Xisbiyada Kulmiye iyo SNL maxay wadaagaan?
Ayaantaan dhashiyo maanta oon uurka ka cirroobey
Hashii aan intaa iyo intaa oon la daba joogey
Hashii aan aroorida cidlada ah kula ugaadhoobay
Hashii markuu adhigu jabay araxdanaw quutay
Hashii aan Amxaarka iyo Kufriga ugu unuun gooyey
Ayaantay hallawdaba hashaan daba adeegaayey
Irmaanaatay Maandeeqe waa ibo kureyseene
Axmed Ismaaciil “Qaasim” –1960 (IHUN)
Somaliland dadaal iyo halgan dheer dabadeed 26kii Juun ,1960kii waxay hantiday
oo gacanteeda soo galay xornimadii ay u dirireen.Xiligaa waxaa dalka ka jiray
xisbiyadii SNL,USP, and NUF. Saddexdan xisbi iyo kuwo kale oo ka hor iyo ka dibba jiray
waxay muteen in laga hadlo oo laga faa’iidaysto dadaalkoogii iyo hab maamulkoodii ,lana
sugi inaan mar danbe khalad dhacay aanu dhicin .Taasi waxay horumar u keenaysaa ummada
Soomaliland .Si badheedh ah iyo si dadbana waxaa loo aasay halgankoodii xataa laga
masuugay in magacooga la xuso sidaa darteed suurtogal miyaanay aheyn manta oo lagu
murmayo sdiee loo sugaa taaiikdii SNM ,maxaa berina u malayn in doodaha lagu soo qaadi?.
Hase yeeshee doorashadii ka dhacday dalka waxaa codadka ugu badan ku guulaystay labada
xisbi SNL iyo USP oo is baheystay,xoriyadii loo halagamyeyna waa lagu guulaystay ,hase
yeeshee waxay hawli timid sidii hasha maandeeq loo daaqsiin lahaa iyo sidii waab dugsoon
loogu awdi lahaa markii loo baahday in laga wada hadlo loona jilibdhigo,taasoo dad badan
isdareensiiyeen in haddii aan degdeg deeq loogu bixin ay hashan caanaheeda ka qadayaan ,
hayna karin kana masuugay inay walaalahooda la soo halgamaey hor fadhiistaan dhegaystaana
taladooda ah hasha muddo la loo daayo daaqsinka inta aan loo xerogediyin.
Gumaysigu hashuu naga dhacay een gurayey raadkeeda
gu'yaal iyo gu'yaal badan hashii gama'a noo diidey
goobtay istaagtaba hashaan joogay garabkeeda
guuraa habeenimo hashaan gebi walba u jiidhay
gaashaandhigeedii hashu galowgu eedaamay
hashii geeddankeedii rag badan goodku ku casheeyey
gacmaa lagu muquunshaye xornimo noogumay garane
garre iyo guntane maalintay gees isugu boodey
Allaa noo gargaaree xornimo noogumay garane
geeraarradeedii hashaan annigu googooyey
Cabdilaahi Suldaan “Timacade” (IHUN)
Hadaba marka taariikhda dib loogu noqdo la is yidhaa ka warama aasaaskii SNL,waxaa
sooyaalka waayihii xiligaa jiray laga hayaa in caadifad iyo dareen qiiraysani uu
hagayey,,halka NUF-tu ay ku abuurantayba qaranimo raadis iyo wadaniyad xag jirta,
ka dib markii dhulkii “Reserve Area”-Kilinka shanaad ee dalka Ethiopia maanta
- gacanta loo galiyey dawladii xabashida ka talinaysay xiligaa. Dareenkani
qiiraysani wuxuu ku khasbay hogaankii SNL inay dalka dhan ee gobanimada ugubka ah
helay aan la socod barin ,faa’iidana aan lagala sii hadhin gumaysigii ingiriiska.
Xisbigii NUF-ta markii codadkii laga helay kamay hadhin u heeganaantii dalkay isku
abaabuleenee waxay u hawlgaleen in ay hogaanka isbahaysiga dareensiiyaan baahida
loo qabo in dalka wax loo qabto intaan talada lagu darin sidaynu ka yeelayno
Italian Somalia oo dhawaan xornimadeeda qaadaneysa. Ogoow akhristoow Italian Somalia
mudo ku dhaw toban sano ayuu gumaysigii Talyaanigu u tabaarayey la wareegida xilka
inkastoo aanay wax u tarin kana fursan wayday si loo tababaro in shaqaalihii aqoonta
lahaa laga qaado Somaliland oo loo badalo dhinacaa Italian Somali si ay u tababaraan .
Taariikh da’ weynoo, Degmadeenu leedahay,
Aan idiin dul-xaadshee, Lixdankii dadkaygoow,
Markaad Dawladnimadii, Diiqada u bixiseen,
Degdegsiinyo mooyee, Doqonniimo ma ahayn,
Manaydaan denbaabine, Shanta kala dab-raacdaa,
Dermo qudha ah u gogosheen Isku-duubnideenniyo,
Daacad baw horseeddeen,
Ibraahin Sheekh Saleebaan “Ibraahin Gadhle” (IHUN)
Si kastaba arintu ha ahaatee markay hogaankii SNL ku adkaysteen inay xornimada
diiqaan ,xisbigii NUF-ta wuxuu dardaarankiisii ku soo af jaray weedha taariikhda
gashay ee lama ilaawaanka noqotay “Umushaba waa la umul bixiyaayee maynu gobanimada
ugubka ah waqti siino ”. Hase yeeshee qiirada ku salaysnayd caadifadu dheg umay
dhigin waxaanay ku waajaheen arintaa dhego laydh u daloola ,kuna rideen halka
halgan dheer dabadeed 18kii May ,1991kii dib loola soo noqday taasoo maqneyd
mudo ku dhaw 31 sannadood.
Araartaa dheeri waxay si fiican inoo garansiinaysaa inaan dib u
jaleecno aasaaskii xisbiga kulmiye oo loo wada joogo maanta,waxaase inaga caawinaya
arintaa rogaal celinta su’aalahan:
-Si kasta ha u dhacdee dawlada dalka Soomaliland waxay ku soo baxdey doorasho ummadeed
oo amaan uu ku leeyahay dalka Somaliland,hadaba siduu u arkaa xisbiga Kulmiye arintaa
lagu faanayo?
-Markii laga helay xisbiga Kulmiye doorashada ma bilaabeen si ay u saxaan waxa guuldarada
ku keenay,mise jibadii lagu dhisay ayaa wali u sheegaysa inay mar walba sax yihiin?.
-Dawlada dalka ka dhisan ee ummadu dooratay khaladaad iyo wanaag labadaba way sameysay,
markaa xisbiga Kulmiye khaladka inuu saxo(constructive criticism),wanaagana ku taageero
kuna garab galo dawlada ficil ahaan ma u fuliyaa?.
-Waqti faro badan oo uu wanaag ka sameyn lahaa xisbiga gudihiisa,dalkana wax u qaban
lahaa miyaanay kaga lumin dhaleecaynta shakhsiyadeed ee xubno dawlada ka tirsan? .
Su’aalahaa iyo kuwo la mid ah jawaabahooga ayaa qof kastoo dalkan u danaynaya tusaya
in wax badani qabyo ka tahay xisbiga Kulmiye ,iyadoo doorashooyinkiina soo dhaw yihiin
dadkuna isla dhex marayaan in sida kaliya ee xisbiga UDUB mar labaad ku soo bixi karaa ay
tahay hadaan wax laga qaban galdalooladan Xisbiga Kulmiye :
-Dib isku habeyn la’aanta xisbiga :siyaasad ahaan,qorshe ahaan,olole ahaan,iwm.
-Kala daadsanaanta iyo is indho buuxin la’aanta xubnaha xisbiga Kulmiye
-Xayuubin la’aanta jibada iyo qiirada wadata isku camirida.
-IWM..
Waxaan ku soo gabagabeynayaa yaan khalad la fahminee Xisbiga Kulmiye waxyaalo badan wuu
qabtay ,dhinacyo badana horumar wuu ka sameeyey ee markay guuldaro timaado in dib loogu
noqdaa siday wax u dhaceen iyadoo laysku qalbi fayoow yahay danta dalkana laga hormarinayo
danaha gaarka iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ma foolxuma waxaana iman kara shirka
waynaha ururka ee xataa in laga wada hadlo laga maagayo inuu si dhakhso ah u dhaco oo uu
guul ku dhamaan lahaa iyadoo arimo kasta laysla eegayo -Milil dushii lama dhayo-
Inaan sabadu duugoobin Sayax iyo ugbaad waayin
Sudda iyo degaankaagu Surmi iyo harraad yeelan
Ama saacu guur-guurin Sohda ceelku dheeraannin
Adaa yeeli kara saasba.
Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”
Guntii iyo gabagabadiina waxaad garan kartaa in ka faa’iidaysi la’aantii taariikhdeenii
ina soo martay ay mar labaad inagu celinayso fududaysigii iyo ka hawl yareysadkii hawshii
dheerayd ee mudaa loo igmanaa ,waxaana la gudboon ummada reer Soomlailand inay qalinka
hinjiyaan una horseedaan sugida taariikhda ummada lana garab istaago raga qorida ku
dheegay eey ka mid yihiin Ibraahim Maygaag Samater,Boobe Yuusuf Ducaale ,iwm
Iga Xusuus:
Sida la wada ogsoon yahay waxaa xubnaha xisbigii SNL ku jiray dad aqoon
u leh halgankii dheeraa ee ummada Somaliland u soo gashay xoriyadii 1960kii,dibna loola
soo noqday 1991kii ,hadana iyagoo intooda badani noolaa ayaan la hayn buugag ay ku qoran tahay
taariikhdii saddexdaa xisbi (SNL,USP,iyo NUF) iyo kuwii kaleba .Xataa waxaa ayaan daro ah
inaaney taariikhdoodii qorin oo awood inoo siin laheyd inaynu ka dheegano sooyaalka bulshada
Somaliland .
-Akhristoow maxaad u malaynaysaa sababta ?
-Dadka halgankaa galay ma noolaayeen markii dawladihii kala danbeeyey
qalinka kala maageen sooyaalkaa?
-Maxaad ka filaysaa halganadii ka danbeeyey ee keenay dib ula soo
noqoshadeedana ?
Cidina umma Maqna ,ceelna umma qodna
Qalinkii :
Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan
www.farshaxan.com
|