Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Kheyriyada Farshaxan

Bahda Farshaxan EMAIL ..

 

                                      Abril waa lix maantana
                                      Astaan weeye mudanoo
                                      ururkii jihaad galay
                                      Loo taagay udubada

                                      Allahayaw dul badanaa
                                      Aasaasayaashii
                                      Lagu xidhay abdaaliyo
                                      Allanbaqa mandheera ah
                                      Annigaa se xaal siin
                                      Ummaduna abaalkii
                                      Weli way u haysaa
                                      Arag farax leh baa jira
                                      Ku liddiya ilawshaha
                                      Eegmaduna raad tahay
                                      Ayaamihii xornimadiyo
                                      Astaynaaya waagii.

                                          Cawaale Ibrahim Hussein

  Waar! hoy! dadkaygoow
  Laba daan dhexdoodiyo
  Dalqo bahal qof galayoo
  Dirqi iyo tu fool adag
  Debedda ugu soo baxay
  Halkii shalayto lagu dilay
  Ma dareemi waayee
  Durba miyaa iloowdeen
  Duunyadiinii dhacantiyo
  In dadkiinii maqanyahay
                          Ibraahim Saleebaan "Gadhle"
                          (Ilaahay ha u naxariisto)

Taariikhdu waa hagaha kaliya ee sugan tilmaamana ummad kasta.Sidaa darteed mar walba
in la xaqiijiyo oo la ururiyaa waa xilalka ugu waaweyn ee ummad kasta iskeed u saaran.
Ummada reer Soomaaliland ka dib markay iyagoo danta guud ee qawmiyada Soomaaliyeed
eegaya ay lixdankii  doorbideen isku keenida qawmiyada Soomaaliyeed ayey horseed u
noqdeen isku darsadkii British Somaliland iyo Italian Somalia.


Hase yeeshee markii maamuladii kala danbeeyey si danta guud  ka durugsan ugu hal
maaleen kheyraadkii,deeqdii iyo nidaamkii dawladnimo laheyd ayaa waxaa soo baxay
in si bani'aadnimada ka durugsan oo ah dhac,boob iyo dil loogu abaal guday ummadii
xoriyadeedii danta guud u hurtay ,bal u fiirso hadalada mid  ka mid ah muumuladii
lixdankii:

the Interior Minister at that time, Mr.Abdirazak Haji Hussein, arrived in Hargeisa
and made a speech in which he reportedly said the following: "I was not thinking
that so many people live in Hargeisa”."Ma aan moodayninin
in waxan oo dad ihi Hargeisa u soo hoydaan".
And "You were only one region in the past and we made you two regions".
"Maxaad la qaylinaysaan hal gobol ayaad
 aheydeen, hadana waxaan idinka dhignay laba Gobol".
                                      Paper:Somaliland State Formation
                                      by: Mohamed-Rashiid Sh.Hassan

Waa hadalo aan qaban meesha laakiin ka turjumaysa garaadka shakhhsiga isticmaalay.
Ilaa xiligaasi ummada reer Soomaliland way dareemeen dulmiga lagu hayo waxaana si fiican
looga garan karaa kacdoonkii saraakiishii reer Soomaliland ee hormoodka ka ahaa
Ilaahay ha u naxariistee "Xasan Keyd Cabdule Walanwal".Sidoo kale suugaan ahaana in loo
caqli celiyo maamulkaa waa laysku dayey hadaladan baa ka turjumaya dareenkii ummada
reer Soomaliland :
Dowlad so gashay ma'ehine   danteena laba diiday.
Dunjigii Barlamaankow.      Dakadii Xamar baa leh,
Berbera daadku ha qaado,    dooni yaaney ku leexan,
Makhirkoos ha duloobo,      duqeyddii barlamaankay
              labadaa kala daayaa
                                       C/Laahi Suldaan "Timacade"
                                       (Ilaahay ha u naxariisto)

Dareenka ku ladhan kacdoonku si joogto ah ayuu u jiray ilaa xiligaa ha kala duwanaado
qaabka loo soo bandhiyee.

Si ay suurtogal u noqoto la dagaalanka xad gubaha ,looguna hiiliyo dalka iyo dalka
dulman ayaa rag dhawr ahi  naftoodii ,hantidoodii iyo inta rag ku faano raadiyana
ay hureen ,waxaase nasiib daro noqotay inaaney midhihii geedkay intay hureen ku
waraabiyeen calfan geeri ku timid darteed badhkood(IHUN),laxaad li'i ay kala
hoydeen gadoodkaa darteed,iwm.Bahda mareegta farshaxan waxay garatey inay xusto
halyeyadaa todobaadkan oo dhana u hibayso iyaga dhaqdhaqaaqa mareegtan
u ban baxdey  ururinta ,kaydinta ,iyo daryeelka sooyaalka  ummada Soomaaliland


 *Qoraal Xuska Maalinta Mujaahidiinta:

Qalinkii:Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale

*-Mujaahid Ibraahim Maygaag Samater

Mareegta Ibraahim Maygaag

*-Mujaahid Turki X.Maxamuud Jaamac

*-Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale

*-Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye"Lixle"(Ihun)

*-Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan(Ihun)

*-Mujaahid Cali Xuseen(Ihun)

*-Mujaahid Maxamed Ibraahin Warsame

*-Mujaahid Maxamed Abokor(Ihun)

*-Mujaahid Xasan Sh Muumin(Ihun)

*-Mujaahid Ibraahim Gadhle (Ihun)

*-Mujaahid Axmed Diiriye Qaasim(Ihun)

*-Mujaahid Maxamed Jaamac Nuur"Blaki"

*-Mujaahid Aadan Sh.Maxamed Cabdi Casoowe(Ihun)

*-Mujaahid Xasan Yoonis Habane(Ihun)

*-Mujaahid Maxamed Bashe X. Xasan

*-Mujaahid Ambassador Dr.Axmed Maxamed Xasan(Ihun)

*-Mujaahid Abwaan Xasan X. Cabdilaahi"Xasan Ganay"

*-Mujaahid Abwaan Axmed Diiriye Qaasim(Ihun)

*-Mujaahid Cali Muxumed Guuleed "Cali Maarshaal"(Ihun)

*-Mujaahid Faysal Canbalaash"

*-Mareegta Faysal Canbalaash"

*-Soo Socda

*-Soo Socda

Codsi: Qofkii haya taariikh Mujaahid hanala wadaago kol aad inta ka nool wareysato.. Soo Bandhige: Fu'aad Sh. Bahda Mareegta Farshaxan Http://www.farshaxan.com

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.