MA DHABBAA QABIIL WAA
QAB IYO IIL? Barwaaqo
Waraysi uu Cabdulqaadir Xirsi Yamyam siiyey wargeyska la yidhaa ‘Wacyi’
oo ka soobbaxay dalka Imaaraadka Carabta bishii May, 2003dii ayuu ku
sheegey in dhibaatada u weyn ee maanta dadka Soomaaliyeed haysata uu
asalkeedu ka soo jeedo Qabiil. Waxaanu wargeysku soobbandhigey hees uu
Yamyam curiyey oo xambaarsan aragtidaa iyada ah. Yamyam oo aragtidaa sii
faahfaahinayaa wuxuu yidhi, “Qabiilka markaan micnihiisa furfurno waxaan
u kala qaadaynaa labada erey ee kala ah qab iyo iil.” Waxa haddaba
isweydiin leh sida ay wax uga jiraan aragtidaa iyada ah. Qof ahaan anigu
aragtidaa ma qabo kumana raacsani curiyaha. Qoraalkanna waxan ku eegi sida
aanay dhibaatada Soomaali haysataa uga soo jeedin qabiil iyo sida aanay
ereyga qabiil uga tafiirmi karin labada erey ee uu Cabdulqaadir sheegey.
Waxa kale oo aan ku eegi inaanu ereyga ‘qabiil’ la ujeeddo ahayn magaca
Qaabiil sida ku xusan heestaasi.
Sooyaal ahaan, ereyga ‘Qabiil’ waa erey af-carabiya oo la soo ergistay.
Waxa uu ka soo jeedaa ereyga ‘Qabiilah’ sida hoos ku qoran. Wadartiisuna
waa ‘Qabaa’il’. Kolkii uu Soomaaliyoobey xarafkii u danbeeyey ayuu ereygu
lumiyey. Waxanu yeeshay qaabka uu hadda leeyahay ee ah ‘Qabiil’. Wadar
ahaanse waxba muu lumin.
Soomaali ahaan ujeeddada ereygu waa reer. Sida ku cad aayadda 13aad ee
Suuradda Al-Xujuraat ee Quraanka, waxa uu Weynaheen (Korreeyoo Hufnaaye)
innoogu sheegey inuu innaga dhigay reero iyo dadyaw si aan isugu garanno
(eeg ayaadda hoos ku qoran). Eebbe ma odhan waxan idinka dhigay reero iyo
dadyaw si aa isu baacsataan. Sidaasi awgeed ayaan kolnaba loo odhan karin
dhibaatada inna haysataa waxay ka soo jeedda “Qabiil”. Kii yidhaahdaana
isagaa cirka roob ku og!! Waxana lagu tilmaami karaa inuu yahay qof
hadalkii Eebbe melmeley!
Hal-tebinta Suuradduna waa sidan:
“Dadow! waxaan idinka abuurray lab iyo dheddig, waxaananu idinka dhignay
dadyaw iyo qolo-qolo (reer-reer) si aad isugu garataan, ka idiinku milgo
weyni Eebbe agtiisa waa ka idiinku cabsi badan, Eebbana waa Buuni wax
walba og!”
Waxa haddaba in la xuso mudan in dhibaatada Soomaali haysaa aanay ahayn
Qabiil ee ay tahay Qabyaalad. Af-carbeedkana waa “Qabaliyah”. Taas oo ah
in qabiilka loo adeegsado sidii uu Eebbe inna faray si ka duwan oo ah is
takoorid, is haybsoocid, isugu xoog sheegasho iyo wixii la mid ah. Iney
sidaasi tahayna waxa idin ku filan tuducii caanka noqday ee maansadii
Abwaankii weynaa (Eebbaa Weyne) ee Cabdillaahi Suldaan “Timacadde”.
Tuducaasi oo ay dad badani halhays ka dhigteen waxa uu odhanaya:
- Dugsi ma leh Qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane.
Ereyga ‘Qabiil’ haddii aan ku sheegey, isir ahaan, inuu yahay erey
shisheeye ah ma odhan karraa waxa ka tafiirmi kara ereyo Soomaaliya?
Waxay ila tahay sida ay Soomaaliyi u tidhaa: Hal booliyihi nirig xalaal
ah ma dhasho, inaanu erey shisheeye ihina u dhali karin ereyo sokeeye ah.
Carabi ahaan iyo Soomaali ahaan toona ereyga ‘Qabiil’ maaha erey lamman.
Si kale haddii aan u idhaa, ereygu kama koobna laba erey sida uu
C/qaaddir Yamyam tilmaamay. Labada erey ee ‘Qab’ iyo ‘ iil’ waa laba erey
oo uu mid kastaa iskii u madax bannaanyahay. Badiyaa ereyada lamman waxa
loo kala dhexeysiin karaa xariir (jiitin yar). Xariirtaasi ujeeddadii
ereygu lahaa ma beddesho. Tusaale ahaan, magaca Gaaxnuug waa magac lamman
oo ka kooban labada erey ee ‘Gaax’ iyo ‘Nuug’. Haddii xariir loo dhexaysiiyo
wuxuu u qormayaa sidani: Gaax-nuug. Xarriiqdaasi ujeeddadii magaca waxba
kama beddelayso. Haddii aan taasi ku adeegsanno ereyga ‘Qabiil’ wuxuu u
dhigmayaa sidan: “Qab-iil”. Kolka sidaa loo akhriyo ujeeddadii ma luminayaa
mise ma luminayo? Waxa halkaasi innooga cad inaanu ereyga ‘Qabiil’ ahayn erey
ka kooban laba erey oo Af-soomaaliya. Sidaasi awgeed ayaan loo odhan karin erey
shisheeye ah ayaa laba erey oo Soomaaliyii ka tafiirmeen. Hadalkii oo kooban,
ereyga ‘Qabiil’ waa erey keli ah mana loo kala saari karo ‘Qab’ iyo ‘iil’.
Haddaba tuduca u horreeya ee heestu miyaanu ahayn mid wax soofdaran
habaabinaya?
Dhanka naxwaha tuducu wuu samaynayaa ujeeddo dhan. Hayeeshee,
ujeeddada uu sheegayo ayaan dhab ahayn. Waana taasi ta loo baahan yahay in
la toosiyaa. Qofka hadda bilaaba barashada isirrada ereyada Soomaaliyeed,
shisheeye ha ahaado ama sokeeyaba e, miyaanu heestaasi ka baranayn wax aan
dhab ahayn haddii uu qaato inuu ereyga qabiil ka kooban yahay Qab iyo Iil
sida uu Curiyuhu u dhigay?
Tuduca labaad ee heesta ayaa isna u baahan in la axadho oo wixii qallooca
ee ku jira la tilmaamo lana toosiyo. Waxay heestu ku bilaabmaysaa:
Qabiil waa qab iyo iil
Waana magaci Qaabiil
Haddii aan nidhi qabiil ma aha ‘qab iyo iil’, miyaan odhan karraa qabiil
waa magaci Qaabiil? Intaynaan weydiintaa ka wercelin bal aan isu foodinno
labada erey ee ‘Qabiil’ iyo ‘Qaabiil’. Ka hore wuxuu ka kooban yahay saddex
shibbane iyo laba shaqal oo uu midi dheer yahay. Ka labaadina wuxuu ka
kooban yahay saddex shibbane iyo laba shaqal oo dhaadheer. Halkaasi waxa
durba innooga dhuroobey inaanay labada erey isku qaab-dhismeed ahayn.
Dhanka dhawaaqa waxan dareemaynaa iney kala dhihid yihyiin.
Ujeeddooyinka labada erey qudhoodu isku mid maaha. Qaabiil waa magacii ina
Nebi Aadan. Ujeeddadiisana ilaa hadda cid sheegaysa maan arag. Mase filayo
inuu la ujeeddo yahay Qabiil sida ku xusan heesta. Intii uu doodda waday
marna Yamyam ma xusin wax uu aragtidiisa ku taageerayo. Mana tilmaamin in
ay jiraan dad kale oo la aragtiyihi.
Isaga oo Cabdulqaadir qabiilka innoo sii qeexaya wuxuu yidhi,“Qabiilka
haddaan micnayno waxa uu noqonayaa mishiin xidhan. Furihiisuna waxa weeye
‘Jabhad’. Kii yoo hadalka sii watana wuxuu yidhi, “Jabhadey maxaad tahay?
Waa “jab iyo had”. Jab waa qof jabey, hadna waa dhimasho. Qabiilka iyo
furihiisu waxay ka koobmaan 12kaa xaraf oo marka la isku hoos qoro u
qormaya sidatan:
QAB HED (HAD)
JAB IIL
Halkaa waxa innooga soobbaxaya buu yidhi micne aan garan karro oo ah
(kibir baa jebiyey, iyo heddiisii baa gashay wuuna dhintay).
Haddii aan u fiirsanno hawraarta ah “Qabiil waa mishiin xidhan” waxan
dhaadaynaa iney ku dhisaalantahay aragti ama hummaag uu samaystey Curiyuhu
runtase ka fog. Si uu aragtidiisaasi ugu meel sameeyo wuxuu innoo sheegey
inuu mishiinku fure leeyahay, furahaasina yahay “Jabhad”. Ereygii jabhad
ayuu haddana u kala jebiyey labada qaar ee kala ah “Jab”iyo “Had”.
Runtii aragtidaasi waa male ee maaha mid aqoon ku dhisaalan. Siday doontabana
ha ahaatee, ereyga “Jabhad” isir ahaan waa erey af-carabiya oo ka soo jeeda
ereyga “Jabha”. Kolkii uu Soomaaliyoobayna wuxuu noqoday “Jabhad”.
Ujeeddada ereygu waa urur dagaal. Waxa haddaba, hubaal ah, sidii aan hore
u soo sheegey inaanay dhicikarin inuu erey shisheeye ihi ka koobnaan karo
laba erey oo Soomaaliya. Sidii aan hore u tibaaxayna ay lagama maarmaan
tahay in la xuso iney tahay aragti wax soofdaran habaabineysa.
Hadal iyo dhammaantii, ereyadaasi isirahaan dameerahoodu isma geyaan
meelna kama soo wada jeedaan sida waraysigaa lagu sheegey. Inkasta oo
uu aragti qurux badan inna soo hordhigay Cabdulaqaadir Xirsi haddana
waxa lagama maarmaan ah ineynaan runta iska indhatirin oo ay tahay in
la tilmaamo aragtida runta ka fog ee dadka soofdaran habaabineysa.
|