Mareegta Far-Shaxan |
ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha |
Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan |
Aqoon Korodhsi | |
Tusmada Aqoonta Guud Hordhac Ina Sanweyne Soo Socda Soo Socda Soo Socda |
Aqoon Korodhsi
Halkan waxaynu ku soo bandhigaynaa aqoon guud oo sida aynu jecelnahay u badnaan doonta mahadhooyinkii dadka ugu caansanaa ama leh mahadho la taaban karo oo saamayn ku leh nolosha Soomaliyeed ,kuwaasoo aynu had iyo jeer u soo qaadan karno inay tusaale u noqon karaan ummada, Ina Sanweyne Kumuu Ahaa: Ina Sanweyne Ummad waliba waxay leedahay dad ay ku faanto oo taariikhdeeda meel wanaagsan ka galay wax weynna ku soo kordhiyey dhaqankeeda iyo hiddaheeda. Hab nololeedka dadka Somalida ee ku salaysan reer guuraanimada ayaa ah mid aad u adag oo u baahan adadayg dheraada. Dhaqanka reer guuraaga oo keena in beelaha kala duwani ay marar badan isku dhacaan marar kalena ay si nabadi ku jirto u dersaan una wada dhaqmaan, ayaa ah mid hodon ku ah suugaanta noocyadeeda kala duwan. Taariikhda raggii iyo dumarkii hore ee Somalida waxa samayn weyn ku yeeshay dhaqankaa ay ku noolaayeen, waxayna noqdeen kuwo lagu xasuusto sugaantooda ama dagaalyahanimadooda. Waxase la yaab leh inuu jiray nin isagu ka duwanaa dadkaa hore oo dhan oo in kastuu ku dhashay kuna barbaaray dhaqankii reer guuraga la soo baxay sumacad garyaqaanimo iyo caadilnimo oo raad weyn ku reebay hadal haynta cadaalada iyo eex la'aanta. Ninkaas oo ah mid ay Somalida inteeda badani maalin walba maqasho hadal uu reebay waxuu ahaa "Ina Sanweyne". Waa ninka marka laga hadalayo garta adag ee la saari waayo Somalidu ku tiraabto" Ina Sanweyne U gee", waa ninka abwaankii Soomaaliyeed ee ka hadlaayey gar adkaatay uu lahaa " Garta Ina Sanweynaa Loo Geysan Jiray". Inkastoo ninkaa magaciisu yahay mid laga yaqaan meel kasta oo qof Somaliyeed joogo haddana dad badan ayaa isweydiiya kumuu ahaa ninkan Ina Sanweyne la yidhaaho ee mar walba lagu halqabsanayaa.
Ina Sanweyne oo magaciisa buuxaa uu ahaa Faarax Maxamed Yusuf waxa uu ku dhashay Murriya oo ku taalla degaanka loo yaqaano Guban oo ah dhulka ballaadhan ee uu dhexeeya xeebta Badda Cas iyo buuraleyda Golis. Waxa lagu wadaa inuu dhashay wakhti ku beegan sanadihii u dhexeeyey 1790-1805'kii. Faarax waxa uu ka dhashay qoys xoolo dhaqato ah oo reer miyi ah. Xilliga uu Faarax hanaqaaday oo ahaa xilli ay beeshiisu ku jirtay socdaal (migration) ay ugu soo gudbayaan dhulka loo yaqaano Oogada ee koonfur uga soo rogan buuraha Golis, socdaalkaas oo sababay dagaalo aad u ba'an oo dhex mari jiray beeshiisa iyo beelaha kale ee ku hareeraysan ayaa saamayn weyn ku yeeshay noloshiisa iyo dhaqankiisaba. Xilligaa uu kacay iyo deegaanka uu ku dhashy
Faarax wuxuu ahaa mid wax kastaa ku xidhnayeen waxa ninku la soo baxo
iyo sida uu u waajaho waayaha adag ee hor yaallay. Ragga Faarax ay isku mar kaceen waxa ka mid ahaa: 1. Cabdi Fadal Raggass oo marka taariikhdooda laga sheekeeyo ahaa niman ku caan baxay geesinimo, dagaal jacayl iyo aftahnimo ayaa horseed iyo abaanduulayaal u ahaa beesha. Waxay ahaayeen niman had iyo goor ku foogan dagaal ay kula jiraan beelaha degaankooda ku haraysan iyaga oo is kaashanaya, marmarka qaarkood ay iyaga laftoodu isku dhici jireen. Waxa dad badan oo faca hadda jira ka mid aha oo aad u yaaqaaana taariikhda nimankaas aan kor ku soo sheegnay is weydiiyaan cidda nimanka iyo dadka kale kala badbaadin jirtay iyo cidda iyagu marka ay isku soo jeestaan kala guri jirtay. Ilaahay isagu waa xaqsooree, wuxuu dadkaa ku dhex abuuray Ina Sanweyne oo ahaa maxkamdda mar kasta oo dhibaato timaado loo eersan jiray ee ku kala dhexjirtay raggaas. Faarax Sanweyne isaga oo weli nin yar ah ayaa la dareemay inuu leeyahay haybad ilaahi ah. Waxa uu markiiba noqday nin loogu yeedho dhexdhexaadinta iyo u gar qaadista cidii is qabata. Waxa la dareemay inuu yahay nin murti badan oo gar yaqaana oo aan caddaalad indhaha ka qarsan, eexashadana aqoon. Faarax iyo Qaar ka mid ah dhacdooyinkii uu sameeyey. Ina Sanweyne wuxuu ahaa nin aan eraygiisa laga daba hadal oo garta uu naqo lagu wada kalsoonaado. Iyada oo aanay jirin ciidan xoog ku fuliya garta uu naqo ayey haddan bulshadii uu ku dhexnoolaa oo dhami isla ogolayd in ay tahay ta kama dambaysta ah ee aanay jirin cid kale oo racfaan looga qaataa. Gari Ilaahaybay Taqaanaa Waxaa jirtey in ay hal geel ah isku qabteen nin baadidoon ah oo reer Danood ahaa iyo Cashuur oo ahaa Ina Sanweyne soddogii oo reer Buuhoodle ahaa. Ninka hasha qabsaday carro fog buu ka yimid hal geela Cashuur ku jirtana wuu sheegtay, Cashuurna garowshiinyo wuu keeni waayey oo hasha anigaa leh buu yidhi. Arrintu si kastaba ha ahaatee beeshii degaankaas waxgaradkeedii oo dhammi way goyn kari waayeen gartii ama dhinaca Cashuur bay u badiyeen. Taasaa keentay in ninkii la yidhaahdo waadigan samri waayey ee wixii aannu goynay ku qanci waayeye yay gartaadu kuugu go'daa? Isna wuxuu yidhi ninka Ina Sanweyne la yidhaaho ee beeshaa idin xigta lagu sheegay bay iigu go'daa isaga oo aan ogeyn inuu ninka Cashuur soddog u yahay. Cashuur isagu midhkaa aad buu ugu farxay oo waxay la ahayd in Faarax gar iyo gardarroba ugu hiilinayo illayn intiisuu qabaaye, markaasuu inta inamadiisiina soo kaxaystay soo gole fadhiistay. Faarax baa laysula tegey garna jilibkaa laysu dhigay, mudduci iyo maddaacale waa laysu dhegeystay, nin kastana wixii uu xusuusan karayey iyo wuxuu caddayn u hayey goluhuu keenay laakiin taasi mar kasta waxay sii kashifaysey Cashuur oo ay marba marka ka dambaysa soo baxaysey inaanu hasha lahayn. Waxa soo gashay maalintii ugu dambeysey ee garta la goyn lahaa iyo in go'aankii la sheego. Faarax Sanweyne isagoo aad isugu kalsoon oo ilaahay mooyee cid uu ka baqayaana aanay jirin buu ku tiraabay CASHUUROOW GARI ILAAHAY BAY TAQAAN, EE SODDOG IYO SEEDDI TOONA MA TAQAAN, hashana ninkaa reer Danood baa iska leh.
Waxaa la wariyey in dagaal dhacay oo ninka la
odhan jiray Axmed Koorjaan uu faras ku soo furtay dagaalkaa ka dibna
faraskii geed ku xidhay si uu hadhoow marka dagaalku dhammaado u kaxaysto.
Aw Maxammud Muse Yusuf oo u haystay inuu isagu faraska furtay ayaa
faraskii geedkii ka furtay oo kaxaystay. Koorjaan markuu ogaaday in
faraskii Aw Maxamud kaxaystay ayuu iska tegey isagoon cidna wax weydiin.
Markii dhowr maalmood Koorejaan oo ahaa nin aan geedka iyo goobta
midna looga maarmin laga waayey geedkii shirka ayaa la isweydiiyey
meesha uu ku maqan yahay. Markii raggii arrinka ogaa ka warrameen
raggii kalena faalleeyeen ayaa la gartay in Axmed Koorjaan xumaan
soo wado. Waxay talo noqotay in Seed Cawed loo diro oo uu soo ladqabeeyo
Koorjaan oo geedka keeno. Markii uu Seed uu yimi ee ka dalbaday inuu
faraskiisii u yimaado geedkana ku soo noqdo ayuu Koorjaanna ugu jawaabay
in marka saddex nin la helo uu gar u soo fadhiisanayo. Waa saddexdee?
buu Seed yidhi; Koorjaanna wuxuu ugu jawaabay: Marka la helo Seed wuxuu ugu jawaabay saddexdaba waa la hayaa,
ballanna waa la qaatay. Sidaasaa arrinkii lagu galay Seedna wuxuu soo gole fadhiisiyey Aw Maxamuud. Maalintii garta loo ballan sanaa ayuu Koorajaan yimi geedkii oo ilyartu is qabatay oo raggii beesha aan mid ka maqnayn waxase intii aanu fadhiisan uu dareemay inay geedka fadhiyaan rag badan oo aanu sina ugu kaloosnaanayn ama aanu aqoon u lahayn. Si uu ragaa geedka uga kaxeeyo ayuu yidhi aniga gartayda saddex nin ma galaan: 1. Alle ma yaqaan, Waxaa la yidhi markuu intaa yidhi ayaa raggii rabac kacay oo dareeray. Intaanu fadhiisan ayuu raggii soo hadhay isha wada mariyey, markaasuu ku dhex arkay rag ay qaarna Aw Muxamuud xidid ahaayeen qarna uu aabti u ahaa oo weli geedka sii fadhiya, markaasuu haddana isaga oo weli taagan yidhi, saddex kalena gartayda ma galaan: 1. Naas-jiid, (oo uu ula jeeday ka la dhalay
ee abtiga loo yahay ) Dhaqankaa ahaaye, raggii loo jeeday intay is
garteen ayay iyana geedkii ka dareereen. Faarax iyo Rag Ardaa dhig ah: Faarax Sanweyne wuxuu ahaa nin gar yaqaanimada ku darsaday aragti dheeraan oo meel fog wax ka eegi jiray. Waxa la wariyey in ay Faarax u soo ardaa dhig tageen oo gabadh uu dhalay isku mar soo doontay nin reer Nuugaaleed ah iyo nin beesha Faarax ahaa oo la odhan jiray Nuur Cabdi Shacabi. Sida caadadu ahayd waxaa markaasoo kale si laysu muujiyo nin kastaa soo kaxaysan jirey ilmaadeertiisa ugu fiican isagoo xidhanaya madhaafaankiisa soona qaadanaya ama kaxaysanaya hadiyad wanaagsan oo uu gabaati ugu talo gelayo. Waxaa la sheegay in ninkii reer Nuugaaleed keenay
faras, Nuur Cabdina wanan tiradooda lagu sheegay afar ilaa lix. Markaasaa
Faarax inamadiisii oo galabnimadiiba bilaabay inay faraskii ninka
reer Nuugaaleedka ahi keenay fuulfuulaan oo ku ciyaaraan isugu yeedhay
oo yidhi; waxaa labadaa qolo ee martida ahiba u fadhiyaan inanteena
inaynu siinno, nin kastaana wuxuu wato waad aragtaane maxay idinla
tahay? Faarax Iyo Canshuur Faarax Maxamed oo da'diisu aad weyntahay baa
niman caligeri ahi afduubeen, markay la guryo tageena wuxuu weydiiyey
maxa lay haystaa? Gunaanad Ina Sanweyne oo gaboobay oo da' jooga ayaa la weydiiyey oo la yidhi "Faaraxow weligaa gar eexo ma naqday, gar aand hubinse ma gowsay" Faarax wuxuu ku jawaabay "Weligay gar eexo ma niqin, waxaanse ku sigtay inaan gar hubsiimo la'aan naqo markii uu ii yimi nin aad u cabanaya oo ka cabanaya nin kale oo aan goobta joogine, markii ninkii hadalkii dhameeyey ayaan ku idhi waa lagaa gar daran yahay, laakiin intaan markiiba is qabtay ayaan u raaciyey aan arko ninkii kalena oo sheekada dhinaciisa soo dhegysto". Maxamed Ibrahim Ismaaciil Xigasho: Mareegta Kaydka Suugaanta |
Tusmada Maahmaahaha Soo Socda Xarafka A Soo Socda Soo Socda Soo Socda |