Nabi Muuse (CS)iyo Gabadh quraanka adeegsatay
Mudadii xukunka masar uu haystay Nabi Yuusuf (CS) dadka reer masar waxa ay
noqdeen dad illaahay (CS) kalinimadiisa rumeeyey, waana waxa loo soo diray
anbiyada oo dhan, dhimashadii Nabi Yuusuf ka dib Reer masar waxa ay ku
noqdeen halaw iyo shirki, reer binu israa’ilna waxa ay dhex galeen
mujtamicii masar, badhbaa halaabay oo diinta ka baxay badh kalena waxa ay
ku soo hadheen tawxiidkii wayna farabateen reer binii Israa’iil waxana
korodhay tiradooda.
Masar waxa xukumi jiray boqor madax adag oo reer masar ay caabudi jireen
boqorkani waxa uu u arkayey in reer Binii Israa’il sii faro badanayaan oo
boqortooyadiisana ay qabsanayaan, waxaana uu maqli jirey sheekooyin
odhanaya wiil reer binu israa’il ah ayaa dumin doona Fircoon
boqortooyadiisa masar ka dhisan, Fircoon waxa uu soo saaray go’aan amraya
in la dilo inankii reer binu israa’il ah ee dhashaba waxana la bilaabay
nidaamkaa sii loo hirgelin lahaa, waxaana uu yidhi la taliyihii Fircoon
kuwa gaboobay ee reer binu israa’il wey dhimanayaan kuwa yaryarna waa la
gawracayaa sidaas ayeyna ku dhamaanayaan reer binu Israa’il.
Dadka reer masar waxa ay noqdeen umad taagdaran maamulkuna waxa uu
doorbiday in la dilo inankasta oo dhasha, Inamada yar yar ee dhasha
sanadna waa la dili jiray sanadna waa la deyn jiray, Fircoon waxa uu
moodayay marka uu arinkaa samaynayay in uu xalkan ku nabad gelayo, Nabi
Haaruun (CS) waxa uu dhashay sanadkii aan caruurta la dilayn hooyadii waxa
ay dhashay iyadoo rumeysan in uu u nabad gelayo inankeedu, Sanadkii ku
xigey ee inamada la laynayey waxa dhashay Nabi Muuse (CS) Muuse hooyadii
waxa ku dhacay cabsi iyo argagax weyn iyadoo ka baqaysa in la dilo wayna
la dhuumatay iyadoo ku naas nuujunaysay si qarsoodi ah, waxa la soo
gaadhay habeenkii barakaysnaa ee illaahay u soo waxyooday Nabi Muuse
hooyadii illaahay (SW).
“Waxaanu ugu waxyoonay Nabi Muuse hooyadii in ay naaska nuujiso marka ay u
baqatana in ay ku tuurto biyaha dhexdooda iyadoo cabsi iyo murugo midna
ayna ku jirin, waanu u soo celin doona xagaaga waxaana uu ka mid noqon
doonaa kuwa rasuulada ah” Waxa la amray in ay Nabi Muuse hooyadii ay
sameyso Sanduuq yar muusana ay ku dhex rido ayna la tagto wabiga
dhinaciisa oo ay raaciso wabiga biyaha, waxa ay la ahayd nabi muuse
hooyadii qalbiga hooyooyinka oo kale waa qalbiga ugu raxmada badan
aduunyada, waxaana ka buuxsamay qalbigeeda warwar iyo murugo iyadoo weliba
ilmaheeda raacinaysa biyaha wabiga laakiin way ogayd in illaahay uga
naxariis badan yahay iyada oo illaahay yahay rabiga muuse iyo wabiga
niilkaba, inkastoo markii hore biyaha niilku fara badnaayeen illaahay (SW)
waxa uu ku amray mawjadihii biyaha niilka in ay si degan u socdaan inta ay
sidaan ilmaha yar ee nabiga noqon doona sidii uu illaahay (SW) u amray
naartii lagu riday nabi Ibraahim (CS) in ay noqoto Qabow iyo nabad gelyo
sidaas oo kale illaahay waxa u faray wabiga niilka in uu qaado muuse si
degana u wado ilaa inta uu gaadhayo qasriga fircoon, Biyihii niilka ayaa
qaaday sanduuqan cisiga leh ee uu ku jiro muuse geeyeyna qasrigii fircoon
halkaas oo mawjadihii siday ay ku wareejiyeen.
Markii uu waagu baryey waxa soo baxday gabadhii fircoon oo ku socota
beertii qasriga, gabadha fircoon aad ayey uga duwaneyd fircoon isagu waxa
uu ahaa kaafir iyaduna waxa ay ahayd mu’minad isagu waxa uu ahaa mid
naxariis daran iyaduna waxa ay ahayd mid naxariis badan mar labaad waxa ay
ahayd gabadh aad u murugaysan wax caruur ahna u may dhalin fircoon wana ay
jeclayd in ay mar uun agteeda ay ku aragto ubad, markii ay ku dhawaatay
biyihii niilka ayey heshay Sanduuqi wayna soo qaaday waana la furay
sanduuqii waxana ay aragtay muuse oo ku jira sanduuqa oo inan yar ah
markiiba waxa ay qalbigeeda ka dareentay jaceyl illaahaybaana qalbigeeda
ku tuuray kalgacal waxaana ay soo qaaday sanduuqi, muuse waa uu soo
baraarugay waxaana uu bilaabay in uu ooyo waxana uu u baahnaa naaskii uu
jaqi jiray subaxnimada, fircoon ayey gabadhiisi ula timi iyadoo sidata
ilma yar waxana uu weydiyay halkee ayaad ka keentay ilmaha yar waxayna uga
warantay sanduuqi waxana uu ku yidhi hadal ka soo go’aya qalbi aan raxmad
lahayn kolay waa inan yar oo reer binu israa’il ah oo sanadkani mayna
ahayn sanadkii la leyn jiray? gabadhii fircoon inta ay ilmihii yaraa
halkaa laabteeda ay ku qabtay ayey qaylisay illaahay (SW) isagoo inooga
waramaya waxa ay tidhi gabadhii fircoon waxa uu inoogu sheegay ayaad
quraan ah “Waxa ay tidhi gabadhii fircoon waxa uu ii yahay aniga mid
indhuhu ay ku doogsadaan ee hadilin waxa laga yaabaa in uu ina anfaco oo
aynu inan ka dhigano”.
Fircoon waxa uu xasuustay yaraanta awooda gabadhiisa waana uu ka aqbalay
wixii ay doonaysay waxana uu u ogalaaday inankan yar in lagu koriyo
qasrigiisa, muuse waxa uu bilaabay oohintii waxana la amray in loo yeedho
gabadh naas nuujisa waxana la keenay gabadh muuse naaska nuujinaysa
qasriga fircoon way qadan laakiin wuu diiday in uu naaskeeda jaqo waxaana
la keenay ku labaad iyo su sadexaad iyo ku tobnaad intaba waa uu diiday
muuse in uu jaqo naaska isagoo weliba ooyaya, gabadhii fircoon way ku ag
warwareegtay iyadoo garan la wax ay samayso, gabadha fircoon oo kaliya may
murugaysnayn oo may ooyeyn laakiin waxa ka darnayd oo iyana meel kale ku
murugaysnayd muuse hooyadii, muuse hooyadii kumay dhawaan marka ay ku
tuuraysay wabiga niilka ilaa ay mooday in ay qalbigeedi ku tuuraysay
biyaha, biyihii niilkuna way ka qariyeen sanduuqii wax war oo danbena
kamay helin.
Waagii danbe ayaa baryey iyadoo galbigeeda ay ku wareegayso murugadii
ilmaheedu waxana ay ku dhawaatayba in ay tagto qasrigii fircoon oo ay ku
sheegto in uu yahay inankeedi wixii dhacayaaba ha dhacaan illaahay ayaa
soo qabtay qalbigeeda oo ka buuxiyey nabad wayna iska degtay oo ay
sugnaatay, arintii oo dhamina waxa ay noqotay in ay tidhaahdo walaashii
waxa aan tagayaa qasriga fircoon agtiisa si aan u soo ogaado muuse
xaalkiisa, waxayna ay tagtay muuse walaashii qasriga fircoon agtiisa waxa
ay meel durugsan ay ka maqashay oohintii muuse waxayna ay aragtay iyagoo
garanla si ay yidhaahdaan waxaana ay maqashay in uu diiday in uu dumarka
naaskooda jaqo, waxa ay ku tidhi shaqaalihii fircoon ma idin tusaa qoys
naas nuujinaya oo kafaala qaadanaya oo u adeegaya laguna halaynayo hawsha
inankan yar, gabadhii fircoona aad iyo aad ayey ugu faraxday arintan
waxana ay muuse walaashii ay u sheegtay in ay u yeedho gabadhan muuse
walaashiina way noqotay waxaana ay keentay hooyadeed, hooyadii ayaana naas
nuujisay waxana ay tidhi gabadhii fircoon qaad ilaa inta uu naas jaqida uu
dhamaysanayo oo nagu soo celi marka naasku ka gudho waxaana aanu ku siin
doonaa abaal marin weyn sidaas buuna illaahay Nabi Muuse ugu soo celiyay
hooyadii si indhaheedu ugu qabooban oo na ay u murugoon si ay u ogaato in
balan qaadka illaahay uu xaq yahay.
La soco. Waxa si wada jir ah u diyaariyey
Cabdifataax Xasan Aadan
Axmed Ismacil Xasan (Bucul)
Siciid Cumar Yuusuf
Email: Cabdifataax_96@hotmail.com
Top
Qisada Gabadh
Ku Hadlaysay Qur’aanka |
Waxa uu yidhi Ninkii taabiciga ahaa ee
Cabdilaahi binu mubaarik illaahay ha u naxariistee aniga oo tagaya xajka
si aan u soo siyaarto qabriga rasuulka (CSW) kuna sii jira dariiqa ayaan
waxa aan arkay qof dumar ah oo weyn oo gashan dhar suuf ah waxanu ku idhi
Nabad gelyo dushuuna ha ahaato iyo naxariis illaahay waxa ay tidhi
“Qawlbaa nabad leh ka yimi xag rabiga raxiimka ah” Waxa aan ku indhi
illaahay hakuu naxariistee maxaad halkan ka qabanaysaa? Waxa ay tidhi
“Qofka illaahay haleeyo cidna ma soo hanuuniso” waxa aan gartay in ay ka
halowsan tahay dariiqii ay doonaysay in ay marto waxana aan ku idhi halkee
ayaad doonaysaa, waxa ay tidhi “Illaahaybaa xumaan ka nasahan illaaha
guura geliyay adoonkiisi habeen ee ka deelimiyay masjudul xaramka ilaa
masjudul Aqsa” waxa aan gartay in ay soo gudatay xajkii oo ay doonayso in
ay tagto baytul maqdas waxana aan ku idhi imisa ayaad halkan joogtay waxa
ay tidhi “Sadex habeen mudo ku siman” waxana aan ku idhi waxa aan arkayaa
in aanad haysanin cunto aad cunto waxa ay tidhi “Isagu waa kii u
quudinayey ee I waraabinayey” waxa aan ku idhi maxaad ku weysaysanaysaa
waxana ay tidhi “Hadii aydaan biyo haysanin ku gabagabaysta ciid daahir
ah” waxa aan ku idhi waxa aan heystaa raashine maad cuni doontaa waxa ay
tidhi “Dabadeedna dhamaystira soonka illaa habeenkii” waxa aan ku idhi
imika kuma jirno bishii ramadaan waxa ay tidhi “Qofka sune la yimaada
khayr ayey u tahay illaahayna waa mid la mahadiyey oo cilmi badan” waxa
aan ku idhi waa ay noo banaantayahay in aynaan soomin marka aynu safar ku
jirno.
Waxa ay tidhi “In aad soontaa ayaa idin khayr badan hadii aad garanaysaan”
waxa aan ku idhi maxaad illaa hadli weyday sida aan kula hadlayo oo kale
waxa ay tidhi “Qawl ma yidhaahdo hadii uu yidhaahdana raqiib iyo catiid
ayaa qoraya” waxa aan ku idhi ayaad tahay waxa ay tidhi “Hafara gelinin
wax aanad aqoon u lahayn ma qalka iyo araga iyo qalbiga dhamaan waa wax
lagu wey diin doono” waxa aan ku idhi waan khaldamayee maxaa xal ah waxa
ay tidhi “Danbi dushiina ma aha maanta illaahayna waa uu idin danbi dhaafi”
waxa aan ku idhi ma kugu qaada hashaydan waxa ay tidhi “Wixii khayr ah ee
qabtaan illaahayba idin og” waxana aan soo qabtay hawshii waxa ay tidhi
“Ku dheh kuwa mu’mininta ah indhihiina hoos u roga” indhahaygi ayaan soo u
ragay waxana ku idhi fuul markii ay doontay in ay hashii korto ayey hashii
ay dhaqaaqday waxayn in yar ka dhacday maradii waxa ay tidhi “Wixii
masiibo ah ee idinku dhaca waa waxa aad gacmihiina aad ku kasbateen”.
Waxa aan ku idhi yara sug aan hasha aan xidhee waxayna tidhi “Waanu
fahansiinay saleebaan” waan xidhan hashii dabadeedna waxa aan ku idhi fuul
waxa ay tidhi “Illaahay ayaa xumaan ka nasahan kii noo sikhiray kan” waxa
aan qabtay hogaankii hasha aniga oo aad u talaabsanaya oo dhawaaqaya waxa
ay tidhi “Si degan u soco oo hadalkaagana hoos u dhig” dabadeedna waxa aan
u socday si degan aniga oo erayo gabay ah ku geeraraya waxa ay tidhi
“Akhriya wixii quraanka idiin fududaaday” waxa aan ku idhi waxa lagu
siiyey khayr faro badan waxa ay tidhi “Waxba kuma qaataan dadka caqliga
leh mooyaane” markii aanu in yar soconay ayaan ku idhi miyaanad nin lahayn
waxa ay tidhi “Kuwa muumininita ahow ha is weydiinina shay-yo hadii la
bilaabo idin xumaynaya” waan aamusay oo lamaan hadal ilaa aanu soo
gaadhnay awrtii kale waxana aan ku idhi qoladan awrta wadata cidi makaala
socotaa waxayna tidhi “Maalka iyo inamadu waa quruxda nolosha aduunyada”.
Waxa aan ogaaday in ay inamo leedahay waxana aan ku idhi bal inamada xaga
xajka ka waran waxa ay tidhi “Calaamado iyo xidigaha ayey ku soconayaan”
waxa aan ogaaday in ay ku jiraan safarkan meesha degay waxana ku idhi yaa
kaala socda waxa ay tidhi “Illaahay ibraahim khaliil ayuu ka dhigtay,
illaahayna muuse waa uu la hadlay, yaxyow kitaabkan ku qaado quwad” waan
dhawaaqay waxana aan idhi ibraahimow muusow yaxyow waxaba igu soo baxay
niman shabaab ah oo aad moodo dayax soo baxay markii ay lala soo
fadhiisteen ayey tidhi “Mid kii ha qaado lacagtan ilaa magalada oo ha
inooga soo eego cunto fiican” mid ayaa tagay oo soo iibiyey cunto
dabadeedna soo hordhigay waxayna tidhi “Cuna oo caba waa la idin haneeyee
wixii aad hor marsateen ayaamihii tagay” waxa aan ku idhi cuntadiinu
xaaran ayey iga tahay illaa arinkeeda aad iiga warantaan waxay yidhaahdeen
inamadeedi tani waa hooyaday mudo 40 Sannadood ahna wax aan quraan ahayn
kumay hadal iyadoo ka cabsanaysa in ay ilowdo quraanka oo illaahay u
cadhoodo waxana aan idhi “Kaasi waa fadligii illaahay uu siiyo qofka uu
doono illaahaybaa fadligiisu weyn yahay”. Top
|