Aragtida uu abwaankani (qaamuusakani)
ku dhisaalan yahay:
Abwaan (Qaamuus) ahaan maaha kii u horreeyey
ee wuxuu noqonayaa kii saddexaad. Waxa ka
horreyey labada abwaan ee ay kala qoreen Dr.
Yaasiin Cismaan Keenaddiid iyo Cabdulqaadir
F. Bootaan. Bilicda ka sokow dhawr arrimood
buu Abwaankani (Qaamuuskani) kaga duwan yahay
kuwaa. Labadaa abwaan (qaamuus) ee hore waxay
ku dhisanyihiin go'aammadii guddida Af-soomaaliga.
Aragti kasta oo la doonayo in la meel mariyo
waa laga wada tashanjirey, dood baana layskaga
hor imanjirey. Aqoonna waa laysku qancinjirey.
Soo saarka aragtiyahaasi cusubina waxay u
badnaayeen qaar aan lagu mergen. Hayeeshee,
abwaankan waxa ka muuqata inuu ku dhisan yahay
aragti qof qudhihi leeyahay.
Sida ku xusan qoraal laga diyaariyey shirkii
qorayaasha, ee lagu qabtay magaalada Jabbuuti
gu'gii 2002da, oo ladhkiisu ahaa: Shirka
hal-abuurka Soomaaliyeed ee Djibouti, laguna
faafiyey degelka sumaddiisu tahay: http://www.hamarev.comlindeLPhp/articleview/1323/1/8.
wuxuu qoruhu soo bandhigey buug xambaarsan
aragtiyaha abwaankan (qaamuuskan) ka muuqda.
Aragtiyaahaasi waxa ka mid ah in la labanlaabo
xarfaha Dh, F, J, Q, S, X, Y,
iwm. Tusaale ahaan, affafka, wixxii, fadhdhi,
wuxxuu,muqqummad iwm.
Waxa kale oo uu qoraalku tilmaamay inuu qoruhu
buuggiisa ku soo jeediyey in guud ahaan xuruufta
afka-soomaaliga ee 21-ka ah laga dhigo 22
xaraf oo lagu kordhiyo xarafka Hamzada Carabtu
u taqaan. Ugu dambeyntii wuxuu qoruhu soo
jeediyey in xuruufta Af-soomaaliga loo kala
hormarsho sida afafka kale ee ku qoran Laatiinka.
Runtii, higgaadda af-soomaaligu maaha 21
sida qoraalkani sheegayo. Higgaadda afku waa
32 xaraf. 21 shibbane, 5 shaqal oo gaaban,
5 shaqal oo dheer iyo Firgin (Hamza). Haddii
uu qoruhu u jeedey Firginka ha lagu daro shibbanayaasha,
waxa marka hore qumman inaan ogaanno in firginku
leeyahay sumaddii iyo sawricii shibbanaha
iyo in kale? Haddii uu yeesho waa runtii ee
ha lagu daro. Haddii uu yeelan waayase laguma
qobtolikaro.
Si aan u helno sumadda iyo sawraca Shibbanaha
waa inaan ka warcelinnaa weydiinta ah: waa
maxay shibbane ama shaqal? Shibbane waa dhawaaq
afka ka soo baxa sida 'g' 'd' '1'
'r', iwm. oo la cesho oon iska socon.
Halka uu shaqalku ka yahay dhawaaq sida ‘o',
'u', 'a', 'i', iyo 'e' oo kolka la
odhanayo uu afku furanyahay. Sidaasi awgeed
ayey aqoonyahannada kala ah Lilias Armstrong
(1934),Muuse Galaal iyo B.W.Andrzejewski(1956)
iyo Cabdalla CumarMan-suur iyo Annarita
Puglielli (1999) ay u haystaan inuu shibbane
yahay, guddidii af-soomaaliguna aanay ugu
darin shaqallada ee horeba u ahaa una yahay
shibbane.
Waxa ay weliba Mansuur iyo Puglielli
si cad ugu sheegeen buuggoodaasi oo la
yidhaa 'Barashada Naxwaha A.f-soomaaliga'
in tirada shibbanayaasha Af-Soomaaligu
tahay 22.
Waxa halkaa innooga muuqata inaanu qoruhu
haba yaraatee la socon una dhuun daloolin
go'aannadii iyo heerarkii uu afku soomaray
marka uu leeyahay xarfaha kor ku xusan ha
la labanlaabo ama higgaadda ha loo kala hormariyo
sida laatiinka. Waxa kale oo cad inuu qoruhu
sheeganayo aragtiyo looga horreeyey marka
uu ku doodayo in Hamzaha lagu daro
far soomaalida. Midda la yaabka lihi waxay
tahay sida uu u dhaadi- waayey habka uu u
qoranyahay Qaamuuska af-soomaaliga ee Yaasiin
Keenadiid oo ah habka uu ku doodayo in
farta loo kala hormariyo. Inkasta oo uu qoruhu
sheegey inuu raadraacay Qaamuuska Yaasiin,
waxa, haddana, dooddiisa ka muuqata inuusan
hordhaca buuggaba akhriyin.
Sida qoraalka ku cad, markii aragtidaa Saalax
laga doodayey, waxa sooyaalkii iyo heerarkii
uu soomaray af-soomaaligu si hufan oo kooban
u dul maray Aw Jaamac Cumar Ciise oo
caan ku ah ururinta mahadhada Soomaaliyeed.
Waxana la ogyahay in kolkii arrintaa la falanqeeyey
la isku raaciwaayey. Machadka Afafka iyo Cilmibaadhista
Jabbuuti ayey, haddaba, ahayd inuu tixgelin
gaar ah siiyo go'aankaasi iyo kuwii hore u
jireyba. Hayeeshee, Machadku wuxuu u janjeedhsaday
dhankii laga batay. Gefka uu qoruhu galay
waxa ka weyn ka Machadka Cilmibaadhistu uu
galey, kaas oo ah inaanu hubin, tixgelinna
siin, wixii shirkaasi laga soo jeediyey. Waxaanay
ahayd in aragtiyaha uu qoruhu eeyahayna la
sheego, wixii hore go'aanno uga soobaxeen
ama dadkale lahaayeenna la xuso. Taasi waxay
cid walba awood u siineysaa inuu tallan ka
galo heerka iyo habka aqoonbaadhiseed ee xubnaha
Machadka!
---------------------------------------
Qoruhu wuxu ku doodayaa inuu helay habka
farcanka ereyada iyo is rogrogga falalka Soomaaliyeed.
Waa arrin la yaab leh. Haddii uu leeyahay
si hawl yar oo loo raadin karo ayaan u habeeyey
waa arrin la qaadan karo. Hayeeshe, anigaa
helay inuu yidhaa waa midh af ka weyn. Dhawr
abwaan oo jira ayaa lagu adeegsaday isrogrogga
falalka iyo farcanka ereyadaba. Tusaale ahaan,
abwaanka la yidhaa Dizionario Somali-Italiano
(1985) oo ay wada qoreen Agostini, Francesco,
Annarita Puglielli iyo Ciise Maxamed Siyaad,
soona wada saareen Jaamacadda Ummadda
Soomaaliyeed, Akademiyada cilmiga fanka iyo
suugaanta iyo Universita Degli studi di Roma
“La Sapienza” waxa si buuxda
loogu adeegsaday labada arrimood ee uu qoruhu
ku tookhayo heliddooda. Waxana loo qoray sida
tusahan ka muuqata.
Waxa halkaa innooga cad in aqoonyahannadii
dejiyey abwaankani ay adeegsadeen isrogrogga
falka una adeegsadeen si fufud ood kolkaad
ereyga eegtaba garanayso isrogroggiisa. Halka
uu Qoraha Qaamuuska cusubi ka sameeyey shaxo
laga baadhayo ereyga, buugga xaggiisa bambana
lagu qoray. Markaa miyaan odhan karraa Saalax
waxa uu helay qaabka ama xeerka isrogrogga
falalka Soomaaliyeed. Haddii aan hortii cidi
adeegsan, waxay noqon lahayd arrin aan cidina
kaga masuugteen laguna hambalyeyn lahaa.
Waraysi uu qoruhu siiyey degelka sumaddiisu
tahay www. bulxan.com wuxuu ku sheegey inuu
wada akhriyey dhammaan wixii buugaag hortii
la qoray siiba qaamuuska Yaasiin Cismaan Keenadiid.
Hase yeeshee, Qaamuuska cusub laguma muujin
wax buugaag ah oo la tixraacay. Hadal iyo
dhammaantii, in hawl uu qof kale qabtay ama
ku hawshooday la sheegtaa rugaha aqoonta adduunka
waa arrin ka reebban
Qodobbada af-soomaaliga
iyo aragtida qoraha:
Guud ahaan af-soomaaligu wuxuu leeyahay laba qodob
oo isbedbeddela, kuwaas oo kala ah: -ka
iyo -ta. Qodobka hore wuxuu raacaa
magacyada lab. Kan labaadina kuwa dheddig.
Tusaale ahaan:
Wiil + ka = Wiilka
Inan + ta = Inanta.
Xarafka -k baa, haddaba, isu beddela -h
marka uu raaco magac ku dhammaada shaqalka
-o ama -e. Tusaale ahaan:
Caano + ka = Caanaha
Kabo + ka = Kabaha
Wade + ka = Wadaha
Waxa kale oo uu xarafka -k isu beddelaa -g
kolka uu raaco magac ku dhammaada, aa,
u, y, i, w, ama g. Tusaale ahaan:
Dhurwaa + ka = Dhurwaaga
Hu' + ka = Hu'ga
Qori + ka = Qoriga
Erey + ka = Ereyga
Cadow + ka = Cadowga
Rag + ka = Ragga
Kolalka qaarkood xarafkaasi (-k) wuu abraaraa markuu raaco magac
ku dhammaada xarfaha kala ah: h, x, q,
c, iyo kh. Tusaale ahaan:
Mulac + ka = Mulaca
Qiiq + ka = Qiiqa
Madax + ka = Madaxa
Tookh + ka = Tookha
Rah + ka = Raha
Qodobka -ta isna wuu isbeddelaa oo wuxuu
isu beddelaa: -da, -sha. Xarafka -t
baana noqda -d markuu
raaco magac ku dhammaada shaqal ama xarfaha
kala ah: d, c, x, h, y, firgin (').
Tusaale ahaan:
Maro + ta = Marada
Lo' + ta = Lo'da
Irrid + ta = Irridda
Duluc + ta = Dulucda
Qodax + ta = Qodaxda
Bah + ta = Bahda
Beeraley + ta = Beeraleyda
Markay -t ku xigsato -l waxay labada
cod, haddaba, isku noqdaan -sh. Tusaale
ahaan:
Macal + ta = Macasha
Ul + ta = Usha
Il + ta = isha
Calool + ta
= Caloosha
Maaha
xeer qof dejiyey ee waa abuurtii afku sida
ay u samaysantay. Aqoonyahanku, inta badan,
xeer ma dejiyo ee mid jirey buu gartaa sida
uu u hawl galo oo uu qeexaa. Meelo badan buu
qoruhu ku tookhayaa inuu xeerar dejiyey, meelo
kalana xeerarkii jirey buu ku tumanayaa. Tusaale
ahaan, ereyga 'Calool' sida kor ku
xusan wuxuu noqdaa kolka uu qodobkiisu raaco
'Caloosha'. Qaamuuskana waxa ku qoran
'Caloolsha'.
Sidaan
hore u soo tibaaxay, labada xaraf ee 'l'
iyo 't' baa kolkay isku darmaan noqda
'sha'. Haddii aragtida qoraha la qaato
waxay noqonaysaa inuu xarafka 't' noqdo
'sh'. Taasina maaha arrin dhab ah.
Hadal iyo dhammaantii, in labadii xaraf ee
meeshaba ka baxay midna la soo cesho midna
laga tagaa waa arrin iyana ila gurracan. Haddii
aragtida qaamuuska ku qoran la qaato ereyo
badan bey noqoneysaa in isirkooda aan laga
tegin. Tusaale ahaan ereyga 'nin' wadartiisu
waa 'niman'. Aragtida cusub haddii
lagu dhaqmo wuxuu noqonayaa 'ninman'.
Ereyga kale ee ah 'inan' isna wadartiisu
waa 'innamo'. Aragtida cusubna wuxuu
ku noqonayaa 'inannamo'.
Ereyada falka ihi waxay noqdaan magac faleed. Tusaale
ahaan: cun = cunid.
Marka hawsha cunidda lafteeda la tilmaamayo
waa 'cunitaan'. Markaan,
haddaba, 'cunitaan' qorayey,
way ii caddayd inuu ereygu ahaa cunid. Hayeeshee
qoruhu arrinta caynkaasa ayuu u qorayaa
'Cunidtaan'. Haddii uu rabay
inuu tilmaamo isirka ereyga iyo sida ay ereyadu
isu beddelaan waxay ahayd inuu buug naxwaha
u gaar ah qoro, ee may ahayn inuu qoridda
afka sidaasi u qoro.
Sababta ay dhawaaqyadu isu beddelaan waxa lagu qeexaa
sida ay u samaysmaan dhawaaqyada afafku. Sidaasi
awgeed xarafka 'd' waxa loo yaqaan
'voiced dental ploisive',
't'na waxa loo yaqaan 'Voiceless
dental ploisive'. Sidaasi awgeed
ayey 'd'-du u bannaysaa kaalinteeda
xarafka 't' kolka ay 'd' iyo
't' is xigsadaan. Marka haddaba la
qoro 'Cunidtaan' waxaad dareemeysaa
iney meesha ka maqantahay adeegsigii aqoonta
isasaamaynta dhawaaqayadu.
Abdiraxmaan Faarax "Barwaaqo"
wuxuu horay u qoray dhawr Buug uu ka mid yahay:
"MAGAC BILAASH UMA BOXO"
Ottawa, Canada
E-mail: Hal_aqoon@yahoo.com
Akhri Qaybtii 3aad
Soo Bandhige :Fu,aad
Bahda Mareegta Farshaxan
|