Waxtarka iyo dhibaatada
uu buuggu soo kordhiyey:
Hawl kasta oo la galaa waxtar iyo waxyeellaba way
yeelataa. Wayse kala bataan. Sida ay u kula
bataan baana lagu qiimeeyaa. Haddii hawsha
waxtarkeedu bato waxa loo arkaa guul u soo
hoyatey ciddi hawsha faraha kula jirtey. Marka
waxtarkeedu yaraadase, way caddahay in la
odhanayo hawshaasi waxay noqotay hal bacaad
lagu lisey. Waxaan haddaba isu foodin waxtarka iyo waxyeellada Qaamuuskani
soo kordhiyey, waxanan u kala qaadi laba qaybood.
Ta hore, waxan qirayaa in lagu soo ururiyey
ereyadii u badnaa ee ilaa hadda lagu soo ururshey
qaamuus Soomaaliyeed oo sooc ah. Waxa jira
Qaamuusyo Af-soomaali iyo afaf-shisheeye ah
oo tiradaa in ka badan lagu soo ururiyey.
Tusaale ahaan qaamuuska la yidhaa Dizionario
Somalo-Italiano (1985) waxa lagu soo ururiyey
ilaa 50 kun oo erey. Runtii hawshaasi waa
hawl dhaxal gal ah oo uu qoruhu ammaanteeda
leeyahay. Ujeeddaduse maaha xubnihii guddiyadii
afsoomaaligu inaanay awooddaa iyo kartidaa
midna lahayn, ee waxay ahayd ayaga oo rabay
iney la jaan qaadaan horumarka afka. Waxa
jirey aragtiyo badan oo laysku hayey oo la
rabey in meel laysla dhigo sida falka oo kale.
Dhanka falka laba aragtiyood baa jira. Dadka
qaar waxay u arkaan in falka Soomaaligu yahay
kolka uu wax faridda yahay. Tusaale ahaan,
cun, cab, caddee, wanaaji, tag, iwm. Qayb
kale ayaa u aragta inuu falku yahay kolka
ereygu falmagaceed noqdo. Tusaale ahaan, cunid,
cabbid, tegid, iwm. Sida ku xusan gogoldhigga
Qaamuuska Yaasiin waxa laysla gartay inaan
lagu degdegin inta laysla meel dhigayo. Sidaasi
awgeed ereyo badan baan lagu darin hayeeshee
la ururshey oo kaydsanaa. Runtii, waxan dareensanahay
in waxyeellada buuggani aad uga badan tahay
waxtarkiisa. Waxanan u qodobbayn sidan hoos
ku qoran:
1. Wuxuu dib u furay murankii iyo anaa idhidii.
2. Wuxuu meesha ka saaray u kala dambayntii
iyo isku tixgelintii aqoonta.
3. Wuxu suldaaro u dhigey horumarkii Afka
ee majaraha haystey.
4. Wuxu ku tuntay sidii aan soo sheegey xeerarkii
laysla meel dhigey.
5. Dhibaatooyinka afka ka jira ee u baahnaa
in wax laga qabto, sida kuwa hoos ku xusan,
qaamuusku waxba kamuu odhan.
Dhibaatooyinka Afka ka jira ee u baahan in wax laga
qabto:
Dhibaatooyin badan baa af-soomaaliga ka jira. Qof
kasta oo arrimaha afka ku gudajirana waxa
laga filayaa inuu dhaado iskuna taxalujiyo
sidii uu wax uga qaban lahaa. Gaar ahaan ciddii
isku dayda iney qaamuus qorto waxa la gudboon
iney arrintaa xilweyn iska saarto. Dhibaatooyinka
Af-soomaaliga ka jira una baahan in wax laga
qabto waxan kaga hadlay kuna soo bandhigay
qoraal uu ladhkiisu ahaa Xasilloonidarrada
Afsoomaaliga, kaasi oo ku soo baxay warsidaha
la yidhaa Hal-aqoon (Xidhmada 2 tirsigii
laad & 2aad), kadib wuxuu qoraalku ku
soobaxay dhawr degel oo ka mid ah degellada
ay Soomaalidu ku leedahay Internet-ka. Waxana
ka mid ah: www.somalitalk.com, www.somalieducation.com , www.farsbaxan.com
iyo qaarkale. Qoraalkaasi waxan ku tilmaamay
in 1972kii xuruufta laatiinka loo qaatay in
Af-soomaaliga lagu qoro. Hayeeshee aan la
guddoomin in isku si loo qoro. Waxan ujeedey
lama qeexin sida loo kala duwayo qoraalka
iyo hadalka. Arrintaasina, runtii, waxay dhalisay
in qofkastaa Afka u qoro sida uu isagu ugu
hadlo. Tusaale ahaan:
1.
Shibbanayaasha:
a)
DH
R
Adhi Ari
Foodhi Foori
Yidhi
Yiri
Cadho Caro
Gabadh Gabar
b) B M
Laba Lama
Habeen Hameen
Toban Toman
Tabar Tamar
C) C Q
Candhuuf Qandhuuf
d) D dh
Bud budh
e) X Kh
Xaako Khaakho
f) M N
Shimbir Shinbir
Sambab Sanbab
Dambe Danbe
Gambo Ganbo
g) J Y
mooji mooyi
jaxaas yaxaas
2.
Shaqallada:
a)
I
U
Dib
Dub
b)
0
A
Gobol Gabal
c)
U
I
Dhufasho Dhifasho
d)
A
I
Tallaabo Tillaabo
Waxan
qoraalkaas ku tilmaamay iney arrintani, runtii,
dhibaato xoog leh ku hayso dad badan oo afka
barta oo shisheeye iyo sokeeyaba leh. Waxan
weliba tibaaxay, dhab ahaanna, inaanay dhibaatadu
ahayn mid Af-soomaaliga keli ku ah ee ay afaf
badani soo mareen kana soo gudbeen loona baahan
yahay inaynu dhugmo (fiiro) gaar ah u yeelanno.
Afafkaa waxa ka mid ah Af-carabiga. Tusaale
ahaan, dalalka gacanka carabta, dadku xarafka
Kaaf ‘ﻚ’
waxay ugu dhawaaqaan Jiim ‘ﺝ’. Marka ay isbariidinayaanna
waxay yidhaahaan ‘Jeef xaalaj? ‘ﺞﻠﺂﺤ ﻒﻴﺟ’.
Hayeeshee kolka ay qoraal noqoto waxay qoraan
‘Keef xaalak ‘ﻚﻠﺂﺤ ﻒﻴﻜ’.
Dalka Masar dadkiisu xarafka ‘Qaaf ﻖ
waxay ugu dhawaaqaan ‘Aﺃ’ Marka uu haddaba
qof Masriyihi doonayo inuu kugu yidhaa ‘waxan
ku leeyahay’ wuxuu ku odhanayaa ‘ﻚﻠﺃﺃ’.
Hase ahaatee kolka uu qoraal maago waxa uu
qorayaa ‘Aqullak ﻚﻠﻗ ﺃ’.
Afka
Ruushka ayaan isna tusaale u soo qaatay, waxanan
sheegey inaan aragtidaas mid la mid ah ka
helayno. Tusaale ahaan dadka u dhashay ama
ku barbaaray jamhuuriyadda Ukraa’iin xaraf
ka ‘g’ waxay ugu dhawaaqaan ‘H’.
Kolka uu qof doonayo inuu ku yidhaa ‘waxan
ku hadlaa af-ruush’ wuxuu ku odhanayaa
‘Yaa habaaruu baa Ruski’. Hayeeshee
kolka ay qoraal tahay waxa uu qorayaa ‘Yaa
gafaaruu baa Ruski’.
G
(ga) H
(ha)
Waxan
intaa raaciyey in Af-ingiriiska qudhiisa aragtidan
oo kale ay jirto. Tusaale a-haan magaalamadaxda
Kanada dadka reer Kanada waxay ugu dhawaaqaan
‘Odhowa’. Hase ahaatee kolka la qorayo
waa ‘Ottawa’. Ereyada kala ah ‘bottle’,
‘Bottom’ iyo ‘Butter’ waxay
ugu dhawaaqaan ‘Bodhol’, ‘Bodhom’
iyo ‘Badhar’.
Waxa
tilmaan gaar ah ayana mudan ereyada isku dhigmada
ah hayeeshee kala dhihidda ah oo ay adagtahay
in la kala saaraa. Tusaale ahaan:
Addoon
- Addoon
Awr
- Awr
Baqal
- Baqal
Baraarug
- Baraarug
Beer
- Beer
Curad
- Curad
Dameer
- Dameer
Haddii erey kasta oo ereyadaasi ka mid ah qodobkiisa la raaciyo si hawlyar
baa loo kala garan karaa sida:
Addoon(-ka)
- Addoon(-ta)
Awr(-ka)
- Awr(-ta)
Baqal(-ka)
- Baqal(-sha)
Baraarug(-ga)
- Baraarug(-ta)
Beer(-ka)
- Beer(-ta)
Curad(-ka)
- Curad(-da)
Dameer(ka)
- Dameer(-ta)
Waxa, haddaba, jirta mar aanay ereyadaasi qaadan karin qodobbo oo ay adagtahay
in la kala saaraa. Kolkaasi oo ah kolka ay
ereyadu weedho ku jiraan. Tusaale ahaan, haddii
la yidhaa:
Xaddiyo inan bay ummushay.
Geeddi baa gool dilay.
Shukri waa curad.
Cali dameer buu fuulay.
Baqal baan arkay.
----------------------------------
Weedha hore lama kala garan karo
inay Xaddiyo gabadh ummushay iyo iney
wiil ummushay. Midda labaadna lama sheegi
karo inuu Geeddi awr gool ah dilay
iyo inuu baranbarqo dilay. Shukri ma
curaddii reerkaa mise waa curadkii? Cali
muxuu fuulay? ma dameerkoodii mise dameertoodii?
Aniga qudhaydu maxaan arkay? ma baqalkii la
cunayey mise baqashii gammaanka ahayd?
Ereyada shaqalka culus iyo kuwa shaqalka fudud baa qudhoodu u baahan in
qoraalka lagu kala qeexo sida:
Dul(-ka) - Dul(-sha)
Duud(-da) - Duud(-ka)
Daaf(-ka) - Daaf(-ta)
Duulid(-da) - Duulid(-da)
Tusaalooyinkii
hore (kuwa dhawaaqyada) waxa innooga dhuroobey
iney jiraan dad badan oo dhibaatooyinka aan
ka cabanayno soo maray oo aan la wadaagno.
Hayeeshee ay si habboon oon turxaan lahayn
u maareeyeen. Waxa kale oo halkaa innooga
muuqata in afkii loo kala saaray mid qoraalka
u goonniya oo laga simanyahay iyo mid hadalka
u gaar ah oo qofkastaa u hadlo sida uu isagu
jecel yahay. Waxa kale oo tilmaan mudan in
la sheego inaanay dadkaasi afkooda kala sheeganin
ama kala xigteysanin.
Haddaba,
sida keliya ee uu Af-soomaaliguna dhibaatadaa
kaga bixikaraa waa iyada oo afka loo kala
saaro sida afafkaa aan soo tilmaamay:
a)Af qoraalka u gaar ah, iyo
b)Af hadalka u goonniya ( af-guri ).
Midhkaas oo aan ula jeedo inaan qof waliba u qorin afka sida uu isagu ugu
dhawaaqo ee uu Af-soomaaligu noqdo, sida afafka
kale, mid si loo wada qoro. Waxa haddaba isweydiin
leh sida loo xulanayo dhawaaqa la qaadanayo.
Qof ahaan waxa aniga ila qumman in laba arrimood
mid la yeelo. Waa ta koobaade in la qabto
guddi-aqooneed afka aqoontiisa ku talax tagtay
kana kooban dhammaan deegaanka Af-soomaaliga
lagaga hadlo. Guddidaas oo xilkeedu noqon
doono inay inoo soo xusho dhawaaqa aan qoraalka
u qaadandoonno ayaka oo ka eegaya dhinacyo
badan sida: naxwaha, dhaqaalaha, afka quruxdiisa
iyo weliba aragtiyo kale oo laga yaabo iney
jiraan hayeeshee aanan hadda haabka ku hayn.
Waa ta labaade in tirakoob la sameeyo oo dhawaaqa
loo bato qoraalka loo qaato iyada oon loo
arkayn, kii la doonaba ha la qaatee, in dhawaaqa
la qaataa ka wanaag sanyahay kuwa kale een
la qaadan.
Tusaalooyinka
dambe dhawr aqoonyahan baa isku deyey iney
wax ka qabtaan. Tusaale ahaan Dr. Yaasiin
C. Keenadiid wuxuu ku adeegsaday buuggiisa
la yidhaa Qaamuuska Af-soomaaliga (1976)
astaantan soo socota:
Dulº (-ka)
Duuf° (-ka)
Duudsi°(-ga)
Duulidº (-da)
Waxa
ayana astaanta hoos ku qoran ku adeegsaday
buugga la yidhaa Dizionario Somalo-Italiano
(1985) aqoonyahannada kala ah Ciise
Maxamed Siyaad, Agostini, Francesco, and Annarita
Puglielli:
Du̧̗l(-ka)
Du̧̗uf
(-ka)
Du̧̗udsi(-ga)
Du̧̗ulid
(-da)
Aniga
qudhaydu waxan damcay inaan ku adeegsado buugga
la yidhaa Abwaan cusub oo Af-soomaali iyo
Af-ingiriisiya (1995) astaan ka geddisan
kuwa aan sheegay. Tusaale ahaan:
_
Dul
(-ka)
_
Duuf
(-ka)
_
Duudsi(-ga)
_
Duulid
(-da)
Haseyeeshee,
markii aan ogaaday iney jiraan aqoonyahanno
arrinka ku hawlaa iskuna deyey iney hortey
wax ka qabtaan ayaan go’aansaday inaan uga
hadho kalana doorto labadaa astaamood ee ay
adeegsadeen. Waxanan qaatay midda dambe, iyada
oo ay ujeeddadaydu ahayd inaan lays barbar
ca-rarin, qof walibana doonin in la yidhaa
isaga ayaa tiisii la qaatay. Haddii aragtiyo
kale la keenayana waa arrin furan.
Astaamahaasi
waxay gaar u yihiin, sida muuqata, ereyada
shaqalladoodu culusyihiin iyo kuwa la dhigidda
ah oo qudha, kuwaasi oo ayana u baahan in
la mideeyo. Kuwa isku dhigidda iyo kala dhihidda
ah een soo tilmaamayna waxa habboon oo lagama
maarmaan ah in ayana astaamo kuwaa la mid
ah ama ka geddisan lagu adeegsado. Tusaale
ahaan
Xaddiyo
ínan(wiil) bay ummushay.
Xaddiyo
inán(gabadh) bay ummushay.
Geeddi
baa gòol(awr) dilay.
Geeddi
baa góol(baranbarqo) dilay
Shukri
waa cúrad.
Shukri
waa curád.
Damèer
baan fuulay.
Daméer
baan fuulay.
Báqal
baan arkay.
Baqál
baan arkay.
Hadal iyo dhammaantii, qoraalkan
waxan dhawr erey ka idhi bilicda buugga. Anigaoon
ku talaxtegin, waxan si kooban uga hadlay
mahadhadii Af-soomaaliga iyo heerarkii kala
duwanaa ee uu kasoo gudbey iyo go'aannadii
wax-ku-oolka ahaa ee ay guddiyadii Afsoomaaligu
gaadheen. Waxan si aan turxaan lahayn u gorfeeyey
aragtida uu buuggu ku salaysan yahay. Waxa
wax ka sheegey wuxuu buuggu dhib iyo dheef
labadaba soo kordhiyey. Ugu dambayntii waxan
ku soo gabagabeeyey dhibaatooyinka Afka ka
jira ee u baahan in si cilmiyeysan wax looga
qabto. Dhibaatooyinkaas aan sheegey
Abwaanku (Qaamuusku) wax-ka-qabasho ha joogtee,
muu soo hadal qaadin. Afkuna ururin qudha
uma baahna ee horumarin badan baa u dhiman
oo uu u baahan yahay.
Raadraac
Abraham,R.C. 1964, Somali-English Dictionary,
London: University of London Press (reprinted
in 1968 ).
Agostini, Francesco, Annarita Puglielli
and Ciise Moxamed Siyaad (Eds.) 1985 Dizionario
Somalo-Italiano Rome: Cooperazione Italiana
allo Sviluppo.
Armstrong, Lilias E. The phonetic structure
of Somali, republished by Gregg International
Publishers Limited, 1964
Andrzejewski, B. W. The development of a
national orthography in Somalia and the modernization
of the Somali language, Horn of Africa ( journal
), Vol.1 No.3, July / September 1987.
Cabdiraxmaan C. Faarax "Barwaaqo".
Abwaan Cusub oo Af-soomaali iyo Af-ingiriisiya:
A Modern Somali-English Dictionary, printed
by Ottawa Roman Catholic Separate School Board,
1995. xxix,468 pp.
___ Magac Bilaash Uma Baxo: Ujeeddooyinka
magacyada iyo Naanaysaha Soomaaliyeed, published
by the author, Ottawa, September 1998. 1st
edition. x, 209pp.
___ Xasilloonidarrada Af-soomaaliga,
Hal-aqoon Journal , Xidhmada II aad
, tirsiga 1 aad,iyo ka 2 aad Jan/Ogost. 2002,
37-42p.
Cabdalla C. Mansuur iyo Axmed Cabdullaahi
A. Qaamuus Af Talyaani-Soomaali, Daabacaaddii
Koowaad, 1985. xii,180pp.
Cabdalla C. Mansuur iyo Annarita Puglielli.
Barashada Naxwaha Af Soomaaliga, HAAN
Associates, London, 1999, x, 304pp
Cabdiraxmaan Ciise Oomaar iyo Siciid Warsame
Xirsi. Af-garad: Qaamuus Ingiriisi-Soomaali/English-Somali
Dictionary, Mogadisho.
D. I. Stepanjenko iyo Maxamed Xaaji Cusmaan.
Abwaan Urursan Af-soomaali iyo Ruusha,
Ruush iyo Soomaaliya, Moscow, 1969. 319pp.
Luling, Virginia. Somali-English Dictionary,
Dun woody Press/Wheaton, MD,1987. vi, 605pp.
Maxamed Cabdi Maxamed. Eraybixin Soomaali-Faransiis/Lexique
Somali-Francis, Besancon, 1987. ix, 128pp.
____Dictionnaire Francis-Somali/Qaamuus
Faransiis-Soomaali, 2vol. Paris, 1986. ix,
598pp
Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal(edited
by B.W. Andrzejewski). Xikmad Soomaali, Oxford
University Press, London, 1956, xi,150pp.
Saalax Xaashi Carab. Qaamuus –
Ereykoobe, Machadka Afafka ee Xarunta Cilmibaadhista
Jabbuuti, Jabbuuti, 2004, xxvi, 576pp.
Saeed, John Ibraahim. Somali Reference
Grammar, Dun woody Press/Wheaton, MD,1987.
vi, 275pp
Shire Jaamac Axmed. Naxwaha Af Soomaaliga,
Akadeemiyaha Dhaqanka wasaaradda Hiddaha iyo
Tacliinta sare, Xamar, 1976.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaa rinta,Eray-bixin,
Muqdisho.
http://www.hamrey.com/index.php/articleview/1323/1/8
/
Abdiraxmaan Faarax "Barwaaqo"
wuxuu horay u qoray dhawr Buug uu ka mid yahay:
"MAGAC BILAASH UMA BOXO"
Ottawa, Canada
E-mail: Hal_aqoon@yahoo.com
Akhri Qaybtii 2aad
Soo Bandhige :Fu,aad
Bahda Mareegta Farshaxan
|