafkiyo
Dhedadiyo hummaaggeey
Ka dhisteen mandaraduhu?
Afartaas war kala dhiman
Isagoo dhan waa sidan:
Burbur iyo dhibaabiyo
Dhafar iyo qaxootiyo
Dhudiyeey qasaaraba
Rag dhabiiltamaa lehe,
Mar haddaan hengelo dhigay
Dhimashana ka wada simay
Dhahar iyo ragna is-baray
Allaylehe kar baa dhacay.
Hashuu gurey dhaloombiyey
Dhanna uma fayoobee
Kol hadday dhib ii tahay,
Waxa dhab ah Salaanoow
"Haddaad dhimato geeridu"
"Mar ay nolosha dhaantee,"
Ceebtiyo dheg-xumadii
Dhugatana ha daacdee,
Bagaa rag uga dhiidhiyey.
Bagaa laysu jilib-dhigay;
Wixii lays dhacsiiyiyo
Bagay dhicisay beentii.
Hubka dhuunta ka onkoda
Iyo dhagarta miinada,
Bagaa dhabar-adayg iyo
Sahraay jiibka laba-dhaca,
Dhenged iyo ableey iyo
Dhagax loogu babac-dhigay.
Baga baga jikraha dhacay
Baga baga dhulkaan labay
Baga baga shilkaan dhigay
Baga dhoomahaan riday;
Nimaan dhiili soli jirin
Bagaan dhiil yar ugu shubay.
Intay belo dhud leedahay
Dherer iyo ballaadh tahay
Waa la ii dhudhumiyoo,
Dheegoow adduunyada
Qabar ii dhinnaayoo
Dhacayaa ma noolee,
Bagaa laysku dhegegsaday;
Bagaa dhuunta la is-muday;
Bagaa nabadda dhaawacan
Cirka looga xero-dhigay.
Ma dhawayn kolkaan idhi
Wax buraashad lagu dhuro
Badi way ka dheertee,
Baguu Ina Dhal-baasoow
Dhulkiiyoon tin laga goyn
Xaaqinkii dhammaad yahay.
Haddii laaggi lagu dhacay
Dhaaxo aan ka digi jirey
Dhabarkana rag kaga jabay,
Anba layma dhaahine
Wixii dhumaya yeelkood
Jiilaalka dhidibsaday
Xay-dhool nin maalaa
Damba-same ku dheeryee
Haddaan dhacarto ii furan.
Intaan dhoobbigaa ahay
Waxay dhiiqdo Maan-deeq
Dhal waraabe ula siman,
Waxba dhayda qubatee
Dhami-jire ku sama-qabay
Ku dhabriiranmaayee;
Nin dhadhaaran jirey baa
Dhuuniga la waayiyo
Dherigaw u darsanayee,
Kol haddaanan dhereg qabin
Dheglaydaan ku shubay waa
Dhan kastaba ha lagu qado.
Adiguna Dharjaanoow!
Maanshee dhurwaa-yahaw
Dhaadhaada taahiyo
Dhuun-yeedhis mooyee
Sida kale u tamar-dhigay;
Waaryaa Dhabaajuur!
Adigoo dhul-biiye ah
In yar maad is-dhuubine,
Mar haddaan dhabtaadii
U ban-dhigay adduunyada
Wayso kuuma dhawrnee,
dhalan waa cajaa'ibiyee
Bahalkii isaga dhuro
Dhaqankaagi waxashnimo.
Dharka aadminimadee
Bixi kugu dhibaadda ah
Dhilli toobal-caaraha.
Dhiillada waqooyiga
Ka dhisaalan maantiyo
Nin dhegaystay raadyahu
Shilka dhacay ma moogoo,
Inaad gacan-ku-dhiigliyo
Tahay dhaylo-dubatiyo
Dinnaddii dhasheed-cuna,
Dhoorreydaa ogaatoo
dhagi kuuma noolee
intaad dhigato haylaha
xidho dhoolahaagii
dhogortiyo luuqmahaag
iyo dabadii dheerayd
waxse sidaa loogu dhololin
dhagar aanad falin
dhigi maysid maantee
ma cirkaad dhan soo soo ridi
wax ma dheera kaaruhu
kuwaan shalay dhadhaabtiyo
ku dhacsadey hangoolkee
ama dhuunta ayga
waxa la galiyo dhuunta
maantana dhaboosoow
labadeenii dhinac
xeegadu dhex taalaa
dhawr goola kugu tage
dheeshiina wa wali
togdheer iyo
dhamal Hargeysiyo
dhulgariirka ruxaya
adigoon is dhaga marin
dhibaatooyinkiisa
-- fandhaaliyo
waxba xeedho kala dhacay
ha ka dul dhareerinee
wax iskaga dhig geerida
waadigii ka dhaartee
waxa dhakafaarka ku riday
cirka ka soo dhac maahinee
igarkaygii
waxaad dhigatay weeyaan
-dhito biirtay weeyaan
- cadho weeyaan
bulsho dhiidhiday weeyaan
weeyaan
didisay weeyaan
dhashaad kicisay weeyaan
dhagax iyo dab weeyaan
dhamac iyo sun weeyaan
dhalashiyo haweenkii weeyaan
dhulkaad baa ladan
hurisay baa shidan
dhibtaad gaysataad badan
badaad dhuuxdey baa badan
dhirtaad diiratay baa badan
hangashaad dhigtay baa wadhan
waxaad dhaaftay lama arag
adna nabadi kaa dheer
dhumisayee ha raacdeyn
dhacatayee ka soo leef
dhabashayee nin qoomoow
haday dhiidhiday
dhaqashayee ku taagnow
may ahey hadraawoow
adoo dhagar ku hoos jira
inaad dhagaxyo tuurtee
dhicisayee ha maareyn
ka daydayo
dhufatayee hadduu go'ay
markuu yidhi ha dhaawicin
markuu yidhi dhaqaalee
markuu yidhi dad qalatada
ha ku dhiganin wiiklkana
dhubuqdhubqdii weeyaan
durba dhabano haystii
dhagrqabe hadaad tahay
bartay dhiiga dabatada
anba dhuunta
dhanbshayee nin qoomoow
haday dhiidhiday
gubatayee ku taagnoow
hadaan dhoohanaan jiray
baraarugay
dhaaxiiyo wax badan baa
markuu yidhi dhaqaalee
Dir iyo Daabac
Dib U laabo
Waa maansaddii ugu horeysay Deelleyda, uuna tiriyey abwaanka weyn
ee Maxamed X Dhamac "Gaariye"
Dig dheh deelka maansada
Tixo Dir iyo Daabaca
Isku duubni wadareed
Ha ka dido shan-xuubluhu
Arrin waa la diga rogey
Doonyihii la raran jirey
Markab baa ka daba yimi
Cirka haadda duushaa
Ka duuduubte samadii
Waxa helay Dayuurado
Dejey baalashoodii
Daacuunki firidhkiyo
Daaniyii dhaqaalaa
rag duraa ku soo baxay
Kuwa daafka fidiyiyo
Dablayaasha dhimanoow
Digtoonaada way kane
Taariikhda duuga leh
waxan ugu hor daabacay
Xil damiirku qaadiyo
Waa faral dushayda ah
Qalinkiyo Dawaaddaa
inaan fuliyo ii diray
Waxan uga dan lee yahay
Nin qabyaalad doojoow
Doqonniimo waa cudur
Haddii aad dux leedahay
bal docdaada uun eeg
Inta dumar agooma ah
Inta dhiig dad lagu qubay
Inta darib nin lagu cunay
Inta duul ku qaran jabay
Debec yaa lahaayeey
Maxaa degel ku baaba'ay
Maxaa dhacay Umula-doox
Anigaa nin dooriyo
Anigaa wax dumin kara
Maxaa Beel ku dumug tidhi
Imisaa dugaag qaday
Dubaaxdiinna loo wadhay
Darka iyo xareeddiyo
Daaq laysu qoonsaday
Dirirtiyo colaaduu
Maxay haad dibbiriyeen
Islaan wiilki laga diley
Dugayeey maxay tidhi
Dadab iyo aroosiyo
Aqal laba daryaalle ah
Maxaa daaha loo rogey
Waxan uga dan lee yahay
Sumad iyo Dir-soociyo
ninkii duuf ku nooloow
Alle doori baad tahay
Soomali waa duud
Dekan qabae ha joogee
Waa ul iyo diirkeed
Deris iyo tol wada yaal
Nin danlaana kala gura
Qabiilkii Dorraad yiil
Isticmaarki baa dumay
Shalay daba-ka-naax iyo
Dibitaati baa waday
maantana dillaal iyo
Dibir baa ku xoogsada
Waa dabin qarsoodiya
ummadday ku dagayaan
Boobkay ku dedayaan
Qolo-qoladan loo degey
kama dhalan dadweynaha
Ragga dacarta huriyaa
Waa kooxo duuma ah
Daadihiyayaashiyo
maamulkay ku dumanyiin
qaarbaa diktoorra ah
Degreegoodu madhan yahay
Qaarbaa Durbaanna leh
oo daacaddii jaray
Darna waa hagoogtaan
Waa deniyo waaweyn
isku soo dabbaaloo
waa Dabaqad maal jecel
Waxa loo dig lee yahay
Dhididkaygan dahabka ah
Sidii loo duddubin laa
Afartaa docdaa mari
Dugsi maleh qabyaaladi
Waa dararta baahida
Waa astaanta dibu dhaca
Waa boog dalooshoo
Dadka maanka uga taal
Dirxi qudhun ku nooliyo
Waxa fadha nin daallina
Damqa oo ku joogsada
Balse dira-diraaloow
dabka yaad u sidataa
Yaad daafacaysaa
Haddii uunku kala dido
Yaa dulinka kaa layn
Dibjir iyo nin xoolo leh
Denbi laawe iyo tuug
docdoc weeye shicibkuye
Yaad daawo leediiin
Waxan uga dan lee yahay
Haddaad duullimaad tahay
Riddo waa u meel dayo
Docor yohow abtiriyaa
Armaad dogobka qiiqa leh
derintaad ku huruddiyo
Dushaaduun ku hurisaa
Afartaa docdaa mari
Tixdu way dagaal timi
Waa daabbad aan biqin
Cilmi baa u diirada
Durba gumuci koowaad
waxay daartay nabarkiyo
waxa doogta ugu wacan
Dawadiise may gelin
Kuwa ararta daajiyo
ragbaan ula dan lee yahay
Deelleydu waa koow
Dood
Dib U laabo
Waa maansaddii ugu horeysay Deelleyda, uuna tiriyey abwaanka weyn
ee Maxamed X Dhamac "Gaariye"
Dig dheh deelka maansada
Tixo Dir iyo Daabaca
Isku duubni wadareed
Ha ka dido shan-xuubluhu
Arrin waa la diga rogey
Doonyihii la raran jirey
Markab baa ka daba yimi
Cirka haadda duushaa
Ka duuduubte samadii
Waxa helay Dayuurado
Dejey baalashoodii
Daacuunki firidhkiyo
Daaniyii dhaqaalaa
rag duraa ku soo baxay
Kuwa daafka fidiyiyo
Dablayaasha dhimanoow
Digtoonaada way kane
Taariikhda duuga leh
waxan ugu hor daabacay
Xil damiirku qaadiyo
Waa faral dushayda ah
Qalinkiyo Dawaaddaa
inaan fuliyo ii diray
Waxan uga dan lee yahay
Nin qabyaalad doojoow
Doqonniimo waa cudur
Haddii aad dux leedahay
bal docdaada uun eeg
Inta dumar agooma ah
Inta dhiig dad lagu qubay
Inta darib nin lagu cunay
Inta duul ku qaran jabay
Debec yaa lahaayeey
Maxaa degel ku baaba'ay
Maxaa dhacay Umula-doox
Anigaa nin dooriyo
Anigaa wax dumin kara
Maxaa Beel ku dumug tidhi
Imisaa dugaag qaday
Dubaaxdiinna loo wadhay
Darka iyo xareeddiyo
Daaq laysu qoonsaday
Dirirtiyo colaaduu
Maxay haad dibbiriyeen
Islaan wiilki laga diley
Dugayeey maxay tidhi
Dadab iyo aroosiyo
Aqal laba daryaalle ah
Maxaa daaha loo rogey
Waxan uga dan lee yahay
Sumad iyo Dir-soociyo
ninkii duuf ku nooloow
Alle doori baad tahay
Soomali waa duud
Dekan qabae ha joogee
Waa ul iyo diirkeed
Deris iyo tol wada yaal
Nin danlaana kala gura
Qabiilkii Dorraad yiil
Isticmaarki baa dumay
Shalay daba-ka-naax iyo
Dibitaati baa waday
maantana dillaal iyo
Dibir baa ku xoogsada
Waa dabin qarsoodiya
ummadday ku dagayaan
Boobkay ku dedayaan
Qolo-qoladan loo degey
kama dhalan dadweynaha
Ragga dacarta huriyaa
Waa kooxo duuma ah
Daadihiyayaashiyo
maamulkay ku dumanyiin
qaarbaa diktoorra ah
Degreegoodu madhan yahay
Qaarbaa Durbaanna leh
oo daacaddii jaray
Darna waa hagoogtaan
Waa deniyo waaweyn
isku soo dabbaaloo
waa Dabaqad maal jecel
Waxa loo dig lee yahay
Dhididkaygan dahabka ah
Sidii loo duddubin laa
Afartaa docdaa mari
Dugsi maleh qabyaaladi
Waa dararta baahida
Waa astaanta dibu dhaca
Waa boog dalooshoo
Dadka maanka uga taal
Dirxi qudhun ku nooliyo
Waxa fadha nin daallina
Damqa oo ku joogsada
Balse dira-diraaloow
dabka yaad u sidataa
Yaad daafacaysaa
Haddii uunku kala dido
Yaa dulinka kaa layn
Dibjir iyo nin xoolo leh
Denbi laawe iyo tuug
docdoc weeye shicibkuye
Yaad daawo leediiin
Waxan uga dan lee yahay
Haddaad duullimaad tahay
Riddo waa u meel dayo
Docor yohow abtiriyaa
Armaad dogobka qiiqa leh
derintaad ku huruddiyo
Dushaaduun ku hurisaa
Afartaa docdaa mari
Tixdu way dagaal timi
Waa daabbad aan biqin
Cilmi baa u diirada
Durba gumuci koowaad
waxay daartay nabarkiyo
waxa doogta ugu wacan
Dawadiise may gelin
Kuwa ararta daajiyo
ragbaan ula dan lee yahay
Deelleydu waa koow
Dugsi Ma Leh
Dib U laabo
DUGSI MA LEH QABYAALADI(10\12\1979)
Maansadani oo ah tii bilawday "SILSILADDIIl DEELLEEY" waxaan ka bixinayaa faahfaahin
dheeraad ah.Waa tahay.Sannadkii 1978 waxaa fashilmay af-gambi ay koox ciidankii
qalabka siday ka tirsanayd ay isku dayeen.Mudda ka dib ayey nimankii uu ka dhicisoobay
Itoobiya kaga dhawaaqeen Jabhaddii(S.S.F.).Dadka Soomaaliyeedna cuqdad bay ka qabeen
Xabashida iyada oo markaas uun laga soo jeestay dagaalkii 1977. Arrintu si kastaba
ha ahaatee,nin Khaliif la odhan jirey,(oo Jabhaddaas ka tirsanaa) ayaa maanso soo
direy uu qabaa'ilka Soomaaliyeed oo dhan ku maagayo,isaga oo qabay inay dirirta
Af-weyne kaga baxeen.Markiiba waxa ka jawaabay nin Dhirbaaxo-jin la odhan jirey.
Dhirbaaxo-jin, isaga oo qoladii uu ahaa(Isaaq) difaacaya,ayuu weerar ku qaaday
qoladii Khaliif ahaa Majeerteen). Halkaas baanay ka bilaabantay, SILSILADDII MIINLEEY'
ee ay ragga badani ka qayb galeen.Dawladdii Siyaadna,iyada oo ku faraxsan dadkan
qabyaaladda iskaga hor-yimi,waxay bilawday cajaladihii gabayadaasu ku jireen inay
badiso oo faafiso. Maalin maalmahaas ka mid ah,ayey niman dhallin-yara ihi noo yeedheen
(aniga iyo Hadraawi) iyaga oo naga codsanaya inaanu gabayadaas ka jawaabno, annaka
oo "reerkayaga" difaacayna.Waxaanu u sheegnay inaanu ka jawaabayno,hase ahaatee aanu
siday nala tahay uga jawaabayno.Sidaas oo ahayd inaanu magac qaranimo ku hadallo;
dadka la isku dirayana cududooda isu gayno,si ay ugu midoobaan dagaalka Taliska lagu
la jiro. Annaka oo sidaas ku ballansan ayuu Siyaad noo yeedhay horraantii Bishii
Diisambar 1979.Waxaanu ahayn aniga, Hadraawi,Yuusuf X. Aadan, Idaajaa iyo Yamyam.
Hadal isagaa iska badnaaye,wuxuu na weydiistay inaanu dagaal kula qaadno qabyaalladda
oo uu noo sheegay inay xoogaysatay. Aniga iyo Hadraawi, annaga oo ka faa'iidaysanayna
fursaddaas, ayaanu fulinay arrintii aanu hore ugu heshiinay. Markaas baan anigu bilaabay
Silsiladdi "Deelley" oo maansada hoos ku qoran ku furantay.
"Dig" dheh deelka maansada
Tixo dur iyo daabac ah,
Isku-duubni wadareed
Ha ka dido shan-xuubluhu.
Arrin waa la diga-rogay;
Doonyihii la raran jirey
Markab baa ka daba yimid;
Cirka haadda duushaa
ka duuduubte samadii;
Waxa helay dayuurado
Deja baalashii yidhi.
Daacuunki firidhkiyo
Daaniyii dhaqaalaha
Rag duraa ku soo baxay.
Inta daafka fidisiyo
Dab-layaasha dhimanaw
Digtoonaada way kane.
Afartaa docdaa mari
Dersigaygu waa meel.
Taariikhda duugga leh
Waxan ugu hor daabacay,
Xil damiirku qaadiyo
Waa faral dushayda ah.
Qalinkiyo dawaadaa
Inaan fuliyo ii direy.
Waxan uga dan leeyahay,
Nin qabyaalad doojaw
Doqoniimo waa cudur.
Haddii aad dux leedahay
Bal docdaada uun eeg:
Inta dumar agoomo ah!
Inta dhiig dad lagu qubay!
Inta darib nin lagu cunay!
Inta duul ku qaran-jabay!
Debec-yaa-lahaayeey
Maxaa degel ku baaba'ay!
Maxaa dhacay umulo-doox!
Anigaa nin-dooriyo
Anigaa wax dumin kara
Maxaa beel ku "dumug" tidhi!
Imisaa dugaag qaday
Dubaaxdiina loo wadhay!
Darka iyo xareeddiyo
Daaq laysu qoonsaday,
Dirirtiyo colaaduhu
Maxay haad dibbiriyeen!
Islaan wiilki laga dilay
"Dugayeey" maxay tidhi!
Dadab iyo aroos iyo
Aqal laba-deryaale ah
Maxaa daaha loo rogay!
Waxan uga dan leeyahay
Summad iyo dir-sooc iyo
Qofkii duuf ku nooloow
Alla-doori baad tahay.
Soomaali waa duud;
Dakan-qabe ha joogee
Waa ul iyo diirkeed;
Deris iyo tol wada yaal
Nin dan laana kala gura.
Qabiilkii dorraad yiil
Isticmaarki baa dumay;
Shalay daba-ka-naax iyo
Dibitaati baa waday;
Maantana dillaal iyo
Dibbir baa ku xoogsada.
Waa dabin qarsoodi ah;
Ummadday ku dagayaan;
Boobkay ku dedayaan.
Qolo-qoladan loo degey
Kama iman dad-weynaha;
Ragga dacarta huriyaa
Waa kooxo duumo ah;
Daadihiyeyaashiyo
Maamulkay ku duran yiin.
Qaar baa diktoorro ah
Digriigoodu madhan yahay;
Qaar baa durbaano leh
Oo daacaddii jaray.
Darna waa hagoogtaan
Waa deniyo waaweyn.
Isku soo dabbaaloo
Waa dabaqad maal jecel;
Waxa loo dig leeyey
Dhididkayga dahabka ah
Sidii loo dudubin laa.
Afartaa docdaa mari;
Dugsi ma leh qabyaaladi;
Waa dararta baahida;
Waa astaanta dib-u-dhaca;
Waa boog dalooshoo
Dadka maanka kaga taal.
Dirxi qudhun ku nool iyo
Waxa fadha nin daalin ah;
Damqa oo ku joogsada.
Balse dira-diraaloow
Dabka yaad u sidataa?
Yaad daafacaysaa?
Haddii uunku kala dido
Sidu yeey u daran tahay?
Dib-jir iyo nin xoolo leh
Dambi-laawe iyo tuug,
Doc-doc weeye shicibkuye
Yaa daawo leediin?
Waxaan uga dan leeyahay
Haddaad duulimaad tahay
Riddo waa u meel dayo.
Doxor-yahaw ab-tiriyaa
Armaad dogobka qiiqa leh,
Darintaad ku huruddiyo
Dushaaduun ku hurisaa!
Afartaa docdaa mari;
Tixdu way dagaal-timi;
Waa daabbad aan biqin
Cilmi baa u diirad ah.
Durba gumuci koowaad
Waxay daartay nabarkiyo
Waxa doogta ugu wacan;
Dawadiise may gelin.
Kuwa ararta daajiyo
Rag baan ula dan leeyahay
Deelleeydi waa koow.
Gashi
Dib U laabo
GASHI(1980)
Yuusuf Xaaji Aadan Cilmi,ninkii yaqaan baa yaqaane,waa taallo.
Wuxuu ka mid ahaa raggii gobanimadii u soo halgamay.Wuxuu
kaloo ka mid ahaa macallimiintii ugu horreysay ee waxbarashada
dalka ka bilaabay.Sannadkii 1980 ayaa wuxuu jeclaystay in loo
beddelo miyuusiyamka (Rugta Dhaqanka) ee Hargeysa,si uu
reerkiisa ugu dhawaado.Wuxuu sidaa ka codsaday wasiirkii Hiddaha
iyo Tacliinta Sare ee xilligaas Axmed Ashkir Bootaan.
Isna wuu ka diiday inuu ka aqbalo, isaga oo ku marmarsoonaya
inaan Yuusuf xilkaas qaadi karin. Waxaan la kulmay odaygii oo
aad uga xun jawaabta kaga timi diciifka aan kabihiisa gaadhi
karin.Waxaan ka joojiyey warqad uu cadhadii rabay inuu u diro Maxamed
Siyaad.Anigoo u sheegaya in isaga laftiisu yahay xuddunta mushkilladda.
Waxaan u ballan-qaaday in loo abaalgudi doono maalinta dawlad
xaq ihi dhalato.
Guclo been ah gaalleef af-daran gawdhis iyo duudsi
Lib-gad iyo ammuur wada gurracan geesi la illaawo
Giddi xalay waxaan Yuusufoow gurayey taariikhe.
Gedgeddoonka waayaha haddaan gaar u falanqeeyey
Intii goob la soo maray intii guluf la heenseeyey,
Hadba goosh ha joogtee wixii guulo laga keenay
Dadku uma gudboonayn sidii loogu hawl galaye.
Gambigiyo colaadaha hashii rag isu keen gaysay
Gilgilkii ka dhacay qaalintuu galawgu dhiilaabay;
Gidhligaannadii aawadeed la isla gaadaayey
Hanqadhkiyo gariirkii markay geesna qaban waday;
Gaameeloleeyeey markay ololka googoysay
Ee geel-jirii maali jirey gogosha hayn waayey
Gurmadkii ku kacay baad ahayd "gii"da maatada e.
Waxay geli-fardoodaba markii la isku soo gaadhay
Guryo-keente Maan-deeq intaad gaydh u dirirteene
Allaylehe abaal baw gasheen gabiga Soomaale.
Waxse iyaba waa guul-darree gorof ku maalaaya
Oo aan Gobaad loogu tegin gaalo-ka-hadheene;
Adigiyo genkaagii halgamay waa ka garanuuge.
Gorayeey dad-weynuhu hashuu gacan ku soo hooyey
Gooraan nimaan raadin baa gaawahaw sida e.
Waa taa candhadi giigsanayd daysay godolkiiye .
Hays odhan wax gaaraa ku helay garasha-dheeroowe
Gasabkoodi may helin raggii kula gudboonaaye.
Garab-saar-dabtiinii raggii Ferenjigii gooyey
Geestaa haddaan dhigo intii hore u geeryootay
Gabadannada waa kula qabaan gaagi soo hadhaye.
Gadoodkii Asayliyo Markaba waa la gaasiraye
Gurdankii Tog-dheer iyo la qari Giib raggii dilaye.
Axsaabtii gumaysiga nebcayd labadi geesoodba
Gurrac bay u mariyaan waxay goolal dhaliyeene.
Hadba gobol ha faansheen intay doc u gorgooraane
Guntii waxa ah taariikhdu ma leh baalal googo'ane.
Meeshiyo Ganaaniyo ilaa geliyadii Saylac
Gabi shicibku waw wada dhammaa gayf-u-dirirkiiye.
Gefka dhacay haddaad Yuusufoow gama' la diidayso
Ayax guuray baa kaaga tegey eelka gaamuraye;
Galabtuu baxaayeey ahayd dhab ugu googooye
Nimankii ka gaashaaman laa waanay garanayne.
Gaadiid ayuu kaaga tegey lagu-ma-guuraane
Gadh-wadeenna wuxu kaaga dhigay garab-ku-daaqiiye;
Geeddigi dharaartii la raray gaadhi waa nolole
Sidii bay u guud-saaran tahay gibishu awrtiiye.
Goor dhaw se waxan maagganahay nabar an gaystaaye
Mugga waan gadoodee kolkaan gamasta dhiiggeeyo,
Een geed ku xidho booli-doon goohu wuu damiye
Ha degdegin gashaan kaa qabaa waanan gudayaaye.
Hagar Laawe
Dib U laabo
HAGAR-LAAWE(1984)
Waxa isa soo taray weerarradii mucaaridkii hubaysnaa ku
hayeen Siyaad sannadihii 1983 iyo 1984.Sidaa aawadeed
wuxu xoog uga dagaalamay inaan Soomaalidu u midoobin.
Wuxuu bilaabay inuu iska hor-geeyo labadii qabiil ee
ood wadaagtaba,isaga oo ka faa'iidaysanaya
goldoloolooyinkii jabhadaha.Waana sababihii huriyey
colaadihii sokeeye ee berigaa carriga Soomaaliyeed ku baahay.
Arrintaas ayey tixdanuna ka dhalatay.
Hal madaw araar iyo maanso
Harawaati roob iyo mawjad
Murti iyo higgaad nabad-doon ah,
Waayahan haddeer ku salaysan
Ahna diirad keebka hagaysa
Berritana nin nool u hal-hays ah,
"Haye cala salaa" mar kaleeto
Dhoodaanna heestu ha gaadho.
Ma og tahay Hadraawi ma kuu war?
Ma og tahay habaaska dalluumay?
Ma og tahay hor-weynta la qaaday?
Ma og tahay in Hawd laga guurey?
Ma og tahay gabdhaha wada heermay?
Ma og tahay rasaasta habawday?
Ma og tahay hoggaanka la eeday?
Ma og tahay Hadraawi ma kuu war?
Ma og tahay "hiraay"da "wiraay"da?
Hadhaciyo bardaha laga caagay;
Haradiyo biyaha godobaysan;
Naylaha haraaryadu laysay;
Shimbiraha dhirtii hadhsan waayey;
"Hiih"diyo "hayaay"da baxaysa.
Ma og tahay Hadraawi ma kuu war?
Ma og tahay nacaybka la huurshay?
Ooryaha asayda hagoogtay;
Hooyada baroorta naf moodday;
Aanada ilmaha ku hadaaqay;
Dhalashiyo hablaha dhaxdin seegay.
Ma og tahay Hadraawi ma kuu war?
Ma og tahay habaarka dhisaalan?
Halasaha dagaalka sokeeye
Dhallintiyo halyeeyada le'eday;
Gacalkiyo hilbaha is-xasuuqay.
Wadhi wadhi hoheey cakuyeey hoh!
Habbisada dadkayga la saaray
Haan-haanta loo kala soocay
Ma-huraanka laysku lisaayo,
Hurdankiyo gabaaro-gurdayska
Halaq baa ku raad-gadanaaya.
Isagaa hubkaysugu dhiiba;
Hanadada sidaa ku shidhaysta;
Dabadeed hamuunta ku reeba.
Isagaa habeen iyo maalin
Godobtiisa reer huwinaaya;
Hadba shaadh qabiil u tolaaya.
Hindhisyaana saa qasab weeye
Dadku waa inuu hargab qaado,
Wadhi wadhi hoheey cukuyeey hoh!
Qoriyahaw hubsiino-la'aanta,
Qoriyahaw hawaawi-dhacaaga,
Qoriyahaw hinaase-la-boodku,
Jugtu waa waxaan la hagaasay.
Meeshiyo Hargeysiyo Juubba
Qoriyahaw halkaad cuskataaba,
Waa haar korkayga ku taalla;
Waa meel jidhkayga habaysa;
Dhaawaca anaa u hafeefta;
Giddi waa halboowle i qooman.
Wadhi wadhi hoheey cakuyeey hoh!
Umalkiyo naftayda hadraysa,
Hammigiyo sidaan u tol beelay,
"Hiq"du waa anoo ladi waayey.
Haybtaydi baa is-cuneeysa;
Garabkaygi bays wada heeray;
Maradaydi baygu huraysa.
Kugu-dhimayo-kaa-dhimay waa huq;
Rati heeryadiisa cunaaya
Hungo waa sidaan ahay maanta;
Dhanna hee dheh iima fayooba.
Anigaa colaadda ku hoobtay
Wiil iyo walaalba ka hoogay;
Anigaa hugaygu i diiday.
Iminkana haddaan la heshiinin
Hibashada haddaan la dawaynin
Hebel-yaa-lahaa la illaawin,
Himilooy wallee gabbalkaa dhac;
Talo-faro-ka-haaddaay mooyi;
Calanyahaw waxaad tahay loo-hadh.
Anigana hadhaw iyo faallo
Halistaa inaan ka afeeftay
Oo weliba hiif iga gaadhay,
HAGAR-LAAWE ii geli buugga
Taariikhda aan wax hilmaamin.
Hashii Cosob
Dib U laabo
Hashii Cosob
Sannadkii 1980 ayuu Taliskii Siyaad olole ku qaaday wuxuu ugu
yeedhay "Suuqa Madaw".Wuxuu magacaabay Guddida Cidhib-tirka
Suuqa Madaw.Nin aanu saaxiib ahayn ayaa ii yimi oo ii sheegay
in guddidaas lagu daray.Isaga oo ku faraxsan ayuu iiga warramay
siday u qabqaban doonaan "tuugta".Markii uu iga waayey xiisihii
uu iga filayey ayuu sababta i weydiiyey.Waxaan uga warramay in
Taliska adeegsanayaa uu laftiisu yahay suuq madaw.Isaguna ka
mas'uul yahay dhibaatada oo dhan.Waxaan kale oo ugu daray inaan
guddidiisu far saari karin ragga la naas-nuujiyo ee ka ganacsada
suuqaas isaga ah."Waxa la doonayaa" baan ku idhi, "inaad soo
xidhxidhaan jeeblayaasha yaryar.Si la inooga jeediyo meesha
eeshu ku taal.
HASHII COSOB(1980)Codkii dadka baahan
Caroogga saboolka,
Adduunka ku ciillan
Anaa cudha haysta.
Anaa Cabdillaahi
War-geys u ah caydha.
Caloosha danleeyda,
Anaa cabbiraaya.
Anaa carrabkayga
Xammaalku cabbaayo,
U diiday cir-weyne
Inaan ku casuumo.
Gafuur cadho yeelki
Intaan cosob-raaco,
Wallee is-ma caayo.
Waxsay tahay caawa
Calaacalimaayo.
Hal baa curanaysa;
Ufaa caranaysa;
Malaa cir da'aaya
U sii ah calaamad.
Ciyoowga higgooday
Wuxuu ka cif-leeyey,
Colaad ka horreysa
Cagaar hiri doona.
Haddeerse caleenta
Xagaagu caddeeyey
Cimraa u run-sheegay.
Dhurwaaga ciyaaya
Cabaadku naf weeye.
Cadceed-galabeedku
Godkay cidhif joogto
Dan bay ugu ciiri.
Wax taasi la cayn ah
Cadaawe jabaaya
Haddaan helo ciidan.
Intaa cuti koow dheh
Su'aal yarna ii cug.
Ayaa ku cadaadshay?
Waxaad dhaqday deer-cad
Ayaw jaray cawda?
Shabeelki Cagoole
Hadduu dad-cunoobay
Jidh caato ah doonay
Caddiinkana diiday,
Hadmaad u cadiigsan?
Hadmaad ka cad-goosan?
Haddaad caqli leeday
Intaad cilmi-baadho,
Car suuqa madoobi
Cidduu yahay soo hel!
Cagaarka la leefay
Cirroolaha baahan
Ciyaalka jal beelay,
Hablaa carcaraafay
Cibaarada joogta
Canaanta ayaa leh?
Ma jeeblahan cawlan
Ayaa ku curyaanshay?
Kumaa cadawgaa ah?
Nin kuu cudud-sheegtay
Dhashaadana caydhshay;
Nimuu camalkiisu
Jar dheer kala ciiray;
Nin ceebta korkiisa
Caddaan ugu taalla
Aroorba cid saara,
Maxaad u cawaansan?
Fulaa cararaaya
Maxaad ugu ciidmi?
Dhiqlaa ku cunaaya
Intaad ka cabsooto,
Maxaad naf cagaagan
Islaan cimri-goys ah
Cibaado sabool ah
Culayska u saari?
Miyaan cadda-loolka
Habeenki ciyaarta
Carruurtu ku heesin
"Maroodi cadhoole":
"Haddii col la sheego"
"Cadaadda-ku-meere!"
"Hashii cosob waa tan."?
Ka Kufriyey
Dib U laabo
KA KUFRIYEY JACAYLKII(1978)
Maansadan waxa ka muuqata dhallin-yaranimo iyo dulqaad la'aan.
Waxaan ku canaantay gabadh ballan igaga baxday;oo aan ku tuhmay
inay nin iga jeeb roon iga raacday.Markii arrintaasu igu timi,
ayuun baan waxan u ekaaday sidii nin xalay oo dhan ku riyoonayey
isaga oo janno ku jira,oo kolkii waagu beryey is arkay isaga oo
gelengel jiifa.Arrintu si kasta ha ahaatee,kollay tix noocan ah
ma mariyeen hadday shalay maanta ahaan lahayd.
Jamashooy waxba ha tarin;
Jarka debecsanaw ciir;
Ballankii jabaw dood;
Beeneey jilbaha dhigo.
Jirka gaagaxaw baga;
Dimmo uur-jilaycaw.
Badda jiidaneey guur;
Jibintii dhacdaay yeedh;
Dib u guro cir-jiidhkaw.
Fiintiyo jugleydaay
Ila jiibsha heesaha.
Dadka jeebka caabuda
U jaxaasa iimaan.
Han-yareey jawaab hoo;
Shaxdaad jeexday waan degay;
Irmaan baanay joogtaa.
Jaraan guudka kuu sudhay;
Jid kastaana kaa xidhan.
Laba-geel-jeclaantii
Hadba-doc-u-janjeedhkii,
Jillaafooyinkaagiyo
Jirjirroolenimadii,
Jaasadeeda waad heli.
Hadday jugo ku gaadhaan
Waxba hay jadeer-wicin
Ka kufriyey jacayjkii.
Xalay jaah-wareerkii
Hurdadaan yar jiifsaday
Riyo jaan miyaan galay.?
Jannadaan ladaabsaday
Kolkii jiidhku oogsaday
Jab miyaa sagootiyey?
Jabadkaan astaystiyo
Jeeskaan yagleelsaday
Hadmaa jaarku i ag dagay?
Jirradaan bogsiin laa,
Gurigaan "jiq"siin laa,
Garbadaan lahaa jiidh,
Dantaydaan lahaa jiri,
Jaan-gooyadaydaan
Is-lahaa ka jibo-keen,
Shaw dhaan jin baan waday!
Jirriddaan tallaalee
U soo jeexay laagtee,
Jeedaaladdaydiyo
Jiiftada ku korin laa,
Xar baa shaw ku jeerraa!
Dusha jidhifta mooyee
Shaw dhuuxba kuma jirin!
Riyo jaadad badanaa!
Dhalanteed jimcoonaa!
Uur-jireenka murugada
Soo-jeed u daranaa!
Iska jiif lahaydaa!
Kabo Caseeye
Dib U laabo
KABO-CASEEYE(1979)
Waxay ka hadlaysaa wiil kabo-caseeye ah,oo aan Ceel-gaabta Muqdisho galab
kula kulmay.Isaga oo i shaxaadaya ayaa dabayl dhabatay oogadiisa maradii
ka fayday.Waxaan halacsaday boogo wada caabuqay oo kor iyo kal jidhkiisa
qari-yey,iyo dooryaan ku soo hoobanaya oo uu gamcaha ku didinayo. Aniga
oo yaabban ayaa mise waa gaadhi shabagle ah oo askari ka buuxdo.Durba
wiilkii yaraa bay, intay sidii kubbaddda malaaseen, baabuurkii guradiisii
ku tuureen oo la galbadeen. Markaan u sii dhabbo-galayna waxaan ogaaday
in amar lagu bixiyey in carruuta dib-jirka ah magaalada laga ururiyo.Si
aanay u arag wufuudda shisheeyaha ah ee Xamar u imanaysa xuska
"Sannadkii Carruurta".
Wuxuu Yidhi:
Waa curub abaadday;
Waa laan cusayb ah
Oo ciiro fuushay;
Curdin weeye qaadhay;
Waa cudur jidh yeeshay;
Waa baahi cago leh;
Waa ciil dad-weyne
Canug laga sameeyey.
Caynkuu u eeg yey
Carrab laguma koobo;
Waa caato miiqan
Oo caday ka dhuuban.
Waa ciirsi-laawe;
Waa kabo-caseeye
Ceel-gaabta jooga.
Waa caado-goys yar;
Ma yaqaan cisaynta
Qofna kama cabsoodo;
Waa cadho gadhoodhay.
Casar buu agtayda,
Isagoo cagaagan
Oo caano-waaye
Baatrool cabbaaya,
Anoon caanad haysan
Kaga cawday gaajo;
Oo aanan caawin.
Sidii ruux canaaday
Goortuu cabbaar yar
Isha igu canaantay,
Waxa caratay siigo
calooshiisa qaawan
Markii ay ku ciirtay
Masraxii cadaabta
Oo car iyo bay la'
Calalkii ka fayday;
kana curatay sheeko.
Cayayaanki fiirshay
Cartanaw boggiisa
Boogaha cunaayey.
Dukhsi aad col mooddo
Oon cadad lahayni,
Caabuqi korkiisa
Durba caasha saare.
Carcartiyo kulaylka
Kokuu caydhshu guuto
Cutub soo hor yeelay.
Anna camal-wareeray;
Caal-waa daraadi
Ciddiyaha qaniinay.
Waxna cirirka gaaxday
Igu sii cusleeyey,
Cagiduu dhaqaaqay
Ciidan baa taxaabay;
Lagu yidhi ciyaalka
Cid dar yeesha haysan
Ee aragga cawlan,
Si na loogu caayin
Ku cabbeeya gaadhi.
Sababtoo ah caawa,
Waxa yimi Curuuba
Dhawr wafdoo caddaan ah
Iyo qaar Ciraaq ah;
Oo Cabbaas i leeyey
Waxa loo casuumay
Sannadkii carruurta.
Keena Diid
Dib U laabo
KEENA-DIID (7\9\1989)
Xabbaddii Waqooyiga ka bilaabantay 1988 ayaa gobollada oo
dhan ku baahday 1989.Waxa laga kacay gobollada dhexe,Juubbada
Hoose,Muqdisho iyo meelo kale. Ummaddii la iska hor-keeni
jirey ayaa garbo-siman noqotay.Dabkii baa carriga wada gaadhay.
Kolkaas buu Kelidii-taliyihii go'aansaday inuu mucaaridka hadal
u furo.Adduun! Hadda waa nimankii uu afarta injirta leh odhan
jirey!Maansadan KEENA-DIID waxa dulucdeedu tahay inaan wax
wada-hadal ah ama dib-u-heshiisiin ah oo suurto-gelayaa jirin.
Waxay dalbanaysaa in laba mid la soo galo: in xukunka la
iska dhiibo,iyo dirirtu sii socoto.
Maansada dab baa laga helaa duraha jiilaale
Dareenkiyo waxaa lagu shidaa daacaddoo qudha e;
Niman baa dubaalado macmaca olol dugsoonayne
Mar haddaanay daynabo lahayn diirsimaad ma lehe.
Baqal waa dameer waana faras daawashada guude
Isagoo dirkaba shaabahuu dooca gaar yahaye;
Geenyada nin doonaaba koray looma awr-dayine.
Daridiyo Hadraawoow naxwaha laaxinkaa dila e
Kuma daro ninkii fara yaqaan ararta deel-qaafe
Dhegtaa diida meeshay xarfuhu dalab ku yeeshaane.
Ragga laga dambeeyee murtida daajiyaan ahaye
Dadku waa u weysaysan jirey DEELLAYDAAN furaye;
An daleeyo caawana miday hadal ku daayaane
Dawi Ina Gurraasoow safruhu Dubay ha geeyeene.
----------------------
Kuwa samaha inay doonayaan dunida gaadhsiiye
Dar kaloon aqoon bay wiglada ula dan leeyiine
Mindhaa Daado iigama fadhiyin dib-u-heshiisiine;
Hadday nabadi doocaan ahayd laysu dacareeye.
Waxa lala dardaamaa qofkii wax u dambeeyaane
Wuxu dayso leeyahay ma garan Deex wedkii helaye.
Israa'iilna waa loo dalbaday dabar-go'aygiiye
Mar haddaan docii ii nooli jirin waan derderayaaye
Iyagaa dardaar-werin jiree yaanay dacaroone.
Dab wax guba dabbaabad iyo jiib doobta ka higgooda
Inta dawlad taagteedu tahay waa la ii dumaye;
Wixiiyoo dayuurado onkoda na la dul gawdiidshay
Dhulka cidi ma daaqdeen siday damacsanaayeene
Rabbi doobirtii iyo rag baa lagaga doogaaye.
Sidii duur la gubay bay carrada qaraf ku daareene
Lama-dego waxaa Herer ka dhigay dil iyo laystaane;
Dabayl baa ka foodhiday Tog-dheer degelladeediiye
Dummaddooda weeyaan wixii moora-duug dhacaye.
Iyagaa khalqiga dayriyee yaan la daydayine
Raggii calanka deyrka u ahaa dide Cubeeshoowe
Kolkii loo dub-nixi waayey bay dabarka goosteene.
Dubur iyo wuxuu hawd ka galay shicibku Daadayse
Dul-cad baa xeryaha looga dhigay duluglahoodiiye.
Haddaanaan dagaalamin nafluhu nama daneeyeene
Darmo lay fidshaa kama horrayn dooraddaan dhigaye.
Dawo laguma raadsheen raggii loo darraaan jireye;
Dubbahaygi weeyaan hadduu dumay gidaarkiiye
Intii baan dad ii soo shiriyo daanya-qaad helaye
Intii baan dul-saarkii ka baxay laygu duudsiyeye
Intii baa sidii dawladeed lay dabbaal-degaye;
Digta kaaraheey geelayaga doolay mahadsheene
Ducana nooma kicin jeer warmaha laysku deedamaye.
Dhibta waw dul leeyahay hadduu ruux dan leeyahaye
Annakana diraacdiyo colkii noogamay darine;
Ninna danabyadiisii ma tebin haadku daaligaye
Daar iyo wixii maal burburay duudsi baan qoraye.
Wixii daranba Geneyoow wax baa kaaga sii darane
Intay daabka haystaan mindida nololi waa duufe
Waxan duunyadaydii u hurey mar ad is-daysaane.
Intaan nabadda daafacay haddaaan col u daruureeyo
Mar horaan danteey gaadhi laa Cali-durraanoowe;
Wakaa fooshay daalacan xaqeey dedan ku sheeleene
Waxa deeqay warankii dhegtii diiday waanada e;
Goortii duduuciyo "kir"tii laga la soo daalay
Loo gurey dameeruhu usheey dabac-yaqaaneene.
Iminkay la deedaabayaan dakharradaydiiye
Waa dabatadoodii waxaa daadsan kaymuhuye;
Sidii deero lagu yeedhay bay dabada jeedsheene
Dulucii islaamaha la eed Ina Ducaaloowe.
Iyagoo "dig"teedii Tog-dheer weli dedoonaaya
Oo doogihii Herer qabaan Saylac soo dagaye.
Umulaha kuwii dooxan jirey Daalo laga saarye
Warku durug Kismaayana siday ugu dalaabeene
Ka dabbaalanmaayaan bad bay dalaq yidhaahdeene.
Malmalkiyo dab-qaadkii sidii laysu daba-qaaday
Waagii dillaacaba naxdino dihin ma waayaane;
Ma dambayso maantana hadday Xamar ka dayrsheene
Intii horeba daaweey lahayd daannadaan dhigaye,
Allaylehe haddaan doonidii qoomay dakhalkiiye.
Nin kastoo dambeedsadayba waa laga dambeeyaaye;
Rag hadduu Dayuuroow laftiyo duunka ka colloobo
Mid uun baa hadday deedamaan "dugay" ka raacdaaye,
Iyagoo dureertada ka jaban dani hadday keentay
Waa guul Ilaah nala damcoo loo dadaal-galaye.
Kolkaan shalay inoo daaya laa nabaddan loo daabtay
Dannigooda may gelin mar baa loo darsanayaaye;
Iminkay sidii doollar kacay dahab ku raadsheene
Anna waxan dalluuntawgu riday rag is-dareensiiye
Jeeroo dabkaygii wax gubay layma soo dayine.
Daw baan u leeyahay haddii doorkan lay tebeye
Waxaan degemsanaadaba markaan diiray lay baraye
Inaan duulin karo layla arag samahay diideene;
Goortaan ku daaduumiyeey "dala'" yidhaahdeene
Waa dulin suntiisii la helay maanta dabadeede.
Noomaysan daaheen hadday duuli karayaane
Waxay dib u fadhiisteen kolkaan "deeliyaa" idhiye;
Alla-doori tiiqtiiqsigii door umuu dhaline
Gabbalkooda dumay waa shacbiga waa u daalacaye
Anna wawga darayaa hadday maanta dagan yiine.
Nimay noloshu deel-qaaf ku tahay iima duur-xulo e
Dhego waxay dalooleen intaan dakharku weynaane;
Waa taan dubaaq loo lahayn dela-wadhkaygiiye
Imnkana dillaacaan lahayn meel dawaar maro e.
Amba dhiig ma daadsheen haddii daawo nooshahye
Badh-daloolka iyagaa ka dhigay diin la aamino e
Waxan dirir guddoonsaday markaan waayey daw kala e.
Dacalkaa Ilaah noogu xidhay duul habaar qaba e
Waa waxa dusuuddii guryaha geystay meel darane.
Wuxuun baa hadday dawlad yiin laysla dayi laaye
Ma oggola dad-weynuhu wixii goostay daahyada e.
Shilna wayna daan-weyn intay duubka xidhan yiine
Dabaday ku qarin layd hadday riyi dub leeday e
Waxba yaan gal soodhkii dafiray lagu ma-diidayne.
Wax dhaaxaan durraansaday rabbigay daraygay yaalliine
Dillo ma leh haddooy ii jabeen naqas ka sii daaye
Dihanmaayo caawana hadday duco yidhaahdeene.
Iyagoo dareeriyo inay dunidu ceeryoonto
Inoo doora labadaa mid dhaha hadalki oo duuban.
Madaacaley
Dib U laabo
MADDAACALE(1984)
Maxkamadda tixdanu ku socoto ninka eedaysanaha ihi waa Cartan-yare.Waa wiilkii
canugga ahaa ee aynu kaga soo hadalnay maansadii KABO-CASEEYE.Wuxuu iminka
hor-taagan yahay caddaaladda ,isaga loo haysto inuu lacag iyo qalab kaleba ka
xaday baabuur uu nadiifinayey.Cartan-yare waxaas oo dambi ah wuu qira- nayaa
isaga oo ku adkaysanaya inuu xisti daraaddii sidaa u yiilay.Marka sababta la
weyddiiyana midh aan loo fadhiyin ayuu ku jawaabayaa.Wuxuu caddaynayaa in
ninkan ku mudduciga ihi,isaga oo askartii gumaysiga ka tirsan,uu aabbihii
oo gobanimo-doon ahaa dilay.Mar qudh ah ayaa la is-wada eegayaa,oo la fajacayaa,
maxkamaddana dib loo dhigayaa.
Waa muunidii hore
Qorraxdoo malliigyo leh,
Mina-subax kaliileed
Oo milicdu kulushahay.
Anoo maahsan weli baan
Af muggii hamaansaday;
Sidii ruux la miray baan
Indhihii maraanmaray;
Milshi baana igu jirey
Iyo murugo hoosoon
sababteeda moogaa.
Arrinkana mucdiisiyo
Halkii ugu macaydiyo
Markii laysla oogsaday,
Tiiyoo la marayaan
Anigoon macnihi helin
Kala qaaday meeshii.
Durba waxan miliilicay
Oday miis ku foorara;
Oo maryihi hiddaha iyo
'Maxamuudi'dii xidhan.
Ahna malaha Ciisoow
Intii aan muqlaysnaa,
Ninkii madasha soo galay
Ee "mood" la wada yidhi.
Wuxu furey maxkamaddii.
Oo madaxi sheekadu
Waa iga badh-maqanyee,
Walba uun mudducigii
Intaasoo markhaati ah
Uu marag u keensaday,
Dacwad muran ka oognaa
Intuu yarahe guud-maray,
Ayuu yidhi,'maddaacale'
'Maxaa lagu yidhaahdaa?'
Oo wiil marqaafyo leh
Murdisada ku sii goday.
"Cartan Maxamed Dhaashane."
'Oo kuma ku magac-dheer?'
"Moogaan ku caan ahay."
'Miyaad mehered haysaa?'
"Ragga macasha weyn baan"
"Gawaadhida u maydhaa."
'Baabuurka midabka leh'
'Ee Meersandiiska ah'
'Waxba maal kol laga xaday?'
"Mayee waan xusuustaa"
"Galab maqalku dagan yahay,"
"Mar inaan yar tiigsaday."
'Xaggaad marisay lacagtii?'
"Maalin baan khammaar dhigay."
'Oo muraayad-haaddiyo'
'Marawaxaddi aawaye?'
"Saw taan masruufsaday."
'Saa waa muftaaxiyo'
'Dacsadihi madoobaa?'
"Mooyaan gar-sooroow."
"Xisti baan malaha dee"
"Uga tuurey meel daran."
Oo miridh hakadayoo
Intuu sacabka midigta ah
Ku masaxay ilmadi qaar,
"Mooyaan" haddana yidhi.
"Iga daa munaafaqa"
"Hooyaday Mullaaxiyo"
"Aabbahay ku maqan yiin."
Xaakinkii markaasuu
Isa soo melmelayoo,
'Kuma maqale yaa' yidhi.
'Maxaa hooyadaa helay?'
"Hooyaday maxaa helay?"
"Maskaxday la'dahay dee!"
'Maskaxday la'dahayaa?'
Wuxu yidhi,'miskiinaa!'
Oo murugo awgeed
Hadba shaarub miiqoo,
'Goormaa la maray?' Yidhi.
Miciyaha intuu cunay
Oo midab-geddoonsamay,
Ayuu sheeko ma-hadhiyo
Laga reebay maahmaah
meeshii ka sii waday.
Wuxu yidhi,"macaaneey"
"Waxay tuurtay maradii"
"Milaygaan calool-galay."
"Markaasoo ku beegnayd"
"Dhagax-tuur markuu dhacay."
"Igiriisku maantuu"
"Muqdishoo la sara-kacay,"
"Askartii ku meerreyd"
"'Mariyaay' intuu yidhi,"
"Ninkan igu mudduciga ah"
"Oo saajin-miijii"
"Marxuunkii i dhalay dilay."
"Muggaasaanay hooyaday"
"Miyir ay is-daayen;"
"Anna Mooge lay yidhi ."
Mar qudhaa la oogsaday;
Oo lays miliilicay;
Midh aan loo fadhiyin baa
Murankii ku soo baxay;
Mahaasaana dabadeed
Lagu xidhay maxkamaddii
Mar dambaana loo dhigay.
Madax Goodir
Dib U laabo
Madax doodir, 04/04/1980
Sida kor ku xusan,Sannadkii Siddeetankii horraantiisii
waxa dalka Soomaaliyeed ka curatay tixdii la magac-baxday
DEELLEEY. Tixdaas oo silsilad ahayd,waxay ka koobnayd
maansooyin ay is-dhaafsadeen abwaanno Soomaali ihi.
Waxa xoog looga dooday dhibaatooyinkii dalka markaas ka
jirey iyo ciddii ka mas'uul ahayd.
"Ninba ceesaantii ceel keen". Rag Taliskii Siyaad daafacayey
iyo rag cambaareeyeyba waa la ahaa. Waxaase ka aakid ahaa
inay Kelidii-taliyihii ku soo baxeen hal-abuurro isa soo
gunaanaday,oo fool-xumooyinkiisii farta ka saaray. Isna wuu
u qaadan waayey. Mar wuxuu ku taliyey in la soo qabqabto.
Marna in qaarkood lalaayo.
Ugu dambayntii wuxuu ku adkaystay In Deelleey la mamnuuco.
Halkaas kolka wax marayaan baan waxaan xusuustay sheekadii
"BOQORKII GEESAHA LAHAA" iyo dhex martay ninkii u xiirayey
ee iinta ogaaday. Arrintaasayaanay maansadu ku salaysan tahay.
04/04/1980.
Mar aan gaban ahaa beri
Galab aan adoogeey
Geed uu fadhiyi jirey
Sheeko kooban kaga guray,
Wuxu yidhi guyaal hore
Boqor geeso laa jirey,
Oo goostay weligii
Inaan iinta lagu garan.
Fule waa geddiisee,
Wuxu goorba hubiyoo
Gedfo oo cumaamado,
Gadh-xiir baa sirtii helay.
Godob buu se taransaday
Garashadu u sabab tahay
Nin gefaana laga dhigay.
Hadduu gaabsan waayana
Inuu gawrac jiro maqal;
Hadba giirka loo kici
Goldolooladuu helay
Inay gudubto loo diid.
Isna waa gartiisee
Liqi waa gasiinkii
War guntamay la fool-qaad.
Sidii naag shinkeed go'ay
Ganacyadu hambaabuqe;
Gabbashada miciin mood.
Kolkay gama' is-waayeen,
Gelin dhexe rugtiisiyo
Gurigii ka soo bood.
Gudcur beegsay duurkiyo
Geliyada dugaagga leh.
Mugdigii galaydhkiyo
Garanuugta kala dide.
Wuxu gabi-dhacleeyaba
Kolkii waagu "galac" yidhi,
Geed hoosti faadhfaadh;
Sida bahal god dheer qoday.
Dabadeed gafuurkiyo
Gadhka ciidda saaryoo,
Intuu fiirshay geesaha,
Goofkii xogtuu helay
Gaagaabsi ugu sheeg.
Dulucdiina gaadhsii
Inu Boqorka goojaa,
Madax goodir leeyahay.
Hadda iga ma goyside,
Waxaad iga guraysaa
Sheeko beri la ii galay.
Geesigu warkiisii
Ku cabbudhay kolkuu ganay,
Garbahiisa laga duul;
Gebigiis fudayd noqoy.
Goobtiina aasyoo
Ka hurgufay go'iisii;
Galbay oo ka sii socoy.
Ka gadaalna meeshii
La ye goorti roob helay,
Geesaa ka soo baxay.
Dhamaad
Qasab Kuma Balweeyo
Dib U laabo
QASAB KUMA BALWEYN KARO(1978)
Waxay ka hadlaysaa ninka gabayaaga ah iyo kaalintiisa. Waxay soo baxday
xilligii ay suugaantu dagaalka hubaysan dadka u islaynayasay.
Wallee been ma qaayibo;
Wallee gabay qardoofo ah
Ama iga qandoodsama
Qalbigaygu ma hollado.
Wallee "qaaf" ujeeddo leh
Qiimahayga kuma rido;
Magac waa qasaanade
Wallee qado ma dhaafsado.
Wallee qalabka maansada
Heesaha qumbuladda ah
Uma qubo dhugmo-la'aan.
Ninkii beesha qaayima
Qar hadduu ku soo dumo,
Wallee ciidda kama qodo.
Wallee qalin-daraalaha
Dambi qaranka laga galay
Kama qariyo wadhatada.
Wallee qoonta mililka leh
Qaarka sare ma dhaydhayo.
Haddii ay qudh-gooyiyo
Joogto qoorta-soo-dhigo,
Wallee gabay ma qurux-tiro.
Shacbi qawdhamoo kacay
Qarqarsiga hadduu jaro,
Wallee qoofal kuma xidho.
Haddii qoys agoon yahay
Wixiisii rag qaybsady,
Qaan-gaadhna sara-kaco
Qabyadooda raadshaa,
Qori-sii ha joogtee
Wallee quuso kuma diro.
Waxaruhu sidaan qabo
Weligoodba qoor-qabad
Biyo kuma qudhqudhiyaan;
Anna qiiro mooyee
Qasab kuma balweyn karo.
Qarafiyo tixaha gabay
Ku qabbaano uma baran;
Qatanaha la duudsiyey
Ayaan ugu qabbaanaa.
Hadba wiilka qooqane
Maalintaasi qoodha ah
Qushuuciisa ma akhriyo;
Ways kala qab weynahay
Qofna kabaha uma tiro.
Qolo-sheegashana daa;
Iska dhaaf qabiiloo
Qarankeenna oo idil
Qol yar baan u haystaa.
Qummaneey xuduudiyo
Qaarradaha la kala xidhay
Qoqob bay i geliyaan.
Haddaan qabi lahaa taag,
Quruumaha Adduunyadu
May kala qaloodeen;
Qodaxdaan ka guri laa
Qoys baan ka dhigi laa.
Qiyaame
Dib U laabo
Qiyaame (1980)
Markii lagu jabiyey dagaalkii Itoobiya(1977) ka dib,
waxa bilaabmay burburkii Taliskii Siyaad Barre.
Inqilaabkii 1978 fashilmay,ee lagu af-gambiyi gaadhay
ayaa isna jaah-wareer ku sii riday.Durba waxa la
bilaabay in jagooyinka halbawlaha ah reerka
Kelidii-taliyaha loo wada dhiibo. Ruushkii
baa la eryey oo Maraykan baa halkiisii la geliyey.
Dhaqaalihii baa burburay. Qabyaaladdii iyo
naasnuujintii baa si sidii hore ka qaawan loogu
badheedhay. Markii waxba socon waayeen ayaa waxa
food-saaro laga dhigtay in "kacaankii leexday" oo
loo baahan yahay in la toosiyo.Waxa 1980 lagu
dhawaaqay wax loogu yeedhay "laba-kaclayn" oo la
ina yidhi kacaanka ayaa dib loogu cusboonaysiinayaa.
Xisbigii la ina lahaa dalka ayuu hoggaaminayey iyo
hay'adihiisii ayaa la hakiyey.Waxa dib loo soo
nooleeyey wixii la odhan jirey "Golihii Sare ee
Kacaanka". Iyada la isku dayayo in la ina dhacsiiyo
in waqtigii askartu talinayeen xaalku hagaagsanaa.
Maansadan Qiyaame arrintaas ayey ku soo baxday.
Waxaanay dadka tusaalaynaysay in Taliska gabbalkiisii
gaabtay; gefafkiisuna ay wax la sixi karo ka culus
yihiin.Sida Diintu ina bartayna waxa la yidhi:marka
Qiyaamaha la gaadho kutubta ayaa qallasha;qalimadana
waa la rafacaa;toobaddana lama aqbalo.Haddaan soo
ururiyo,waxa tixdan dulucdeedu tahay inay talo faro
ka haadday;oo aan hadda wax la qaban karayaa jirin
mar haddii suurtii la isu afuufay.
QIYAAME (1980) iyo Qoys
Qoys baa la yidhi
Wuu qadhaaban jirey,
Qayb-wadaag ahaa;
Beri qadafka iyo
Quudhsigu yaraa,
Qoonsimaadna jirin.
Way qashiin baxeen ,
Qalab bay heleen,
Qabyo korodhay iyo
Qorshaa meeshi yimi;
Durba qawqab dhalay.
Qori-tuuradkiyo
Qoondaysigii,
Keli-qayte iyo
Qaadaa-ma-dhereg,
Noqde laba qabiil
Oon qira-heshiin;
Daan iyo qadhiidh
Qoon aan is-bixin.
Hadda qayladiyo
Qacdu waa iyaga;
Waa qodax dhex taal
Qatanaha kaciyo
Qawlaysatada
Qawlaladu cad yiin.
Afartaasi qodob
Qabo Abu-hadroow.
Qiso kalana hoo.
Ina Qaytihii
Qallaxnaa ma garan?
Kii baha-dad-qalad!
Qayaashmaashki dee
Qudbadaha badnaa!
Qabbaabaalihii
Durba qaati noqoy;
Qarraq doonidii;
Qusur oodan jiidh;
Qiiraqiirihii
Hadba doc isku qaad
Iyo qar iyo buur.
Qarnigii cilmiga
Qubanaha is yidhi
Ku muquuni qori;
Qallef iyo ba'naan
Iyo Quuflihii
Qaab laga il-baxay.
Qaran idil ku yee
Qof hadlaa ma jiro.
Qaadaa-dhig talo;
Qardajeex ku eeg;
Qablanyoo la diid;
Qobtolyoo furfuran;
Qolo-qolo u shiri;
Heeso qaada yidhi;
Ku qaboobi waa.
Qasan xaajigii;
Wuxu qaadhanaa
Ee qoor casaa
Qabqablaa u baxay.
Hadba qaarrad aad;
Quruumaha colka ah
Kala qari is yidhi;
Lagu qabay ma dayn!
La qaniin ma garan!
Qibladaha kunka ah
Midna qiil u waa.
Qarafadi ku xiiq;
Ku qadyoo ku noqoy;
Ku qasaar ku faan;
Ku qatalan baryada
Ka qatoobi waa.
Qaydkii yaraa
Iyo qoor-tolkii
Qaaliga ahaa
sicir jaban u quudh.
Alla-qabay misana
Inu qaawan yahay
Qiran waa Fircoon.
Qorrax foorartiyo
Naf xabaal qar taal
U jaxaas qardhaas.
Qod gaboobayoo
Ka qalloocday meel
Qofka toosi yidhi,
Waa daad-i-qaad
Oo xumbaan qabsaday.
Goor qiyaame kacay
Hadda qiiradiyo
Qoomamadu bilaash.
Qalimadi la laab;
Kutubtii qalale;
La quraan Dijaal;
Quntay Daabbaddii.
Miisaanki qaran
Kafadihi qotomi;
Qaan-sheegti keen;
Dambi la isku qaad;
Oo qire dadkii
Inu Qawdhan yahay:
Xawaldaar qandhadh ah
Arasayn qufulan;
Kabo-qaad dorraad
Gumaystaha qudhmuun
U qabbaani jirey;
Maantana Qurxoon
Gabadhaan qudh-go'a
Kaga furay Qarqoosh,
Ku dumaalay qori
Qasbay oo kufsaday.
Run
Dib U laabo
RUN(1984)
Waxa runta la yidhaahdaa waa dhabbo miinaysan oo aan
haddana laga maarmin in la maro.Iminkadaa aynu joogno
boqolaal baa daraadeed u xidhxidhan.
Boqolaal kalena inay runta sheegeen kali ah ayaa loo
deldelayaa.Maansadanuna iyada oo guud ahaan runta ka
faaloonaysa,ayey haddana si gaar ah u taabanaysaa
sidii Taliskii Siyaad u necbaa.
Runeey lagu neceb;
Lagu rookee;
Layska kaa reeb;
Ristaad daaqdaba
Lagu raad-goob.
Fule kaa roor;
Ruxrux-doon iyo
Ra'iis daalin ah,
Midna kuma rabo.
Ninkii kuu roon
Dambi lagu raro,
Ribo iyo been
Loo rakaabsado,
Xabsi lagu rido
Rasaas lagu furo,
Raxantiisoo
Oodda loo rogo,
Oo ka-reeb iyo
Rajo laga dhigo,
Raxanraad iyo
Rafaad kugu muday.
Mase riiq-gabo
Nimaad Ruuneey
Raatubtiis tahay.
Rafiiqaaguna
Hadduu rubad-go'o,
Adaa rimmaneey
Raage kale dhala;
Ruud biraad tahay.
Aarka raanta leh
Ee ruqaansaday,
Adaw kala raray;
Oo rabbaaskiyo
Reenka ugu wacan.
In raqdaa wadhan
Rag la leeyahay,
Riddo-kululeey
Kuugu rixin waa.
Oo Riyaaloow
Hilbii Reexaan
Ruqsay kelidii;
Manuu raad-gadan.
Wuxu reemaba
Ruqruquuskiyo
Rudhmadiisii,
Rifrif-tuurkiyo
Rafad-dhabadkii,
Raamsigiisii
Dhegta raarici;
Oo "rig"tii mood
In rakaadiyo
Raaxo-dhaadhiga
Reerku wada qabo.
Waa la raystiyo
Rayidkuu dhacay
Been ku raashimi.
Oo ribiishyada
Ricirtuu naco
Risiq moodiyo,
Eey rabbaysani
U raxleeyoo
Madaxaw ruxe.
Kana raaride
Raaska oo nina
Ra'yigoo nina;
Iyo raantiyo
Rabbinimadii
Fircoon lagu rogay.
Isna Reemaadh
Waa wax rubuc yare,
Nagu-raagtiyo
Rookarookada
Ku-rusheeda ah,
U riyaaqyoo
Rarrabtiisii
Raar dugsoon mood.
Dhulku kula roor!
Risiq lala cuno
Run la qaawiyo,
Ruux la garab dhigo
Xaq la raadsado
Reebban buu yidhi.
Rasuul inu yahay
Raxmaan soo direy
Dadna wada rabo,
Riddo iyo been
Geli raadyaha;
Ka riwaayadi
Rakhiisnimo-hadal.
Reerka oo wadhan
Raxmaad ugu baaq;
Ruqday beeshii;
Wax la rooraba
Dadkuu rarankiyo
Godkii lagu riday
Uu ka soo raray,
Ayuu Raabboow
Isna rubad-go'e,
Rawax lama-dego
Raas meel furey.
Af-rambaadhsane
Uga muu rayn.
Misna rucuskiyo
Rucdiguu dhigay,
Roobka gudhay saar.
Mar riyaha maag
Oo ku raad-gaday.
Isu-reemaha
Rajalaha kulul
Rimi waayiyo,
Awrka raray hiif.
Adhi-raacdana
Rajci wada yidhi.
Marna raambaha
Raaniyaashiyo
Ranki baandhee.
Mar rugteenii
Raygan kula xidid;
Oo dhulkaba rahan.
Marna Ruush aad
Oo nin raaciyo
Reer galbeed cay.
Mar quraan-ruug
Raahib kelidii,
Habeen rubuc hadhay
Rabbi baqihiis
Rukuuc ugu jira;
Oo Rashiidoow
Ilaa ruuggiyo
Rays-ma-gaadhada,
Ilmaduu rogay
Isku wada raday
Waran ruubsii.
Marna Riiraash
Salaad raatub ah,
Oo ruxruxashiyo
Ka ah godob-reeb,
Raali-gelin iyo
Riyo wa nifaaq
Riyaad kula toos;
Oo riyaalkii
Nafta kula roor.
Marba si u reen;
Marba si u rami.
Wuxu rooxada
Rooxarooxada
Ruxo taagtii,
Oo ruxaan-ruxo
Ruxmi weydoo,
Laftii raaraco
ruugi kari waa.
Adna Raandhiis
Runta cabataay
Beeni raad ma leh;
Kaamanay rayn.
Rayfalkeeduna
Waa rash aan dhicin;
Iyo Ruuneey
Riddo biigoo
Yeeke lagu rogay.
Nin rakaabsaday
Rambas weeyaan.
Nin kastoo roga
Nin kastoo rara
Roob kastoo da'a,
Raasa-maaleey
Raad hadhaad tahay;
Rinji aan gu'in.
Adna raray-yahaw
Jidku waa raran ;
Raysna waa weli;
Jeer raxmaad da'o
Oo rag kala baxo
Ragaad waa ceeb;
Raaxo waa maya.
Saxansaxo
Dib U laabo
SAXANSAXO (17.10.1987)
Sannadkii 1987 ayaa hoggaanka S.N.M. iska hor-yimi.Golihii Dhexe
ayaa laba u kala jabay. Wax go'aan ah ayaa la qaadan
kari waayey.Waxaanan u malaynayaa in khilaafkii waagaas ururka
dhex yiillay,uu ka mid ahaa sababihii Itoobiya ku
qanciyey inay Taliskii Siyaad la saxeexato "heshiiskii" 1988 ;
(waxaad ku darsataa inay nimankii hoggaaminayey S.S.D.F.
iyagana hore uga caal-wayeen). Maansadan waxaan ka hor-akhriyey
shirar ay magalada Herer ku lahaayeen golayaashii dhexe
ee S.N.M. iyo S.S.D.F. Waxaan ku nuuxnuuxsaday wixii laga sugayey
iyo waxay ku sugnaayeen siday u kala fogaayeen.Aniga
oo xusuusinaya dhibaatoonkii waqtigaas dalka ka taagnaa ee muranka
dhexdooda ihi illowsiiyey.
In dhawaydba suugaanti gabay maan siyaakhadine;
Ma sar-goynin bayluulidaan siinadayn jiraye;
Saxansaxo kamaan tolin tixdiyo heesta saxar-qaade;
Intaan suursanaa baa inaan seexday lay filaye;
Saskii Deellay buu mooganyeey nin i saluugaaye;
Shamacyadi siraadnaa ayaan Siinlaydii ahaye;
Soke shiishka loo dhigo ayaan sare u qaadaaye;
Suud iyo Waqooyaan ihiyo qaranka Soomaale.
Waxa lagu saleeyaa murtida socodka waayaaye;
Waxba kuma leh saynsaab-wanaag duciyo saadaale;
Haddaan danab sanqadhin Gaarriyaan soohin maansada e;
Ma sunnaynin weligay anoon kicinin sayruuqe
Mar haddaan suntado waa inay siigo ligantaaye.
Tabta seer-ma-waydada ayaa lay sid-tiriyaaye;
Sibiq ereygu iigama dhacee waan u sahanshaaye;
Kolkaan meel u sibir-saarayaan selefka taabtaaye;
So'da waxan abbaaraa kolkaan saanta bixiyaaye;
Kolkaan saafi karayaan naxwaha sara idhaadaaye;
Sabool baa ducdee luuqda waan igadh-salaaxaaye.
Saakana Hadraawoow murtidu saayiraad ma ma lehe
Haye-cala-slaa iyo haddeed ereyba waa saace
Soddonkiinan iyo maamulkaan suul ku godayaaye.
Sacab ciid ka maydh yidhi dundumo suulashaa baxa e
Solimayso waanadu dheg aan uba samaysnayne
Maantana sursuurtaan ka digay gelise saantiiye.
Shir aan guul ka sugayaa ma jiro Ina San-weynoowe
Onkod samalaheed igaga daran saac-ma-bixiyaane
Sagaalkaad murmayseenba waa saymo-lagu-reebye.
Surdubada dhexdeeda ah hadday saarto nacabkeeda
Mar horaan siraadkii ka damay daari laa Surade
Nin bahdiisu suuqaw gashaan saajac noqonayne;
Ilaah baa dabkoodii sandahay soocankaan diraye
Saddal-caaligii loo fadhiyey suurta-geli waaye;
Inta hebelba Ina Saalaxoow hebel sadhaynaayo
Een laga sal-gaadhayn mar qudh ah dooddu waa sino e.
Anna samihi aan waday badh baw qaatay sada-doone
Badhna inan suntaba qaybiyeey ii suxlinayaane
Sidaan laysu baran bay u tahay Saydiyoow marage;
Anigoo safkaygii ah weli kana sal-guuraynin
Lama qabo suldaarada ninnaba shaadh-ka-siibka ahe.
Afartaa sedkii Aadan Sheekh sahaydi Koosaar dheh
Waa iga salaan Awrrayaal aan ku soo simaye;
Intaan suursanaa baa inaan seexday lay filaye
Cirka dhiillo-saareenku waa sahansahaygiiye
Goortaan salkaadhiyey wataa seleshay fiintiiye
Afar kale waxaan uga socdaa wayga sixitaane.
Boqol sano ka badan bay maqnayd sidigta Maan-deeqe
Hadba gobol ha saareen inuu gaahaw sido e,
Subax keliya igamay qaldamin Sibir-udgoonleeye;
Intii sacab ku maashoo dhan baan sax u aqaanaaye.
Waxba yaan laftuu yahay Sursuur seefta loo ramine
Cidna kuma tuu ku falay Saalaxoow Gedo e
Ifka seeji aakhirona wuu sahaday qaarkoode.
Wax badan buu dab-saar inu ka dhigo suubshay falawgeede
Goortuu sokeeyiyo tol iyo seeddi kala geeyey
Anna aan ku saaqiday inaan sawdka garansiiyo,
Ee dani u seetaysay bay daba saqleeyeene.
Laxawsiga haddaan siri ku jirin Sedaha uu waalay
Yamyamoow Siraad Yuusuf baan silic-maryaadeene;
Sariirtay habeen nool ninkii qabay su'aashaaye
Iyadaba sidaa looma dayin sacab-wadhkeediiye.
Cumarkuu sarreeyaha ka dhigay dib u suldaareeye
Waa tuu surwaalkii ka furay sulubki gaabnaaye,
Isagiyo Suxuurkuu wataa waa u siman yiine
Mar hadduu suldaanku isu baqo saydhi caanaha e.
Ma yaqaan sidiiq iyo tol iyo Jodobaw saaxiibe
Wuxu Samatar eersaday kursiga maalituu sigaye
Taftii Suubban baa lagu gilgilay Ina Saleebaane.
Shilkii soonti dhacay baa u digay qoyski Salasaare
Maslax wuxu siddiqay waanaday siisay maamadu e
Waa kaa sallaankii qabsaday Aal-sacuudiga e.
Inta hebelba hebel saaranyee dhiriq ku saydhaayo
Iyaba waa su'aal idin hor taal sidad ka yeeshaane.
San-dulluu ku keenaa kuwuu soohdimaa dhigay e
Dhalin-yaro silsiladaysan buu simay xuduudaaye;
Iyagoo safradi waa shiddee sabar-ka-liicaaya
Oo sirinsirqa ah bays helaan soo-ma-waabtaha e.
Anna salabka wiil raaf ku yimi uma saliidayne
Soodh aan la rabay baa cuskaday saaruqdii Xamare.
Sin u baydh kumaan odhan hadduu seedka bixin laaye
Goortaan ku saaqiday inaan sawdka garansiiyo
Isna haad i siin waayey baa suuga loo nacaye.
Inta hebelba hebel saaranyee dhiriq ku saydhaayo
Iyana waa su'aal idin hor taal sidad ka yeeshaane.
Gumuciyo colaadaha sanqadhay sabada qiiqaabtay
Cadawgaa saraayaha lalaban saara guutada e;
Waxa sadhada loo beerayaad sahashanaysaane
Sabbaynmayso doonidu haddaan dhiig sunsumahayne;
Surinkaad ka meertaba miyiga soobir baa wadhane
Waana dhagax sintiisii ka baxay seeska kayga ahe;
Hashuu gurey sarwaanshaan ahiyo gees-kastaba-seege
Haddaan saac kalaw bixin qorshaha Sudhato doonayso
Wax ka sayrimaayaan shacbigan saaran daawaha e.
Nin siyaasad liitaaba waa suu ahaan jireye
Anaa mariyey soofaha magliga rag igu saafeene.
Kuwaan saamahaw riday ayaa qoorta lay sudhaye
Sagag bay ku le'edeen colkii Saylac furan laaye;
Raggii qodaxda ila siibi laa haadka lagu soorye
Hadba waxan saliiyoonayaan seedahay mudane.
Inta hebelba hebel saaranyee dhiriq ku saydhaayo
Iyana waa su'aal idin hor taal sidad ka yeeshaane.
Lix gu' baan Safeeriya fadhiyey Sool anoo rabaye
Lix gu' baan ku sii soco ku jirey oo ka soo soco e;
Subulaha galbeed iyo lix baan Sibidhlay taagnaaye;
Saax-dheertan taakada jirtiyo Saawba waan gabaye
Siyaabliyo iniintaan ku riday Suuftu may bixine.
Oohow kuma sal-dhigo geel haddaan sabo u oodnayne
Isagoo suke ah baad kun jeer siriq u qoosheene
Soomaali badan baa ku maqan sababta Yaasiine.
Ninka socodka taariikhda raba inu suldaareeyo
Sacab timo leh weeyaan inuu suurto-geliyaaye;
Saxna maaha dirir baanay rabin wadarta Soomaale
Waxa maqan waxay Baha-sadhays igaga soocaane.
Sirta furaha jeeroo la helo waxay saluugayso
Xaajadu ka sina-weyn nimaad darajo siisaane;
Hadba qolo golaa laga simaa maaha samirsiise
Xalku Ina Sanweynoow ma aha geedo-sare-waabe.
Ku-xigeen dul-saar ihi hadduu saha daweynaayo
Siciid iyo Shan-diinlaan ogaa siday ahaayeene;
Istarliini socon waa wixii suudhadh loo tolaye
Anna Cali samaan kagama helin madax-salaaxiiye.
Ninkii sawlaxeenii dorraad Saaxirkii kiciyey
Shalaytana sanduuqiyo kursiga sawdka gacal-miisay
Salaad iyo Fadhoociyo Golii Sarena soo gaadhay
Ee soo-daftii soo lignaa taniyo Siilaanyo,
Sirri-daari weeyaan ninkaad sahashanaysaane;
Solimayso maantana haddaad wax u sarbeebtaane
Sakatiga ku jira buu rabaa inad ka saartaane.
Hadduu hebel maqaar-saar ah iyo sadaqad doonaayo
Salxaan iyo xaggaba Xaaji Kore sanami waa buuxe.
Inta hebelba hebel saaranyee dhiriq ku saydhaayo
Iyana waa su'aal idin hor taal sidad ka yeeshaane.
Sooryada badhkeed waa cuwaaf laysku sabayaaye;
Sargafyada xajiimaysan iyo solayga qaamaysan
Waxay sama-fal ugu sheegayaan siinta godobaysan
Geed-saar ku maran bay rabaan inay samaystaane;
Waana sababihii aawadood Saaxil loo gadaye.
Sal-dhigyada ciyaar looma fidin taniyo Saysheele
Samariinku waa baadi-goob moolka siqayaaye;
Meeshiyo Suweys ways hayaa siligu Booboowe
Cirka qamar-sanaacigu dushuu kaa sawirayaaye.
Inta hebelba hebel saaranyee dhiriq ku saydhaayo
Iyana waa su'aal idin hor taal sidad ka yeeshaane.
Damba-same ha naawilo fulaha dhigay sulaaxiiye
Gobanimo haddaan loo sardamin saani lagu waaye;
Sakal bay dhex taallaa xornimo surin cidhiidhyoone
Soodh baa ballaysima dhegtaan sawdku gelihayne.
Sanca waxa Imaamkii qallibay soobirkuu dhacaye
Waa tii salaad lagu kalahay Jananki Soodaane
Kuma seexan Fayruuq rag baa seeska kuu qodiye.
Keenada kuwuu sudhay ayaa sababay Shaahiiye
Isagiyo Safaaggiisi bay sun u walaaqeene.
Hitlarkii ku saabulay wuxuu saadsaduu helaye
Muu mahadin Saadaat markuu bixiyey Siinaay e
Samowsana wuxuu eersadaa Saandaniistaha e.
Sir-ma-qabe ka sheekee ninkii boqonta seeraaye
Innagana siqiir-gawracyadu waa sidoo kale e;
Safxadaha haddaad kala furtaan bogagga sooyaalka
Sadarrada ku yaal waa tibaax dhabanka Saygoone.
Inta hebelba hebel saaranyee dhiriq ku saydhaayo
Iyana waa su'aal idin hor taal sidad ka yeeshaane.
Afartaa sedkii Aadan Sheekh sahaydi Koosaar dheh
Waa iga salaan Awrrayaal aan ku soo simaye;
Intaan suursanaa baa inaan seexday lay filaye
Cirka dhiilo-saareenku waa sahansahaygiiye;
Goortaan salkaadhiyey wataa seleshay fiintiiye
Afar kale waxaan uga socdaa wayga sixitaane.
Saxariirka keliday ma qabo simay dad-weynaaye
Surbacaadka bari Aadanoow bogoxna saameeye;
Soomaali oo idil ma jiro samo nin sheegtaaye
Laf siniinta oo aan dab gelin siinka laga waaye.
So'dii Caynabood looma shubo Saakin Cumaroowe
Dal-sankii nabaad-guur dhulkay Sigad ku beerrayde;
Suubaanta ciiddii ahayd kuma siyaabtaane
Kama soofo geelii hor-weyn Sud iyo Hiiraane
Soolashuu ku dalandooli jirey suudi baa maraye.
Goortuu salool waayey ee subaxba reer maalay
Ee irmaanka lagu saafay buu siinad-doorsamaye
Seddexdii marraa iyo ma laha suudhi udugayde
Dhulka geed-saraadkii ka madhay saacna la is-daaye
Sumalkii idaa laguma daro saaran jirey waaye;
Way seben-xumaysteen lo'duu seejay dirirkiiye
Iyadaa siqiirka u ahyd sed ay ku ooyaane
Kolkii samadu iba-beeshay bay socotay geesleeye.
Wuxu saniyey mooyee carriga siiggi ka idlaaye
Maroodiga Siyalaw Hawd ka galaqy way sindhidhiyeene
Subag lagama lulo Biixiyoow seenyo iyo ciide
Sengihii Nugaaleed Taleex kuma fan-saaraane
Caraboow Sanaag maydigii waa ku saranseere.
Sammad baa Shabeelooyinkii looga suudalaye
Sisin kuma tabcaan beer-waluhu Juubadii Sare e
Kolkii webiga laga seertay bay saraci dhaafeene.
Farraar Yeed ku sugan buu ku yaal Surad gadhkiisiiye
Intaan samayda Beled-weyne taal Salay ka baadhaayo
Inuu saawir yahay waan hubaa waranka Sooyaane.
Haddii seerahaygii la galay waan ku soo simaye
Kolkii aan siqsiqi-waayey baa keeno lay sudhaye
Sacu dibiga Quuloow kolkaan seexday buu dhalaye.
Wax dhan buu Sabciinkii ahaa saaq-dhegooluhuye
Iminkana siraad laguma helo saanjad rooti ahe
Sed kaleeto daayoo ma jaro shilinku saabuune.
Qashin-saydh ayaan ahay u wadhan sayladaa Yurube
Qabyaduna wax-soo-saarka dhacay bay ka socotaaye.
Adhigii sawaaqiga ahaa saadir geli waaye
Baydhaba safrihi uma kacaan soofka geyn jireye.
Sogsoglaydi Boorama cutadu waa ku suququule
Garow sixin leh waayadan martida laguma soorayne
Salaadoow canbuuliyo la waa muufo suugo lehe.
Sonkortii la miisaami jirey suubiskii ma lehe
Laas-qoray tuniyo saaradiin saafan la is-daaye;
Barnidii saraayaha baddee soogan baa xidhaye
Sidii murug Khaliijkii u galay sebigi loo waaye.
Qarafkiyo sigaarkii ayey sicirki laaleene
Haddaan lagu la saayirin qaxwaha toban ma siiyaane.
Seddexdii dhadhaar buu ka degay dherigi saarraaye
In dhawayd sambiil lala ma gelin meel sariibad ahe;
Eeyguna siniintii ka waa suuqi hilib-laaye
Bisadaha sidaasaa ka dhab ah siqaya kaymaaye.
Cashuuraha siddeed-laabmay waa saaca waayaha e;
Bankiyada dul-saarkii kolkuu saqafka soo taabtay
Sarrif eegga kuma kaydsadaan saalax-waatuhuye;
Kolkii jeeggi socon waayey bay god u samaysteene.
Safrad iyo shaqaalii wataa suuqday gaajaduye
Waxa yarey saxeexaana waa saymo-lagu-reebye;
Sacab iyo af kama soo hadhaan silicay qaataane
Xasanoow allaa saatiree dhimay saboolkiiye.
Haddii samada roob lagu og yahay waa la sugi laaye
Sibiq baa carriga looga baxay Cumar Salaadoowe;
Raggii calanka seeska u ahaa seetaduu jaraye
Kolkii saan la daba jiiday buu soocankii baxaye;
Suwayd iyo waxay daadsan yiin tan iyo sayloone
Qaar baa saqaafii ku galay Soofiyeetiga e
Wax Sawaaxil lagu sheegayaa duul "sujuuwiya" e.
Berri-carab Sablaalihi iyana samo ma sheegtaane
Sunuudday u rogayeen la waa beri sabeenaaye;
Batroolkii Sacuudiga sidii dhagaxa loo saaray
Dadku sooryo uma raadsadaan xaaji sida maale.
Farraar Yeed ku sugan buu ku yaal Surad gadhkiisiiye
Intaan samayda Beled-weyne taal Salay ka baadhaayo
Inuu saawir yahay waan hubaa waranka Sooyaaane;
Haddii seerahaygii la galay waan ku soo simaye
Kolkii aan siqsiqi waayey baa keeno lay sudhaye
Sacu dibiga Quuloow kolkaan seexday buu dhalaye.
Sannadkii xumaadaba kuwaa sahayda naanayse;
Ragga siinka bawdada marsaday way sajilan yiine.
Kolkii dunidu siriq-roortay buu suulay dhaqankiiye
Ninba sidu u noolaan lahaa suubbi falawgeede;
Sinadiyo dhac iyo beentu waa saaca waayaha e.
Jahli lagu salliday baa shacbigan saaray heeryada e
Kolkii taajka loo sudhay ayuu simay dad-weynaaye;
Sagaaluhu fas weeyaan kolkaan yeeke soconayne
Janjan baa subbeehiga 'cidda' ah lagu salaamaaye;
Cilmigaan tacsiyad siinayaa Muuse Saxaroowe.
Dhalinyarada seegseeggu waa saaca waayaha e
Kolkii camal la siin waayey bay suuqa tuban yiine
Dumarkuna sinnaan waa la'yiin suginamaayaane.
Sebiyada gidaarrada hurdaa waa sabuul dhadhaye
Saglan waaye loomana oggola inay saqiiraane;
Iyagoon lix sano gaadhin bay wada sakhraameene
Waxay xabagta ugu soogan yiin waxay saluugeene.
Nin safaarad Eebhay ka galay sananka meeraaya
Oo sujuudda lagu gawracaa sebenkan waa koowe.
Kafadaha cadligu saaran yahay abid ma soormaane
Seddexdiiba waa talis ku furay Sulubaw xeerkiiye
Isagays ka saamaxay sharciga suuxdimaa qaba e.
Sakaarababa iddeed aas is-tidhi saalo gegi taale
Dhaqaalaha sabbeeyeey og-yiin inay suldaareene.
Suuf baa dadkana loogu gurey dhegaha Suudoowe
Suugaanta waxa loo bah-dilay boogta yeey sarine;
"Sorgogobi" Amxaarkaw yaqaan Soobe oo kala e
Ganacsiga silloonkii rag buu saaray heegada e;
Dar aan subax weli kallihin baa durtaba seertay dunidiiye
Ina Xoosh hadduu salaqsan jirey wuu siyaadsadaye
Socda baa la yidhi waydin kaa suxullo-gaabtiiye.
Cunta-sixirtay waa diir hudhmada aan ku saxanayne
Ma saruurad-gooyaan waxay siibayaan muruqe
Salkii xeedhadoo muuqda bay suunka sii furiye.
Dabaylaha waxaa loo sakhirey Nabi Saleebaane
Waa niman samayn kara milyaar saacad gudaheede
Wax kastaba markii loo sahleey sare u kaadjeene.
Samadana kameey iman waxaa rag isa siiyeene
Iyagaa saqiirkayga baday suufta gaajada e
Saamigaygi baa laga tabcaday sarahan dhaadheere.
Samirkuna Hadraawoow wanaag iima soo sido e.
Farraar Yeed ku sugan buu ku yaal Surad gadhkiisiiye
Intaan samayda Beled-weyne taal Salay ka baadhaayo
Inuu saawir yahay waan hubaa waranka Sooyaane;
Haddii seerahaygii la galay waan ku soo simaye
Kolkii aan siqsiqi waayey baa keeno lay sudhaye
Sacu dibiga Quuloow kolkaan seexday buu dhalaye.
Dadku uur-samaantii ma laha la isku soohnaaye
Sin-bannaadii baa luntiyo saafinimadiiye
Saaxiibka labadii ahaa war is-ma siiyaane;
Sanqashiyo waxaa door la biday suul-dhabaalaha e
Sankaa laysku tooydaa ransiga sida ma-yeedhaane
Salaaddaan xitaa laysku xidhan subaxda Iideede.
Tusbax go'ay sidiisii kolkii uunku kala saydhmay
Xeegada ninkii loo sallaxay saani ugu laadye.
Markuu shalay San-dheerow dabrada Mudug ku saaraayey
Sahankuu ka meersadasy inaan hiil u soo socone;
Sahal uma xasuuqeen haddii garab la siin laaye
Waxa loogu saasbulay iyaba sagan-ku-daaqiiye.
Maantana sarraafkii wuxuu seemayaa Golise
Salabaha Hargeysiyo Burcaba waa ka siman yiine;
Seddexdaa irdaha loo xidhaa suuqa galabtiiye
Inta siidhi loo tumo ayey tiro ku seexdaane.
Sinji-xumada hoosaa ka daran waxay ku suubshaane
Inta laga salooshoo dhan baa lagu sameeyaaye;
Soomaali waw koow da'deey silic-dilyeeyaane
Sar-wejiga dad nool baa ableey lagaga siibaaye
Surka daamur waxa loo gashaa sulubyadoodiiye.
Nin xishoonayaa oday sirqo ah gacan ma saareene
Soddohaha raggoodii us xidhay kama sinaysteene
Saqajaanku ceebaha xilka leh kama sarriigtaane.
Sentiyada habraha laga furtay sado u haystaane
Saq-badhkaa irdaha lagu tumaa reer sagaal qadaye
Duluciyo waxaa lagu socdaa siliska naagaaye.
Ragga sibiqda loo laayey ee yeeyda lagu sooray
Eey waranka siiyeen ka badan saaca geedaha e.
Waraabaha sirjiga meerayee soofka didin waayey
Sararaha rag waaweyn kolkii hadiyad loo siiyey
Ee uu sin-dheertii cunuu daylo saamaxaye.
Cirka haadka seeraarku waa suxul-mariiqoowe.
Soddoggii waraaqduu u direy Moorgan socodsiiye
Sidaamiyo Abboow buu ku furey suuqyadii Herere
Sabbanoow nimaad tahay u dhimo waa Sahyuuniyade.
Sirtaa laga ilaashaa qofkii sawd Waqooyi lehe
Xilka qaranka loo wada sidaa laga sifeeyaaye;
Iska daa sareedada dhulkooy ula sinnaadaane
Xitaa Siingasiinguhu intuu helo ma siiyaane.
Farraar Yeed ku sugan buu ku yaal Surad gadhkiisiiye
Intaan samayda Beled-weyne taal Salay ka baadhaayo
Inuu saawir yahay waan hubaa waranka Sooyaane;
Haddii seerahaygii la galay waan ku soo simaye
Kolkii aan siqsiqi waayey baa keeno lay sudhaye
Sacu dibiga Quuloow kolkaan seexday buu dhalaye.
Salka xaajadaan laga unkini ma laha saan-qaade
Mar horaa sallaankii u jabay "Maxay Saleebaane"
Dan baa tidhi sacii Faarso nacay keli saloognoowe
Saadada raggii sheegan jirey waa sukii weliye.
Maantana Samaalaha rag wado "Sooray" baan idhiye
Ninkii 'Dawladdii Sacad' raboow iima seemanide
Saamuubuusihii laga addimay waa sidaad tahaye;
Soddohdaa ayaa kuu darrayd say u eeg tahaye
Sarar iyo mindhaa awlal way kugu samaayeene
Dhidar selel ku kacayoow hortaa jireba siigeeye.
Afartaa sedkii Aadan Sheekh sahaydi Koosaar dheh
Waa iga salaan Awrrayaal aan ku soo simaye
Intaan suursanaa baa inaan seexday lay filaye;
Cirka dhiilo-saareenku waa sahansahaygiiye
Goortaan salkaadhiyey wataa seleshay fiintiiye
Afar kale waxaan uga socdaa wayga sixitaane.
------------
Seddex laba u gee laba ka goo saxar ma doorshaane
Toban iyo siddeed iyo sagaal saayid iyo naaqis
Senti keliya labadiisa dhinac hay suluuluxine;
Sheekadu ka weyn saajinkiyo gaalka saynta lehe
Halkan bay sunsumayaan dar aad sudhato mooddaaye.
Waxba yaan rag ii kala sarrifin sawrac waaxid ahe
Shaadh kastuu sitaba waysku jaad laba-ku-seebshuuye;
Soddon baan tirsanayaa intuu sahanku laalaaye
Weli Saan-cadkii igama tegin aan sagootiyaye
Magligii Salaax lagu dilaa qoorta ii sudhane.
Lixdankii siddii ii ekayd layma solinsiine
Gabadhii Sitiin een ka furay saaxirkiyo tuugga
Dumaasheeda waw wada sinayn aniyo Suul-cayne;
Hadduu seed dhanaan igu og yahay kama sinaysteen e
Iminkaa salkiisii hirdiyey sahashigaygiiye.
Buluuglaha sudh mooyee maxaa hadhay ma suurayne
Inaan sigib-tiraa layga dhigay socodki dheeraaye;
Geediga rag baa ii sakhirey soomalhaadka ahe
Kolkii suulka lay goday ayaan dhigay sulaaxiiye
Niyad-samidi waagaa jirtaan wax iska saaraaye.
Nin sahwiyey ku noqo baa u furan laba sujuudoode
Iminkaan qallihi soomayaa Sula habboonaaye
Dib baa siigadii looga tumay soodhadh baalidaye.
Dadka qaar salleeluu la yahay sawdka baxayaaye
Saska waxa cadaawaha ku riday soo-ma-waabtaha e
Shaxshaxoow dagaallada socdaa waa sed aan qabo e;
Sanqadhuu ku nool yahay shacbigan saaran daawuhuye
Kuwa nacabku salabaynayaa sahayda guulaaye;
Sakaraadka waw baan kurbada lagaga siibaaye
Xabsiyada sumuucdiyo warkaa loo sid-tiriyaaye;
"Qac"da seeftu aabbaha goblamay waa u samirsiise
Shahiidkaan dabkaan sido qabriga ugu siraadaaye.
-----------
Ku darsoo intaan sigay intaan talada saameelay
Waxa badan intaan sugay intaan seegayoo badane.
Sacna raaf dambuu igu hayaa saacna waa weliye;
Ha yeeshee Siciidoow ishaan saaka ku arkaayo
Ma sahlana ammuuruhu haddaan saafay moorada e.
Maantana sidii waagi bay leexo sidataaye
Sinta waxay ku haysaa mar kale siiqyo foorara e,
Sibqataye ninkii daadiyoow kaama saamixine
Ninkii xadhig-suryeeyoow waxaa socota taariikhe.
Wax-wax baan safaad gelin haddii lays xiniin-saro e
Siddaha xuubka caarada wakaa aayihii sudhane;
Soddonkiinan bay tahay inaad suubbisaan talo e
Saqaf baad tihiin Kaahinoow seesku dhiig yahaye
Sahan-yahaw maqnaa beelihii waydin sugayaane;
Ninna sawd ma yeesheen haddaan saynta loo buline
Salka geed ka hurayaad tihiin saar ka guud baxaye
Hayin aynu wada saaranahay baa hor socotaane
Surraddiisa idinkaa u xidhan saab hadduu jabo e.
Surma-seegtadaydii horiyo sogordohaan eeday
Laga yimi sinsaarooyinkiyo saymahaan galaye
Maantaba sisibi waa jirtaa yaan sibiibixane.
Ta' iyo Wow'
Dib U laabo
TA' IYO WOW
Caalinow, Ta iyo Wow,
Bal tixraac halkaan maro!
Tukayaasha duulaa
Warka waysu tebiyaan;
Waa aftahan qudhaanjadu;
Geeluna tawaawaca
Kolka biyaha loo tubo
Ways tibaax yaqaannaa;
Tigaaddaad arkaysaa
Kaftan ay taqaannay
Hoos-ka-tuur u leedahay;
Taaha adhigu waa hadal
Urtu waysku tooydaa;
Toggagiyo dabayluhu
Tookh bay la reemaan;
Tankiisuu aboorkuba
Toos ugu xidhiidhaa;
Daruuruhu tub gaadhay
Heesaha u tiriyaan;
Dhulku wuu tiraabaa
Tifka roobka dayruhu
Onkod buu la taamaa.
Waxay hoga-tusaysaa,
Afka nolosha waw tiir
La’aantiisna tuur iyo
Tulux lagama waayeen,
Tayo may lahaateen
Dhaqan lama tallaaleen
Qaran lama tusmaysteen,
Nin kastaa ha tookhee,
Far baa lagu tanaadaa.
Haddii qalinka loo tudho
Wax qoraalka laga tago,
Lama taabbaggeli karo.
Waaq iyo Tinniix iyo
Bal Tincaaro weyddii,
Soo tiri ayaamaha,
Taariikhda raacdee!
Afkaygow, tabaaliyo
Maxaad tow ku nooleyd!
Maxaad belo u taagneyd!
Shisheeyuhu tab iyo xeel
Muxuu kugu tuntuunsaday,
Tisqaadkaaga dhaawacay!
Maxaa gabay tilmaannaa
Maahmaaho toolmoon
Maalmuhu tireenoo
Qalbigaygu tebayaa!
Maxaa erey tafiir go'ay!
Maxaan maanso teeriya,
Tacab ba’ay ka joogaa!
Sida ay u taxan tahay
Murtidaadu tabanaa
Teelteelna badanaa!
Maxaan sheeko taabud ah
Tawraadi faallayn
Weli nebina soo tebin,
Kaa tasoobay oo lumay!
Ubadkaagu toos iyo
Maxay talada seegeen!
Maxaa taar mid soo diray
Ka kaleeto tuuroo,
Laba tulud wadaagtaa
Turjubaan u baahdeen!
Qoraalkaagu tacab iyo
Muxuu dhigay turxaannoo
Tartan ba’an aloosoo
Colba doc iska taageen!
Allaylehe tabtaan rabay
Haddaa lagu tixgeliyoo,
Tacluustiyo wadeecada
Caawaba ka togatee,
Taw wiif ka siiyoo,
Taltallaabso maantoo,
Murtidaadu waa toge!
Taageer hiddaayoo,
Sayidkii ku toosoo,
Taabsii xogtaadoo,
Ku tirow Balaayacas!
Soo toosi Haabiil!
Raage taranta gaadhsii!
U tukubi higgaaddoo,
Soddon tirada dhaafsii!
Toban shaqal ku geeraar!
Shibbannaha ku taakuli!
Hadal lama tasoobee,
Guddigii ku tiirshee
Kugu taxay xuruufaha,
Mahad iyo tahniyad sii!
Taalladay mutaysteen,
Ka dultaag Cirjiidhyada!
DHAMMAAD
Uurku Baale
Dib U laabo
UUR-KU-BAAL-LEH(20\2\1984)
Waa maanso tilmaamaysa ninka gabayaaga ah iyo kaalintiisa.
Waxay soo baxday intii dagaallada hubaysani socdeen.
"Cawdu billooy balooy baydh."
"Bismillaahi yaasiin."
Botorkiyo ciyaartoo
Sidaa lagu bilaaboo,
Anna biito-biitiyo
Bille-jire ku dheelaan
Beri hore garaadsaday.
Dadka waxan ka bawsaday
"Dhool bari ka hirey baa"
"Dhaanka loo bariiyaa."
Gabaygana Burhaanoow
Waxa aniga lay baray
Inu laba u kala baxo;
Beeshana u kala yahay.
Waxay Biliso igu tidhi:
Hadday maanso beer tahay
Run baa Lagu biyeeyaa.
Bilicsiga dareenkaa
Lagu baalaleeyaa;
Xaq baa lagu bac-rimiyaa.
Baaqbaaqa noloshiyo
Biyo-dhiijinteediyo
Xilligay ku biqishaa.
Midho waxay u bixisaa
Habka loo barbaarshiyo
Barta laga abqaalaa.
Sida loogu baahdaa
Loo buushe-bixiyaa;
Ama loo bislaystaa.
Waxa lagu bardaanshaa
Baqoolka iyo geeddiga
Fac kastaa intuu bogo.
Bullashada dagaalkana
Bunduqay tilmaantaa.
Waa buun wax lagu hago;
Boodaanta yeedhmada
Bigil ereygu leeyahay.
Caws baar leh weeyaan;
Lana baxay sabool-diid
Soddon laguma baayaco.
Boqor laguma caabudo.
Biidhi-qaatenimo iyo
Baqas waa ka xaaraan.
Waana biime liidda ah
Boqnihisa lama xidho.
Nin baqdaa ma halabsado;
Bayd-gaabku kuma galo;
Beentana wax kuma laha.
Waa Bilan ma-geyno ah;
Bogdooxeedu waa sino.
-------------
Waxay bilic wax dheer tahay
Iyadoon bariidada
Ballankeedi ka hor dhicin,
Kolkay bocorta maansado,
Adoo baalku kaa qoyey
Xadantana u baahnaa,
Sidii baalaleey iyo
Balanbaalis qalimo leh,
Ooy ubax baraarugay
Isku waa-bariisteen,
Bogga kuu salaaxdee
Burcad kuugu duugtee,
Bu'da leebka kugu mudan
Baydari-abbaartee,
Bulxankeedu laba-dhaca
Sida uur-ku-baal-laha,
Boogahaaga hoosiyo
Bayrtaada qoomee,
Kolba baaq xiloodin ah
Barta aad u nogoshahay
Intuu baac u sii dego,
Tixda miino-baadhkii
Fiix kugu boskootiyo
Dhul bacdii ku taal iyo,
Ku banayso meel aan
Beryahaaba gacal dayin.
Ee baahi-laawuhu
Adigoo basiiro leh
Intuu boodhka kaa tumo,
Xiisaha basaasiyo
Beer-qaado laabtee,
Tuduc wali gun iyo baar
Meel baas ku taabtee,
Intuu baaxad le'eg yahay
Isagoo banbaane ah
Badhtankaaga ka sanqadho.
Ee kugu ballaadhee
Markii bayd la sheegaba,
Sidii baal qarsoodi ah
La bac-dhabay xogtaadii,
Hadba baallo-daymada
Faraq-bood ka qaaddee,
Maansada ba'leeyda ah
Ee baadi-soocda leh,
Bog kastoo la soo rogo
Sir aad bixisay mooddee,
Nafta oo baraad li'i:
Kolba "baga tidhaahdiyo,"
"Bishmaha Eebbe kuma jaro."
"Ninka yidhi run badanaa!"
"Ma afkaygu kala baxay?"
Afartas baldhooleey,
Waxa lagu ballaysimay
Maansadu balooleey,
Markay bilic wax dheer tahay.
----------
Waxa taasi baal taal
Iyadoo bakooro leh,
Kolkay baydda furatee
Biyo-dhaca wax dheer tahay.
Ee baqalka tiriyaa,
Dhulkoo baaxad-soore ah
Afka wada bustaan iyo
Kaga dhigo barwaaqee;
Barakada Suldaankiyo
Badhaadheeye saaree;
Baydanoo la yaabbani
Ku tidhaahdo Bacaluul:
Waan dhega-barjoobe
Adoon hadalka sii badin
Bes waxaad ku daysaa:
Murtiddaadu Booshaaq
Badhax iyo cindiid iyo,
Sida caanihii baqay
Buqbuqood hadday tahay,
Anna biirta maansada
Ereyada baryoodka ah
Balalaan ka qaadaa.
Baashaal hadday tahay
Markaad gurato beesado,
Buculloow manaam iyo
Riyo lagu ballaysimo;
Adaa boowe seexdee
Anuu baal ma soo rogo.
Hadday buur ku joogtoo
Buska hoose neceb tahay,
Anuu boodhka kama kaco.
Buubaal hadday tahay
Oo baalal leedahay,
Waa baayadeedee
Badhidaan ku siqayaa.
Hadday biira-biiriyo
Bakhti iyo nijaas tahay;
Oo booli lagu sabo
Bisinkaan ka haystaa.
Hadday seebab bixisoo,
Badaa cido ku dhaqan tahay
Baan loogu talo galay,
Waxa biisay oo qudh ah
Barrigaan ku noolahay.
Waayo arag
Dib U laabo
WAAYA-ARAG(1\1\1983)
Markaanu halganka hubaysan ku biirray,waxaanu bilownay
inaanu indha-indhayno siyaasadaha jabhadaha lagu hagayo.Durba
waxaanu dareenay qabyaalad iyo wax-kala-riixasho aan loo
fadhiyin.Waxaanu aragnay madaxdii qaarkood oo aan garaadkoodu
dhaafsiisnayn,Taliska Siyaad oo ay ridaan oo iyagu halkiisa
galaan. Markay halkaas wax marayeen ayaanu,aniga iyo
Hadraawi, go'aansanay inaanu dadka u warranno.Markay taariikdu
ahayd 1\1\1983 ayaanu duubnay cajalad baaq ah,oo xog-warran
ah,iyo laba maanso:Dallaalimo(Hadraawi) iyo Waaya-arag(Gaarriye).
Maansadan Waaya-arag waxay ka faalootay hoggaankii S.S.D.F.
oo ay Waa- suge u bixisay iyo hoggaankii S.N.M. oo ay Waa-dhawr
u bixisay.Waa-suge habeen buu intuu seexday ku riyooday,isaga oo
xilli barwaaqo ah "Villa Soomaaliya" ku jira,oo lagu dhex
waardiyeynayo.Wuxuu nimcadaas ku jiraba kolkii waagu baryey ayuu
is-arkay isaga oo gawaan cidla' ah jiifa.Wuu u qaadan waayey.
Markaas buu maradii haab-haabtay oo gaadhi halkan jooga shidhka
u galay,si uu riyadiisii u rumeeyo oo uu Villa Soomaaliya uga
soo dhex tooso.Hase ahaatee isaga oo aan meeshii gaadhin buu
jar kala dhacay. Waa-dhawrna kitaab aanuu rumaysnayn iyo wardi
been ah buu dadkii hor-qaaday.Ma se ku guulaysan inuu
taageerayaashiisa isku wato si uu dantiisa u gaadho.
Waa tan maansadii:
Haa waa wadhiisii
Sardhadii walaaqnayd,
Wiswiskiyo waswaaskii
Wiishkii la tegi jirey
Hurdadii la wici jirey,
Ee damaca waalani
Keenada ku wadi jirey.
Caawana la weesaaq
La wandaafiyoo duul
Lana soo walaanwali.
Wuxu sheed ka halacsaday
Ummad weer ka wada siman
Oo waabab hoos tuban
Iyo guri wacdaro qaba
Oo meel barwaaqo ah
Gunta waadi kula jira.
Oo wiil badraaniyo
Wiilwaal garoomo leh,
Lagu waardiyeeyoo
Deyrku waayir leeyahay.
Ooy godolki waa-beri
Shimbiraha wishiirriyey
Heeso aad u wacan iyo
Waay-waayo saareen;
Webiguna dhegaha nabay.
Oo xareedda wadhan iyo
Waqallada ransanayaa
Warka hoos u dhigayaan.
Oo weedhka karanytiyo
warihiyo jidhaamaha
Onkodkii ku wayraxay;
Danabkuna wisiisiyey.
Oo seer-ma-waydadu,
Waraqyada baldhiidhiyey
Ku dul-weehanaysoo;
Intay dhigatay wiiqii
Wax xillaysku dhigayaan
Qorraxduna 'wac' soo tidhi.
Riyo been ah weeyee,
Isagoo wilwiladiyo
Wigladaas ku jira buu
Waa-suge baraarugay.
Mise wuxu kor yaallaa
Wambarkiisi gaabnaa!
wajaqyoo maraanmaray;
Weeqaaq hareeraha;
Waylaalistii ma leh.
Waaheelku sahansaday
Ku wareer hummaaggii;
Werwer baa ku kowsaday;
Weerar buu u halabsaday;
Waagiina maba sugin.
Weli waa allayl dam ah;
Habeen waaxi nooshahay
Mugdi gaasha-weyne ah.
Gaadhiga warraahana
Waalashiyo waxaa go'an
Waayirrada indhaha shida.
Isna waa wadwaad falan
La-wajaaf habeeno leh.
Laga waani biimaha;
Waar aayar lagu yidhi
Soo joogso laga waa;
Waayeelki loo direy
"Walag" way ka quusteen.
Wax kalaa ka salag lehe
Wiyil qooqan heensee
Baabuurki weetee.
Si aanuu waqti u lumin
Wade kalena loo helin,
Waddadii taraarsii
Wabadaran afka u saar;
Qarda-jeex waraaraha
Waalalowte kala dhacan.
Weeraarta ximanka leh
Wabataqanta oo idil,
Waaxyaha rakaabkiyo
Ragga uu wasaashaday
Ku waydaaray buuraha.
Waarwaarri oo luud;
Dalcadaha waddaranka ah
Dib u soo walaandee;
Hadba wiil ku taakee
Una loog waraabaha.
Wuxuu 'wadhadhac' leeyoo
Wirdi maalin oo layl
Hadba doc isku waababa;
Wxuu qaw ka weecdaba;
Wax la yidhi Hadraawoow
Maantaa war joogaa;
Wiriq oodan buu galay
Shilna wayna Daan-weyn.
Iminkay war-geysyada
Bogga hore far waaweyn
Si wanaagsan ugu taal:
'Wax la waayey Geelloow'
'Ninkii waalan baw duda.'
La ye weedadawgii
Ka wareegtay xeegadu.
Waxse laga werwerayaa
Doc-wareemadkuu dhigay
Ubaxuu wadnaha jaray;
Soo-ma-waabtayaashii
Badi haadka loo wadhay.
Inta wiil yar naafo ah
Inta hooyo weer xidhan ,
Waayeelka debed-baxay
Waxa jaah-wareer dhacay
Bal Il-giirba weydii
Aaway walacsankii Mudug?
Warandaci Nugaaleed;
Aaway warasadoodii?
Nugulkiyo hor-weyntii
Warihii biyeeysnaa.
Cukuyeey wah iyo ciil!
Khalqiguu wakala-rogay
Qaar baan war laga hayn.
War-dadabiyo been iyo
Waxna waad xujoowdiyo
Wanjal bay ku xidhan yiin.
Waranweerki qaarkood
Waddankay ku laabteen.
Badhna way waqaafeen
Debeddeey wareegaan.
Badhna waranka loo daab
Badhna loo dardaar-weri;
Badhna waabay waasheen.
Inta waadhka jiiftaa
Iyaguna wacaal ma leh.
Waxsay wadhi ka joogtaa
Wajar iyo Hadraawoow
Waxoogaygi soo hadhay;
Waqtigiina diga-rogay.
Wacdarihi Dheg-dheer iyo
Waa baa waxaa jirey
Canuggii ka weynaa;
Suul-cayn ka waantoow
Ragna waa is-waajahay.
Waabeeyo-qooshkii
Woohoowdi lagu garay.
Nabad-doon qabiil wada
Badhi-wale xisaab sida,
Habar-wacashadii iyo
'Way'diyo 'tollaay'dii
Ka soo waadday sheekadu.
Arrintuna ka weel-godan
Waaga aynu eegniyo
Aabbaa wax soo sida,
Naas-weyn-ba-dihintii.
Wax la wadaba xaajada
Garay Weyd inuu yahay,
Waddo halaq-mareeniyo
Waxaraha in lagu qalo
Shilal meesha ugu wadhan.
Nin la liiday wala-arag;
Jabhadkiyo waddanigii
Welwelkii ku sii korodh.
Wiigba wiig u sii dhiib
dirirtii ka waran-jiid;
Cadawgana wax yeellee
Misna wiiqi kari waa;
Kelidii waddari waa
Walaalkiina lama jiro;
Garo oo wax baa si ah.
Waxay talo ka joogtaa
Hashaydii wed baa dilay
Waxna waa u wehesheen.
Waa-dhawrna talo ma leh
Wax ma dhaamo Waa-suge;
wuxu weliba dheer yahay
Wardi xeeli daba taal.
Waa horuu Islaamkii
Kun wadiiqo kala baxay.
Weriseey judhuu yimi
Wuxu yidhi waqooyiga
Dadka kale wadeecada
In kastooy wadaagaan
Walaxaase yara jira.
Wuxu yidhi waqooyigu
wax gaaruu tirsanayaa;
Hadday tahay wakaalado
Haddii ay warshado tahay
Hadday tahay wasiirrada,
Waa laga sed weyn yahay.
Wuxu yidhi waqooyigu
Meesha iyo waagii
Waddankooda fiicani
"Wallo-weyn" u gacan-galay
Calankana wareejeen
Waa dhaxal-wareeggii.
Loo guux warkiisii
Wanankiina loo loog;
Wabaxyoo durduurtii
Nimankii isaga wacay,
Ee weelka buuxiyo
Waalada u wada dhigay;
Nimankii si wada-jir ah
Iyagoon wax weydiin
Gadh-wadeenka uga dhigay
Kuna waabay sharaftida;
Iyagoo walaalo ah
Nimankii warkaw direy
Cududdoodi kala wiiq.
Durba weli siraatiyo
Wacad-qabe u kala saar;
Qolo qolo u waageer
Edegyana u kala waab;
Wacyigooda naafee
Iyagaysku wayrixi
Kana saalax-waatee.
Waxaan loo fadhin iyo
Ku wareeg abaar-dhawr
Kana weecay dawgii.
Waxa taas ka sii daran
Diinkuu ku yidhi waa,
Orod oo doc-wadhatada
Waaleed dab uga keen
Weli waa la sugayaa.
Wixii uu waraaq direy
Cidi weeye may odhan
Ka naf-waa adduunkii.
Waaqlina halkeedii
Wayliina ood ma leh;
Waadaashi lama helin
Weerihiina kama hadhin.
Waayeelna hiir-daa
Waydaarte xoolii;
Misna waqaqadiisii
Dhal waraabe kuma korin.
Wahabkiina sii baah
Waa-dhawrna sharaf-dhaca
Isagaa isugu wacan.
Wootargeyt
Dib U laabo
Wootargayt (Watergate)
This poem was composed in 1976 after the United States used its veto
in the UN Security Council against the entry of the newly independent
state of Angola under Neto.
Wiswis bayga galay Kaartarow weheshigiinniiye
Waayo-arag intii aan ka helay buugaggii weriyey
Wareerkaad baddeen buu khalqigu weli la taahaaye
Su'aalaan ku weydiinayaa ila sal waaweyne
Walaalnimadii aan koolin jirey waadhka yaa geliyey?
Isagoo takoor wada ayaa laba wejiileeyey?
Waadaasha xoolaha lumaa weere waw halise
Hadba weerka naag baw xidhaan weydey kii qabaye
Wedkii Maalkom Ekis waan ka naxay wacad Ilaahaye
Waa kee waraabaha dharqaday warangalkii toosay?
Kolka geesi weyraxo ayaa dacar waraabsiiyey?
Yaa wadey raggii Luudar Kiin waagi hanaq gooyey?
Hindidii casayd yaa waddarey wadarna yaw laayey?
Alla weger waxaad belo dhigteen waa ka waasacane
Niksan wayla sahal ceeb haddaad ka welwelaysaane
Qirta Wootargaytyadu ka badan taydun weriseene!
Walbahaarka Falasdiin nin ogi qulub la weydowye
Waddankoodi goortii la dhacay wahabku kooreeye
Waa debed-wareeggii sidii woohow loo yidhiye
Waab iyo ardaa kama galaan weedhka karameede
Ummaddaasi wadhan yaa sidaa wajib kaga yeelay?
Miyaan lala wadaagayn Yuhuud wiirsigiyo ceebta?
Alla weger waxaad belo dhigteen waa ka waasacane
Niksan wayla sahal ceeb haddaad ka welwelaysaane
Qirta Wootargaytyadu ka badan taydun weriseene!
Fiyatnaam wixii aad baddeen uunku wada yaabye
Hubka waarriyuun baad aroor wagac ku siiseene
Dayuurado waleecaad qabaa geliyey weesaaqe
Sida dhibic wajiineed wixii gumuc is-weydaartey
Nin waraystay waa garanayaa wahankii Saygoone
Goortuu wasaashaday dhurwaa waaxyihii ubadka
Isu baxe wishiiriga ci'diyo wiida naaguhuye
Raggaad waranka siiseen anoo weli u ooyaaya
Marna waxaan i deynayn duqii ugu fil weynaaye
Hooheey! geeridii Hoo Shi Miin wiilashay gudhaye
Alla weger waxaad belo dhigteen waa ka waasacane
Niksan wayla sahal ceeb haddaad ka welwelaysaane
Qirta Wootargaytyadu ka badan taydun weriseene!
Woobiga Angoolee qarxaday wiririgtii yeedhay
Boortuqiiskii wiiqay rabeen inay ku waabshaane
Goortuu wadnaha taabtay bay wegen u fuuleene
Waxay waarrisaba maalintuu calanku waaheelmay
Waqalkiyo daruurihii onkoday webiyadii dooxmay
Guushii kolkii loo waqlalay Neeto widhif raadshey
In wakiil u tago Yuu-En-Oo golaha waaheelan
Maan garan halkuu weyd ka yahay waajibkaa cadiye
Wadhiyey! Maxaad ugu riddeen walagta fiitooda?
Alla weger waxaad belo dhigteen waa ka waasacane
Niksan wayla sahal ceeb haddaad ka welwelaysaane
Qirta Wootargaytyadu ka badan taydun weriseene!
Sida ceel wiyeeraad kol hore nooga wabaxdeene
Warshaddiinna dhiiggaan tufaa lagu waraabshaaye
Garaad ma laha ruuxii wabiin wacad la qaataaye
Ka il baxay wallaahida afkaa walalac beenaade
Werwerkii Simbaabwaan qabaa Weris-la-mooddiiye
Waadiga Namiibiya rag baa waayir xidhayaaye
Idinkaa watee Yaan Ismiidh wadhaf ma tuureene
Alla weger waxaad belo dhigteen waa ka waasacane
Niksan wayla sahal ceeb haddaad ka welwelaysaane
Qirta Wootargaytyadu ka badan taydun weriseene!
Soo Socda
Dib U laabo
Anwar Saadaat
Xushmad gabay, Hadraawow!
Araar xiiso loo qabo
Xarakiyo dirsoocba leh
Xilliyadu tukubiyaan,
Xasan Geney durdursii!
Una sheeg xiddigiskii
Xiito feejignaantii
Nabaaddiina-xidhiddii
Xaamxaamadkeedii,
Xirsi iyo qardhaas iyo
Suuf iyo xanjoba way
Isku belo xijaabtee,
Geeri baan xakamo iyo
Xadhig lagu ceshaa jirin.
Xidaarkiina faalkuu
Igu yidhi: �Ximruu galay�,
Xaashe�e ma beenaan.
Durba xoox-horraadkii
Wax ku daatay Xaynoosh,
Niriggii xasaraddiyo
Xaaraanta lagu dhalay.
Xinjirihii sunta ahaa
Iyo xabag-dhunkaashii
Xoorkiina waa weli,
Xigsimooyin baa hadhay.
Afartaasi waa xubin.
Xuunshaa wax lagu yidhi,
Beri Xoolojaliyiyo
Xaaraame-cune dhacay:
�Ma ogtahay, Xilmoogeey!
In xaqii ku soo deggay
Xabiibkii Ilaahay?�
Nin xantaday dantiisee,
Laye xoosh-la-mooddii,
Waxba maysan xaalayn
Xadantadu ma saamayn
Ma xanuujin dhiilladu.
Isna cadho la xuurtow,
Is-xabeebiyoo yidhi:
�Dammaneey xogli�idaa,
Xaggee hadalku kaa maray?�
�Xaashaa kallay!� tidhi.
�Ha xanaaqin!� buu yidhi.
�Xeeshaa dhac!� bay tidhi.
Kuye: �Xaajo waa gobo� !�
�Ku soo xoori!� bay tidhi.
Kuye: �Weer cad soo xidho!�
�Hays xiijin!� bay tidhi.
�Rasuul baa xijaabtee,
Ku xisaabtan!� buu yidhi.
�Xusi maayo!� bay tidhi.
�Ha xujoobin!� buu yidhi.
Kute: �Hay xajiimayn!
Intuu Nebigu, Xaydow,
Noolaaba xaar iyo
Xaab baan cunaayee!�
Waa duur-xul sheekadu,
Xog-ogaalna waan ahay.
Ceebtiyo dheg-xumadiyo
Ragga xalay nijaastii,
Marna geed-xunkii dhacay,
Xiisayn ma doonaan.
Warka xalayto aakhiro
Xaashiyaha wargeyskiyo
Xilliyadu ka weriyeen,
Wuxuu sheegey xanan iyo
Xulad iyo dab oognaa
Iyo waliba xiisado
Ka dhex huray xumaystii.
Nimankii xaduurkiyo
Adduunyada xajiintiyo
Xaska gogosha uga dhigay;
Wax-ma-xeerayaashii
Xaramkii dadweynaha
Ku kufsaday xilkoodii.
Daad-xoorta naartiyo
Laye: �Xaydhaweyntii,
Iyagoo xariirtiyo
Xaaraantii lagu mamay,
Nin kastaa xarragadiyo
Xushmadduu mar qabi jirey
U xaraaradoodoo
Raba duub in loo xidho�.
Iyagoo xaraabaha
Mid kastaa xaggiisii
Xildhibaan in laga dhigo
U xaraar butaystoo,
Salasaar xafiiltamay;
Nayroonna xaasiday;
Oo Shaahii xayraan
Ka xumbeeyey dhoollaha;
Farankana xanaaq iyo
Qab-xun uu lahaan jirey
Xummad ba�an ku kiciyeen;
Samawsana ku xila furay
Xag loo daayo mooyee
Inay talo xayiran tahay.
Oo Xayle dhaar maray
Darajada in loo xulo,
Kuna faanay Xiitiyo
Xaraskii Balqiis iyo
Xoogaggii Abraha ee
Xaramaynka gaaddiyo,
Xumuhuu barbaarshiyo
Xaqluhuu addoonsaday,
Intuu hanad xartaalliyey
Xuur baahan siiyiyo
Shacbiguu xasuuqee
Ku xukumay: �Rabbaan ahay!�
Oo jar-iska-xoorkii
Hitlerkii xujeysnaa
Qirtay xero-gubkiisiyo
Malaayiintu xaaqiyo
Ubadkuu xab-burushiyo
Duniduu xagaaftiyo
Diga-xaadka mariyiyo
Xaqirkiyo ismoodkiyo,
Ummadduu xareeyee
Jiritaanka ka xarrimay,
Dhiigguu xalaashaday
Xasillooniduu nacay,
Kibirkuu la xiiqee
Ka gadaal xaqiiqsaday
Xad ceshaa inuu jiro.
Iyadoo xiniin iyo
Ninba tab iyo xeeshii
U soo xaytay duullaan,
Mise waa xambaysane;
Gorgorkii xammuurraa!
Xaruntii wax soo galay
Bacaluul la xaman jirey,
Anwaroo xabbado qaba,
Shicibkiisu ku xukumay.
Durba, �Xaadir!� buu yidhi.
Xigtadiisa goortii
Xisbigooda lagu daray.
Dabadeeto xiisii;
Golda Meyr u gogol-xaadh,
Una sheeg xodxodadkii
Xubbiggeeda awgii,
Inuu Xaramki diintiyo
Xurmadii Ahraamtiyo
Milgihii xorriyaddiyo
Xuquuqdii shucuubtiyo
Masar xoolaheediyo
U xaraashay Falastiin.
Oo dhaar ku xagaf sii
Inuu yahay xabiib jecel
Xididkana u roonaa,
Oo aanu �xiix!� odhan
Wixii xulashadeedii
Xeer iyo shuruud adag
Kaamp Dheevid lagu xidhay.
Wuxuu yidhi: �Xayaatii!
Waxaa cunay xuskaygii
Xisti iyo gumeystiyo
Xoogaggii shirqoolkiyo
Cadaawihii xaqsoorkiyo
Inta xeerka dumisiyo
Xulafadi Israa�iil�.
�Gashigaan xambaarsaday
Dulligaan xantoobsaday
Doonantaan xiloodshee
Khasab kaga xantaystee
�Xigo, Beegin!� idhiyee
Nimaan geyin u daba xaday,
Fool-xumaanti aan dhigay
Taladaan xayuubsaday
Nabaddaan xijaab adag
Xuub caaro uga dhigay
Xaramkana ku baayacay,
Xayaysiinti ceebtiyo
Xaradhaamadii baa
Heedhe, laygu xooroo
Xasabiyo tol iyo gacal
Xayn yar bayga raacdoo
Xigaalkii Jamaal iyo
Nin xishoonayaa, maya,
Xabaashaydii may iman.�
Iyaduna xaggeedii
Xarragada ka raacdoo
Ku xurmeysey taajkii
Miinadu ku xeerneyd.
Shaahuna xusuus iyo
Xillad lagu lahaan beri
Ugu xeeriyoo, sii.
Waxay xawli socotaba;
Iyadoo xisaabtii
�Ku xad iyo ka leef!� tahay
Xaalxaalna lagu jiro,
Ayaa show xan hoosiyo
Warka lays dhex xuliyoo,
Wax go�aan ku xaasilay;
Siyaad iyo xertiisii
Oo xaggooda laga wacay,
Xaajada in lala sugo.
� Anwar el-Sadat (1918�1981): Madaxweynaha dalka Masar
(1970-81)
� Muhammad Riza Pahlavi (1919-80): Shaaha Iiraan (1941-
79)
� Francisco Franco (1892-1975): Keligitaliye iyo hoggaamiye
ciidammo ee dalka Isbayn (1939-75)
� Golda Meir (1898-1978): Ra�iisalwasaarad dalka Israa�iil
(1969-74)
� Luis Somoza (1922-67): Madaxweyne Nikaraguwa (1956- 63)
� Menahem Begin (1913-92): Ra�iisalwasaare dalka Israa�iil (1977-83)
� Antonio de Oliveira Salazar (1889-1970): Keligitaliye
Jamhuuriyadda Bortuqiiska (1932-68)
� Haile Selassie (1891-1975): Boqorkii Itoobiya (1930-74)
� Adolf Hitler (1889-1945): Keligitaliyihii Naasigii Jarmalka (1933-45)
Samirsiis
Dib U laabo
Samarsiis
Ma ogtahay Siciidow!
Xalay baan saqdii dhexe
Cirka sare u eegoo
Sida dirirku leeyahay;
Bisha Soon markay tahay
Sabbuux lagama heesee,
Safar hayla boodine,
Sannadkii mar uun baa
Xajka loo sadcaalaa.
Haddii aad sabool tahay
Sandullayni waa debed
Af-ku-seefle yeelkii,
Sal u yeelo sheekada!
Ma ogtahay salaaduhu;
Midba saacad weeyoo
Surmigiyo abaaraha
Waysadu sidaan qabo
Ku sax weeye ciiddee,
Nin sahwiyey rukuucuhu
Kol labaad inuu sugo
Waa sadar hubaal ahe,
Kuu furan sujuudduye.
Ma ogtahay Siciidow!
Turubkiina maad sugin
Maad helin sirtiisii,
Sacabkaaga weeyaan
Waxa selelka keenee,
Ma anigaa wax-saarka leh?
Sud ay Raani leedahay
�Baashe saar!� kumaan odhan.
Kuma odhan, �rankii saydh!�
Saddexlaha aad qaaddiyo
Siddeedluhuba waa biig.
Haddii ay ku sidatoo
Sokihii magaysoo
Saameeshay yeelkii;
Saaxiib, maxaan qaban?
Foorad baa ku saarane,
Sal u yeelo sheekada!
Ma ogtahay Siciidow!
Sagalkiyo arooryada
Warka loo sarbeebiyo
Subaxdiyo habeenkaa
Saaka loo gar qaadoo,
Inay Suurti dhowdahay
Sangaa baqal la dhaafshoo
Siigo dhiig tifleeyoo
Sarka-dhaban ku ladhan yaa,
Saanad soo walwaashoo,
Siraadkii cadceeddiyo
Caad saartay nuurkoo;
Waxay Saxarli leedahay:
�Xiddig sudhan korkaygiyo
Ifaan sii ridnaynoo
Igu sabaya been iyo
Saco dhowr ah mooyee
Layga saar ilayskoo,
Safan baan tallaabada
Hadba suul u dhigayaa,
Siciidow, xogtaa dhuux!
Sanka burada haw jarin!
Hadal kuma solayside,
Waan sidaaye hoo sii!
Surbiyaanka haw miyin!
Jaalle, mayla socotaa?
Sal u yeelo sheekada!�
Googgaa Siciidow!
Sedkaagoon ku duuloo
Dadka kale ka sooroo
Seko aan ka bixiyiyo
Sadqo ii xalaal tahay.
Tu kaleeto suuree!
Ido laysu soocoo
Saf saf loo tumaayaa
Sumal lagu illaawoo
Lagu sii dhex daayee,
Saadaashu waa maxay?
Tu kaleeto suuree!
Saaqadaan warkeedii
Kuu sifeeyey waa hore
Sidkii waa ka dhowyoo
Sulub wuu lafaystoo
Walqashiisa saawiri
Saanta dhaafi maysee,
Warankeennii Sooyaan
Samaydiisi laallayd
Halka ay ku sugan tahay,
Siciid maw war haysaa?
Tu kaleeto suuree!
Sirtu ereygay jiiftaa
Saryan ii higgaadshoo
Xarafyada sameeyaa
Sacab farihii weeyaan,
Shibbanuhu ma soorana
Subci shaqalladiisoo
Saddex baa mid laga jaray
Ka gungaadh su�aashoo
Sagandaaq ku raacdee
Sidig oo ha naafayn,
Jaalle mayla socotaa?
Sal u yeelo sheekada!
Sula ciidan kaan diray
Sahaydii kamay go�in,
Soonah iyo dhilowyahan
Ninka soohay maantaw
Geed-saraadki muu madhan,
Sidii baa galoolkii
Maydhax looga saaraa.
Waxay Suubban leedahay:
�Halkaan saaka joogaa
Suryo oodan weeyoo
Silic lagu mutaayoo
Maaha sabo ayaan lee,
Awrku saawa-saawaha
Yaanu goosan seetada.
Xadhigiyo sitaacana
Ha ka sahamin jeerine,
Isa-sudhanta weyddii,
Ka salgaadh xaqiiqada,
Sal u yeelo sheekada!�
Xadhig lama-sitaanow!
Sibiq ceelka haw gelin,
Soddon baac wax baa dheer
Sallax weeye oogadu
Waa sursuur hareeruhu
Dhexdu waa habeen socod
Hoostuna sud weeyaan
Saymo lagu wareejoo
Ka sokeeye oomane!
Laba-suulle waa muruq
Waa harag sagaaro�e,
Ha ku seexin laba ruux!
Soo horeydu yeedhaye,
U samee wadaanoo
Sida xuubka caarada
Siddeheedu yuu go�in,
Sal u yeelo sheekada!
Caliyow sargooyada;
Waan kugu saluugoo
Sama-doon habkeedii
Tani uma salaaxnoo
Safar meel fog kaa jira
Sahal looma naca oo
Lama siro nin kaa maqan.
Samsam iyo Bullaalow!
Caydiyo sarbeebtii
Igu soo sinaadee
Warka aan ku siiyee,
Jaalle saaxi baan ahay
Hayska kay saloolane,
Horta saani ii baro.
Sidataalti kuu timi
Kuma cabannin, saaxiib!
Dhego siigo awdaan
U tumaayey saanoo,
Naf sagaal-shub mooyee
Weedh saran aqoon baan
U saafaayey sheekada.
Hadal lama sudhnaadee;
Cabdi qaaday seeftii
Hadda waa safkaan ahay
Ninkay seegtayow maqal,
Seylac xaal ha loo diro.
Waxay Saxarli leedahay:
�May samadu heestoo
Buuruhu siqaanoo
Subulaha galbeediyo
Saraar laga dhawaaqoo
Sanqadhaan Cir-jiidhuhu.�
�May waranka Sooyaan
Samaydiisu baantoo
Sabeennuhu hadlaanoo
Suubban laga war doonoo
Ninka samaha raadshiyo
Si-xun-wax-u-tilmaamaha
Salaan loogu yeedhoo
La yidhaahdo kala saar.�
Waxan sidan u leeyahay:
�Sirta yaan la faallayn
Ha la sugo jawaabaha,
Waa Saxarla� sheekadu!�
Sidataal
Dib U laabo
Sidataal
Sabadii Togdheer baan
Kaa soo salaamee,
Jaallahay Siciidow!
Ina Saalaxow, nabad!
Marka xiga safkeennii
Waxa ay ku sugan yiin
Iga sii war buuxoo,
Maxay saaka joogaan?
Marka xiga silsiladdii
Siinleydii dheereyd
Waataan sargooyee
Saabka adag u geliyee
�Soddoh weeye� idhiyee,
Mar haddaad ka saartoo
Maryihii ka siibtoo
Soobir tahay islaantii
Wax kalaa ka salaglee,
Ina Saalaxow, nabad!
Sidataal waxay tidhi:
�Heestaydu waa siin,
Waa sagal arooryaad,
Waa sahan maqnaayoo
Beeshu ay sugaysoo,
Waa sawd nin weynoo
Sahwi aan ku imanoo,
Sahay weeye dooroo
Dusha lagu sitaayoo
Sidaad mooddey maahee,
Ina Saalaxow, nabad!�
Sidataal waxay tidhi:
�Heestaydu waa siin,
Waxa saxay abwaanoo,
Sayidkaw abtiriyoo,
Waa sedkii Qamaanoo,
Waa tulud la soofshoo,
Raagaa salaaxoo,
Sifo waxay wadaagaan;
Gabaygii Salaanoo
Sidaad mooddey maahee,
Ina Saalaxow, nabad!�
Sidataal waxay tidhi:
�Senge ruux la loolaa
Surmi kama fogaadee,
Same-wade Hadraawaa
Sixi laa higgaadee
Af Soomaaligaygaa
Malaa kaa sarreeyoo,
Maansada sal iyo baar
Maad helin sirteedoo,
Sadarkaan ka heesiyo
Sheekadaadu siday tahay
Waysa seegan yiinoo,
Jinnaa kuu sanqadhayoo
Saan kuu garaacoo
Igu kaa sallidayoo
Sawir baad run mooddee,
Ina Saalaxow, nabad!
Sidataal waxay tidhi:
�Dadka kii sokeeya ah
Ama soor wadaagtaan
Surdhub looma qariyoo,
Suryadaad u qooshaa
Surka lala galaayoo
Kula siiban doontee.�
�Ninkaad igu sidkaysee
Ila soo safaysiyo,
Dembigaad i saartee
Siciid igu qarisana
Kaa siisan maayee,
Saaxiib bal baandhee!�
Sidataal waxay tidhi:
�Aduun bay saluugoo
Buur ila salooshee
Naf jacayl sawaaboo
Seetada ku giijoo
Waxaan ahay silloonoo
Saxarliyo danteedii
Kama seexan weliyoo
Darteed baan Siciidow,
Uga soomay oontoo
Xeebaha sintoodaan
Saanaddaydii dhigayoo
Jeeroon salgaadhana
Furi maayo suunkee,
Ina Saalaxow, nabad!�
Sidataal waxay tidhi:
�Salfudaydku Qays buu
Saaxiib lug gooyee,
Seef-la-bood inaad tahay
Caad igama saarree,
Goortii sabeenii
Marti loo sedqeeyiyo
Sannadkaynnu joognaa
Waa sagaashan guuree,
Taariikhda socotaa,
Ma midaan ku solin baa?�
Sidataal waxay tidhi:
�Duqa sabo-wanaag yaal
Soodhkiisa maariyo
Hadduu saawir kula yahay,
Way kaa sisibatee
Saamigaad lahaydiyo
Nin sedkaagii qaatoo
Kaa raba siyaadana
Seeftaada mooyee,
Inaanay sabaaliyo
Saadaashu celinayn,
Sidaa maw ogsoon tahay?�
Sidataal waxay tidhi:
�Candho saabka dararee
Maraq lagu sakalinee
Ibtu siiban tahayee
Dadku uu u simanyee
Sibraarrada ka buuxsaday
Haddii uu war sugan yahay
Waa sareedo Eebbee,
Ina Saalaxow, nabad!�
Sidataal waxay tidhi:
�Tabtii ina Sanweynaan
Xaajada garsooroo,
Labadeennii saaxiib
Waan kala xaq siiyee,
Aduun bays ka seleloo
Xaajada sirgacayoo,
Hadalkaygii saafnaa
Sawd-daran habawshaye,
Wax baa kuu sunsumayoo
Sidaadii ma tihidoo
Malaa waabad sigatee
Suufiyaasha weyddii
Saarkiyo dabayshaba,
Iyagaa sanceeyee.�
Salaan Guud
Dib U laabo
Salaan Guud
Marka hore salaan guud,
Rabbi saymo kaa hay!
Marka xiga sabeennii,
Midi haysa sidatee;
Saddexdii ka dhalayoo
Jees sabooli maaloo
Ku sangaaguroodoo
Xalay socoto baahani
Marti ugu safteenoo
Mid siniin lahayd baa
Dogob loogu solayoo
Ninba waax la siiyoo
Laba saaka joogee,
Saaxiib, ma nabad baa?
Waxay Suubban leedahay:
�Ninka soo socdaa, mee?
Muxuu soo sidaa, sheeg?�
Saaxiib Hadraawow!
Duurkiyo sarmaantii
Saac iyo ugbaadkii
Sogsogtiyo galoolkii,
Diir lagu salliday baa
Laamii sariigtoo
Waa soobir caawee,
Samaydaaban shidan laa
Sahankaan u dirayee
Sannadahan maqnaa baa
Sakal laygu sheegaye
Adaa soo jireenee,
Ma sug baad i leedahay!
Malaa Suubban maqashee,
Way siiban tahayoo
Weli waa sideedii.
Saaxiib Hadraawow!
Waa erey su�aal ahe;
Candho-saab ma dararaa?
Jinaw geel ma sixin baa?
Sakaraad ma geeraa?
Alla-bari ma sooryaa?
Nin la sigay ma nabad galay?
Adoo dayr-cad soofshoo
Seko lagugu leeyahay
Suuradaha ka baadhoo,
Maqaar-saar ma bixin layd?
Sagaal adhiya ruux liyo
Anoo subagga daadshaa,
Ma sinnaan karaynaa?
Waxay Suubban leedahay:
�Suuraaf miyaan ahay,
Salfudaydku waa maxay?�
�Naf jacayl sawaabaan
Sahwi dayni haynnine
Duqii Sabo-wanaag yiil
Wuu soo socdaayoo,
Seerihiisa kii galay
Dhab u seexan maayoo,
Seylac waa tallaabee
Cirka sare hadduu dego,
Saddex magac Ilaahay
Seeftu way dul taallaa.�
Saaxiib Hadraawow!
Ninka Saxarla� guursaday,
Ma seeddaad ka dhigataa?
Waxay Suubban leedahay:
�Ninka maydka sarayoow,
Damqan mayso saantuye.
Waxa iga sargooyo ah
Hadda Saaqi waa fool
Anigaw sed tiriyoo
Saaddambuu ku buuxaa.
Intaa waranka Sooyaan
Hayska samay la�aadee,
Saaxiib ma nabad baa?�
Mandheela
Dib U laabo
Waa maansadii Abwaan gaariiye uu u tiriyey halgamaamigii Nelson Mandheela
wuxuu tiriyey 1977 oo loo dabaaldegayey 60 guuradii halgamaaga:
Wuxuu yidhi:
Gabay-yahaw i maqal;
Madax-yahaw rimmani
Jiiftada madiix;
Masafooy gadood;
Maax-yahay ha gudhin.
Inta uu mudduci
Madal-weyne yimi,
Wax kastuu marsado
Marlay kiiska qabo;
Oo maddaacalii
Maanshaa allee,
Garta madax ka yahay
Ka markhaati yahay
Sharcigana matalo,
Madfac-yahaw ha damin;
Mujrim-yahaw ha ladin;
Maskax-yahay godlani
Maansada ha dayn.
Qalin-yahaw mindiyo
Ii noqo maddane;
Ku marriimo dhiig;
Kuna maydho ciin.
Khadkan hoo murka ah;
Kii macallinka ah
Ee midab-caska ah.
Ku dhig heestan milil;
Maaleey qadhaadh
Dacar lagu margado.
Maarrahaan sitiyo
Kalaashkoofka mudan,
Midig aad tartide
“Madad” baan ku idhi.
Maska ubadka jaray
Dhiiggana ku mamay
Ila moora-duug.
Murti iyo higgaad
Maxlal aan ku dhalan,
Ninna macasha qaban
Waa meeqa odhan,
Ku macsuun tix aan
Maamuus ku ladhay,
Maandheela iyo
Muudaaga xumi
Dad wuxuu makalay;
Ama reer muskood
Kaga dhigay maxbuus.
Afartaa miscirir
Mus-duleed u daa;
Mid kaleeto waa
“Maqaleey war-laay
Ma laguu warramay?”
Waxaan ahay madluun
Godobtiisa maqan,
U maleegan oo
“Maya” yidhi dulliga
Waan miigganahay;
Nin mannaagayoo
Macaluul darteed
Milgo-beelayoo,
Maalkiisa dhacan
Marti inu ku yahay
La marsiinayiyo,
Mana ihi miskiin
Ninna muuno iyo
Naxariis ka mudan.
Nacas muruq is-biday
Markuu dhabanka bidix
Farba meel ku dhigo,
Sidii Nabi Masiix
Dhanka midig u dhiib,
Mawd baan ka xigay.
Ninka midho-yariyo
Madi garab lahayn
Ii malaynayiyo,
Muska tiidsanee
Igu meersanee
Madaw iyo cadba leh,
Een mawqifkiyo
Mitidkaanu nahay
Ku midaysan nahay,
Kala maan ahaa.
Uurkayga madhan
Muruqyada i fagan,
Murugada naftiyo
Dabarkaygu maran,
Mucsurkaan qabaa,
Waa miino iyo
Meleg aasanoo,
Mar inay qarxaan
Ku muddaysanoo,
Wixii lay marshiyo
Waxan maaganahay
Kala maan ahaa.
Maanshee la yidhi
Xaaqinkaa murxee
Dhul madhaa ma jiro.
Miciyihi darraa
Ee igu mudnaa,
Mariidkiyo suntii
Maaradoodi helay.
Haddaan maahsanaa
Miyir-doorsanaa,
Miiraabay oo
Mugga waan il-baxay.
Majaraan hayaa
Duul hore u maray
Ay mahadiyeen.
Afartaa mullaax
Uga maydhax-diir,
Mid kaleeto waa
Hadal waa murtiye
Maqal Abu-hadroow.
Tixdu waa mag-dheba;
Nin kastoo mitida
Oo madiidin neceb,
Waa madhax u yaal.
Waa muuno iyo
Taallo aan u muday,
Maandheela iyo
Cidda uu matalo;
Magli baan ku qoray.
Adna Maxamadoow
Maansadu nin geya
Kama maarantee,
Mayalkeeda qabo.
Gumaystaha ku maag.
Madaxoo la rogo
Iyo midab-takoor,
Inaynaan mareeg
Marna qaadanayn,
Ninka mooggan iyo
Macal-cune dhacsii.
Miliqsade ka nixi.
Hal-muceedyadii
Mari aad tiqiin;
Oo mahadho iyo
Maahmaah ka reeb.
Kana marag ahaw
Rag hadday murmaan,
Mabda’eenu waa
Isagoon mugdiyo
Madmadoow ku jirin,
Maantiyo berriba
Malafsade ha dhaco;
Xalaal-maal ha jiro;
Dadku waa masee
Ha mudh-baxo cadligu
Soo Socda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
Soo Socda
Dib U laabo
Dib U laabo
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Xigasho: Mareegta Hoyga Suugaanta
Mareegta Aftahan
Mareegta Kaydka Suugaanta
Copyright �2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan.
All Rights Reserved.
| |