Mareegta Far-Shaxan |
ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha |
Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan |
|
Hordhac
![]() ![]() ![]() ![]() Maxamuud C/laahi "Singub" Qorigii Singub Burburkii Hargeysa Ciidanka S/Land ![]() Hargeysa In La Duqeeyo Way Habboonayd Dib U laabo Moxamed Cabdullahi Ciise "Sangub" markuu erayada kor ku xusan iyo gefaf kale ka yidhi kulankii loogu yaboohayey eedaysane Moxamed Cali Samatar lacag lagaga difaaco dembiyadii cuslaa ee uu ka galay dadka iyo dalka Somaliland xilligii dagaaladii sokeeye, siiba sannadkii 1988, kaas oo lagu qabtay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka 30kii bishii Janauary 2005, waxa uu marka horeba ahaa nin habowsan oo shirka khalad u tegay soona dhexgalay arrin ka dhaxaysa Somaliland iyo Somalia isagoo ku abtirsada Gobolka Somali Galbeed ee Itoobiya hoos yimaada kuna soo kacaamay magaalada Dhagaxbuur. Arrintiisu waxay la mid yahay nin ka tirsan Saxaaraha Galbeed ee Marooko gumaysato oo soo dhexgalay dhibaato ka dhextaagan Aljeeriya iyo Leebiya dabadeedna ku aflagaadeeyey ummad dhan, halkaasna waxaa ka cad inaanu Sangub weli aqoon dalkiisa. Waxa uu ahaa nin isaga oo ka yimid Somali Galbeed sannadkii 1961 soo galay dalkii lagu magacaabijiray “Jamhuuriyadda Somalia” isagoo huwan magaca Somaliweyn dabadeedna Suugaanta Somalida aad ugu soo caan baxay. Sangub waxaa shirka keentay caadifad qabiil isagoo u arkayey in Moxamed Cali Saamatar difaacayey Talis Daarood. Sida saxaafadda Somaliland soo werisay, Sangub waxa uu kulankaas dadweyne ka yidhi dhawr hadal oo si weyn ugu gefaya dadka Isaaqa si cadna u taageeraya xadhigii, dilkii, xasuuqii iyo burburintii uu Taliskii dhiig-yacabka ahaa ee Siyaad Barre kula kacay maatada, rayidka, magaalooyinka iyo tuulooyinka sannadihii u dhaxeeyey 1982-1990, arrintaasuna waxay dhaawac weyn u geysatay sharafta abwaanimadiisa iyo dadnimadiisaba. Bal aan halkan kaga jawaabo gefafka culus ee laga soo weriyay Moxamed Cabdullahi "Sangub." SANGUB: DACWADA MOXAMED CALI SAMATAR WAXAA WATA KOOX YAR OO HORENA SOMALINIMADII U DIIDAY ISLA MARKAANA AAN TEGIN SHIRARKA DADKA LAGU HESHIISIIYO. JAWAAB: Sangubow arrinta shirarka iyo waxa lagu magacaabo midnimada waa dagaal siyaasadeed oo ka dhex oogan Somaliland iyo Somalia mana kusayso dadyowga Jabuuti, N.F.D, iyo Somali Galbeed oo aad adigu ka soo jeeddo, wax door ahna kuma lihid kamana hadlikartid waayo waxaad weli ku hoos nooshahay gumeysi, nin la gumaystana wax kama sheegikaro dad iyo dal xor ah. waxa kaliya ee kula gudboon waa wax ka xoraynta dalka aad wax ka degtid si aad u geydo ka qaybgalka iyo ka hadalka shirarka aad sheegtay. Waxaad la caqli tahay kuwa ka yimid Qabridaharre iyo Dhagaxbuur ee xubnaha ka ah maanta waxa lagu magacaabo “Baarlamaanka Federaalka Somalia” oo aan Somalia ku lahayn degaan laga soo doorto mustaqbalka waqtiguna ku celindoono Somali Galbeed. Ogaadeenka dega Afmadow iyo Badhaadhe ayuunbaa xaq u leh inay ka qaybgalaan Baarlamaanka Somalia maadaama ay wax ka degaan Somalia kuna leeyihiin degaan laga soo doorto. Somalinimada ama Somaliweynta aad tidhi Isaaq ayaa halisgeliyey maaha mid beeshaada wax ka degta Somali Galbeed keentay ama u soo halgantay, adigoo weli gumeysi ku hoos-noolna la garanmaayo waxaad ku soo biirinlahayd Somalinimada iyo midnimada ay isku hayaan dadka xorta ah. Dadkii u soo halgamay isla markaana hirgashay dhalinta Somaliweynta iyo midnimada, beeshaadu qaybta weyn ka qaadatay burburintooda iyadoo qaxooti ah markii ay la safatay Taliskii Siyaad Barre iyo Somalia, waa dadka aad kulankaas ka dhex tidhi waxay istaahileen in la xasuuqo, magaalooyinkoodana la burburiyo. Sidaas darteed, Somalinimadu ama Somaliweynimadu dhab kaama aha ee waxaad weli raadinaysaa xukunkii iyo hanti-boobkii Somaliland iyo Somalia ee Absamaha Somali Galbeed, siiba beeshaada Ogaadeenku ku waaliftay xilligii Taliskii Siyaad Barre oo qabiil ahaan loo majarahabaabiyey dawladnimadii Jamhuuriyaddii la odhan jiray Somalia ee ka dhaxaysay dadka Somaliland iyo Somalia oo qudha. Waxaad ka mid tahay dadka aaminsan figradda ah in haddii qofku Somali yahay aan laga xigin 5ta Somaliyeed (Somaliland, Somalia, Jabuuti, Somali Galbeed, iyo Gobolka Somaliyeed ee Waqooyi Bari Kenya) iyada oo cudurdaar laga dhiganayo in Somalidu wadaagto dhaqan, diin, iyo af sidaas awgeedna qofka “Somaliga” ah marba midka uu rabo degikaro, ka shaqaysankaro, wax ka xukumikaro, barwaaqadiisana ka qaybgelikaro. Figraddaasu waa halis waayo waxay horseedaysaa fawdo muujinaysa dal iyo dawladnimo aan la kala lahayn iyo qaran aan summad lahayn. Arrintan oo jirijirtay xilligii Taliskii Siyaad Barre waa tii u suurtogelisay in qaxootigii Absamaha, siiba Ogaadeenka Somali Galbeed, laga dhigo wadani, wadanigiina laga dhigo qaxooti, waa siyaasaddii Daaroodiisamka ku dhisnayd ee suurtogelisay in qaxootigaas loo oggolaado inay si sharcidarro ah ku soo galaan, degaan, shaqaystaan, waxna ka xukumaan dalkii la odhanjiray “Jamhuuriyadda Somalia” lagana fadilo dadkii dalka lahaa ee xoraystay lagana dhigo xubno gole sare, baarlamaan, wasiirro, janano, taliyayaal, iyo guddoomiyaal gobollo iyo degmooyin halka wadannigiina laga dhigay qaxooti aan xuquuq lahayn. Tusaale haddaan u soo qaato dhawr, waxaa la yaab lahaa in Moxamed Cumar Cosman (Taliyihii Ciidanka Badda Somaliyeed), Bile Rafle Guuleed (Guddoomiyihii Togdheer iyo W/Galbeed), Cabdiwahaab Moxamed Xuseen (Taliyihii Ciidanka Guulwadayaasha Ummadda), iyo Siyaad Daa`uud (Taliyihii Qaybta 26 aad) oo afartuba ahaa qaxootigii ka yimid Somali Galbeed, iyo Aden Gabyow (Wasiirkii Gashaandhigga Somalia) oo isna ahaa qaxooti ka yimnid Gobolka Waqooyi Bari Kenya) oo inta darajo weyn iyo jagooyin sare oo aanay xaq u lahayn lagana boobay dadkii dalka lahaa lagu taxay dabadeedna dhibaatooyin laxaad leh u geystay ummaddii dalka lahayd. Sangubow waa taas waxa aad weyday ee ku gubaya, Somaliweynimada aad ku soo gabbatidna waxaad ku raadinayaa in beeshaada Somali Galbeed ku degto, xukunto, kuna boobto hantida dal iyo dad aanay u dhalan. Somalidu waxay ku maahmaahdaa, “Ninka aan quus aqoon, naftiisa quus ah.” Dadyowga Somaliland iyo Somalia waa ka tashadeen inaan qaxooti dambe u xukumin dhulkooda kuna tagrifalin ee Sangubow iimaanso Qabridaharre iyo Dhagaxbuur. Wax la aqbalikaro maaha inaad dalkiinna ka soo yaacdaan si aad u xukuntaan dalal iyo dadyow aydaan u dhalan (Somaliland iyo Somalia). Iyaduna macquul maaha in qaybta qabiil ka degta dal ay ku soo gabbadaan qaybaha kale ee isla qabiilkaas ka deggan dalalka ku hareeraysan. Afrika ama dunidaba qabiil kasta waxa uu kala degganyahay dhawr dal, qaybkastana waxay dhulka, dawladnimada, waajibaadka, iyo xuquuqda la wadaagtaa dalka ay deggantahay, xuduudiisa qaranimana ku jirto. Somalidu haddii ay ku fashilantay inay 5ta Somaliyeed isu keento ama dawladnimo si caadil ah u wadaagto waa inay kala madaxbanaanaato si ay u kala badbaado. Somalidu kama duwana 18ka dal ee Carbeed oo isku diin, dhaqan, iyo af ah, laakiin ku heshiinwaayey inay midoobaan, midkastana gaar u leeyahay qaranimadiisa iyo dawladnimadiisa, inta kalena ku soo galaan kuna joogaan si sharci ah iyaga oo aan faragelin siyaasaddda iyo xukunka dalka ay joogaan. Sidaas oo kale ayaa 5ta Somaliyeed loo kala leeyahay mid kastana sharci kuwa kale ku soo gelikaraan. SANGUB: KUWA WAX DACWEYNAYAA WAA YACDII. JAWAAB: Gefkaa foosha xun macnihiisu waxa weeye Cali Samatar waxa dacweynaya waa Isaaq, Isaaqna waa yac. Waa nasiibdarro weyn in nin isku sheegaya abwaan uu si foolxun ugu gefo ummadd dhan oo ka duwan laba qof oo inta wax dhexmaraan waxay rabaan ku wada hadla. Aqoontu waa shay qiimo leh waayo qofka waxay ka ilaalisaa xad-gudubka intaas le`eg waxayna bartaa xushmaynta, adaabta, iyo qiimaynta. Waxaa halkaas ka cad in Sangub yahay geeljire abwaan ah oo aan garanayn miisaanka qadafka ama gefka uu samaynayo. SANGUB: WAY HABBOONAYD IN HARGEYSA LA DUQEEYO OO LAGA SAARO KUWA QARANKA DUMINAYA. JAWAAB: erayadan waxa loo fasirikaraa way habboonayd in la xasuuqo maatada iyo rayidka Isaaq, magaalooyinkooda iyo tuulooyinkoodana la burburiyo si dhulkooda loo dejiyo Ogaadeenka waayo waxay ka horyimaadeen oo ridayeen xukun Daarood. Sangub waxa uu u dhashay Beesha Ogaadeenka taas oo 30kii sano ee Israac-ku -sheegga (1960-1990) iyadoo habaqle ah, ilmaha iyo calalka dusha ku sidatana ku soo qulqulaysay dhulka Isaaqu dego ee Somaliland iyaga oo sheeganaya in gumeysi dabada ka wado, soo barakicii ugu weynaana socday intii u dhaxaysay 1978-1988. Mudadaas dheer dadka Isaaqu waxay soo dhaweeyeen qaxootigii Ogaadeenka waxayna u oggolaadeen inay dhulkooda ku nabadgalaan, waxaana loogu deeqijiray degaan, cunto, weel, caano, dhar, xaabo iwm. Markii SNM dagaalka ku qaadday dulmigii, tacadii, iyo dawladnimo-duudsigii uu Taliskii Siyaad Barre ku hayey dadka Somaliland, siiba Isaaqa, madaxdii iyo odayadii qaxootiga Absamaha ee Somali Galbeed, siiba Ogaadeenka, oo xoogooda la dejiyay duleedka Hargeysa iyo Berbera way illaaween abaalkii loo galay 30kii sano waxayna ku fashilmeen inay fahmaan dhibaatooyinkii cuslaa ee Isaaqu ka dagaalamayey, oo haddii aanay la safanayn ay arrinta ka ahaadaan dhexdhexaad maadaama mustaqbalkana laysu baahankaro. Inta caadifad Daaroodiisam madaxmartay ayay madaxdoodii iyo odayadoodiiba hubeeyeen jabhadoodii iyo qaxootigoodii kuna jeediyeen maatadii iyo rayidkii Isaaqa qaybweyna ka qaateen xasuuqii iyo qaxintii dadka iyo burburintii magaalooyinka iyaga oo lagu dagaalgeliyey in Isaaqa laga dhigayo wax la qaxiyo iyo wax la tirtiro dabadeedna iyaga la dejinayo dhulkooda. Markaas Sangubow waa nasiibdarro in Isaaqa oo weligood soo dhaweynjiray qaxootiga Ogaadeenka abaal weyna u galay taariikhda aad maanta taageerto xasuuqii iyo burburkii loo geystay, kulase yaabi maayo waayo tolkaa ayaa abaalkaas dheer ku wacadfuray, waase arrin la ogaaday oo aydaan mar dambe ugu soo gabbandoonin Somaliland magac Somaliweyn mustaqbalka, dib-dambana la idiinku martigelindoonin. Sangubow Taliskii Siyaad Barre ee dhiig-yacabka ahaa iyo kuwii u adeegayey ayaa ahaa qaran-dumis, SNM iyo shacabkii taageersanaa waxay dalka iyo dadka ka badbaadinayeen qaran-dumisnimadaas, Eebbana waa ku guulleysiiyay xaqii ay ku dirirayeen. SANGUB: WAXBA LA IGAMA QAADIKARO OO TOL XOOGAN AYAAN KA DHASHAY. JAWAAB: Waxaa lagu maahmaahaa,"Nin is faanshay waa ri` is-nuugtay" Sangubow Ogaadeenka aad ku faanayso farihiisa ma dego Somaliland iyo Jabuuti midna, Somalia waxaad ka degtaan tuulooyinka Afmadow iyo Badhaadhe, Somali Galbeed waxaad ka degtaan tuuloweynta Qabridaharre, Dhagaxbuur iyo Godey oo la idinla wadaago, N.F.D waxaad ka degtaan tuuloweynta Gaarisa ee sidaas ula soco haddii aadan aqoon degaankaaga. Faankaagu waxa uu la mid yahay faankii Majeerteenka ee 80ka sano ku xukumayey Hawiye weedha beenta ah ee ahayd, “Majeerteen iyo Madax-madow ayaa is le`eg.; Dabadeedna inta Majeerteen aasaasay jabhad lagu magacaabo SSDF sannadkii 1979, oo ka soo horjeeday Taliskii Siyaad Barre, aakhirataankii isu dhiibtay Taliskaas markii ay tuulo qabsankariweyday, beeshoodii la baaba`shayna ku hungowday. Dagaaladii Sokeeye ee Somalida ka dhexdhacay waxay kashifeen tirada faanka ku dhisan ee Ogaadeen iyo Majeerteen waxayna muujiyeen inay yihiin laba qabiil oo caadi ah lana mid ah beelaha kale. Sannadkii 1988 oo SNM duulaanka ku qaadday dulmigii ku jiray daaraha Hargeysa iyo Burco ayaa waxaan maqlijiray Ogaadeenka Mogadishu joogay oo yidhaahda, "Iidoor! awowgiin la gub!, caqlixumaa! waxay la tahay inay ridikarayaan Kacaanka ee 10ka milyan ee Ogaadeen difaacayso". Dadka ku hadla Af Somaliga ee degan Geeska Afrika waxaa tiradooda lagu tilmaamaa 9-10 milyan markaas 5ta Somaliyeed oo dhami ma Ogaadeenbaa? Sangubow waxaad kulankaas ka caddaysay inaad adiga iyo kuwa waxaas ku hadaaqijiray isku caqli tihiin markii aad qabiil-ku-faan maciin mooday adiga oo isku sheegaya abwaan Somaliyeed. Kacaan-ku-sheeggii aad difaacaysay waadigii intaad tidhi "Ibixiyow ibixi" kaga cararay Xamar iyo Hargeysa, neef-kudisna ku galay Qabridaharre, Dhagaxbuur, iyo Gaarisa, xageebuu jiray tolkaaga xooggan ee aad Isaaq ugu faanaysid maanta? Miyaad illowday markii shalay Cali Dhuux tolkaa ku lahaa: Doqonkii Ogaadeen ahaa, Doollo laga qaadye Loo diid Dannoodiyo hadduu, degi lahaa Ciide Niman baa dalkoodi xukuma, labada daaroode Ogaadeenka maanta joogaa kama duwana ka maalintaas joogay oo lama oga meel intaad ku xorrowdeen aad ku samaysateen gantaallo ku jeeda Isaaq. Ogaadeen iyo Majeerteen oo si gaar ah dembiyo culus uga galay dadka Isaaqa xilligii dagaaladii sokeeye ayaa maantana ugu af xun, waxaase lagu maahmaahaa, "Af xumo nabadna waa kaa geysaa colaadna wax kaagama tarto." Midna waxaan leeyahay Cali Khaliif Gallaydh. Caliyow markaad tusaale u soo qaadatay colaadii koobnayd ee dhexmartay qaar ka mid ah beelaha Isaaqa sannadkii 1992, beelo weligoodba waa is-dilijireen waxaana lagu dhammaynjiray xeer iyo dhaqan kamana duwana beelaha Daaroodka ee maalin kasta isku laaya Somaalia siiba Kismaayo. Arrinta Cali Samatar loo haystaa waa dawlad dadkii ay ka mas`uulka ahayd ee rayidka ahaa xasuuqday, barakicisay islmarkaana magaalooyinkoodii burburisay iyada oo adeegsanaysa qabiil. Arrintu waa dembiyo culus oo aadanaha laga galay oo leh markhaatiyo iyo caddaymo aan la dafirikarin sida: dad, Filimo, qoraallo, sawirro, buugag iwm, waana waajib in ciddii geysatay dembiyada noocaas ah, cid kastaba ha noqdeenee, cadaaladda la horkeeno. Sangubow waxaan kugula talinlahaa inaad si deg deg ah meel fagaaro ah kaga noqdo hadalladii gefka culus ahaa ee aad kulankaas ugu geystay dadweynaha Isaaqa, kana raalligeliso, cafisna weydiisato si aad u badbaadisid sharaftaada abwaanimo iyo dadnimo. Haddii Sangub taladan diido kuna adkaysto cadaawadaas foosha-xun ee uu u hayo dadka Isaaqa, waxaan markaas u soo jeedinayaa dadka Isaaqa: 1- In Sangub laga xayuubiyo sharafta abwaanimo. 2- In dadka Isaaqa ee ku nool dalka Somaliland gudihiisa iyo dibediisaba ay gubaan dhammaan cajaladaha ay haystaan ee ay ku duubanyihiin heesaha, gabayada, riwaayadaha, majaajilooyinka iwm ee Sangub maadaama uu taageeray siyaasaddii la rabay in lagu dabargooyo. 3- In Dalka Somaliland laga mamnuuco Sangub iyo suugaantiisaba mustaqbalka. Qore: Ibrahim Hassan Gagale Email: Ibrahim_hg@yahoo.com February 5, 2005. Soo bandhige: Fu,aad Sh. Bahda Mareegta FarshaxanSANGUBOOW HADII DURIYADU YAC NOQOTAY, DUGAAGU MUXUU NOQONAYAA? Dib U laabo Waxa naga yaabiyey hadalada ka soo yeedhay Abwaankii weynaa ee Soomaaliyeed ee weliba aanu moodaynay in uu sharaf nin leh oo xididka qadarin yaqaan uu yahay. Waxa fajac iyo afkalaqaad noqday waxa uu ku tilmaamay Reer Sheekh isaxaaq, iyo ereyada uu quudhay ee afkiisa ka soo baxay. Waa yaabe toloow Odaygu miyuu si-kalaysnaa? Goobta uu duqu ka dhawaaqay ayaa iyaduna layaab lahayd. Dadka meesha isku soo urursaday maxay doonayeen? maxay diidayeen? yey u hadlayeen? yeyse ka hadlayeen?. Waxan moodayey in eedaysanaha loo haysto ku tumasho xuquuq bini-aadmi. Waxaan moodayey in ninka la eedeeyey qareemo u dooda leeyahay, hadii aanu dambiga loo haysto lahayna maxkamadu cadayn doonto. Mar hadii xaal sidaa yahay maxaa keenay is-urursi, is-gaashaanbuuraysi, iyo isu-oorin? Fajac kale iyana waxa ahayd dadka meesha iskugu yimi ee eeda ka leexiya isleh gacan-ku-dhiigle loo haysto umad Islaam ah oo uu gumaadkeeda ka qaybqaatay. Waxa layaab lahayd muuqashada uu Cali Khaliif Galaydh ka soo muuqday meesha wadhidu ka socotay. Sidoo kale waxa layaab lahaa dumarka iyo maxasta meesha lagu soo ururiyey, iyo weliba hadalada qoomaya nabarada dahaadhan ee hoosta ka ololaya. Reer Sheekh isaxaaq meel ay joogaanba waxa ay arrintani ku noqotay qaadan-waa. Hayeeshee, haatan iyo dan ninkaan ogayn ha loo sheego in dhiilo guntan tahay, warmo afbeelayna la soo beegsanaayo. Hadii uu rumaysan waayona haloogu dhaarto!. Cali Samatar iyo gacan-ku-dhiiglayaasha kale ee dhiig Islaam galayoow kollaba badbaadi maysaan,ha dheeraato ama ha dhawaatee masiirkiino waa hoog. Intii iimaan leh ee Islaamnimada meel uun ka beegsataa xaqiiqdaasi waa yaqiinsan yihiin, kii jeestay ee kufriyeyna loo sheegi maayo. Ilaahay agtiisa nafta muslimka ahi waxay ka culustay cirka iyo dhulka iyo inta ku dhexjirta oo la isku daray. Cali Samatar miyaanu ahayn kii qirtay in uu isagu amray in Hargeysa iyo Burco bambooyin lagu baabiiyo?..... raganimadii uu maalintaasi ku qaatay go'aankaa isaga ah, muxuu maantana ugu qiran laayahay dunuubta Rabi agtiisa laga ogyahay een kolayto ku sugaaya meel uu garanaayo?. Waxa hoogay ninkii umad muslimiin ah oo maati ah oo aan waxba galabsan kibir kula kacay ee qudhoodii gooyey, xoolahiidii dhacay, karaamadoodiina wiiqay. Taa hadii aan halkaa ku dhaafo, horto Soomaali iyo aduunyaduba waa ogtahay gobnimada reer Sheekh isaxaaq. Gun Alaa nacaye waxaa YAC ah ninkii fijaankii hilbo geedo leh lagu siiyey ku xaaray. Sanguboow "THANK YOU" -dii ay reer Sheekhisaxaaq kaa sugayeen ma taasay noqotay?. Wallee YAC adigaa ah, YEY adigaa ah, YOC adigaa ah. Waxa hore loo yidhi: "ciirtaa dhamaa,caydaa yaqaan". Duriyada waad ku geftay, waadse seegi doontaa. Haatan iyo dan GOBTII hadii aad YAC ku sheegtay, GUNTANA maxaad ku sheegi lahayd? Samsam I. Samatar PhD Candidate and Math. Scientist Stockholm, Sweden samsam_sweden@yahoo.se Feb/06/05 Soo bandhige: Fu,aad Sh. Bahda Mareegta FarshaxanSANGUBOOW ayaa dilay CABDI IIDAAN iyo AXMED GAACAYTE iyo marxuumyo kale oo badan(alla ha u naxariistee)?? Dib U laabo " Sanguboow Danbiilaad tahayee ma adigaa DANBIILE kale difaaci kara" doqoni xadhkaha lagu xidhayo xusulada ayaa ay ku sidataa''.. Alla naxariistii jano ha siiyo ee Abwaankii waynaa ee CABDI IIDAAN iyo Fanaankii waynaa ee AXMED GAACAYTE,oo labaduba ahaa laba nin oo ka muuqda,Fanka iyo suugaanta, waxa ay labaduba ku dhinteen Gacan Cadaawe,su aashuse waxa ay tahay maxaa uu ka ogaa SANGUB dilka nimankaa?qaybse ma ku lahaa??? jawaabtu waa SANGUB wax waa ka ogaa oo qaybta ugu wayn isaga ayaa lahaa. Hadii aan kala saaro labada Marxuum,CABDI IIDAAN iyo AXMED GAACAYTE(alla ha u naxariistee), oo aan midba wax yar ka sheego sida uu ahaa iyo dilkoodii ,iyo SANGUB doorka uu ka ciyaaray. uus-aaskoodii,waxa ay ahayd sidan hoos ku qoran.- 1.CABDI IIDAAN waxa uu ahaa alla ha u naxariistee nin reer hargaysa ah,waxa uu ahaa nin ka mid ahaa ragii u soo halgamay gobanimadii ex-somalia,waxa uu ahaa nin alla ku manaystay Hal abuurka oo heerka kowaad kaga jiray,suugaanta soomaaliyeed, ninkaasi oo ahaa ninkii 1960, sameeyay gabaygii calanka ee ku guulaystay kaalinta kowaad.CABD IIDAAN waxa uu ahaa nin gabayadiisu ay yihiin qaar marwalba u halgama bulsha waynta soomaaliyeed,sidii uu ugu dagaalami jiray Gobanimadoonkii ayaa uu markii gobanimada la qaatayna ugu halgami jiray inay hesho umada soomaaliyeed, dawlad xaq ah oo ka shaqaysa danta dalka iyo dadka.Cabdi iidaan waxa uu ahaa nin aad ugu xeel dheer samaynta gabayada oo aan cidi ku hawaysan jiray.waxa uu ahaa nin ilaahay ugu deeqay sad bursiimona ku siiyay curinta gabayo tayo iyo culays miisaan leh ah,oo aan marnaba duugoobin. Cabdi Iidaan waxa uu ahaa nin afkiisa ugu hiilaya dan yarta,oo ku iftiimaya had iyo goor meelaha madmadoowgu ku jira,isaga oo si xeel dheer oo qiimo leh,u tusi jiray dadka halka ay maamuladii wadankii ex-somaliya soo maray dalabta ka lahaayeen,ha ugu daraato maamul ku sheegii qabiilka ahaa ee SIYAAD BARE,oo isagu ku caan baxay,qabiil iyo qaran biis, maamulkii uu hogaanka u ahaa siyaad bare oo ahaa,mid ay qabiil gaar ahi lahaayeen oo ay dantood qabiilnimo ku fushan jireen,iyaaga oo xoolahii ama maalkii dalka si qabiilnimo ugu tagri fali jiray,oo awoodii iyo karaamadii qaranku lahaa si qabiilnimo u adeegsan jiray,oo ka dhigay qarankii soomaaliyeed hanti dhaxal ah oo uu qabiil keli ahi gaar u leeyahay,ayaa waxa uu Marxuun Cabdi Iidaan ku jiray sidii caadada u ahayd ABWAANADII ay DAMAQDAY ee u adkaysan kari waayay dulmigii lagu hayay dadka soomaaliyeed iyo sidii cawaannimada qaawan ahayd ee ay qabiil kali ahi u bililiqaysteen DHAXALKII GOBANIMADII UMADDA SOOMALIYEED EE KALE U SOO HALGANTAY. Waxa ay abwaanadaasi uu Cabdi Iidaan ku jiray,bilaabeen inay gabayo xaq u dirir ah oo dulmi diid ah tiriyaan,gabayadaasi oo ay kaga soo horjeedeen,xaq daradaa lagu hayay dalkii iyo dadkii,waxa ka mid ahaa gabayadaa lagu diidanaa dawlad ku sheegtii qabiilka gaarka ah u adeegi jirtay oo badnaa,gabayo silsilad noqday oo ay ka mid ahaayeen silsiladii SIINLAY iyo DEELAY,oo ay ku kala roganayeen,abwaano DULMIGA IYO XAQ DARADA KA DHIIDHIYAYA iyo QAAR si qabiilnimo oo indho-la oo aad u garasho gaaban u difaacayay dawlad ku sheegtii qabiilka ahayd ee siyaad bare. Marxuum cabdi iidaan waxa uu ka mid ahaa dadkii waranka galka ka saaray,ee xaq u dirirka ahaa ee danta dadka iyo dalka u halgamayay,Cabdi iidaan waxa uu ku jiray oo ka qayb galay Silsiladii DEELAY,oo uu ku ganay madaafiic culculs,isaga oo markii danbena ee uu arkay in Deelay cid kasta oo gabay-yare ahiba(afarleh)isku soo tuurayso ama soo gabyayso,xidhay DEELAYDII oo bilaabay SHIINLAY,si ay ragu u kala hadhaan oo alif-yari iskaga hadho, oo nin is huba oo kali ahi u gabyi karo.abwaanku waxa uu tiriyay Gabaygii ugu horeeyay ee SHIINLEYDA ahaa oo ay ku jireen erayodani,- Kolkii midho-yare wada shuq yidhi,shidantay deellay-e shinbir dharabtu meel aar fadhiyo,shuuqa kama dayne Sha-dii baan hayaanka u rarayiyo,shaanbis geedigeh Shaabuugga nadigaa tixyare,sheexa ka lahaane. Afaray ha lala soo shirtago,shoolo booliyahe Halkaasaa sengaha noo sharaxan,shaalka loo sudhiye. Shafshafaha duxda ah leefihii,cid u shaqaynaayay. Iyo shurunshur malagiisu galay,ha isa soo shubo-e Shil ma qabe tixdaan Gaariyoow,shiinka ka steeyay. Ama geenyadaan xalay shiragay,shalaw abaarkeeda. Meeshaan shakabaada ugu xidhay,sheeg hadaad garato. ^^^^ sheeg hadaad gaarato.(ya salaaaaam)waxaasaa gabay ah^^^^ Sidii uu sheegayay ayaa ay u dhacday,oo midho-yarihii dawlad ku sheegta difaacayay, wuu gali kari waayay(marka horeba dasado madhan ayaa ay tumayeene).Abwaanka waxa ay u qaadeen Colaad ka wayn tii ay hore ugu qabeen,markii ay caabiyi kari waayeen,kuwii dawlad ku sheegta difaacayay,oo uu ku jiray SANGUB,dabadeed waxa au maamulkii umulo dooxa ahaa iyo kuwii ay adeegsan jireen dileen MARXUUM CABDI IIDAAN.alla ha u naxariistee. Hadaba su'aashu waxa ay tahay SANGUB ma ku jiray kuwii dilkaa sida ay doontaba ha ahaatee WAX KA QORSHEEYAY?? jawaabtu waa haaaa.oo si uu ugu jirayba waa ku jiray. SANGUB,waxa uu ka mid ahaa,kuwii colka kula ahaa Marxuum CABDI IIDAAN dagaalkii suugaanta,sangub waxa kale oo uu ahaa kuwii dawlad ku sheegtii qabiilka ahayd gar iyo gardaroba ku difaacayay ee cid kasta oo ka hor timaada,ama wax ka sheegta ku colaadinayay,waxa hadaba dhab ah,mar hadii uu marxuum Cabdi iidaan ahaa,nin abwaan wayn ah oo ilaahay ku manaystay hal abuurnimo iyo aragti dheeri,oo ay kuwii uu ku sheegay abwaanku'' shashafo leefeyaal" sida SANGUB oo kale,ay difaaci kari waayeen, in ay yidhaahdeen ha la khaarajiyo aan ka raysano Warmaha adag ee marxuum CABDI IIDAAN ee aan gaashaan loo hayne. Hadii aanay Sangub iyo kuwii kale ee shishifo leefayaashu aanay gacan toos ah ku lahayn,waxa dhab ah inay MIDIDA U AG DHIGEEN ama colaada loo qabay abwaanka abuuristeeda gacan wayn ku lahaayeen.Hadase marka aan eego falalka uu ku kacay SANGUB,sida dirayskii milatariga iyo qorigii ak47 ee uu sitay 1988 dagaalkii hargeysa,iyo hadaladan kale ee ah in Hargeysa la dukheeyaa waa haboonayd.iyo garashadii siisay inuu gabayo ku difaaco taliskii qabiilka ah isaga oo sheeganaya inuu yahay nin abwaan ah,waxa dhab ah,inaanu ka FARA LA-AYN.DILKAA iyo kuwa kaleba. 2.Marxuum Axmed Gaacayte oo ahaa alla ha u naxariistee,Fanaan dhab ah oo hibo alla u siiyay luuq baxsan,waliba ku ahaa khabiir laxan saarka heesaha,ayaa isna waxa uu ka mid yahay marxuumyada ka badan 100.000 ee ku dhintay gacantii dawlad ku sheegtii uu hogaanka u hayay,gacan ku dhiigle Siyaad Bare. Dawlad ku sheegtaa oo ahayd midii ay ku difaaci jireen reernimada SANGUB iyo kuwii kale ee ay isku haybta ahaayeen.Sida la ogyahay waxa uu AXMED GAACAYTE ka mid ahaa dadkii shacabka ahaa ee aan hubaysnayn ee Hargeysa lagu dilay,hadaba waxa ay su-aashu tahay, ma ka qayb qaatay SANGUB dilkii Fanaankaa,AXMED GAACAYTE?? jawaabtu waa haa.waayo? SANGUB.waxa uu ka mid ahaa dadkii markii ay SNM soo gashay qoriga qaatay,ee toos ula soo saftay,maamulkii qabiilka ahaa ee uu markii horeba afka ku difaacayay,waxa SANGUB iyo ninka kale ee la yidhaa AXMED CALI CIGAAL.ay labaduba xidheen(labisteen) TUUTAHII ASKARTA iyaga oo QORYO AK47 ahna la siiyay oo dagaalka soo galay,hadaba warar la isla dhex marayay markii la dilay Marxuum AXMED GAACAYTE oo la xaqiijinayay waxa ay sheegeen inay si toos ah uga qayb qaateen DILKAA MARXUUM AXMED GAACAYTE labadaa nin ee SANGUB iyo AXMED CALI CIGAAL.... Wararkaa la sheegayay waxa ay sheegayeen in la qabtay Marxuumka oo la geeyay xeradii askartii maati layska ahayd,oo ay SANGUB iyo AXMED CALI CIGAAL ay iyaguna markaa joogeen,oo ay yidhaahdeen hala dilo waa IIDOOR kacaaan diid ahe,warar kalena waxa ay sheegayeen inay iyaga laftoodu dileen,waa wax dhici kara labaduba,waayo?kolayba waxa ay dilayeen dad la hayb ah Marxuumka,isna waxba kagama duwanayn,oo waliba waxa uu ahaa nin caan ah,Godobtaa ay galeen ee uusaaska ahayd waxa sii xoojinaya xaqiiqadeeda,hadalada uu hada ku hadaaqayo SANGUB ee ah HARGEYSA IN LA DUKHEEYAA waa ay HABOONAYD.iyo qaran dumis ayaa ahaydeen iyo soomalidiid ayaa ahaydeen..... Waxa dhab ah,in ninka maanta ku hadlayaa hadaladaasi ee weliba difaacaya GACAN KU DHIIGLAYAASHII XASUUQAY maatidii iyo caruurtii,inaanu maalintii uu hargeysa joogay ee uu qoriga iyo tuutaha sitay ee dagaalku socday aanu cida uu helo naxariis u galayn.waa dhab in intii ay xasuuqi karayeen ay SANGUB iyo AXMED CALI CIGAAL xasuuqeen,sidii kuwa uu hada u difaacayaa ay u xasuuqeen ee diyaarado ugu duqeeyeen dad aan waxba galabsan,waxa kali ah ee lagu dilayayna ay ahayd waa ISAAQ. Waxan leeyahay hadaba Sanguboow HARGEYSA hadii aad dukheyseen oo aad is lahayd weligeed soo noolaan mayso.maanta cirkas ayaa ay maraysaa.dadkii aad xasuuqdeen waa sii batay,GODOBTII aad gasheena waa ay NOOSHAHAY oo weligeed dhiman mayso. maantase si haboon ayaa aan wax u doonaynaa oo dacwad iyo xeer ayaan wadnaa, hadiise taasi ay kula xumaatay tu kale ayaa noo furan,weligayana dayn mayno kuwii maatidayada xasuuqay,.adiguna SANGUBOOW la soco wax wayn ayaa kugu maqan (cabdi iidaan iyo axmed gaacayte iyo kuwa kale oo badan)...Midna aan kuugu daro, ADIGU DIYAARSO IS DIFAACAAGA,inta aad cid kale daafacayso..'' dhubuq dhubuqdaad mooyee dhul u dhacaaga hubso'' SANGUB'' waxa uu yidhi hada ayaan gabyayaaa.sida ay soo wariyeen niman la kulmay. .waxan leeyahay sangub ma AWALBAAD TEELO DHIGATAY.....Qori AK47 ah iyo TUUTE iyo Gabayba waad isku dayday oo afka ciida laguu daray..ee ma wax kalaa kuu hadhay....CIRKA SOO DUMI......waa lagu CAABIYI, sidii Caadada ahaydna waad Calaacali. F.G... marxuumyadii Cabdi Iidaan iyo Axmed Gaaceeyte.iyo dad kale oo badan adaa laguu haystaa.sangubooooow.''la soco Cali cumar xasanMacawistii uu Sangub Tiyaatarka Hargeysa ku hor aastay markii la soo saaray inuu hantaatacaa waa gartii! Dib U laabo Kawsar M.F. Waxa, marka hore, hambalyo iga mudan dadka reer Somaliland ee uga jawaabay, Sangub, aflagaaddadii uu u geystey dadkooda iyo dadnimadooda iyaga oo aan waxna u dhimin waxna u dhaafin. Runtii ma ihi dadka meelahaasi wax ku qora, hayeeshee, arrinta lama filaanka ah ee ka soo yeedhay ninka ay farriintaydu u jeeddo ayaa igu kelliftey inaan qalinka hollado. In kasta oo aanay dadkii u jawaabay waxba reebin, bal haddana aan wax yar ku daro hadalladoodii. Soomaalidu waxay tidhaa: dheriga waxa karka ka keenaa waa kulaylka, waxa haddaba Sangub maanta karka ka keeney waa la yaqaan oo waa laba arrimood: 1. Ta u horreysa waxaad ogtahay inaad laftaadu ku jirtey dadkii loo adeegsadey xasuuqii iyo dabargoyntii Isaaqa oo aad is leeday haddii maanta Dhiigyacab Tuke iyo Cali Samatar maxkamad la soo taago adiga iyo kuwii kula midka ahaa ayey waddo ku furmi. Haddaba haddii aad is leedahay laguma oga, waxaad isu sheegtaa in lagu ogyahay oo lagugu soo maqanyahay. Waxa la hayaa sawirradii la qaaday 1988kii adiga oo Hargeysa dhexdeeda qori sita, alaabtii aad fadhataysatayna dhawr baabuur kuugu ku rarantay. 2. Ta labaad, sida la wada ogsoonyahay,dagaalkii 77-78kii kadib kolkii maamulkii Siyaad Barre ku guuldarraystay siyaasaddiisii ku aaddanayd dalka Itoobiya, waxa uu bilaabay hirgelinta siyaasad yool- dheer leh oo ku saabsabsan sidii loo dabargoyn lahaa dadka Isaaqa ah dalkoodana loo dejin lahaa beesha uu Sangub ka soo jeedo. Wuxuu maammulkii Siyaad Barre adeegsadey siyaasaddii ay Yuhuuddu ku barakicisey dadka reer Falastiin. Waxa la bilaabay in dadka Isaaqa ah lagu qasbo iney dalka debedda uga qaxaan. Beesha Sangubna waxa lagu wargeliyey in la siin doono guryo iyo dhul dadkii lahaa ka qaxay. Dadka wixii markii hore xeryaha lagu hayey mooyaane dadkii reer guuraga ahaa ayaa xoolihii iska soo xaraashay. Iyada oo uu qofkastaa cindiga ku hayo inuu daar dheer oo uu nin Isaaqihi ka qaxay taabi doono. Dadka reer Hargeysa waxay ku war heleen kolkii ay arkeen dadkii oo ku mashquulsan iney macawiso ku hor aasaan guryaha. Kolkii la warsadayna waxay yidhaahdeen waxannu doonaynaa inaan guryahan qaadanno kolkaad ka qaxdaan. Dadkaasi kolkii la weydiiyey xagga loo qaxayo iyo cidda ku tidhi waxay sheegeen iney dawladdu u sheegtey in dadku Hargeysa ka qaxayo oo dadku dalkooda naceen, loona baahan yahay dad dhulkaa qaata. Hadal iyo dhammaantii, Sangub wuxuu ka mid ahaa dadkaas macawisaha ku hor aastay guryaha. Guryaha faraha badan ee uu astaystey ka sokow wuxuu, Sangub, si gaar ah u astaystay oo uu macawis cas ku hor aastay Tiyaatarkii Hargeysa. Kolkii, haddaba, Macawistii uu Tiyaatarka ku hor aastay la soo saaray inuu hantaatacaa waa gartii! Horaana loo yidhi: damac iyo dacaritoona rag kama dhammaatee, damacaa qofnimo ayaa Sangub illowsiiyey dadnimadii, sharaftii uu dadka ku dhexlahaa iyo inuu abwaannimadii u adeegsado si gurracan oon la fileyn. Sangub wuxuu nagu eedeeyey Soomaalidiidnimo. Waxan rabaa inaan isaga iyo inta la aragtida ah u sheego, marka hore inaanay Soomaalinimadu ahayn xusbi iyo mabda’ la galo markii la doonana laga baxo ee ay tahay wax loo dhasho. Dalalkeenna waxa la kala odhan jirey, malaha mahadhadaa kugu yare, British Somaliland; Italian Somaliland iyo French Somaliland. Ururkii gobonnimaddoonka ahaa ee calankii u horreyey dhaliyey waxa la odhan jirey SNL. Haddii aanad garaneyn waxa ay xarfahaasi ka taaganyihiinna waa: Somali National League. Ururkii xaq-u-dirirka ahaa ee SNM isna waxay xarfihiisu ka taagan yihiin: Somali National Movement. Dalkayagana waxa hadda la yidhaa Somaliland ( Ka naxaw nafta waa!). Waxa halkaa kaaga cad inaannaan adiga iyo inta kula garaadka ah toona ka sooxadin kana soo ergisan magaca ee uu yahay mid aannu u dhalanney, cid nagu khuukhinkartaana jirin. Haddii cidi Soomaalinnimo necebtahay cidda necebi waa beesha aad ka dhalatay ee ilaa hadda ku dheggan magac qabiil ee uu gumeysigi u bixiyey gobolka shanaad ee Soomaalidu degto (Ogaadeeniya) una haysta iney ayaku keligood leeyihiin, runtana iska indhatiraya. Majeerteeniya yaa la odhan jirey. Miyaanay reer tolkaa kuwaasina ahayn. Cidda qudha ee Soomaalinimadu ku yartahay ama neceb halkaasi ayey kaaga caddahay. Haddii aad u jeeddey Soomaaliweyn iyana mid baan ka odhan. Soomaaliweyn ciddii ku dawarsanjirtey ee dheefta ku qabtay ayey ka kala daadatay. Annaga hadda ayey Maandeeq noo curatay. Dadkii kaadhka qaxootiga Hargeysa looga qoray ee aad ka midka ahayd iyo kuwii uu Ibraahin Gaaggaale xuseyba iney uu ooyaan la yaab male, oo waa gartiin. Hayeeshee, dib u dhicimeyso inaad Hargeysa u fadhataysato. Waxaan aad uga xumahay inaan tilmaamo inuu Sangub meel kaga dhacay sharaftii ay abwaannimadu lahayd.Falaadkiisanna wuxuu inna tusayaa inaanay abwaannimadu markii horaba run ka ahayn ee uu ku dawarsan jirey. Haddaba, waa sidii uu u sheegay Mudane Ibraahin Gaaggaale, mar haddii ay ku fashilantay beeshaadi wixii loogu ballanqaaday ee ahayd in aad yeelan doontaan Somaliland ma cay iyo aflagaaddo ayaad itaal ka dhigatay? Aad baan uga xumahay inaad dadkii iyo dalkii wax kaa dhigey abwaannimadaadana halkaa gaadhsiiyey ee ku soo saaray ee aanad la’aantood wax noqoteen aad maanta iyaga u adeegsato suugaantii ay kugu dhiirrigeliyeen. Waxaanan ku leeyahay: Waraabe cagna lagu gaadhi waa, cayna wax lagaga qaadi waa!! Waxa kaloon ku xasuusinayaa in dawladdii Soomaaliyeed cid ka xoog weyn oo Isaaq u babacdhigeysaa jirin ee qiraahaga geli. Waxa kale oo aad ogaataa inaan xaq-u-dirir, ha yaraado ama ha badnaadee, cid horjoogsan kartaa jirin! Ugu dambayntii, waxa isweydiin leh, waa sida ay Marwo Samsam u dhigtaye, haddii gobi yac noqotay, dugaaggu wuxuu noqon? Waxan ku taageersanahay aragtida uu soo jeediyey Ibraahin Gaaggaale ee ah in la takooro suugaanta Sangub cafis ha dalbado ama yuusan dalbane, Somaalilaandna waa inaanu soo gelin weligii. Waxa kaloon ku darayaa inaan isaga ereyga ‘Abwaan’ lagu tilmaamin maadaama uu si xun u adeegsadey oo magaxumo Abwaannadii uu u soo jiidey. Hadalkaygii waxan ku soo gebagebeynayaa Sangubow,adiga oo maanta wax ma garata ah, fadhata ah ama mooryaan ah maxkamaddii way ku sugeysaa, waana lagu sootaagayaa hadheeraato ama ha dhowaatee. Inta ka horreysa waxa iga talo ah inaad afkaaga anshaxa iyo asawda wacan barto.Gabagabo Dib U laabo Gabagabo Dib U laabo Maansadii Garneyl Dib U laabo Gabaygan layidhaahdo, “Garnayl” waxa tiriyay abwaan Maxamed Cali Cartan “Haldeeq”, taariikhdu markay ahayd 07.02.2005 , waxana uu gabaygan kaga jawaabayaa erayadii ka soo yeedhay “Singub” iyada oo bulshada Soomaaliyeed u haysatay inuu dhex u yahay oo dhammaan tood yahay abwaan koodii ayuu bilaabay isaga iyo rag kale oo iyagu is sheegi doonaaba inay reeraha [qabiilada] aflagaaddeeyaan oo kala guraan markaa anigu sidii aad iiga barateen qabiil afkayga waa ka xaaraan laakiin ciddii qabiilada cayda ama dadka kala gurta ayuun baan u jawaabaa. Afeef:Gabaygani ma aha mid bulsho gaar ah ku socda ama abuuraya colaad ee waa mid ku kooban ‘Singub’ oo keliya. iminkana waxan idin leeyahay : “Waataa garashadiisii sangube, geliya taariikhda.” Waa kan gabaygii “Garnayl”:- Markaan gabayga daayaba wax baa curiya geerraare Waqtibay godlaayoo I bara kaan gunaanadaye Caawana guddoon dhaha tixbaan gani sidii leebe Hadday gaadho maanso oo abwaan arar u soo gaafto Oo golaha hawraar calculus la is gudoon siiyo Garnayl baan faraqayaa rasaas gumucyo waa wayne Hubkaan ganayo wiil baa ku go`I guuto kaamila`e Keligay lix gaas baan ku gubi weerar galabeede Gantaalaan la dhacayaa raggii gaaftay sheekada`e Caawana guddoon dhaha tixbaan gani sidii leebe Gabaygaygu galbeed iyo baruu gaadhi daafaha`e Sidii galangal roobuu arliga gelin ku saamayne Waa suugaan gaboowday iyo abwaan gololadiisiiye Midhahaygan gaamuray ragbay gaas ku shidayaane Gafuurkiyo ragbay jebinayaan gaws danbeedada`e Geeridaa u dhaanta`e ragbay nolol ku googooyne Ma gabado`e maalmahan ragbaan geed ku xidhayaaye Caawana guddoon dhaha tixbaan gani sidii leebe Libaaxii gaddoodaa waxbuu gam isu taagaaye Gawsuhu ma taabtaan wixii micidu gaadhaaye Ana gabaygan wayn iyo madfacaan kugu garaacaayo Adaa galabsigiisa leh hadduu gaysto nabar wayne Xuduudaha guduudka ah inaan gaadho maan rabine Ra`yigiisanse gaaban baan gelinayaa fuudhe Caawana guddoon dhaha tixbaan gani siddii leebe Guyaal iyo guyaal baan dulqaad gooni u ahaaye Gadaafana u saaburay inbadan gef iyo deelqaafe Ay guudka saarayd gardarradu igu gadaannayde Aan samir ku gaaxdoo wad-waday gaabsi iyo dhawre Haddii inan-gumeed iyo nin xumi gelelef dayn waayay Uu gunaadkii waayiyo ragaad guudka soo dhigayo Uu eelkii gaamuray xilligan golaha keenaayo Uu gilgilayo godobtii horiyo aramidii gaadhay Uu gocashadeedii hurdada gogosha hayn waayay Uu geyiga qiiq iyo la rabo olol guryaa taabta Garaadkiisa weeye`e darwiish gaadhan baa jira`e Waataa garashadiisii “sangube” geliya taariikhda Adaa nabada geedkaa ku xidhay gebiga ay taale Beladaad godlaysiyo dhibkaad gaawahaw sidato Gawarada bannaan iyo aday gooni kaa heliye Gubniyaal u heegmiyo wax jira guuto reedhiya`e Gabbashada iyo ragbaan aqoon gooja beenada`e Waxba yaad is gaabine anaa geeso kaa jariye Gunto oo diyaar garow banbaa laysku gelayaaye Adaa qadafka gaystaye raggaad goray ku suuraysay Inuu gacanta laabto iyo inuu gam isukaa taago Waran gallalac leeyiyo inuu seef ku gelin waayo Dhinbiil wada guduudiyo inuu gaan ku marin waayo Qorraxdoo gadiidaa warmaa laysku ganayaaye Gaadaha fulaa lehe hadh baa la is gan taalayne Gunto oo diyaar garoow banbaa laysku gelayaaye Afartaa galaalaye haddaan kor ugu sii guuro Gawrac baa ku sugayiyo mindida gaadhhayuu sido`e Adigaaba lagu goobayaa gooshkan maanta ahe Gantaal baa lagula doonayiyo geylan warameede Adigaanba ku kala gooynayaa jeeray gaadhaba`e Halkaad geli lahayd iyo halkaad geysan lahayd ruuxda Adoo hore u goobtaa ka wacan soo gunuunuca`e Waxba yaad is gaabine anaa geeso kaa jariye Aqoontaada geeraar nin kale gaadhi haw noqone Gibladiyo cayaartiyo murtidan golaha loo xaadhay Garoon kaan u joognaa ninkii gabay yaqaanoowe Liishaanka goobtaan ku wado waad garoowsaniye Markaan giringirshaabaad ogaan geesigaan ahaye Gu`gii horeba guul waan hantiyay lib iyo gaashaane Gool kaygu waa dhalanayaa haddana gole dharaarreede Maantana anaa guri midhaha guudka sare yaale Waxba yaad is gaabine anaa geeso kaa jariye Aqoontaada geeraar nin kale gaadhi hawnoqone Raad gadashadii iyo waxad waddaa geed ismarintiiye Gashiga iyo adigaa hantiyay godobta reerkaase Gabooyaha Hargeysiyo adoon reero kale gaadhin Wiil garasha liita iyo adoon gabano dhiilaabin Adoon Xamar ku gooraamin oo Bacadle guubaabin Gabashada tolkaa iyo adoon geed ku maran saynta Waxba yaad is gaabine anaa geeso kaa jariye Aqoontaada geeraar nin kale gaadhi hawnoqone Yaanu gabaygu ila sii durkine waxan ku soo gaabshay Gaban iyo carruurbaad dhac-dhaca ugu garoowdaaye Gefka waw badheedhiyo illeen hadalkan giiraaye Waa garaad habaabiyo aqoon gebi dhac layskeede Nin gaboobay weeyoo caqligu dib u gudhaayaaye Waataa garashadiisii “Sangube”geliya taariikhda Inkastuu is gaabshoo lix goor soo gelgelimaysto Inkastuu go`wayn iyo huwado maro la guud saaray Inkastuu gufaaco iyo habaas iyo qiiq is gelin siiyo Ma gedmado munaafaqu hadduu beel u soo galo`e Wax ka guuxayaa jiray qalbiga ciil ku gaamuraye Gocashadii calooshay dibnahu golaha keeneene Waataa garashadiisii “sangube”geliya taariikhda. Dhammaad. Maxamed cali cartan [Haldeeq] hindiya Haldeeq1@hotmail.comMaansadii Xishood Laawe Dib U laabo Jawaabtii Sangub - Gabey Cali Jama Toronto,Canada Feb/07/2005 Sanguboow xishood nimaan aqoon; xeerka iyo dawga Xiliga isbedelayana la socon; xaaladiyo eelka Ma xushmeeyo ehelkii; iyo intay xilo wadaagaane. Xiisaha qabiil ee dambe; maanta kugu xoomey Nin xisaabtamaa kuma hadleen; xaalka ay tahey Miyaan xaal ku qaban; reer tolkaa xeerar baa jiraye? Xurmo may laheyn; sheekadaad xaw la soo tidhiye Waxaa kula xafyidhi; xaajadaad waayo xigateene Xasuustii madoobeyd; baa qalbigu soo xadleeyahey’e Xiligii dhamaadaan ka hadhin; weli xiskaagii Xasuuqii ka dhacey; ceelka aad xumo la dooneyso Xabaalaha ku yaal; een la tirin xaadufkiyo maydka Inta xaas ku maqan; een la helin weli xabaashooda Inta odey xijaabtee dileen; xaasidkiyo tuugu Inta guulwadii xiiqsanahaa; qorey xuluulsiiyey Xoogii dalkii aad ogeyd; tuu xadkaba dhaafshey Xamastii ku nooleyd; midduu xuliyey hawdkeeda Hubkii xabashi loo iibsadey; tuu ka dhigey xeebta Duyuuradaha xiinka leh; middii lagu xabaadhaayey Xadi ma leh, dhibaatada; markaan dayo xageedaase. Xaq hadaad taqaan; kii xukumey lama xidhiidheene Xoolii ka lumey; ka ma gurteen xaasilkii hadhay Miyaan xaal ku qaban reertolkaa xeerarbaa jiraye? Adigoo xamaal ka ah, digiyo xodoyo guudkooda Xayraan gaajada; addoo xididku uu muuqdo Xariiqaha jidkaadkiyo; la dhayo nabaraddii xiiqa Tii ku soo xareysee ku tidhi; xeedhadaba hooya Xaragada aduunkiyo; ku baray xaajo iyo hawlba Adigoo xumaan wada; iyadu samo ku xiiqeysey Xaalkaaga meeshii ogeyd; looma duurxula’e Miyaan xaal ku qaban; reer tolkaa xeerarbaa jiraye? Xadigtii hargeysee aheyd; xurunta reer sheekhba Iftiinkii xoriyadee; la sudhey kay xadeen shalleyto Xafiiskii aqoontiyo; fankuba xaadir ku ahaa Nin xumeeyey waligeed; ma helin libin xalaaleed’e Hadaan xaasidnimo kuulagelin; kama xumaateene Xikhdi iyo nabsigu; waa xunyahey xeerka aakhira Miyaan xaal ku qaban; reer tolkaa xeerarbaa jiraye? Ali Jama Toronto,Canada ahmedfayr@hotmail.com Soo bandhige: Fu,aad Sh. Bahda Mareegta FarshaxanGabagabo Dib U laabo Dib U laabo Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan) Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved. |